WARARKII MAANTA:
-
Ergooyinka Soomaalida ah ee ka
qayb galaya Shirka Kenya oo qaarkood laga saaray Hoteeladii ay
daganaayeen.
-
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee
Somalia, oo sheegtay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashadda
Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida.
-
Dawladda Kenya oo ugu baaqday
Kooxaha Soomaalida ee ku maqan Gudaha Dalka inay ugu dambayn ku
yimaadaan Nairobi Maalinta Jimcaha ee Bariya.
-
Ingiriiska oo sheegay inay Somali
Land ka taageerayaan Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Mayalka Adag.
-
Golaha Ammaanka ee Afrika oo
sheegay inay Cunaqabatayn saarayaan Hogaamiyihii Carqaladeeya
Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
-
Wasiirka Gaashaandhiga ee Jarmalka
oo ku soo fool leh Jabuuti Billawga Bisha June.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Ergooyinka Soomaalida ah ee ka
qayb galaya Shirka Kenya oo qaarkood laga saaray Hoteeladii ay
daganaayeen.
Iyadoo lagu guda jiro Wajigii
Saddexaad ee Shirka Soomaalida uga socday Kenya ayaa waxaa laga
saaray qaar ka mida Ergooyinkii ka qayb galayay Shirka
Hoteeladii ay daganaayeen.
Ergooyinka Soomaalida ah ayeey
Milkiilayaasha Hoteeladda u sheegeen inuu dhamaaday qarashaadkii
loogu talagalay. Isla markaan ay daymo farabadan ku leeyihiin
Dawlada. Sidaas darteedna waxay ku amreen inay Boorsooyinkooda
kala baxeen Hoteeladda. Waxaana la sheegay in Qaar ka mida
Ergooyinka ay Xalay dajiyeen Goobo ay seexdaan Soomaalida ku
nool Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi.
Xasan Abshir Faarax oo ka mida
Ergooyinka Soomaalida ah ee ka qayb galaysa Shirka Kenya ayaa
sheegay inay ayaan darro tahay in Soomaalida laga saaro
Hoteeladdii ay daganaayeen xilli uu shirkuba gabagabo yahay.
Wuxuuna sheegay in Sababta looga saaray Soomaalida ay uga wacan
tahay Deeq bixiyayaasha Shirka Maalgalinaya oo aan bixin
dhaqaalihii ay ballanqaadeen in lagu socodsiiyo Shirka
Soomaalida.
Xasan Abshir waxa uu waxba kama
jiraan ku tilmaamay in isaga iyo Cabdalla Deeroow laga saaray
Hoteeladdii ay daganaayeen. Wuxuuna sheegay inuu isagu shaqsiyan
wali dagan yahay Hoteelkii uu daganaa. Laakiin waxa uu sheegay
in Cabdalla Deeroow uu ka mid yahay Ergooyinka Soomaalida ah ee
degan Mbagathi. Sidaas darteedna waxa uu sheegay inay faafiyeen
wararkaasi dad jecel xumaanta.
Mar la waydiiyay Xasan Abshir
doorkiisa ku aadan Shirka Soomaalida waxa uu sheegay inuu
dhamaaday Xilligii Is Kooxaysiga Siyaasadda. Isla markaana loo
gudbay Hanaankii Beelaha. Wuxuuna sheegay in Shaqsi kastaa uu ka
daba faylayo Beeshiisa. Sidaas daraadeedna uu ku gawracan yahay
Saamiga ay Beeshiisu ka hesho Soomaali dhexdeed.
Shirka Soomaalida oo galay
Marxaladii ugu dambaysay ayaa laga yaabaa in ka saarista
Ergooyinka ee Hoteeladdu ay qayb ka tahay qorshe la doonayo in
lagu dhimo Tiradda Ergooyinka ka qayb galaysa Shirka Kenya.
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee
Somalia, oo sheegtay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashadda
Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida.
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee
Somalia, ayaa si rasmiya u sheegtay inay ka qayb galayso Wajiga
Saddexaad ee Shirka Soomaalida oo Toddobaadkan ka furmay
Magaaladda Nairobi ee Dalka Dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ku
Meel Gaarka ah ee Soomaaliya. Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka
hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay
inay ka qayb galayaan Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida.
Wuxuuna sheegay inay Xukuumaddu ka tanaasushay Shuruudihii hore
ee ay ku xiray Shirka Kenya oo uu ka mid ahaa Baasaboorka
Soomaaliga oo ay Dawladda Kenya mamnuucday in Dalkeeda lagu soo
galo.
Tanaasulkan ayaa yimid kadib kulan
ay shalay yeesheen Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Ku Meel
Gaarka ah. Isla markaana loogu soo gudbiyay qoraal uu Urur
Gobaleedka IGAD u soo diray TNG-da. Iyadoo horayna uu Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah. Yuusuf Dheeg
uga sheegay Tunisia inuu Madaxwayne C/qaasim tagayo shirka
Soomaalida.
Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee
Somalia, ayaa la xaqiijiyay inay uga qayb galayso Wajiga
Saddexaad ee Shirka qaab beeleed. Waxaana la sheegay in
siyaasiyiintu ay ku dabafaylaan Beelahooda isla markaana uu
dhamaaday Jiritaanka Isbahaysiyadda Siyaasadeed.
Imaaraadka Carabta oo Soomaaliya
ugu deeqday lacago wax looga qabanayo Biyaha Wasaqaysan ee laga
cabo Koonfurta Soomaliya.
Imaaraadka Carabta ayaa ugu
deeqday Soomaaliya 2 Milyan oo Doolar kadib markii uu heshiis
dhex maray Mu’asasadda Samafalka ee Shiiq Zayid iyo Hay’adda
UNDP ee Qaramadda Midoobay.
Deeqdan ayaa la qorsheeynayaa in
wax looga qabto Nadiifinta Biyaha laga cabo Koonfurta Soomaaliya
oo aad u liita. Waxaana la hagaajinayaa Illaha ay Biyaha ka
helaan dadka ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo dadka la
gaarsiinaya Biyahan Nadiifka ahna ay yihiin dadka ka soo
barakacay Gobaladda ay Dagaaladdu ka socdaan. Iyo Gobaladda
Abaaruhu ay halakeeyaan.
Deeqdan ayaa sida la sheegay waxaa
amray Hogaamiyaha Imaaraadka Carabta, Shiiq Zayid Bin Suldaan
Aalla Nahyaan. Kadib markii uu arkay dhibaatadda haysata
Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaraha iyo Dagaaladdu halakeeyeen.
Sida laga soo xigtay Sii Hayaha Agaasimaha Mua’asasadda Sheikh
Zayid ee Samafalka. Saalim Qubayd Al-Daahiri.
Mashruucan oo ah kii ugu horeeyay
ee ay labada Hay’adood wada fuliyaan ayaa wax wayn ka tari doona
Dhibaatadda Biyo Xumo ee haysata Dadka Soomaalida ah oo la
rumaysan yahay in Boqolkiiba 80 ay isticmaalaan Biyo aan Nadiif
ahayn.
Dawladda Kenya oo ugu baaqday
Kooxaha Soomaalida ee ku maqan Gudaha Dalka inay ugu dambayn ku
yimaadaan Nairobi Maalinta Jimcaha ee Bariya.
Dawladda Kenya ayaa ugu baaqday
Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida ee aan imaan Madasha Shirka
Soomaalida inay ugu dambayn ku yimaadaan Nairobi Maalinta
Jimcaha ee nagu soo aadan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee
Kenya ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay
inay IGAD u soo gudbisay in Jimcaha ay ku keento Tiradda ugu
dambaysa ee Hogaamiyayaasha iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku maqan
Gudaha Soomaaliya. Waxayna Wasaaraddu sheegtay inay soo daad
guraynayso Dadka Soomaalida ah ee aan looga maarmin Wajiga
Saddexaad ee Shirka. Isla markaana ku maqan Gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxa Ergadda
Midowga Yurub uga qayb galayso Shirka Soomaalida, Carlo Ungaro
aya ugu baaqay Beesha Caalamka inay dar dar galiso hanaan
socodka Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in shirku uu marayo
Marxaladii ugu dambayso ee Dhismaha Dawlad Soomaaliyeed. Sidaas
daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in taageero hagar la’aaneed
la siiyo Shirka Kenya.
Ungaro waxa uu sidoo kale Tallaabo
yididiilo leh ku tilmaamay in Soomaalidu laf ahaanteedu ay
yeelato Guddoominta Shirka uga socda Kenya, Wuxuuna Soomaalida
ka dalbaday inay muujiyaan Tanaasul dheeriya si shirku u mira
dhalo.
Beesha Caalamka iyo Urur
Gobaleedka IGAD ayaa xilligan dadaal dheeriya ugu jira inay soo
afjaraan Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida. Waxaana ay
cadaadis ku saarayaan Kooxaha Soomaalida inay meel iska dhigaan
Khilaafaadka u dhaxeeya.
Ingiriiska oo sheegay inay Somali
Land ka taageerayaan Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Mayalka Adag.
Dawladda Ingiriiska ayaa markii
ugu horaysay Ballanqaaday inay Maamulka Somali Land gacan ka
siinayo waxa loogu yeeray la dagaalanka Argagixisadda Geeska
Afrika.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somali
Land. Cabdi Idiris Ducaale ayaa sheegay in Ingiriiska uu ka
taakulaynayo Somali Land dagaalka ay kula jirto Argagixisadda
Gobalka. Waxaana uu afhayeenku sheegay in ballan qaadkan uu
yimid kadib kulan ay Hargayso ku yeesheen Madaxda Somali Land
iyo Saraakiil ka socota Waaxda La Dagaalanka Argagixisadda ee
Britain oo socdaal ku jooga Deegaanadda hoos tagga Somali Land.
Wafdiga Ingiriiiska oo kulan la
yeeshay Daahir Riyaale ayaa sheegay inay Britain ka caawinayso
Maamul Gobaleedka Somali Land arrimaha Nabadgalyadda iyo La
dagaalanka Argagixisada. Waxayna ku ammaaneen Maamulayaasha
Somali Land doorkii ay ka qaateen la dagaalanka Argagixisadda.
Madaxa Wafdiga Ingiriiska. Mr
Roger ayaa sheegay inay Somali Land taakulayn dhaqaale iyo Mid
Farsamaba ka siinayaan Ciribtirka Kooxaha Mayalka Adag. Wuxuuna
ka dalbaday Maamulayaasha Somali Land inay sii xoojiyaan
Baaritaanka ay ku hayaan labadii Muwaadin ee Ingiriiska ahayd.
Isla markaana lagu dilay Somali Land.
Golaha Ammaanka ee Afrika oo
sheegay inay Cunaqabatayn saarayaan Hogaamiyihii Carqaladeeya
Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyadda
ee Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’antahay sidii
ay cunaqabatayn ugu soo rogi lahaayeen Hogaamiye Kooxeed kasta
oo carqaladeeya Hanaanka uu ku socda Shirka Soomaalida ee Kenya.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Golaha
Ammaanka Afrika ayaa u sheegay Shabakadda Mohet inay
cunaqabatayn dhinac walba leh ku soo rogi doonaan Madaxda
Maleeshiyooyinka carqaladeeya Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
Wuxuuna sheeagay in Tallaabooyinka adag ay ka qaadin doonaan
Kooxaha Soomaalida ah ee doonaya inay fashiliyaan Geedi Socodka
Nabadda Soomaliya.
Sarkaalkan waxa uu sheegay in
Tallaabooyinka ay ka qaadayaan Hogaamiyayaasha diida Shirka
Kenya inay ka mid noqon doonto in lagu soo roggo Xayiraad
dhinaca Socdaalka ah. Iyo in la xanibo Hantidiisa u taala
Baananka Caalamka. Wuxuuna sheegay in hirgalinta
Cunaqabatayntaasi ay la kaashan doonaan Golaha Ammaanka ee
Qaramadda Midoobay.
Sarkaalkan waxa uu sidoo kale
sheegay in Shirka Soomaalida uga socda Kenya inuu gaaray horumar
la taaban karo. Isla markaana ay Kooxaha Soomaalida intooda
badan xaadir ku yihiin Magaaladda Nairobi oo uu ka socdo Wajigii
Saddexaad ee Shirka. Wuxuuna sheegay in inta maqana aan illaa
iyo hadda laga hayn Diidmo ay ka muujiyeen Shirka. Sidaas
daraadeedna uu Golahoodu rajaynayo inay ku soo biiraan
Saaxiibadooda ku sugan Nairobi.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Jarmalka
oo ku soo fool leh Jabuuti Billawga Bisha June.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Jarmalka,
Mr Peter Jatarock ayaa la filayaa inuu booqdo 5 Bisha June
Ciidamadda Jarmalka ee ka qayb qaadanaya Illaalinta Xeebaha
Soomaaliya iyo Dalalka la deriska ah.
Mr Peter ayaa la filayaa inuu
lugta ugu horaysa ee socdaalkiisa ka billaabo Dalka Jabuuti oo
fariisin u ah Ciidamo fara badan oo reer Galbeed ah isla
markaana uu Jarmalku ka mid yahay. Waxaana la filayaa inuu kula
kulmo Jabuuti Madaxda Dalkaasi iyo Saraakiisha hogaaminaysa
Ciidamada Jarmalka ee la dagaalanka Argagixisadda Geeska Afrika.
Socdaalka Wasiirka ayaa ah mid
dhiiragalin ah oo looga gol leeyahay in Ciidamadda Jarmalka ee
ku sugan Geeska Afrika lagu dhiiragaliyo inay sii laban laabaan
Doorkooda la dagaalanka Argagixisadda Gobalka Geeska Afrika.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com
Garyare20@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk May 27, 2003
Maan
Deeq u Curatay Reer Minnesota!
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|