SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Isbitaal Cusub oo ay ka Howl Galaan Dhaqaatiir Ruush ah oo Laga Furay Magaalada Muqdisho…..


Somalia Russian Hospital (SOMRUS)

Dhakhaatiirta Cisbitaalka

Agaasime: Zakariye Daahir Gabayre

Dr. Gusev Vladislav oo visito kuwada wiilyar ooBukaan ah

Dr. Nikiforov Pavel Iyo Qof Bukaan ah

Dr. Pavel Nikitorov, nin Bukaan  ah IYo Kalkaaliso caafimaad

Drs.Tatyana Ivanova iyo Qof Bukaan ah

Yusuf Ali Hassan
yusufmog@hotmail.com
Mogadishu-Somalia
SomaliTalk.com | Jan 4, 2004

Tan iyo burburkii Dowladii hore ee Soomaaliya waxaa magaalada muqdisho ku soo batay isbitaalada gaarka loo leeyahay oo inta badan ay a howl-galaan dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi iskugu jirta.

Waxaa inoo suuro gashay in aan booqano isbitaal cusub oo laga furay Magaalada Muqdisho, xaafada Hodan gaar ahaan inta u dhaxeysa Tre-Piano iyo Km-4, Isbitaalka Magaciisa waa Somalia Russian Hospital (SOMRUS), Isbitaalka waxaa ka howlgala dhaqaatiir Rushan ah oo dhan 8-dhakhaatiir isugna jira Rag iyo Dumar.

Dhakhaatiirtan oo inta badan ka howgali jiray Isbitaalka weyn ee ku yaala Moscow lana yiraahdo (Ivanovo Central Hospital)

Isbitaalka SOMRUS waxaa uu qabtaa daaweynta cudurada guud iyo kuwa gaarka ah, sidoo kale isbitaalka waxa uu sameeyaa qaliinka culus yo midka fudud.

Waxyaabaha ay qabtaan ama daweeyaan Dhakhaatiirta waxaa ka mid ah Cuddurada Guud, cudurada Caruurta iyo Haweenka, cudurada indhaha, cunaha, dhegaha iyo sanka.

Isbitaalku wuxuu leeyahay sheybaar casri ah iyo dhakhtarad howlahaasi qaabilsan, waxaa kaloo jira raajo iyo computer casri ah oo bukaanka la saaro.

Isbitaalka SOMRUS waxaa shaqaalo joogto ah ka ah dad gaaraya 100-qof oo u soo shaqa taga isbitaalka.

Maalin walba oo jimco ah isbitaalku SOMRUS waxaa ka faa’iideysa dad dhan 50-Qof oo Bukaan ah iyagoo hela VISITO lacag la’aan ah iyo Daawooyin ay ugu deeqeen Shirkado ka ganacsada Dawooyinka oo ka mid yihiin Somalpharma, Pharmasom iyo kuwa kale..

Maamulaha Isbitaalku waa Sakariye Daahir Gabeyre.

Yusuf Ali Hassan
yusufmog@hotmail.com

Mogadishu-Somalia

SomaliTalk.com | Jan 4, 2004 |


LIFAAQ:

Bahda SomaliTalk waxay uga mahad celinayaan maamulka Cisbitaalka SOMRUS caawinaada ay maalin kasta oo Jimce ah si lacag la'aan ah u daaweeyaan ilaa 50 qof oo Soomaali ah oo gargaarka caafimaad u baahan. Arintan oo ammaan iyo ku dayasho mudan.

Shacabka Soomaaliyeed ma ilaawi doonaan qof kasta oo gargaar u fidiyey marka ay gargaarka u baahan yihiin, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal nabad ah oo hodon ah, insha Allah, markaas ayay taariikhda hadda dib u xusuusan doonaan, waxayna markaas kala ogaan doonaan saaxiibkooda runta ah iyo kan Soomaalida ku jecel barwaaqada iyo khayraadka; sida khayraadka Beeraha, kalluunka, xijiga, batroolka & gaaska dabiiciga ah, dahabka iyo macdanaha kale ee dhex ceegaaga dhulka ay hadda Soomaalidu hadda ka gaajaysan yihiin, waxa kale oo ay kala ogaan doonaan kuwa xaalufiyey dalkoodii, rartay dhirtoodii oo dhuxul laga dhigay, gurtay kalluunkoodii, ku aasay sun raad xun ku reebtay jiilasha cusub.

Sannadkan 2004 waxa uu fursad u yahay qof kasta oo wanaag sii hor marsanaya in uu wanaagaas si niyad sami ah u tuso shacabka Soomaaliyeed ee xilligan taageerada iyo nabadda u baahan.

Dadka Soomaaliyeedna waxaa lagu boorinayaa in ay gacan siiyaan qof kasta oo ay u arkaan in uu si niyad ah u taageerayo shacabkooda, ku gacan siiyaan wanaagga.

Waxaa kale oo bahda SomaliTalk u mahad naqayaan dhammaan akhristayaasha SomaliTalk ee mar kasta talooyinka wanaagsan noo soo jeediya.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2004

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD