WARARKA MAANTA
Kulankii Wasiirada arimo dibadeedka Urur Goboleedka
IGAD oo maanta dib u dhac ku yimid, kadib markiii ay…
Kulan maanta lagu waday
in ay iskugu yimaadaan Wasiirada arimaha dibada ee Urur
goboleedka IGAD magaalda Nairobi ayaa waxaa ku yimid dib
u dhac,kadib markii ay wasiirada arimada dibadeedka
qarkood ay habeenkii xalay ahaa ay cudur daarteen soo
gaarsiiyeen Wasaarada arimaha dibada ee Kenya.
Dib u dhaca kulankii
maanta ee wasiirada ayaa waxaa shaaca ka qaaday
wasaarada arimada dibada ee Kenya, waxa ayna sheegtay
wasaardu in uu dib u dhacaan ka danbeeyay kadib markii
ay soo xaadi waayeen wasiirada kuulankii laagu talo
galay iyagoo soo gudbiyay cudur daar, iyagoo dhan kalena
codsaday in kulanka laga dhigo maalinta Bare ee
taariiqdu ku aadantahay 21/04/04.
Wasiirka Arimaha dibada
ee Kenya ahna Guddomiyaha wasiirada arimada dibadedka
Urur goboleedka IGAD Stephen Kolonzo Musyoka ayaa isagu
socdaal gaaban ku soo bixinaayo wadamo ka tirsan qaarada
Yurub,ilo ku dhaw dhaw wasaarada arimada dibada ee kenya
ay maanta waxa ii sheegen in kolonzo la filaayo in uu
maanta galinka danbe uu ku soo laabto Magaalada Nairobi.
Si kastaba ha’aatee Dib
u dhaca kulankii wasriida Arimaha dibada ee IGAD ayaa
waxaa dhan kale maanta walaac ka muujiyay ergada ka qeyb
galayso Shir dib u heshiisiinta Somalida, ergada shirka
Mbagathi ayaa maanta waxa ay wasiirada ka sugaayeen in
ay ka hadlaan arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay cunto
la’aanta ergada heesato haatan.
Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin)
Nairobi,Kenya
nasrudiin5@hotmail.com
<><><>
W/Q.Abdi Wali Ibraahim
Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Wajiga sadexaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomalida
ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Madasha shirka ee
Mbagathi ee duleedka Magaalada Nairobi.
Furitaanka wajiga sadexaad ee shirka dib u heshiisiinta
soomaalida ayaa ayaa waxaa uu ku soo beegmay xilli inta
badan Hogaamiye Kooxeedyadu ay ka maqan yihiin Madasha
shirka, iyadoo Urur Goboleedka IGAD ay horey ugu baaqeen
in in dhammaan Hogaamiye Kooxeedyada Soomaalidu ay ka
soo qayb galaan Wajiga sadexaad ee shirka Bilowgii
bisha May, si loo taabo galiyo hanaanka shirka dib u
heshiisiinta Somalia .
Dhinaca kale waxaa maanta kulan yeelanaya Wasiirada
Arrimaha Dibadda wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD,
kulanka Wasiirada ayaa la sheegay in ay kaga wada
hadlayaan sidii shirka Soomaalida ee mudda dheer socday
uu miro dhal u noqon lahaa loona dhisi lahaa Dowlad Ku
meel gaah ah.
Warar
laga soo xigtey Qaar ka tirsan Wasiradda Arrimaha
Dibadda ee Wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD oo aan
la carabaabin ayaa sheegay in ay ku rajo wayn yihiin in
Wajiga Sadexaad ee shirka Soomaalida ay ka soo qayb gali
doonaan dhammaanba Kooxaha Siyaasadda ka jira Dalka
Somalia .
Kulankaan ay yeelanayaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee
Wadamada ku jira Ururka Igad ayaa waxa uu dabo socdaa
kulan kan ka horeeyay oo ay isla magaalada Nairobi ku
yeesheen 7-dii bishaan, iyagoo xilligaasna ugu baaqay
Qaybaha siyaasada inay dib ugu soo laabtaan Madasha
shirka, ka hor 20 May, laakiin Baaqaasi ayaa waxa uu u
muuqdaa mid aan wali hirgalin, inkastoo la sheegay in
maanta la filayo in Hogaamiyeyaal shirka ka soo baxay in
ay dib ugu laabtaan madasha shirka.
Dagaal shaley galinkii dambe ka dhacay agagaarka Xaramka
ee ka degaanka Jilib ayaa lagu soo waramayaa in uu
dhaliyey khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo soo
gaarey dhinacyadii ay dirirtu dhex martey.
Sida
lagu helo wararka ka imaanaya deegaanka Xaramka oo
shaley galinkii dambe ay uu dagaalk Qaraari ku dhex
marey Beelo wada dega deegaankaasi ayaa lagu soo
waramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan shan qofood oo
dhamaantoodba ahaa Maleeshiyadii dagalaamaysay, halka
Dhaawacuna uu Caga cagaynayo Tobaneeyo.
Dagaalka Tuuladda Xaramka oo dhawr jeer soo noq noqday
ayaa sababta shaley dhalisay dagaalka lagu sheegay in ay
ka dambaysay ka dib markii Beesha gacanta ku haysa
Tuullada Xaraka ay Duulaan ku qaadeen dhulka hawdka ah
ee ay degan yihiin Beesha ay dirirto kala dhaxayso.
Dagaalka ka dhacay Xaramka oo socday muddo saacado ah
ayaa markii dambe istaagay iyadoo aysan jirin cid dhex
dhexaadin ka sameysay, laakiin xaaladda Deegaanka
Xaramka ayaa lagu soo waramayaa in ay wali kacsan tahay
Dhiilo colaadeedna ay jirto iyadoo laga cabsi qabo in ay
dib isugu soo laabtaan maleeshiyooyinkii uu dagaalku
dhex marey.
Beeralayda Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa cabasho ka
muujiyay Cayayaan aan la garaneyn oo la sheegay in uu
dhibaato ba’an ku hayo Dalaga Beerahooda.
Beeraleyda ku dhaqan Gobolka shabeellada Hoose ayaa
waxaa soo food saartey dhibaato xoogan oo ay kala
kulmeen Cayayaan aan horey loo arag kasoo dhibaato ku
haya Abuurka Beeraha ee xilligaan.
Qaar
ka tirsan Beeralayda gobolka oo lasoo xiriiray
Shabakadan ayaa sheegay in inta badan Xilliga roobka
ka dib ay arki jireen Cayayaan yar yar oo dhibaato u
gaysta Dalaga Beerahooda, laakiin Cayayaankaan hadda
dhibaatada ku hayaa uu ka duwan yahay Cayayaanadii ay
arki jireen, waxayna sheegeen in Muuqaal ahaan
Cayayaankaani uu shabaho Tixriga.
Beeralaydu waxay sheegeen in aysan haysan daawo ay kula
dagaalamaan Cayayaanka Xaalurinta ku haya Beerahooda,
iyagoo sheegay in aysan dili Karin Sunta loo adeegsado
Cayayaanka ee ay horey u haysteen.
Waxaa
kaloo Beeralaydu intaasi ku dareen in Cayayaankaani uu
waxyeelo u gaysanayo gabi ahaanba Dalagyada Beeraha sida
Galeyda Haruurka iyo Digirta iyo kuwo kale.
Beeraleyda gobolka Shabeeladda Hoose oo horey uga
Cabanayey dhibaato Biyo la’aaneed ka dib markii
Roobabkii Gu’ga ay yaraadeen ayaa waxaa niyad jab ku
abuurey Cayayaankaan aan la garanayn ee dhibaatada ku
haya, waxayna ka codsadeen Hey’addaha Caalamiga ah in
ay ka caawiyaan sidii ay ula dagaalimi lahayeen
Cayayaanka dhibaatada ku haya Beerahooda.
Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Col, C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Hogaamiyayaal la socday ayaa shaley
galinkii dambe gaarey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Col:
C/llaahi Yuusuf iyo Hogaamiyaasha kale ee la socday oo
ka soo duulay Deegaanka uu madaxda ka yahay ee Puntland
ayaa lagu soo waramayaa in si diiran loogu soo dhaweeyay
Magaaladda Nairobi.
Wafdiga la soday C/llahi Yuusuf ayaa la sheegay in ay ka
mid ahaayeen C/casiis Sheekh Yuusuf, Maxamed Cusmaan
Maye, Gen, Cade Muuse, iyo xubno kale ayaa Ujeedada
Safarkoodu yahay sidii ay uga qayb gali lahaayeen Wajiga
Sadexaad ee shirka Dib u Heshiisiinta Soomaalida ee
Muddada hakadka ku jirey.
Soo
dhawaynta xubnaha uu horkacayey C/llaahi Yuusuf ayaa la
waxaa Garoonka kaga hor yimid qaar ka tirsan Ergada
Soomalida ee ka qayb galeysa shirka dib u heshiisiinta
waxaana sida wararku nagu soo gaarayaan Ergada C/llaahi
Yuusuf Garoonka kaga hor timid ka mid ahaa Ra’iisul
Wasaarihii hore ee Dowladda Kumeel Gaarka ah Xasan
Abshir Faarax iyo Xubno kale.
Kooxihii dhawaan ku dagaalamey Waqooyiga Magaalada
Muqdisho ayaa xaley Rasaas Culus oo ka dhacaysay Qoryaha
Nuucyadooda kala duwan isku waydaarsaday goobaha ay isku
hor fadhiyaan.
Rasaasta ay iswaydaarsadeen kooxahaan ayaa waxaa laga
maqlayey in badan Xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa
socotey qadar daqiiqado ah, iyadoo markii dambana iskeed
u joogsatey, lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta
ah ee ay gaysatey rasaastii ay xaley is waydaarsadeen
kooxaha isku hor fadhiya Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Labada Maleeshiyo ee uu dagaalku dhex marey ayaan la
kala qaadin tan iyo markii ay dirirtu dhex marey muddo
haatan laga joogo labo todobaad, iyadoo waan laga dhex
wadayna lagu guul dareystey in la dhameeyo khilaafka u
dhexeeya labadaasi kooxood.
Dhinaca kale garabka uu hogaamiye Cumar Filish ayaa ka
digey colaad ay sheegeen in laga abaabulayo Hotel
Ramadaan oo ku yaala waqoogi Magaaladda Muqdisho, iyagoo
sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin waxyaabaha
laga wado Hotelkaasi inkastoo aysan sheegin waxa ay
sameyn doonaan.
Dhaqaatiirka Caafimaadka ee ka hawl gali jirtey Magaalo
madaxda gobolka Sool ee Laascaanood ayaa lagu soo
waramayaa in ay isaga huleeleen halkaasi ka dib markii
ay soo wajahday cabsi dhinaca ammaanka ah.
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Laascaanood ayaa
sheegaya in dadka ku dhaqan deegaankaasi ay soo food
saartey dhakhaariit la’aani ka dib markii ay halkaasi
isaga baxeen dhakhaatiirkii ka hawli gali jirtey
magaaladaasi.
Ka
bixitaanka dhakhaatiirta ee gobolka Sool ayaa la
xiriirinayaa ka dib markii dhakhaatiirta ay soo wajahday
Cabsi dhinaca ammaankooda ah iyaodoo la sheegay in qaar
ka tirsan dhakhaatiirta lagu raadsanayo aano Qabiil
iyaga oo aan waxba galabsan.
Gobolka Sool oo ay horey uga jirtey dhakhtar yari ayaa
arrintaani waxay ka dhigaysaa in dadwaynaha ku dhaqan
deegaankaasi ay waayaan gabi ahaanba dhakhaatiir
dawaysa.
Waxaana la sheegayaa in dadka Bukaanka ah ee Reer Sool
ay Dawooyin u soo raadsanayaan Goobo ka baxsan Gobolka
Sool, taaso dhibaato xoogan ku ah dadka ku dhaqan
gobolka.
Wararku waxaa kaloo intaasi darayaan in dhakhaatiirta
isaga huleeshay Gobolka Sool uu ka mid yahay Dhakhtar
Caan ka ahaa gobolka laguna magacaabo Shahaado, waxaana
maalin kasta la keenaa magaaladda Laascaanood dad la il
daran dhaawacyo soo gaarey iyodoo qaarkoodna ay u
nafwaayaan daryeel la’aan awgeed.
Ciidamada Mareykanka eek u sugan dalka Ciraaq ayaa lagu
soo waramayaa in ay weerar xagga Cirka ah ku dileen
afartan qof oo Ciraaqiyiinn Rayid ah.
Weerar xaga Cirka ah oo ay qaadeen Ciidamada Mareykanka
eek u sugan dalka Ciraaq ayey ku dileen ugu yaraan
afartan qof oo Ciraaqiyiin ah in ka badana ku dhaawaceen
weerarkaan oo dhacay Xaafada Makradii oo ku taalada
Xuduuda u dhexaysa Ciraaq iyo Syria.
Sida
ay sheegeen dad goob joogayaal ahaa Diyaaradda Dagaalka
ee Mareykanka yaa gantaalo la beegsadey goob ay ku
sugnaayeen dad u dabaal Dagayey Xaflad Aroos, laakiin
General ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa isna sheegay
in Dagaalkaasi lagu qaadey goob ay ku sugnaayeen waxa uu
ugu yeeray dagaalyahono Shisheeye ah.
Dhinaca kale Talefishinka ku hadla Afka Carabi ee
Fadhigiisu yahay Imaaraatka Carabta ee Al-Carabiya ayaa
dhacdadaan ku tilmaamey mid Xasuuq loogu gasytey dad aan
waxba galabsan oo Rayid ah .
Dhibaatooyinka Nuucaan ah ee duqayn loogu gaysto dad
goob isugu soo ururay oo u dabaal dagaya Xaflado Aroos
ayaan aheyn tii ugu horeysay iyadoo Ciidamada Mareykanku
ay dhuqayn ugu gaysteen dad ku sugnaa goob Xafladeed
isla Dalka Ciraaq.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Xaley
Cambaareeyay Falalka Wuxushnida ah ee Ciidamada Israel
ay ku dhuminayaan Boqolaal guri oo ku yaala Deegaanka
Rafah.
Hogaamiyaha Reer Falastiin Yasser Arafaad ayaa soo
dhaweeyay Tallaabada Cambaareynta ah ee ay qaadeen
Golaha Ammaanku, wuxuuna dhinaca kale ku tilmaamtey
falalka ay gaysanayaan Israel inay yihiin kuwo muujinaya
in ay lugaha kula jiraan falal ay ku gaysanayaan dambiyo
dagaal ayna mudan yihiin in Caalamku la xisaabtamo.
Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee ka immaanaya
Deegaanka Rafah ayaa sheegaya in Ciidamada
Israa’iiliyiintu ay ku dileen shan qof oo ah Rayid ah
tiro kale oo fara badana ay dhaawacyo u gasteen.
Taleshinadda ku hadla Afka Carabiga ee Al-jazeera iyo
Al-Carabiya ayaa soo bandhigay Dhawacyo fara badan oo ay
askarta israa’iil ku dhawaaceen Deegaanka Rafah,
inkastoo ay soo baxday Cambaareynta golaha amaanka ee ku
aadan falalka ay gaysanayaan Ciidamada israle hadana
majiraan wax is badel ah oo ay muujiyeen
Israeliyiiintu.
Koox xiriir la leh Abu Muscab Al-Sarqawi oo ah Hogaamiye
Sare oo ka tirsan Ururka uu madaxda ka yahay Sheikh
Osama bin ladin ayaa sheegay in ay fuliyeen weerarkii
lagu diley Cisidiin Saliim.
Kooxdaasi oo isku magacawday in yihiin kooxdii Jihaadka
oo la sheegay in Sarqawi uu hogaamiye u yahay in ay
lahaayeen qoraal dhawaan lasoo dhigay website Islami ah
oo lagu xaqiijiyay in ay dambeeyeen wareerkaasi.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga uu hor
kacayo Mareykanku ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa sheegay
in Weerarkii is miidaaminta ahaa ee lagu diley
Cisidiin Saliin uu ahaa astaamaha lagu yaqaano Al-
Sarwaqi.
Saraakiishu waxaa kaloo ay sheegeen in Weerarka lagu
dhiley Cisidiin uu ahaa mid si wayn looga soo shaqeeyay,
waxayna sheegeen in Sarqawi uu yahay ninka ay tuhun san
yihiin in uu ka dambeeyay Weeraro dhawr ah oo
ismiidaamin ah oo laga fuliyey Gudaha dalka Ciraaq.
Dowlada Britain ayaa sheegtey in ay xireyso Safaaradeeda
Magaalada Tahran ee Caasimada dalka Iran.
Tallaabadaan ayaa ka dambaysay ka dib markii Mudahaaraad
xoog badan ay sameeyeen dad Iiraaniyiin ah iyagoo
weerarey dhismaha Safaarada ee Caasimada dalkaasi.
Dadka
Mudaharaadka Sameynayay ayaa Safaarada ku Tuuryeeyay
dhalooyin kala soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana
isla markiiba ku soo baxay Ciidamada Ammaanka iyagoo ka
hortagaya in dhibaato kale oo gasyto Safaarada.
Ciidamadda
Ammaanka ee dalka Iiraan ayaa isticmasaley Sunta dadka
ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan dadka Mudahaaaradka
Sameynayay.
Dhinaca kale dowladda Britain wax faah faahin ah kama
bixin inta ay xirnaan doonto Safaaradoodu iyo in ay dib
u hawli gali doonto.
W/Q.Abdi
Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com