SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

May 20, 2004

ISBITAALKA SOS UMA XIRNA BEESHA REER XAAJI SULEYMAAN

 

Baryahaan waxaa website-da iyo warfaafinta Somaalida qaarkood qorayeen in Isbitaalka SOS uu u xiran yahay Beesha reer Xaaji Suleymaan, taasoo ay website-yada qaarkood sida GOOB JOOG soo qoreen in Guurtida beesha Hawiye ku tilmaameen arin ceeb ku ah beeshaas in isbitaalka SOS  iyaga u xirnaado ayna beesha reer Xaaji Saleymaan sheegeen inaan Isbitaalkaas la furi Karin.

Haddaba anagoo ah Jaaliyadda Beesha reer Xaaji Suleymaan ee ku nool dalka Canada waxaan umadda  Somaliyeed u sheegaynaa in hadalada ay website-yadasi soo qoreen yihiin kuwa been abuur ah meel ka dhacna ku ah magaca iyo sharafta Beesha reer Xaaji Suleymaan.

Ummadda Somaliyeed way ogtahay in Beeshani horyaal waligeed ka ahayd walina ka tahay xal u raadinta iyo nabadaynta ummadda Soomaaliyeed qaasatan koofurta Soomaaliya, laga soo bilaabo la dagaallankii Xukunkii kaligi taliyihii Maxamed Siyaad Barre ilaa iyo waqtiga la joogo.

Iyadoo ay caddahay  in sababta  Isbitaalkaasi u xiran yahay ay ku lug yeelan karaan shaqsiyaad u dhashay beesha  ayna ka tabanayaa qaar ka mid ah howl-wadeenada Isbitaalkaas, inkasta oo kuwa dolman ay ku andacoonayaan in aan wada xaajoodka iyo habsami u socodka Isbitaalka aan la’isku lug xirin, waxa ayna cadeyeen in  uusan Isbotalku u xirneyn iyaga, laakiin uu u xiranyahay kuwa gacanta ku haya Isbitaalka, si ay u hoosaasiyaan xaaladda dhabta ah ee iyo wax ka qabashada dhacdadan murugsan, waxaa kale oo ay sheegeen in Isbitaalku loo furo Bulshada dolman, sida Dumarka iyo Carruurta. 

Jaaliyaddu waxa ay     shacbiga Somaliyeed u cadaynaynaa in aan Isbitaalka SOS u xirnayn Beesha Reer Xaaji Suleymaan, isla markaasna ay ku haboon tahay wabsit-yada iyo Idaacadaha qaarkood     arintaas soo qoray in ay raali galin ka bixiyaan wararkooda ku dhisneyn xaqiiqada, kana fiirsadaan inay qoraan eeddayn beel dhan ku wajahan, waayo way ogyihiin in aan masuuliyadda dhibaatooyinka shacbiga Muqdishu ku habsaday beel gaar ahi masuul ka ahayn.

Ugu danbayntii waxaan odayaasha isku magacaabay Guurtida beesha Hawiye ka rajaynaynaa in ay wax ka qabtaan arimaha ka culus xirnaanshaha Isbitaalka SOS sida, kala badbaadinta dhiigga dadka walaalaha ah ee qul qulaya waddooyinka Muqdishu iyo maamul u samaynta Magaalo madaxda Somalia si looga badbaado dhacdooyinka noocaan oo kale ah.

Beesha reer Xaaji Suleymaan

Toronto, Canada
Waxaa Toronto nooga soo diray.
C/qaadir Cali

Waxaa kala xiriitaa Amiin Yuusuf Khasaaro  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk  May 20, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD