SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 27, 2004

Xarunta SSWC oo lagu soo geba-gebeeyey dood ku saabsan doorka ay haweenku ku leeyihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

 

 



Waxaa xarunta Somali Save Women & Children (Ururka Bad-baadbaadada haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed SSWC) ee magaallada Muqdisho lagu soo geba-gebeeyey dood ku saabsan doorka ay haweenku ku leeyihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna dooddani socotay muddo 3-maalmood ah, waxaana ka qayb galay haweenka ganacsatada, haweenka Xuquuqda Aadanaha, haweenka suxufiyiinta, haweenka dhigta jaamacadaha iyo dugsiyada Gobolka Banaadir iyo haween ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana ugu horreyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey Hindo xaaji Cilmi oo sheegtay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee dood noocan ah lagu qabto xarunta SSWC, waxayna sheegtay in markii uu socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carta dood noocan ah lagu qabtay xarunta, si ay haweenku dowr ugu yeeshaan shirkaasi, taasina waxa ay keentayin haweenku ay si aad ah uga dhex muuqdaan shirkaasi.

 

Hinda waxa ay sheegta yin 33-xubnood ee kaga soo aadday haweenka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in si caddaalad ah u qaybsadaan oo aysan ku dhisneyn qabiil iyo arrimo kale, iyadoo u soo jeedisay guddiga qaban-qaabada in loo madax banneeyo haweenka qaybsashada 33-xubnood.

 

Waxaa kaloo ka hadashay Maryan Xuseen Owreeye oo ka socotay hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, waxayna sheegtay in Beesha caalamka iyo UN-kaba ay iska hilmaameen ummadda Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in qabiil wax lagu qaybsadaa aan waxba lagu gaareyn, waxayna intaa ku dartay in 33-xubnood ee kaga soo aadday golaha Baarlamanka haweenka Soomaaliyeed iyaga loo daayo sidii ay u qaybsan lahaayeen, waxaa kaloo ka hadashay Sahro Cumar Maalin oo iyana sheegtay in loo baahan yahay in haweenka Soomaaliyeed uu isku duubnaado, waayo 14-kii sano ee la soo dhaafay dhibaatooyinku waxa ay ku dhacayeen haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka hadashay Caasho Shaacur oo iyana sheegtay in loo baahan yahay in haweenku ay dowr muhiim ah ku yeeshaan dhinaca siyaasadda iyo weliba dib u dhiska dalka.

 

qodobbada muddada saddexda maalmood ah ay ka doodayeen haweenku waxaa ka mid ahaa taageeridda shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, taageeridda go’aannadii ka soo baxay shirkii wasiirrada Arrimaha dibadda ee IGAD, qaabka ugu habboon ee haweenku u qaybsan lahaayeen xildhibaannada, haweenku sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen najixitaanka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka mid ah qodobbadaasi waxa la gudboon haweenka marka ay galaan Golaha Baarlamanka.

 

Ugu dambeyntii waxa ay soo saareen baaq ka kooban dhowr qodob oo kala ah: in si deg-deg ah loo joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan Muqdisho, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay kala dhex galaan beelaha dagaallamaya, in beesha caalamku ay gacan ku siiyaan sidii uu guul ugu dhammaan lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

          Hay’adda SSWC waxaa la aas-aasay sanadihii sagaashameeyadii, waxayna ka howlgashaa dhowr gobol, iyadoo inta badan isku howsha sidii ay u bad-baadin lahayd carruurta iyo haweenka, iyadoo tababarro u qabatay haween fara badan, waxayna tababarradaasi ku saabsan yihiin farshaxanka, barashada Computer-ka, Tolidda dharka, cunto karinta iyo arrimo kale oo muhiim u ah haweenka Soomaaliyeed.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

 

Mogadishu-Somalia

 

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk  May 27, 2003 

Maan Deeq u Curatay Reer Minnesota!

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD