SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Yaa ah Professor?, Dr.?

Haddii aad joogtay lixdamaadkii oo aad maqli jirtey Dr. Cabdirashiid Cali Sharma'arke ama Dr. Ismaaciil Jumcaale iyo Maxamed Ibraahim Cigaal, magaciisa oo qaawan, macneheedu ma ahayn in Ina Cigaal uu ka waxbarsho hooseeyey labada kale Balse Qaabka Magac bixineed ee Meelaha ay wax ku soo barteen ayaa kala duwanaa, Maantse Dunida oo dhammi waa isaga mid magacaynta derejada Waxbarasho.

Shahaadooyinka Jaamacadda laga Qaato waxay u kala Horreeyaan sidan Bachlor Degree, Master degree, iyo marka u dambaysa Doctorate PHD(Dr.) Waxaa jitra in Ruuxa Phd ah ee Jaamacad kursi ka hayaa la siiyo derjedad Professor. Markaa ogay Professor ma aha Shahaado laqaato.ee waa Macallin ama Baare Jaamacadeed. hase yeeshee waxaa shardi ah in ruuxaasi marka hore yahay Dr.(Phd).sidaa daraadeed Dr. kastaa ma ha Professor, Hase Yeeshee Prof. kastaa waa Dr. Markaa Proffesor waa ruux Phd(Dr) ah oo Jaamacad kursi ka haya ha ahaato mid wax barid ama baarid (research). Dr. waa Ruuxa haysta shahaadada ugu sarraysa ee jaamacad laga qaato. Waxaa kale oo Dr. loogu yeeri karaa ruuxa oo haysta Shahaado Dhakhtarnimo.

Waxaan aad ula yabay websateyada Somaliyeed intooda badan in aanay garanayn ruuxa ay ka hadkaan ama Derejada ay siinayaan. Wax badan baad arki Prof Cali Maxamed Geeddi, Prof. Sifir, iwm Waa jiraty in ay ahayeen Prof. hase yeeshee hadda midkoodna Jaamcad kursi kama hayo ee waa Wasiirro ama Xildhibaanno markaas waxay xaq u leeyihiin in loogu yeero. Dr.Cali. iwm.

Weligaa ma maqashay Prof. Condoleezza Rice. Jirteennoo ay Macalimad ka ahaan jitey Jaamacaada la sheego in ay Adduunka ugu fiican tahay. inta badan magceeda ayaa loogu yeeraa mar mar ayad maqli Dr. Rice. kaas ayaana ah shahaadada ay shaqaysatay.maadaama aanay hadda Jaamacad kursi ka hayn. Waxaad kale oo arki in dad badan oo aan xitaa shahaada Labaad ee jaacadda haysan ay suxufiyiinta somaliyeed ugu yeeraan Prof. ama Dr. waxaaba laga yabaa ruuxa Prof. ama Dr. loogu yeeryaa in uu ogyahay balse uma sheego kuwa ugu yeeraya in aanu heerkaa waxbarasho gaarin. Ma jirto Bililiqo ka darani in ad sheegato ama oggolaato in lagu siiyo derejo waxbarsho oo aanad shaqaysan. in aad heshaa Phd ama Mastrate shaqo hawl yar ma aha. ninka haysta uun baa dareemi kara jabka iyo dhibaka uu u soo maray.

Wasiirada Dawladda ama Xildhibanada waa yar yihiin inta haysata Shahaado sare waxaase badan inta loogu yeero Dr. Iyo Prof. Inta aan garanayo Waxaa maclimiin hore ahaa Dalka ama Dibadda Profesoorna loogu yeeri jirey Phd na ah ee ku jira Golaha wasiirada waxaa ka mid ah.. Dr. Geeddi, Dr.Buubaa, Dr. Juurile Dr. Sifr.

Haddii ruuxu ka baxay LAFOOLE oo dabadeed maclimiin la'aan darteed uu macallin ka noqaday isla Jaamacaddii Lofoole macneheedu ma ha in uu Ruuxasi Professor yahay waxaa ka horreyesa hawl badan oo ah in uu shahaadooyinka ka horreeye soo qaato.

Waxa kale oo aad arki iyadoo suxufiyiinta somaliyeed qorayaan Wasiirka arrimaha Dibadda Danjire Cabdullahi. Wasiirka Maaliyadda Somaliland Danjire Cawil. waa run Cabdillaahi iyo Cawil mar shaqadoodu waa ahayd Danjireyaal hase yeeshee maanta waa ka sarreeyaan oo waa wasiirro. markaa sida aadan ugu yeeri karin ruux wasiir hore haan jirey Wasiir ayaadan ruux Danjire ahaan jirey ugu yeeri karin Danjire. markaa Danjire waa Shaqo ee ma aha Title la sito mar kasta. Hadii ruuxu uu dnjire Hore ahaa maantase aanu shqo kale hayn waa bannaan tahay in la yiraa Ex.Danjire. ama Ex.Wasiir..laakiin Danjire la is daba wadaa macne samayn mayso.Wasiirka ayaana ka horreye Derjo ahaan Danjirha.

Dr.(Phd) aad ayuu ugu yaraa Somalia maantase Alxamdullillah boqollaal waa ka badan yihiin.

Nabadgelyo

Mohamed S.Ali | Perth Australia
buurGaaban@iprimus.com.au

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2005


Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD