Rabshado ka socda gudaha kampala kadib markii xabsiga loo taxaabay maanta Hogaamiyaha FDC
																					- Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kampala
 
																			
																				
																				 Rabshado xoogan oo ay samaynayaan taageerayaasha xisbiga The Forum for Democratic Change (FDC) ayaa ka soconaya magaalada kampala ee dalka Ugandha kadib markii daqiiqado ka hor xabsiga dhexe loo taxaabay Coll kiisa Besigye oo dhawaan ka soo laabtay dalka koofur Afrika si uu uga qaybqaato ololaha doorashooyinka ee ka socda dalka Ugandha.
Rabshado xoogan oo ay samaynayaan taageerayaasha xisbiga The Forum for Democratic Change (FDC) ayaa ka soconaya magaalada kampala ee dalka Ugandha kadib markii daqiiqado ka hor xabsiga dhexe loo taxaabay Coll kiisa Besigye oo dhawaan ka soo laabtay dalka koofur Afrika si uu uga qaybqaato ololaha doorashooyinka ee ka socda dalka Ugandha. 
																			
																				 
																			
																				Taageerayaasha Besinge ayaa dhagax ku garaacaya xabsiga dhexe albaabadiisa sidoo kale waxa ay gubayaan gawaarida iyagoo ku dhawaaqaya erayo lidi ku ah dowladda iyagoo ay ka muuqato carro weyn oo ay u hayaan maamulka xiray hogaamiyahooda.
																			
																				 
																			
																				Booliiska ayaa adeegsnaya xabado iyo sunta dadka ilmada indhaha ka sii daysa,waxa ayna dadweynuhu dhagax iyo shaagag la gubayba la beegsanayaan gawaarida madaxda dowladda ee iyo xisbiga NRM ee dowladu ay leedahay.
																			
																				Ololaha siyaasadeed ee uu la soo baxay Besinge intii uu joogay dalka oo bil aan gaarin ayaa ayaa looga yaabay waxa uuna samaynayay isku xir siyaasadeed oo badan waxa uuna dalka laga dareemayay intii joogay isbadal siyaasadeed oo iyo kasbashada codadka dadweynaha waxa uu qabtay dhowr shir isagoo la kulmayay diblomaasiyiin kala duwan iyo safaarada yurub si uu uga dhaadhiciyo isbadalka siyaasadeed ee uu wato.
																			
																				 
																			
																		 
					 
					
						
		
		Dr. 
		Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
		»Cusmaan 
		Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
		 
		»Saddex 
		markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
		
		Wararka oo 
		dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2