SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Janaayo 22, 2004

DOORASHADA XISBIGA DIMUQRAADIGA IYO OLOLAHA MUSHARAXIINTA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 

Sidaan ballan qaaday faalladii kal hore aan soo saaray ee aan ku faaqidaayey ololaha musharaxiinta xisbiga dimuqraadiga ee dalka maraykanka oo ku jira gebo-gebo ayaa waxaa dhacay isbedelo fara badan iyo weliba guul-darooyin la soo darsay qaar ka mid ahaa sagaalkii Musharax ee aan faaladaasi hore ku soo qaaday inaan taariikh nololeedkooga iyo weliba hanaankooga siyaasadeed ku fallan qeeyo bishani aynu ku jiro ee january 15-keedii ayaa gabadhii keliya ahayd ee ku jirtay ololaha
 
Carol Moseley Braun
 
tartanka doorashada xisbiga dimuqraadiga 2004 Ambassador Carol Moseley Braun, waxay ku dhawaaqday inay uga hadhayso tartanka doorashada Howard Dean oo isagu ahaa ninkii hogaaminaayey daraasadii laga qaaday gobolka New Hampshire kal hore, waxaa musharaxiinta xisbiga Dimuqraadigu iskugu soo biyo shubteen lix ka mid ahi 19 January cod-bixin ay isku reeb-reebayeen oo ka dhacaysay gobolka IOWA ee dalka maraykanka, waxaana cod bixintaasi ay isku soo dhawaysay afar musharax oo kala ahaa John Kerry oo ah isagu Senetor laga soo doorto gobolka Massachusetts oo aynu hore taariikh nololeedkiisa iyo hanaankiisa siyaasadeed uga soo sheekaynay, Howard Dean oo isagu ahaa ninka safka ugu horaysa kaga jiray saadasha xisbiga Dimuqraadiga John Edwards, iyo Dick Gephardt, waxaa afarta musharax la doonaayey in ugu yaraan hal musharax lagaga takhaluso waxaana halkaasi nasiib darro la soo wajahday ninka isagu Congress-ka maraykanka u metalla gobolka Missouri oo ahaa siyaasi ruug cadaa ah waa Dick Gephardt oo ay la tagtay seeftii cododka IOWA, waxaa sidoo kale 26 bishani January loo ballansanyahay inay codbixin kale ka dhacdo gobolka NEW-HAMPSHIRE, hadaba waxaan jecelahay inaan halkani ku soo bandhigo taariikh nololeedka afarta musharax ee ka dhina faaqidaadii hore ee aan bixiyey waxaanan ku bilaabi doona Senator John Edward oo ah Senator laga soo doorto Waqooyiga Carolina
 
 
JOHN EDWARDS
 
John Edwards waa Senator ka mid ah golaha Senateka ee waddanka maraykanka oo laga soo doorto Waqooyiga Carolina, wuxuu ku dhashay Senecca oo ah Koonfurta Carolina, wuxuuna ku barbaaray Robbins oo ah magaalo ku taalla Waqooyiga Carolina oo ah isla goobta laga soo doortay, Aabahii Wallece Edwards oo ku lahaa wershad magaalada Robbins iyo Hooyadii Bobbie oo ku lahayd dukaan isla magaalada Robbia kana shaqayn jirtay xarun boosaha ah magaalada Robbins ayaa soo barbaariyey John Edwards, Mr. Edward wuxuu noqday qof ka keliya ee qoyskii uu ka dhashay ee reer Edward dhamaystay dugsi sare iyo weliba heer Jaamacadeed, wuxuu dhamaystay jaamacadda North Carolina State University isaga oo ka dhamaystay cilmiga sharciga, wuxuuna Master ku sameeyey jaamacadda kale ee University of North Carolina isla cilmiga sharciga (Master of Law), intaa wixii ka danbaysay John Edward wuxuu ka furtay Xafiis gar yaqaan magaaladii u ku barbaaray ee Robbins isaga oo halkaasi ka ahaa Lawyer u dooda xuquuqda dadka laga tirada badanyahay iyo weliba xeerarka socdaalka maraykanka.
 
Sannadkii 1998-kii ayuu John Edward wuxuu soo fuullay saaxadda Siyaasadda sare ee waddanka Maraykanka isaga oo u tartamay golaha sare ee Senate-ka maraykanka wuxuuna kaga adkaaday doorashadaasi Senator-kii waagaasi u matali jiray golaha Senateka gobolka Waqooyiga Carolina.
 
ka dib qaraxyadii ka dhacay magaalada Newyork iyo Washington ee dadka badani ku dhinteen ayaa waxaa loo doortay Senator John Edwards guddi madax banaan oo uu ku jiro inay sameeyaan sharci lagu adkaynaayo ammaanka waddanka maraykanka waxaanu ka qayb qaatay sharciyo badan oo golaha Senateku ansixiyeen oo dawladda Madaxweyne George Bush ay hadda ku shaqayso, waxaa lagu tiriya Senator John Edwards maskaxdii ka danbaysay in la abuuro Wasaarad ku tacaluqda hawlaha Amniga maraykanka oo ka madax banaan wasaaradda Cadaaladda ee maraykanka, taasi oo hadda si habsami ah u shaqaysa.
 
JOHN EDWARDS OO KU JIRA OLOLAHA DOORASHADA
 
 
bishani aynu ku jiro 19-keedi ayuu John Edward wuxuu ku guulaystay kaalinta labaad codod laga qaaday gobolka IOWA, inuu yahay ninka labaad ee ku haboon inuu noqdo musharaxa xisbiga dimuqraadiga, John Edwards waa siyaasiga ugu da'da yar tartamayaasha xisbiga dimuqraadiga wuxuu nolosha la wadaaga xaaskiisa Elizebeth oo u leh afar caruur ah waa nin siyaasadiisu u jan-jeedho dhinaca Liberal-ka aaminsan diinta kiristaanka Mad-habta Catholics-ka, maaha nin diinta sida Madaxweyne Bush ugu ad adag.
 
 
 REVEREND AL SHARPTON
 
Reverend Al Sharpton waa ninka keliya ee Madow ee u tartamaya musharaxanimada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka maraykanka, Mr. Al-Sharpton oo ku caan ah hadallo cad cad iyo u doodida xuquuqda dadka laga tirada badanyahay ee Madowga, carabta, Hespanics-ka iyo weliba dadyowga kale ee laga tirada badanyahay ee ku dhaqan waddanka maraykanka, Mr. Al-Sharpton wuxuu soo caan baxay sannadahii 1980-meeyadii ilaa 1990-meeyadii waagaasi oo uu aad uga soo horjeedsaday arxandarada booliiska magaalada New-york kula kacayeen dadyowga laga tirada badanyahay ee Madawga iyo dadka kale, wuxuu ku dhashay magaalada Newyork isaga oo dhamaystay dugsiga sare ee New-York High School, wuxuu ku caan noqday magaalada Newyork isaga oo aas-aasay urur u dooda xuquuqda dadkaasi laga tirada badanyahay oo magaciisa la yidhaahdo National Youth Movement, wuxuuna mar walba ku dhaleecayn jiray cadaanka u badan maamulka magaalada New-york eexasho iyo weliba xaglin xagga waxbarashada iyo dhaqaalaha ah oo ay u xagliyaan cadaanka tirada badan, intii ka horaysay 80-meeyadii wuxu Al-Sharpton la shaqayn jiray ninka feedhka ku caanka ah ee la yidhaahdo DON KING, ninkaasi oo leh shariikadda kulmisa feedhyahanada adduunka, intii ka danbaysay sannadahii 1980-meeyadii wuxuu AL SHARPTON u noqday afhayeen
 
 
REVEREND AL SHARPTON OO KU DHAC JIRA      
OLOLAHIISA DOORASHADA 2004.                        
 
 
urur lagu magacaabi jiray Tawana Bradley oo loo aas-aasay markii gabadh yar oo madow ay ku eedaysay Afar dhalinyaro ah oo cadaan ah inay fara-xumeeyen, wuxuuna Madawga Magaalada Newyork kala hadli jiray waddooyinka iyo fagaarayaasha isaga oo ku baraarujinaya inay xuquuqdooda soo dhicistaan, AL-SHARPTON, wuxu isku taagay duqa magaalada Newyork wuxuuna ku soo baxay ninka labaad cododkii laga qaaday isla magaaladaasi, wuxuu AL SHARPTON hadda u taaganyahay musharaxa madaxweyninimada ee dalka maraykanka, waxaana la filaya inuu taageero badan ka helo dadyow badan oo madow iyo dadka laga tirada badanyahay iskugu jira.
 
 
DENIS KUCINICH
 
Dennis Kucinich oo ah nin Congress-ka maraykanka ugu jira xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Ohio ee dalka maraykanka wuxuu ku dhashay magaalada Cleveland, Ohio October 8, 1946, Kucinich wuxuu la dhashay qoys ka kooban todoba caruur ah, wuxuu Kucinich ku soo biiray saaxadda Siyaasadda ee dalka maraykanka sannadkii 1977-kii isaga oo loo doortay Duqa magaalada uu ku dhashay ee Cleveland, wuxuu noqday Duqii magaalo maraykan ah ee taariikhda soo mara ee ugu yara isaga oo da'diisu wakhtigaasi ahayd 31 sanno, waxyaabaha magaalada Cleveland ee uu ka noqday duqa ay ku xasuusato waxaa ka mid ahaa markii ay Bangiyada magaalada Cleveland ka dalbadeen Mr. Kucinich inuu xaraasho wershadii laydhka ee magaalada Cleveland ka dib markii dayn badan lagu yeeshay dawladda hoose ee magaalada Cleveland, go,aankaasi Kuccinich wuu ku gacmo saydhay ka dib 1979-kii doorashadii laga qabtay dawladaha hoose ee magaalada Cleveland Mr. Kuccinich wuu ku guuldaraystay inuu noqdo duqa magaalada mar labaad, 15 sanno ka dib Kuccinich wuxuu qaaday tallaabo kale oo xagga siyaasadda ah wuxuuna isku soo taagay siyaasadda sare ee waddanka maraykanka isaga oo ku tartamay kursiga gobolka OHIO ay ku leedahay Congress-ka maraykanka wuuna ku guulaystay, sannadkii 1998-kii ayaa gudidda deegaanka ee magaalad Cleveland waxay ku sharaftay shahaado Mr. Kuccinich inuu waagaasi diiday inuu Iibiyo wershadda laydhka ee magaalada Cleveland ee uu ku bar-baaray, Kuccinich waxaa lagu tiriya ragga aadka ugu dedaala in laga hirgeliyo wadamada soo koraya iyo kuwa faqiirka ah ee dunida cuntada la iskug talaalo ee loo yaqaano (Genetic Engineering foods), waxaana golaha Congresska maraykanku u xil saaray guddi uu ka mid yahay Mr. Kuccinich sannadkii 2002 inuu soo baadho sida ugu dhibta yar ee maraykanku ugu gudbin karo raashin la talaalay wadamada afrika iyo aasiya ee gaajada iyo abaarahu ka jiraan.
 
           
Dennis Kuccinich oo ahaa duqa            Dennis Kucinich oo ku jira
magaalada Cleveland 1977kii                ololaha doorashada 2004
 
 
 
Dennis Kuccinich oo ka hadlaya sida uu ku doorbiday inuu ku biiro xisbiga dimuqraadiga wuxuu yidhi "Aniga iyo qosyskayaga oo ka koobnayn 7 qof kuna noolayn magaalada Cleveland ee gobolka Ohio ayaa wagaasi oo uu ka talinaayey waddanka maraykanka xisbiga dimuqraadiga waxaa aabahay iyo hooyadayo lagu qasbay in aanu ka baxno gurigii aanu ka degenayn magaalada Cleveland iyada oo lagu sababeeyey inaanu noqonay qoys culus oo dad badan ka kooban maadama oo aan qorshayaasha jamhuurigu ogolayn sidaasi, waxaan ogaaday ayuu yidhi Dennis Kuccinich inuu xisbiga Dimuqraadigu yahay xisbiga dadka dabaqadda dhexe, ka jamhuuriguna yahay ayuu yidhi mid ay dabaqadda sare dantooda ku ilaashadaan.
 
Dennis Kuccinich wuxuu hadda u taaganyahay ololaha doorashada ee xisbiga Dimuqraadiga.waa nin haysta diinta Kirirstaanka Mad-habta Orthodox-ka
 
 
JOE LIEBERMAN
 
Senator Joe LiebermanJoe LieberMan waa Senator laga soo doorto gobolka Connecticut ee waddanka maraykanka una metala xisbiga Dimuqraadiga, waa yuhuudi diinta aad ugu adag, laguna tilmaamo inuu yahay nin diinta Yuhuudnimada aad ugu xag jira, sannadkii 2000  ayuu ahaa ninka la ololaynaayey musharaxii xisbiga Dimuqraadiga Al Gore oo uu u ahaa ku xigeen, Joe Lieberman waxaa lagu tiriya inuu ka mid ahaa raggii senateka maraykanka ka tirsana ee u codeeyey in ciidamada maraykanka la geeyo waddanka ciraaq xukunkana laga xayuubiyo Madaxweynahii hore ee waddanka Ciraaq saddam xuseen, Joe Lieberman oo mar la weydiiyey siduu u arko dagaalka maraykanku kula jiro dunida Islaamka wuxuu yidhi waan taageersanahay in laga tirtiro dunida muslimiinta mayalka adag, inyar ka dib ayaa weriye joogay ama fadhiyey qolkii uu shirka jaraa'id ku qabanaayey Joe Lieberman waxaa isaga oo cadhaysan ka dhex kacay nin weriye ah wuxuuna weydiiyey Joe Lieberman "Ma waxaad doonaysa inaad soo celiso dagaalkii diimaha ee kirirstaanka Muslimiinta iyo Yuduuda" Joe Lieberman oo hadalkaasi aad uga naxay ayaa wuxuu yidhi "maya maya laakiin waxaan taageersanahay in amaanka maraykanka iyo shacabkiisaba la ilaaliyo" malaayiin muslimiin ah oo ku dhaqan gudaha dalka maraykanka ayaa u arka Ololaha Joe Lieberman inay dabada ka riixayaan yuhuudda mayalka adag ee ku dhaqan waddanka maraykana una badan ganacsato iyo tujaartu, mar lagu jiray doodaha musharaxiinta xisbiga dimuqraadiga ayaa waxaa uu weydiiyey weriye ka tirsan idaacadda FOXNEWS oo ah idaacad xag jirta ayna leeyahiin ganacsato yuhuud ahi sideed u aragta arrinta beriga dhexe wuxuu ku jawaabay Joe Lieberman "jiritaanka Israel waa muqadas caasimadeeduna waa qudus" intaa markuu marinaayo ayaa waxaa ka boobay hadalka Reverend Al Sharpton wuxuuna ku yidhi "Joe Liberman halkani maaha Israel waa America, dhulkana waxaa leh dad kiristaan ah mana doonayno inaanu isku dhacno ama isku diro dadka yuhudnimada aaminsan iyo muslimiinta iyo kiristankaba waxaanu soo dhawaynayna labada shacbi ee falastiniyiinta iyo israel oo nabad isku dhinac noolada" markii intaa ay ka soo baxday afkiisa al sharpton ayaa waxaa sacab isku daray dhamaan dadkii ka soo xaadiray hoolkii lagu qabanaayey doodaasi, si kasta ha ahaatee, Joe Lieberman waa siyaasi xag jira aaminsan diinta Yuhuuda (Jewish), siyaasadiisu ku qotonto jiritaanka dawladda Israel iyada oo dunida carabtu ay wareersantahay, waxaa loo aaneeya inuu dhabar jab weyn u keenay ololahii kal hore ee AL GORE, waayo shacabka maraykanka badankiis oo aan jeclayn sida maraykanku u maamulo siyaasadda beriga dhexe.
 
akhristayaasha qimaha mudanow qormadani aan kaga hadlaayey musharaxiinta xisbiga dimuqraadigu intaasi ayey ku dhantahay, waxaa bishan aynu ku jiro 26-keeda ay musharaxiintu geli doonan olole aad u adag oo ka dhici doona gobolka New hampshire halkaasi oo musharaxiin badani ku kala hadhi doonan. waxaa kale oo sidani oo kale uga dhici doonan codbixino gobolada Arizona, washington iyo newyork.
 
WAA FAALADII
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
 KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2004

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD