SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Jawaab waraysigii uu siiyey BBC mudane C/risaaq Xaaji Xuseen

Osman Ahmed Sheekh

isxaaq@yahoo.com

July 14, 2005


Bismillaahi raxmaani raxiim, ku bilaabid magaca eebe weyne ka gadaal waxaan jeclaystay inaad xoogaa ka iraahdo waraysigii uu shalay oo ku taariikhaysnayd July 12, 2005 ee uu idaacada BBC siiyey mudane C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisul wasaare hore ee Soomaliya lixdamaadkii.

Abdirizak Haji Hussen [Somalia PM 1964-67]

A Perilous Impasse in Somalia

Kuma soo wada koobi karo qormadan waraysigaas oo aad udheeraa dartiis, waxaanse rabaa inaan wax yar ka taabto. Waan jeclaan lahaa inaan qodob qodob utaabto hayeeshee waxaan ka baqayaa inuu qalinku ila tago oo qoraalkayganina uu dheeraado kadibna akhristayaasha qaarkood oon ogahay wakhtigooda ciriiriga inay suuragal unoqon waydo inay wada dhamaystaan qoraalkan.

Ma jeclayn inaan ka daba hadlo mudane C/risaaq oo ah shakhsi xushmad ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, hase yeeshee daniba tiri xil dhalaan gartaa weynaa ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa.

Waxaan rabaa inaan arimaha uu mudane C/risaaq ka hadlay aan ukala saaro saddex qaybood. Qayb uu kaga hadlay arimaha khilaafka dawlada, qayb uu kaga hadlay arimaha nabadaynta Soomaaliya iyo qayb uu is barbardhigay degaano aysan ahayn kolay marakan in la is barbardhigo mar dambe yeelkeede iyo qiil usamayn burcada isbaarada dhigatay dariiqyada kuna baarata danyarta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Muqdisho.

Aan ugu horeeyo dal daloolada iiga muuqday waraysigaas, aana ku bilaabo khilaafka dawlada dhex yaal. Mudane C/risaaq wuxuu ahaa ama dadbadaniba ka rajaynayeen inuu khilaafkaas dhex dhexaad ka ahaado maadaama uu yahay oday Soomali udhexeeya, xushmadna ku leh bahweynta Soomaliyeed waliba haduu isku dayo inuu dhameeyo wax ka gaysan kari lahaa. Haday noqoto waaya aragnimadiisa siyaasadeed iyo haday noqon lahayd xushmadaas loo hayaba.

Ma dhicin in mudane C/risaaq uu ka faa’iidaysto fursadaas qaaliga ah, wuxuuna ka doorbiday inuu raaco oo taageero dhinac ka mida dhinacyada is haya gaar ahaan hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho.

Si fiican udhuux jawaabtii uu ka bixiyey su’aahsii ahayd in dawlada madax weynaha uu ka yahay mudane C/laahi Yuusuf waxay gudoomiyaha baarlamaanka mudane Shariif Xasan ku sheegtaa inuu shariifku masuul ka yahay dhibaatooyinka ba’an ee dalka maanta ka taagan ee dawladiisana hortaagan.

Mudane C/risaaq aad iyo aad ayuu uga maagay inuu ifiyo khaladaadka gudoomiyaha baarlamaanka iyo shaqooyinka uusan lahayn ee uu shanta kula jiro mudane Shariif Xasan, sida uu wax uga sheegayey madaxweynaha ugama uusan hadlin waana uu ka war wareegay, ifinta khaladaadka kooxaha Muqdisho ee jalaafooyinka dawlada ku haya kuna gabanaya dhabarka mudane Shariif Xasan. Waxaa jirtay hees Soomaaliyeed oo ahayd.

Kii dhuumanaayow dhabarku muuqdoow, waa dharaar waa dharaar lugu dhawrayaaye dadkaa dhinac ka raac hooy hooy dhinac ka raac yaadan lumine dhinac ka raac oon ula jeedo hogaamiyayaashaas raba inay shacabka reer Muqdisho siriq ku sii hayaan.

Waxaa wax lala yaabo ahaa markuu yiri mudane C/risaaq, madaxweynuhu wuxuu shanta kula jiraa shaqo uusan lahayn markaas micnuhu sow la ma oran karo mudane C/risaaq wuxuu taas ula jeedaa in Shariifkuna shaqada uu faraha kula jiro inay shaqadiisii tahay oo hawlihii dawlada inuu shariifku dhex boodo ay waajib tahay sow uma dhacayso mar hadii mudane C/risaaq uu ka meermeeray inuu si buuxda uga jawaabo eedaynta dawlada ee gudoomiyaha baarlamaanka.

Taas sow ku tusi mayso sida uusan mudane C/risaaq uusan daacad ama dhex dhexaad uga ahayn arimaha Soomaaliya uuna si bareer ah utaageeray koox ka mida kooxaha is haya.

Dad badan oon ka mid ahay ayaa isweydiinaya maxaa ku kalifay in mudane C/risaaq inuu lumiyo masuuliyadii cuslayd ee dalka iyo dadkaba ka saaraa ee ahayd inuu oday uwada yahay dhamaan Soomaali ee uusan dhinac ujan jeersan iskuna wado dhamaan, kuwa khadlana khaladkooda daacadnimo ku saxo, kuwa saxana uu garab istaago.

Qodobka labaad ee mudane C/risaaq uu ka hadlay waxay ahayd qaabka loo nabadaynayo magaala madaxda iyo inay dawladu aysan wax xil ah iska saarayn nabadaynta magaala madaxda. Hadaba waxaa is weydiin mudan ma jirtaa cid inkirsan Muqdisho inay tahay caasimad, yaase yiri waxaa caasimada loo wareejin meel kale oon Muqdisho ahayn, mase la hubaa sideedaba in Muqdisho mustaqbalka ay buuxin doonto shuruudaha caasimad nimada?.

Ciimadii dalka oo idil laga uruurinayey ee xooga qaranka ahaa lana rabay in tababarka loo furo si ay usugaan amaanka qaranka in lagu furo tashwish oo dareen la galiyey lagana dhigay kuwa ka imanaya Hiiraan iyo Puntland oo qura oo duulaan ku soo ah degaano kale,taasoo aan oran karo mudane C/risaaq warba uma hayo waxa dalka ka socda ama dhinacyada siyaasada isku haya midkood ayuu warka ka helaa maadaama uu yiri waxaan maqlay in Hiiraan iyo Puntland ay ciidamo ka imanayaan malaha kuwana Jowhar hore waa ujoogeen ayuu sii raacshay.Taas ayaa ku tusaysa in mudane C/risaaq uusan si fiican ula socon wararka gudaha dalka.

Hadaba waxaad moodaa in mudane C/risaaq uu meeshii uu ka hadli lahaa kuna baraarujin lahaa dadka ku nool Muqdihso sidii ay unabadayn lahaayeen magaalada dawladuna ay ugu soo dhiiran lahayd inay imaatinka iyo ka shaqo bilaabida caasimada, waxaad moodaa inuu muujiyey in dawladu cadaawad uqabto reer Muqdisho oo asyan dawladu danba ka lahayn in magaaladu ay nabad noqoto iyo inay sideeda sii ahaato taasoo aad moodo inay dhalin karto dhibaato iyo cadaawad in dadweynaha reer Muqdisho ay dawladooda uqaadaan.

Ka waran hadii waraysigaas uu dhaliyo dagaal, ay dad ku hoobtaan yaa masuuladeeda qaadaya?.Warar ayaa durba sheegaya waraysigii kadib in hubkii oo maalmahan qiime dhac uu ku yimid in suuqa hubka lagu kala gato kan ugu weyn ee Bakaaraha inuu kor ukacay hubkii kadib markii waraysigii mudane C/risaaq uu muujiyey sidii in hubka laga dhigayo oo qura reer Muqdisho oo qura. Waxaa fiicnaan lahayn mudane C/risaaq inuu booskii hadalkaas uu ka doorbido inuu dadka Muqdisho ku dhiiri galiyo inay ka wada qayb qaataan nabadaynta muqdisho hubkana iska dhigaan.

Tan saddexaad oo kuwaas oo dhan ka sii darayd waxay ahayd markii mudanaha la weydiiyey su’aal ahayd, madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dawladiisu waxay sheegaan kuna eedeeyaan had iyo goor hogaamiyaasha hubaysan ee Muqdisho haatana noqday wasiirada inaysan dawladnimo doonayn oo ay ka doorbidayaan isbaarooyinka magaalada udhexyaal oo lacago badana ay ka helaan,waxay kaloo dawlada C/laahi Yuusuf sheegeen in hogaamiyayaashaasi ay yihiin kuwii dawladii C/qaasin jilbaha dhulka udhigay oo burburiyey adigu taas mid ka duwan baad qabtaa miyaa?.

Mudane C/risaaq wuxuu ka baxshay su’aashaa jawaab dhagaystayaashii dhagaysanayey waraysigiisa ay aad ula yaabeen sida uu qiilka ugu sameeyey hogaamiyayaasha hubaysan ee isbaaradu utaal Muqdusho. Jawaabtii mudane C/risaaq uu ka baxshay waxay noqotay sedan.

Nimankaas kaligood in lagu eedeeyo ma qabo qolo aan dekado iyo airport ama meelo lacago ka soo galaan aan lahayn ma jirto , Puntland baa leh, Somaliland baa leh, Bay baa leh, Kismaayaa leh.

Waxaan aad ula yaabay sababta uu mudane C/risaaq uu isu barbardhigay degaano maamul iyo nidaam uu ka jiro iyo kooxo burcada oo masaakiinta jidadka ku furta oo isbaaro ku jaqa dhiiga shacabka. Ma la is barbar dhigi karaa canshuuraha laga qaado dekadaha maamulada Puntland iyo Somaliland iyo kuwa koonfur ka jira, haba ugu daraadeen kuwa Muqdisho oo aan marna lagu tilmaami Karin canshuur.

Waxaa dad badani la yaabay, iyadoo mudanuhu uu ogyahay in degaanadaas ay yihiin goobo aysan ka jirin isbaaro dadka lagu dhaco,uuna ogyahay mudanuhu in lacagta canshuuraha ee dadka laga qaado ama garoomada diyaaradaha ha ahaato ama dekedaha in mushaar ay uqaataan shaqaale fara badan oo degaanadaas ku nool ayna ku nool yihiin waa canshuurtaase qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Hadaba aan eegno qaabka ay ushaqayso isbaarooyinka Muqdisho yaase ka fa’iida lacagaha baada iyaguba ay ku sheegaan ee uu mudane C/risaaq ugu qiilka sameeyey hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho.

Ugu horayn isbaarada ay dhigteen ma aha mid qaab canshuureed ee waa qaab burcad nimo oo maalinba burcada goobtaas joogta ay waxay doonaan ka qaadaan gawaarida.

Tab labaad lacagtaas waxay gashaa jeebka ashkhaas gaara oo waxba looguma qabto shacabka, balse waaba lagu dhibaa isu socodka magaalada.Haday bixin waayaana xabad baa lala dhacaa, halka meelaha maamuladu ka jiraan jidadku aysan isbaaro oolin, cidii canshuuraha ganacsiga ku waajiba aan bixina xabsiga loo taxaabo een xabad lala tiigsan.

Dekadaha iyo garoonada Muqdisho waa la mid isbaarooyinkaas magaalada dhexyaal oo waxba ugama duwana, hadaba side loo barbar dhigi karaa degaano canshuurta dadka laga qaado looga faa’iideeyo dadka degaanka ku dhaqan kuna faraxsan marka laga qaadayo canshuurtaas ogna inay iyaga dib ugu laabanayso.

Waa suuro gal in mararka qaar canshuuraha laga qaado degaanada maamulka iyo kala dambayntu ay ka jirto in si khaldan loo maamulo dhaqaalahaas, hase yeeshee marna looma barbar dhigi karo jid gooyooyinka Muqdisho iyo meelaha aan nimaadku ka jirin yaala.

Ugu dambayn, waxaan ka codsan lahaa mudane C/risaaq inuu dib u’eego waraysigiisii oo intaas oo daldaloola ah iyo kuwa ka sii badan laga heli karo, balse aanan halkan dhamaan lagu soo wada koobi Karin in mudanuhu uu ka baxsho raali galin dibna usaxo.

Waxaan si xushmadi ku jirto uga codsan lahaa mudane C/risaaq inuu raali galiyo gaar ahaan shucuubta samaystay maamulada ee tusaalaha unoqday shacabka kale ee Soomaaliyeed een wali samaysan maamul hanaqaada inuu siiyo raali galin buuxda maadaama uu ka soo qaaday hal bacaad lagu lisay wax qabadkooda, iyo nidaamka ka hirgalay degaanadooda mararka qaarna uuba shaki galinayey degaanadaas in nidaamba uu ka jiro markii uu qiilka usamaynayey isbaarooyinka hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho isagoo tusaale usoo qaatay in isbaarooyinka ama meelaha dakhliga uu ka soo galo dalkoo dhan ay ka jirto .

Waxaan qoraalkaygan ku soo afjarayaa su’aal ay shacabka Soomaaliyeed ee dawladnimada iyo in kala dambayntu mar soo noqoto uhamuun qaba ay isweydiinayaan.

Qoraalkii Cabdirizaq Xaaji oo ku qoran Afka Ingiriisiga ka akhri halkan....

Waraysigii Cabdirizaaq Xaaji Ka Dhegeyso halkan....

Hadii dawladii ay jaleefaynayaan kuwii hubaysnaa, kuwii aqoonta lahaa ama siyaasadoodu ay dalka badbaadin lahaydna ay usacab tumayaan duminta dawladaas ucuratay Soomaali oo idil xagay ku dambayn dawladani? mase ka samatabixi doontaa intaas oo isbiirsaday oo idil?.

Dawladu sixid bay ubaahantahay ee mucaaradnimo uma baahna, mana lihi sax iyo khalad haloogu sacab tumo ama haloo taageero. Waxaan oran lahaa wixii ka khaldana hala tuso, wixii ay ku saxan tahayna halagu taageero waana sidaas sida kaliya ee aan dib ugula soo laaban karo dawladnimo ka hirgasha Soomaaliya oo idil iyo midnimo Soomaaliweyn.

Qoraalkan uguma talo galin inaan qof ama dad gaara wax ugu dhimo, balse waxaan garowsaday in loo baahan yahay in waraysiyada ay bixiyaan had iyo goor siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed in shacabka loo iftiinsho si ay ukala fahmaan kuwa wax dhisaya iyo kuwa wax duminayaba. Afka hal qof waxa ka soo baxa ayaa wax weyna dhisi kara wax weyn oo dhib ahna gaysan kara. Sidaa darteed waxaa fiican in had iyo goor tacliiq ama fasiraad lagu sameeyo waraysiyada si dadku uwada faho ujeedada waraysigaas ka dambaysa.

Wabilaahi tawfiiq.

Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
Minneapolis,Minnesota
USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

July 14, 2005


QORAALADII HORE EE C/RISAAQ XAAJI XUSEEN:

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan March 2004

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Dhanbaal u socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka Nabadaynta

Ma runbaa in shirkani yahay nabadayn mise waa abaal marin qabqablayaasha dagaalka?

Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya!

Dhanbaalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo AfSoomaali Loo Rogey:

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD