SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Digniin ku socoto siyaasiinta D&M Calooshood ushaqeeystiyaalka ah

ABaas sh sayed.....ABaas AFRO
Cairo EGYPT...
Email:
nasiib_wanaag@hotmail.com

Aad baan ula soconaa dhaqdhaqaaqa aad gudaha waddanka ka wadaan, labadiina garab ee siyaasadda isaga soo horjeeda, aad baana ula yaaban nahay waxa shaqadiinu tahay iyo cidda aad matalaysaan. Run ahaantii waxaan u maleyneynaa in aad ka gudubteen is koox kooxeysanimadadii, is qabiileysigii iyo hogaamiye kooxeednimadii niilugu yaqiinay oo aad maanta noqoteen, Kuwa matalaayo qowmiyada D&M waxaa yaab leh aawey siyaasiintii D&M oo laga rabay inay bad baadiyaan danta guuud eee qowmiyadooda oo ay u badaleen dagaal sokeeye oo umadaan 15sano lasoo dhaafey ka wadaan har iyo habeen dagaal sokeeye oo aan dhamaad laheyn Hadii uu mid kastaba uruursado ciidan oo uu yiraahdo waan is difaacayaa, yaa u maqan shacabka masaakiinta ah ee 15-ka sano dhibaatada ku jiray, dhibaatadaasi oo ah mid ay badeen siyaasiintii D&M calooshood ushaqeeystiyaalka ah Khaladaadkii aad ka gasheen Baay iyo Bakool iyo ummadda 15-kii sano ee tagay. Laakiin waxaa halkaani inooga cad in aadan weli ka gudbin dhaqankii hore ee la idinku yaqiinay ee ahaa is aruursi qabiil iyo ku duulid qabiil kale, idinkoo fiirinaya oo keliya danahiina khaaska ah, marna aadan u soo jeedin u adeegidda danta guud ee Qowmiyada D&M Haddaba, Waxaa Maanta Sidda Qoraxdda u Muuqdda Khilaafka iyo Muranka Weyn oo Dhex-yaala siyaasiintii D&M iyo degaanada Baay iyo bakool oo ayamahan danbe isku bedelay goobo dagaal iyo kala qeeybsanaan aan Caadi aheyn.

HADABA MAXAA U DAN AH QW miyada D&M.........

QW miyada D&M dalka gudihiisa iyo dibadiisa joogto waxaan halkaan uga soo jeedineyaaa baaq ku saleeysan hanaanka nabada iyo xasiloonida G/ Baay iyo Bakool iyo ka hor tagida dagaalka QW miyada D&M ka hor tagida arimaha xiisada colaadeed ka jiro degaanada Baay & Bakool hadii aanu nahay wax garadka D&M ku nool qurbaha waxaana uga digaynaa garab yada ku dagaalamaayo G/ Baay iyo Bakool isaga soo hor jeedo dhinacyo siyaasadeed waa in ay ka waantoobaan dagaal sokeeye ee umad fara badan oo masaakiin ah ku dhimato oo arimaha siyaasadeed lagu dagaalamaayana ay ku dhameeyaan wada hadalo iyo walaaltinimo ka bad baadiyaan umada dhibaato kale hor leh siyaasiintii d&m hadii ay ka waantoobi waayaan arinkaan dagaal ah oo ay umada ku dul haayaan masaakiinta 15 sano dhibaatda ku habsatey har iyo habeen waxaan diyaar u nahay hadaan nahay wax garadka D&M ee ku nool qurbaha inaan sawiradoodi iyo magac yadoodi sedax aan u gudbino besha caalaamka human rights united nationka iyo europian unionka hadii ay ka wantoobaan waa sidii la rabey siyaasiinta a D&M hadii danaha guud ay fiirin waxay ogaanayaan inay dhibaato weyn uga imaan karto laakiin waa inay gartaan danta walaalahooda iyo degaanadooda hadii maanta siyasin iyagoo isku sheegaayo oo shisheeeye kale laga soo amar qaato maanta dantooda lagula taliyo taas mar walba dhibaato weyn ayaa ka imaan karto sidey ila tahay D&M uma baahn maanta dagaal waxay ubaahan tahay nabad iyo xasilooni 15 sano lasoo dhaafey somalia oo dhan ayaa dhibka soo gaarey laakiin qaasatan dadka u badnaa WAA D&M.

Ummadda D&M, Waa in eey Gartaan Dabka Soo Holcaaya iyo Dagaaladda eey Waddaan garab yada ku dagaalimaayo Baay iyo Bakool Iyadoo La Wadda Ogyahay Mudadii Dheerayd oo aan dhibaatada ku jirney ilaahay naga bixiyey oo hadana dhexdeena ku heshiin weynay inaan is maamulno oo aan isku kalsoonaano laakiin ma ay dhicin marba hadii jago laga wada heshiin waayey waxaa wanaagsan in shacabka masaakiinta la bad baadiyo hadii maanta ay noqoto sheekada baydhabo ayaan ku duuleynaa dowlad ayey soo degaysaa hadii qoladii kale baydhabo haysatey tiri dowlad masoo degi karto taas marka wxay noqoneysaa in dagaal sokeeye mar kale dib uga bilowdo degaanada baay iyo bakool.

Iyadoo Laga Duulaayo Maslaxadda iyo Danta Guud ee Ummadda ee QW D&M Walaalaha ah ee Degaankeena Guduhiisa ku Sugan iyo Kuwa Debedaha Joogaba, Lana Xeerinaayo Deganaanshaha iyo Xasiloonidda Degaankeeno Hooyo oo Qiimo iyo Ahamiyad weyn Leh, hooygeena Keliya oo eeynu Aduunka Korkiisa ku Leenahay, waa Baay iyo bakool Iyadoo Laga Duulaayo Qiimaha Nabadu ku Fadhido iyo Ahamiyadda Wadda Nooleenshuhu Leeyahay, Isla Markaana La Wadda ogyahay Dhibkii iyo Khasaari Weynaa ee ka Dhashay Colaadii iyo Dagaaldii Sokeeye ee Degaan keena ka Dhacay iyo Kumayaasha Ruux oo Naftooda ku waayeey iyo Falalka Xadgudub iyo Xasuuqyaddii Dhacay oo Weli Xanuunkoodi La Dareensan-Yahay, Una Sabab ah wax Arrinta D&M Halkaas iyo Heerkaas Gaarsiiyeey waxaana umada walaalaha ah ee QW miyada D&M ku gubaabinayaa inay ka hortagaan colaadaan aan dhamaadka leheyn dhamaan qeybaha kala duwan bulsho weynta ururada qeybaheeda kala duwan dalka iyo dibada ururada xaquuqul insaanka jaaliyadaha gudaha iyo dibadana intaas waxaana ku gubaabineynaa in ay ka hor tag sameeyaan waayo umadaan dhibkeeda waa ay batey qofkii ka damqanaayo arintaan dagaalka ah umada lagu hayo day after waa inaan kahor tagnaa.

Sidaaas iyo midnimo wacan D&M

ABaas sh sayed.....ABaas AFRO
Cairo EGYPT...
Email:
nasiib_wanaag@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2005


Ugaaski 11aad ee Beesha Cayr oo La Caleema Saaray
»Caleemasaarka oo lagu qabtay magaalada Guriceel...
»Xisbiga S.Y.U.P oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Qaahira
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.. July 21

Dhakhtar Muslim ah oo Dhalo Coca-Cola ah ka Helay Alcohol

"228 Gabdhood oo Lagu Kufsaday Gobolada Jubbooyinka - 1dii Janaayo ilaa 8dii July"
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday hay'adda Xuquuqda aadamiga u dooda ee Faanoole,  taas oo intaas ku dartay in sannadkan Jubbooyinka lagu diley ugu yaraan 64 qof ayadoo... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD