| 
 GARSOORKA 
					SOMALILAND MA WAXAA KU JIRA QODOB ODHANAAYA QOFKII QOF 
					GABOOYE AH DILA XADHIGIISU WAA 5 SANO. 
					
 Aniga oo ah Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo 
					Waqooyiga Ameerika Waxaan halkan canbaarayn  kulul uga soo 
					jeedinayaa Maxkamada Gobolka ee Magaalada Hargeysa oo ka 
					baaqsatay inay fuliso waajibkii loo igmaday si cadaalad ahna 
					ugu garqaado qofka wax dulmiya iyo ka la dulmiyay.
 
 Maxkamada Hargeysa oo qaadaysay dacwad u dhexaysay Askari ka 
					tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo Ehelada Marxuum 
					Khadar Dhabar oo uu askarigaasi si badheedh ah toogasho ugu 
					dilay isaga oo aan wax danbi ah galin.
 
 Iyada oo Xeerka u degsan Somaliland uu dhigayo in loo dilo 
					qofka si badheedh ah u dila qof kale, isla markaasna 
					maxkamada horteeda laga cadeeyay in askarigaas booliska ahi 
					uu si badheedh ah Khadar nafta uga jaray, ayaa maxkamadu 
					waxay ka baaqsatay inay cadaalada ku xukunto askarigaas oo 
					ay xukun dil ah ku fuliso maadaama uu si badheedh ah u dilay 
					Marxuum Khadar.
 
 Nasiib darro Maxkamada Gobolka ee Hargeysa waxay ku xukuntay 
					Askarigii dhagar qabaha ahaa 5 sanadood oo xadhig iyo magtii 
					oo uu siiyo ehelada uu ka geeriyooday Marxuum Khadar.
 
 Xukunka Maxkamadan Ka Soo baxay waa mid baalmarsan Cadaalada 
					iyo Qawaaniinta Somaliland u degsan, waxaana uu muujinayaa 
					in aanay Cadaalada horteeda u sinnayn dadka laga tirada 
					badan yahay iyo kuwa lagu sheego inay tiro badan yihiin, 
					inkastoo aanay cid is tirisay jirin.
 
 Hadaba waxaan ugu baaqayaa in Laamaha Sharciga iyo Maxkamada 
					Sare ee Somaliland inay waxba kama jiraan kasoo qaadaan 
					go'aanka kasoo baxay Maxkamada Gobolka Hargeysa, isla 
					markaasna ay si xaq ah xukun dil ah ugu fuliyaan 
					dhagarqabaha dilay Marxuum Khadar.
 
 Hadii ay ka baaqsadaan Maxkamadaha Somaliland inay si 
					Cadaalad ah ugu qaadaan Sharciga dalka u degsan dhagarqabaha 
					dilay Marxuum Khadar, Markaas waxay tani caalamka tusaysaa 
					si ay Somaliland uga arradan tahay Cadaalada, waxaana waajib 
					ah in la canbaareeyo go'aankaas baadilka ah ee maxkamada 
					kasoo baxay.
 
 Waxa kale oo wax aad looga xumaada ah sida foosha xun ee 
					jidh dilka loogu gaystay 14 dumar ah oo ka cabanaayay 
					cadaalad darida ay maxkamadu samaysay kadibna loo taxaabay 
					jeelka hargaysa.
 
 Aqoonyahanka, Culumaaudiinka, dhalinyarada, xisbiyada 
					siyaasada iyo ururrada xuquuqda aadamaha u dooda waxaan ugu 
					baaqayaa inay dawlada Somaliland culays ku saaraan sidii 
					dhagarqabaha Marxuum Khadar dilay loogu ciqaabi lahaa 
					dambiga uu geystay, laguna qaadi lahaa xukunka dilka ah ee u 
					yaala Somaliland ee lagu qaado qofka qof si badheedh ah u 
					dila.
 
 ALLAAHUMA LAA TUSALID CALAYNAA MAN LAA YAKHAAFUKA WALAA 
					YARXAMUNAA.
 
 Ilaahay baa weyn oo waaxid ah
 
 
 Maxamed Ciise Caabi
 gabooye.org99@hotmail.co.uk
 Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub & Waqooyiga 
					Ameerika. London. UK
 Afeef: Aragtida qoraalkan 
					waxaa leh qoraaga kusa xiixan Faafin: SomaliTalk.com | 
					July 26, 2005 Booliiska London oo 
Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
 Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey 
Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... 
Guji..
 
Dugsi wax Lagu Barayo 
indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho»Yemen: 
Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
 »Ra'iisul 
Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
 Wararka oo dhan ka 
Akhri Halkan.. Guji..
 |