SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DUBAI

Tahniyad Caleema Saarka Ugaaska Beesha Ceyr
 

Ujeedo: Salaan iyo Tahniyad

Anigoo ah Ganacsade Xassan Cabdulle Adam kuna dhashay Degmada Ceel-Buur ee gobolka Mudug 1954 joogana Dubai U.A.E waxaan Tahniyad iyo salaan aad iyo aad u sareysa u dirayaa Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo dhawaan lagu caleemo saaray Magaalada guriceel ee ka tirsangobolada dhexe ee Soomaaliya Waxaa kaloo aan salaamayaa dhammaan Mudeyaasha iyo Marwooyinka Soomaaliyeed ee ka soo qeeb galay Caleemo Saarka Ugaas Xassan Ugaas maxamed Ugaas Nuur oo lagu khatimay xilkii soo jireenka ahaa ee uu ka dhaxlay Aabihii Naxariistii iyo Jannadii Alle haka waraabiyee Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo silsilad ahaan ahaa Jufada reer Caalin ee beesha Ceer.

Sidoo kale waxaan salaan aad iyo aad u qiimo iyo qaayo badan u dirayaa garbihii ka shaqeeyay soo bandhigay damaashaadka caleemo saarka ugaaska. 

Ugu danbeentii waxaan ugaaska cusub iyo dhammaan salaadiinta Soomaaliyeed rabbigeen uga baryayaa in bogooda burcad iyo naxariis isu mariyo iyagoo gudanaya xilka saran ay noqdaan kuwo wadajir uga shaqeeya maslaxadda Dalka iyo dadka si aan dib ugu hannano nabad buuxda iyo qarannaimo waarta

Fg: Ogaada Soomaaliyeey Dowlad Xun Dowlad La’aan bey Dhaantaa  

E-mailka Qoraaga Tahniyada waa sidan

zaciimka@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2005


Ugaaski 11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray
»Caleemasaarka oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
»Xisbiga S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.. July 21

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD