May 26, 2004
WARARKA MAANTA
.Golaha Ammaanka ee Afrika oo
qorshaynaya inay Soomaaliya Ciidamo u diraan.
.C/laahi Yuusuf oo billaabay Ololahii Musharaxnimadiisa.
.Xildhibaanadda Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah oo u Xusul duubaya inay
ka qayb galaan Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida.
.Dagaal Maalintii Labaad ka socda Xaramka oo ka tirsan Gobaladda
Jubbooyinka.
.Indhacade oo sheegay inuu
tagayo Madasha Shirka Kenya.
W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Golaha Ammaanka ee
Afrika oo qorshaynaya inay Soomaaliya Ciidamo u diraan.
Golaha Ammaanka ee
Midnimadda Afrika ayaa qorshaynayo inay Ciidamo Nabad illaalin ah u soo
diraan Soomaaliya. Sida laga soo xigtay xubno ka tirsan Golahaasi.
Kulan shalay ka
dhacay Addis Ababa oo lagu dhamaystirayay Dhismaha Golahaasi ayaa
Ajandayaashii looga dooday waxaa ka mid ahaa arrimaha Soomaaliya.
Waxaana warbixino ku aadan Shirka Soomaalida uga socda Kenya ka jeediyay
Kulankaasi Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ethiopia. Jabuuti iyo Kenya.
Iyadoo ugu dambayntiina warar ku dhow dhow kulankaasi ay sheegayaan in
Guddi gaar ah loo xilsaaray inay soo diyaariyaan Hanaanka Ciidamo Nabad
Illaalin ah looga hawl galin karo Soomaaliya.
Sannadkii 1993-dii
ayeey ahayd markii ay ku fashilmeen 32 Dawladood oo hoos tagayay
Qaramadda Midoobay hawl gal nabad illaalin ah oo ay Soomaaliya ka
sameeyeen. Kadib markii ay guda galeen Muranka Dhinaca Siyaasadda ah ee
u dhaxeeyay Kooxaha Soomaalida.
Indhacade oo
sheegay inuu tagayo Madasha Shirka Kenya.
Guddoomiyaha Gobalka
Shabeeladda Hoose, Shiiq Yuusuf Maxamed Siyaad “Indhacade” ayaa sheegay
inuu ka qayb galayo Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida uga socda
Kenya. Isla markaana uu ka sugayo Kenya inay u soo diraan Diyaarad gaar
ah oo gaysa Nairobi.
Indhacade oo Xalay u
waramayay Shabakadan ayaa sheegay inuu tagayo Kenya marka ugu horaysa ee
Guddiga Hawl Fududaynta IGAD ay u soo diraan Diyaaradii gayn lahayd
Madasha Shirka Soomaalida. Wuxuuuna sheegay in ka qayb galkiisa Shirka
ay timid kadib markii la soo daayay Xuseen Caydiid oo Maamuulka
Shabeeladda Hoose ay ku adkaysteen inaysan tagayn shirka illaa iyo inta
dib loogu soo celinayo Xoriyadiisa.
Indhacade waxa uu
sidoo kale sheegay inuu la tashiyo la sameeyay Golaha Samatabixinta
Qaranka oo xubin uu ka yahay. Wuxuuna sheegay in Siyaasad ahaan uu
isagu aaminsan yahay in Xalka Soomaaliya uu ku jiro in Miiska
wadahadalka la isugu taggo. Laakiin waxa uu meesha ka saaray in Shirku
uu afduubnaado Shaqsiyaad dano gaar ah leh.
Indhacade oo ka mida
Siyaasiyiinta Curdunka ah ee la bartay intii uu socday Shirka Kenya ayaa
haatan u muuqda nin Miisaan leh oo ku gor gortamaya Gobalka Shabeeladda
Hoose.
Dagaal Maalintii
Labaad ka socda Xaramka oo ka tirsan Gobaladda Jubbooyinka.
Dagaal xoogan ayaa
lagu soo waramayaa inuu ka socdo Maalintii Labaad Deegaanka Xaramka oo
ka tirsan Gobaladda Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Dagaalkan oo u
dhaxeeyo Maleeshiyooyinka Isbahaysiga Dooxadda Jubba iyo Maleeshiyooyin
Beeleedyo laga barakiciyay Xaramka ayaa lagu soo waramayaa inuu gaystay
Khasaaro Naf iyo maalba leh. Sida ay ku soo waramayaa Suxufiyiinta ku
Sugan Jubbooyinka iyo Shabeeladda Hoose. Waxaana la soo gaarsiiyay
Degmadda Buula Mareer oo ka tirsan Gobalka Shabeeladda Hoose
Dhaawacyadda 9 qof oo ka tirsan Maleeshiyooyinkii dagaalamayay.
Wariye ku sugan
Buulamareer ayaa sheegay inuu arkayay Dhaawacyo farabadan oo la soo
galiyay Buulamareer halka qaarkoodna uu sheegay in loo soo gudbiyay
Magaaladda Muqdisho. Waxaana uu sheegay in sidoo kale ay jiraan dad
Rayid ah oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay dagaalkaasi. Iyadoo inta
badana ay Waxyeeladdu soo gaartay dadka reer Miyiga ahaa ee ka agdhawaa
goobaha lagu dagaalamay.
Dagaalka Xaramka oo
illaa iyo hadda aan xal loo helin ayaa labada dhinac ee dagaalamaya mid
kastaa waxa uu jidaysanayaa inuu xaq u leeyahay inuu dagaal galo.
Isbahaysiga Dooxadda
Jubba ayaa ku adkaysanaya inay la dagaalamayaan Burcad Jidgooyooyin ka
samaystay Xaramka. Laakiin Beesha Shiiqaal oo ay ka soo jeedaan
Maleeshiyooyinka Dhinaca kale ayaa aaminsan in dagaalku uu yahay mid
Isir Sifayn ah oo Beesha dagta deegaankaasi lagu xasuuqayo. Sidaas
darteedna ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan.
Dagaalkan ayaa
billawday xilli ay Muqdisho ku kulansan yihiin Odayaal dhaqameedyo
dadaal ugu jira sidii ay u soo afjari lahaayeen Colaada Xaramka. Laakiin
dagaalkan cusub ayaa laga yaabaa inuu caqabad ku noqdo waan waantii laga
dhex waday labada dhinac.
Xildhibaanadda
Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah oo u Xusul duubaya inay ka qayb galaan
Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida.
Xildhibaanadda
Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii
ay uga qayb gali lahaayeen Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida oo ka
furmay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
Xildhibaanadda
Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya ayaa haatan olole xoogan
ugu jira inay ku biiraan Ergooyinka Soomaalida ah ee ka qayb galaya
Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida. Waxaana Xildhibaanadda qaarkood
ay sheegeen inay iyagu jeebkooda iska dabarayaan si ay u tagaan Kenya.
Laakiin Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday Xildhibaanadda inay
muujiyaan dul qaad si ay iyaga oo isku duuban u tagaan Madasha Shirka.
Wuxuuna u xaqiijiyay Xildhibaanadda in loo diyaarin doono Diyaaradihii
lagu gayn lahaa Nairobi.
Xildhibaanadda
Baarlamaanka oo markii horaba ku yimid hanaan Beeleed ayaa qorshaynaya
inay ku daba faylaan Beelahooda si ay uga doontaan Kasooni. Waxaana
Xildhibanaddu ay maalmihii la soo dhaafay buux dhaafiyeen Madaxtooyadda
xilli uu dalka ka maqayn yahay C/qaasim si loogu daad gureeyo Shirka
Kenya.
C/laahi Yuusuf oo
billaabay Ololahii Musharaxnimadiisa.
Col C/laahi Yuusuf
Axmed oo ka mida Musharixiinta isu soo taagay Jagadda Madaxwaynanimadda
Soomaaliya ayaa olole xoogan oo uu ku doonayo inuu ku soo baxo Mansabka
ugu sareeya Soomaaliya ka billaabay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
C/laahi Yuusuf ayaa
shalay kulamo kaladuwan la kala yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha
Soomaaliyeed. Wuxuuna u sharaxay hanaanka uu doonayo inuu awooda ugu
qaybiyo Beelaha marka uu ka noqdo Madaxwayne Soomaaliya.
C/laahi Yuusuf ayeey
xubno ka qayb galay kulanakaasi sheegeen inuu u ballanqaaday beel kasta
Saami uu sheegay inuu ka siin doono Dawladda uu soo dhisi doono. Wuxuuna
u qaybiyay shax ay ku qoran yihiin hab qaybsiga Beelaha ee Golaha
Wasiiradda.
Beelaha Soomaaliyeed
ayaa iyaguna sheegay inaysan kaligood gaari Karin go’aanka ay codka
Kalsoonidda ku siinayaan C/laahi Yuusuf. Laakiin waxay u ballan qaadeen
inay jawaab soo siin doonaan marka ay la tashiyo la soo sameeyaan dadka
ay matalaan. Isla markaana soo xaqiijiyaan Cidda ay doonayaan inay codka
ugu shubaan marka ay doorasho timaado.
Beesha Daarood ee uu
ka dhashay C/laahi Yuusuf xubno ka tirsan ayaa sheegay inay C/laahi
Yuusuf uu ka mudan yahay Jagadda uu isku soo sharaxay qab qablayaasha la
sharaxan. Laakiin waxay sheegeen inuu yahay nin hal adag oo aan laga
fujin Karin waxa uu damco. Sidaas darteedna waxay sheegeen in Xilligan
adag oo Soomaalidu ay u baahan tahay in la isku soo jiid jiido uu C/laahi
la kulmi karo Caqabado adag.
C/laahi Yuusuf Axmed
oo hadda ka arrimiya Maamul Gobaleedka Punt Land waxa uu ka mid ahaa
Saraakiishii Milatariga Soomaaliya kuwoodii ugu fir fircoonaa ee ka
gadooday Hab Maamulkii Gen Maxamed Siyaad Barre. Waxaana uu C/laahi
xilligaasi uga dhawaaqay Ethiopia Jabhadii SSDF oo sida la rumaysan
yahay u bur burtay Maamul Xumo dhexdeeda ah.
C/laahi Yuusuf oo
muddo dheer ku haminayay inuu Soomaaliya ka arrimiyo waxaa uu xiligan la
liicayaa da’a ay u wehliso Xanuuno kale. Laakiin dadka u ololaynaya C/laahi
Yuusuf ayaa aaminsan inuusan ka da’a waynayn ragga la loolamaya ee ay ka
midka yihiin C/laahi Axmed Caddoow iyo Faarax Sendiko.
Musharaxiinta kale
ayaa iyaguna billaabay olole xoogan oo ay ku doonayaan inay ku helaan
Kalsoonidda beelaha. Waxaana billawday in loo kala dhuunto Odayaasha
Dhaqanka oo ka hor Wajiga Saddexaad aan Miisaan ku lahayn Shirka
Soomaalida.
Xuseen Caydiid oo
isna dhawaan xabsi ku yaala Nairobi laga soo daayay ayaa dadaal ugu jira
inuu noqdo Musharaxa kaliya ee Beelaha USC. Waxaana shalay uu kulan kula
yeeshay Hoteelka uu degan yahay Odayaasha Dhaqanka ee USC. Laakiin
Kulankaasi oo ahaa mid albaabaddu u xiran yihiin ayaan la ogayn illaa
iyo hadda go’aanadda ka soo baxay.
C/qaasim Salaad oo
isna ka mida Ragga afka lagu hayo inay jagadaasi ku soo bixi karaan ayaa
ku soo jeeda Nairobi. Waxaana horay uu u sheegay in Dawladiisu ay u
sharaxan tahay Dawladda lagu soo dhisi doono Kenya. Iyadoo la filayo in
marka uu yimaado Madasha Shirka inuu billaabo olole xoogan oo uu ku
doonayo inuu ku soo baxo Jagadaasi.
Si kastaba ha
ahaateen ku dhawaad boqolka Musharax ee isku soo taagay Jagadda
Madaxwaynanimadda Soomaaliya ee uu C/laahi Yuusuf ka mid yahay ayaa dhab
ahaanta Miisaankoodu waxay soo bixi doontaa marka Baarlamaanka la dhiso
oo ay timaado doorashadoodu. Waxaana waqtigaasi lagu kala hari doonaa
hanaan Dimuquraadiya oo Soomaali oo dhan ay raali ka tahay.
Collin Powell oo
sheegay inaysan Ciidamadoodu ka amar qaadan doonin Maamulka loo dhisi
doono Ciraaq marka awooda lagu wareejiyo Dadka Ciraaqiyiinta ah.
Xoghayaha Arrimaha
Dibadda ee Maraykanka. Collin Powell ayaa sheegay inaysan ciidamadooda
wax amar ah ka qaadan doonin Dawladda Mustaqbalka loo dhisayo Ciraaq.
Laakiin ay si Madaxbanaan uga hawl gali doonaan Ciraaq.
Powell waxa uu
sheegay inay ciidamadoodu sii joogi doonaan Ciraaq kadib 30 ka June oo
ah waqtiga loo qabtay in awooda Ciraaq lagu wareejiyo Ciraaqiyiinta.
Wuxuuna sheegay inay la tashiyo la samayn Doonaan Maamulka Ciraaq. Balse
waxa uu sheegay inay u madax banaanaan doonaan Hawlahooda. Isla markaana
ay qaadi doonaan Tallaabo kasta oo ammaanka ay ku sugayaan.
Hadalka Powell ayaa
daba jooga hadal uu shalay jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Tony
Blair oo sheegay in Maamulka Ciraaq loo dhisi doono uu Miisaan
Siyaasadeed ku dhex yeelan doono Hawlaha Isbahaysiga Qabsaday Ciraaq.
Maraykanka ayaa u
muuqda inuusan diyaar u ahayn inuu Talladda Ciraaq gacanta u galiyo
Ciraaqiyiinta. Waxaana wali ay ku adkaysanayaan inay sii maamulaan
Ciraaq. Iyadoo dadka Ciraaqiyiinta ah ay si wayn uga horyimaadeen inay
aqbalaan Maamul Maqaar saar ah oo ka amar qaata Askarta Maraykanka.
W/Q.Abdi Wali
Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com