SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

BAAQ KU SOCDA DADKA GAALKACYO IYO IIMAY BARI

Waxaa beryahan ka socday degaanka Iimay Bari dagaallo lagu hoobtay, halkaas waxa ku dhimanaya dad Soomaali ah oo walaalo ah, kuwaas oo dhiiggooda iyo maalkooduba kala xaaraansan yahay. Haddaba waxaan dhinacyda colaaddu ka dhex oogan tahay ka codsanayaa inay Illaahay dartii colaadda u joojiyaan, inay dhiigga barbaarta le’anaysa ku hagoogtaan, inay aakhiro iyo xisaabta danbe ka fekeraan, inay colaadda walaaltinimo iyo nabad ku bedeshaan. Waxaan si gaar ah uga codsanayaa masuuliyiinta labada dhinac inay hanbbada dadka badbaadiyaan. Illaahayna waxaan ka baryeyaa inuu labadaa dhinac dabka ka dhex shidan nabad ugu beddelo. Aamiin.

Waxa iyana naxdin ah in maalmahan magaalada Gaalkacyo laga soo sheegayey dilal iyo xiisado sababay dhimasho iyo dhaawacba. Waxaan ka baryeyaa dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa inay miyirka iyo caqliga adeegsadaan kuna daaweeyaan wixii dhibaato ah ee jira.

Walaalayaal, qofkii dhintay dhimay, ee qof iminka nool baa in la badbaadiyo u baahan. Waxaan masuuliyiinta labada dhinac ugu baaqeyaa inay ku dadaalaan siday ugu hiilin laheeyeen nabadda iyo wadajirka dadka walaalaha ah, isla markaana ay khilaafaadka jira ugu dhammayn lahaayeen wada hadal iyo walaaltinimo. Illaahay waxaan ka baryeyaa inuu dadka halkaa ku nool beerkooda burcad isku mariyo. Aamiin.

Waxa kale oo aan guud ahaan dadka Soomaalida ku abtirsada ugu baaqeyaa inay ka jeestaan colaadaha iyo khilaafaadka aafeeyey, kuna beddelaan nabad, walaaltinimo iyo kalgacal.

  • Intee baynu balaayo
  • Iyo baase u joognay
  • Intee buu baqtigeenna
  • Bahal uu guranaayey

  • Taladeenna baroon iyo

  • Intee boobe hagaayey

  • Waa sidee badankeenu

  • Waa beergooyiyo ciile

  • Hadhaaggeenna badbaashoo

  • Halla baajiyo dhiigga.

Maxamed yusf Xaaji Cabdi(kayse)
maale22000@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2005


Booliiska London oo Magcaabay Labo Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii
Muktar Said Ibrahim iyo Yasin Hassan Omar ayey Booliska London magcaabeen waxayna uga shakiyeen in... Guji..

Dugsi wax Lagu Barayo indhoolayaasha oo laga Furay Muqdisho
»Yemen: Shidaal Soomaliya loo tahriibinaayey oo la qabtay.
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Dhambaal tacsi ah u Diray Britain
Wararka oo dhan ka Akhri Halkan.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD