SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Afrikeey: Aduunkaan baryadaada iyo gaajadaada kugu nac!!! 

Bile Jaamac (Gaagaale)
sharmarke10@hotmail.com
Oslo, NorweyQaarada Afrika, waxeey ka kooban tahay hadda 53 dal oo xor ah. Taas macnaheeda waxeey tahay in lawada gumeeysan jiray badidooda, haddana eey ka xoroobeen gumeeysigii xumaa ee reer Yurub ee mudda dheer dadkoodii iyo dalkoodii iska maamulan jiray, reer Yurubkii gumeeysiga ahaana siduu rabo ka yeeli jiray, dilka dadkooda hadeey tahay iyo dhaca iyo boobka hantidooda kuleey ku tahay-ba.

Qaaradda Afrika, mar dadkeedii waa la iibsaday, oo waxaa lagu sameeyey ganacsigii caanka ahaa ee ahaa oo la oran jiray ( slave trade) oo boqortooya-deedee iyo kaabo-qabeeladeedii ayaa ku gorgortamay in eey dhaafsadeen dhaqaale aan macno-buuran laheen, -cadaankii reer Galbeedka- eey la yimaadeen.

Qaaradda Afrika, waxeey ku dhex-dhacay -"iibsigii adoon-siyeed"- ka dib, hanaan cusub oo maanta aduunka wada ogyahay, hanaankaas wuxuu ahaa -Colonization- ama -Gumeeysasho- .

Qaaradda Afrika, dhibkasta oo qof bani`aadam ku dhaca ayaa ku dhacay, ee aduunkaan ku nool 500-tii boqol oo sanno ee ugu danbeeysay.

Su`aasha waxeey tahay, ma qofka Qaarada Afrika degan baa ka liita dadka kale ee aduunkaan ku nool mise waa arin kale ee in laga hadlo u baahan.

Hadaan Soomaali nahay, waxaan ku naal-naa Qaaradda Afrika, sidoo kale waxaan ka midnahay qeybta Qaaradda Afrika ee madoo(sub-sahara), ee aad loo liido, marka dhinac kasta laga fiirsho ama laga eego, hadeey noqon laheeyd siyaasad; dhaqaale; ama horumarin bulshadeed-tacliin, caafimaad, tix-galin-dadkeeda u dhashay dalka, sidaas darteed waxaan ugu horeeynaa dadka u liita Qaaradda Afrika, inkastoo iibsiga ama "slave trade" aanan nalagu sameeyn, laakiin Qaaradda Afrika dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxa eey waqtigaa xaadirka ah u muuqdaan in eey ugu liitaan Qaaradda Afrika Soomaaliya iyo Congo Kinshaasa.

Soomaaliyeey, 500 sanno ayeey Qaaradda Afrika silic iyo fool-xumo ku jirtey oo noocyo badan leh, dalkeenanna waxa uu ku yaal Qaaradda Afrika.

Xaaladda Qaaradda Afrika, aad iyo aad beey u liidataa, oo in eey aduunkaan ka tirtiranto baaba loo yaabaa; cunto la`aan; cudur kasta ee dilaa ah ee ka jira Afrika; faqri joogta ah; tacab la`aan dhican kasta ah; baryo badan aan wax laga qaban karin, intaa waxeey dhaxleeysaa in eey ka tir-tirmaan jirtaanka aduunkaan maanta aan ku noolnahay dhawr boqol ee sanno ee socda, ee la waayo rag iyo dumar madow ee Qaaradda Afrika ku nool.

Gunaanad, Qaaradda Afrika gaar ahaan qeybteeda -sub sahara- waxeey u egtahay in eeyna suuroobi karin in lagu badbaadiyo fikradda -Tony Blair-ee baryahaan socota, kuwaas oo ah: in Qaaradda Afrika laga dhaafo -deeynta badan ee lagu leeyahay; in ganacsi siman lala sameeyo; iyo in la helo maamulo aaan musuqmaasuq laheeyn.

Qaarada Afrika, Tony Blair iyo fikradiisa hadalka ah, waxba kama qaban karto, mana la hubo in uu Ciraaq iyo buuqeeda dadka aduunka ka jeedinaayo arintaan uu hadda keenay laakiin waa arin fiican hadeey la dhabeeyo oo bilaw u ah horumarinta bulshada dhibaateeysan ee degan Qaaradda Afrika.

Waxaase jirte, in la xuso, -Big brother- fikrad ah oo macnaheeda ah, Qaaradda Afrika waxaa waligeed badbaadiya ninka -cad-oo aduunsaday, gumeeystey, ka dibna galiyey dagaalkii qaboobaa ee ku saleeysnaa fikradda ah -adigu waxaa tahay shuuci, adigana waxaa tahay burjuwaasi- oo fikradahaas kuligeed ku soo biyo shubanaayo arin aan sal iyo baar ah laheeyn. Waxeeyna ku saleeysnaayeen "qeeybi oo xukun".

Soomaaliyeey, Qaaradda Afrika ee baryaan la hadal hayo xageen ka taagan-nahay, hadeey noqon laheey xasilinta siyaasadeed iyo wax u qabadka dhaqaalabe ee baryahaan la hadal hayo, gaar ahaan G8-ka ku kulmaya wadanka Uk. 

Bile Jaamac

Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2005

Baafin: Dareewal Soomaaliyeed oo ay Ugu War Dambeysey Las Vegas..
Hooyo Caasha Sheekh Cabdi oo degan magaalada Atlanta Georgia, USA ayaa baafineysa wiilkeeda Guji


Ciyaaraha  Kubada Cagta iyo Kubada Koleyga ee ka Socda Minnesota
Kubada cagta oo ay ku tartamaayeen 16 kooxood ayaa hada waxaa ka.. Guji..

 


Kismaayo: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo kulamo la yeeshay saraakiil ka tirsanaan jirtay dowladii hore
Wafdi ka socda DFKMG ah oo soo garay kismayo iyo Dalka Kenya oo soo dhaweeyay hindisaha G8... ka akhri halkan...

Ciidamo Ka Socda Dunida Islaamka oo Nabad Ilaalin ah oo Loo Dirayo Soomaaliya
»Qodobo kasoo baxay kalfadhigi 32aad ee dalalka islaamka
»Hargeysa: Eng. Cismaan Hindi oo isu soo taagey doorshada..
Warka oo dhan ka akhri halkan.. Guji July 2


Cabdi Sheikh Bahalow "Kenya waxay u Burburineysa Somaliya si aan looga hadlin NFD: Cabdi Bahalow waxa uu ka tirsan yahay xisbiga haya talada kenya, waxana uu madax ka yahay ururka nabad raadinta geeska afrika. Waraysiga waxaa qaaday Mumtaz: dhegeyso


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD