SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

May 29, 2004

Dhagayso: R A D I O   X O R I Y O

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Kulan ay soo qaban-qaabiyeen gudiga xuquuqul insaanka Ogaadeeniya ee wadanka Holland.
  • Itoobiya oo bajad u wayday tirakoob ay samay lahayd sanadka soo socda.
  • Itoobiya oo xadka Kenya ciidan aad u tiro badan gaysay.
  • Meles oo ay qasab ku noqotay inuu la xaalo odayaasha Oromoda ah.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo an kaga hadli doono arimo mihiim ah oo taariikhda Itoobiya ku saabsan iyo Suugaan halgameed.

 Kulan ay soo qaban-qaabiyeen gudiga xuquuqul insaanka Ogaadeeniya ee wadanka Holland. 

Shir ay soo qabanqaabiyeen guddiga OHRC ayaa waxa lagu gabtay magaalada Utrecht ee wadanka Holland. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dad aad u fara badan oo ah dad ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee ku nool wadanka Holland, ayaa waxaa furtay Deeqa Cabdi Daahir oo ahayd xiriiriyaha shirka, waxayna soo dhawayn iyo bogaadin u soo jeedisay dhammaan dadkii ka soo qayb galay shirkaas;  

ka dibna waxay shirka ku soo dhaweeysay Farrax Maxamed Arab oo dadka warbixin gaaban oo ku saabsan sida ururku u shaqeeyo iyo waxyaabaha uu qabto ka hadlaysay. Farrax markii ay khudbadeedii dhammeysay ayaa waxay hadalka u gudbisay Kiin Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeeniya ee wadanka Holland. 

Kiin waxay si aad ah warbixin uga bixisay waxqabadkii ururkan intii uu dhisnaa waxyaalihii uu soo qabtay, caqabadaha ururka hortaagan, waxyaalaha ururka uu rabo mustaqbal in uu qabto iyo sida uu ururku u wada shaqeeyo iyo xiriirka uu la leeyahay ururada kale. 

Waxaa kale oo ay kiin sheegtay in si aad ah loogu baahan yahay in dadka u dhashay Somalida Ogaadeeniya ee ku nool wadankan Holland in ay gacan siiyaan ururkan sidii markaa  ururkani u noqon lahaa mid midho dhal ah oo gaadha hadafkii loo dhisay. 

Kiin markii ay dhamaysay warbixinteedii ayaa waxaa bilaabatay dood kulul oo dhexmartay dadkii shirka isugu yimid oo qof walba uu soo jeediyey wixii uu u arkaayey sida ugu fiican ee ururku ku najixi karo. 

Wuxuu guddiga OHRC soo bandhigay sawiro naxdin leh oo laga soo qaaday Ogaadeeniya kuwaas oo muujinayay tacatiyo ay ciidamada Itoobiya u gaysteen dad rayad ah oo aan waxba galabsan, waxaa kaloo halkaas lagu qaybiyay warbixintii ururka uu soo saaray sannadkan 2004 bilowgiisii.

 Ugu danbeeyntiina waxaa la go'aamiyey in saddexdii biloodba mar la isugu yimaado shirkan oo kale. 

Itoobiya oo bajad u wayday tirakoob ay samay lahayd sanadka soo socda. 

 Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dawlada Itoobiya ay bajad dhaqaale u wayday tirakoob ay samayn lahayd 2005ta, sidaasna  waxaa cadeeyay guddoomiyaha xafiiska tirakoobka ee Itoobiya Mr.Amaare. 

Wuxuu gudoomiyuhu intaas raaciyay in bajadka dawladu ay ugu talagashay in tirakoob lagu fuliyo  uu ku filan yahay oo kaliya 14% tirakoobka qayb ka mid ah. Amaare wuxuu kaloo sheegay in ayna meelaha qaarkood suuragal ahayn in trakoob sax ah laga sameeyo, sida Ogadeniya oo uu ammingu aad u u xun yahay. 

Waxaa mudooyinkan danbe soo ifbaxaya dhaqaalo xumo badan oo guud ahaan Itoobiya ka jira, kaas oo ay dadku ku sheegeen in ay ugu wacantahay musuq maasuqa oo aad ugu badan maamulka sare ee Itoobiya. 

Waxaa dhawaan soo food saaray ismaamulka Soomaalida ee Ogaadeenya, dhaqaalo xumi ay awoodi waayeen in ay mashahaarooyin u helaan tiradii yareed ee shaqaalaha u ahaa. Taas oo iyadana lagu tilmaamay qayb ka mid ah musuq maasuq taliska sare ka jira in uu sabab u yahay.  

Itoobiya oo xadka Kenya ciidan aad u tiro badan keentay. 

Warar xogogaal ah oo aan ka soo xiganay wargayska People oo ka soo baxa wadanka Kenya ayaa sheegaya inay dawlada Itoobiya keentay xadka u dhaxeeya labadaas wadan ciidan ka badan 40,000 oo askari. Ciidankan ayay Itoobiya u diyaarisay inay weerar ku qaadan wadankaasi Kenya.  

Waxaa baryahan danbe aad u sii kordhayay iska horimaadyada ka dhaca xuduuda labadaas wadan oo keentay inay xaaladdu isu badasho cudud millatari. Xukuumadda Itoobiya ayaa dawlada Kenya ku eedaysay inay taageerto ururka Oromada ee OLF ee xaq u dirirka ah, waxayna sheegtay in ururka OLF uu 25 saldhig ku leeyahay gudaha wadanka Kenya . 

Warku wuxuu intaa raaciyay inay isku dayday dawlada Kenya inay xaaladdan ku xalliso qaab diblumaasi ah, hase yeeshee Itoobiya ayaa durba isu diyaarisay inay cudud millatari ku xalliso arintan. 

Dawlada Itoobiya ayaa weerar joogto ah ku haysa wadamada dariska la ah, sida Eritreya oo uu awalba dagaal ka dhx oognaa, Suudaan oo dhawaan dagaal ka dhex dhacay, Soomaaliya oo ay had iyo jeer iska weerarto iyo iyada oo hadda  Kenya xaalad aad u xuni ka dhex taagan tahay. 

Meles oo ay qasab ku noqotay inuu la xaalo odayaasha Oromoda ah. 

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inuu Meles ku qasboonaaday inuu la xaalo odayaasha Oromada, si uu u dajiyo xaalada kacsan ee ka jirta Itoobiya. 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu hadda ka hor Meles u diray madaxwaynaha Jaamacada Addis Ababa Indhiriyas Ishete inuu la kulmo odayaasha iyo waxgaradka  Oromada ah si xal loogu helo xaalada qallafsan ee jirta, halkaasoo  wax natiijo ahi ka soo bixi waayeen.  

Mr: Indhiryaas ayaa warqad u qoray Meles isaga oo u sheegaya in ayna wax natiijo ahi ka soo bixin, isla markaana waxa uu ka codsaday in uu isagu la kulmo, hase yeeshee xilligaas wax jawaab ah kama aanuu helin.  

Xaalada manta Itoobiya ka taagan oo ah mid sidii hore aad uga sii dartay gaadhay meel aan wax ka qabasho lahayn, ayaa kaligii taliye Meles ku kalliftay inuu dalbado inuu la kulmo odayaasha iyo waxgaradka Oromoda ah, si uu taageero uga raadsado. 

28.05.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Faafin: SomaliTalk

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh Radio Xoriyo

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD