SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Naas-Nuujinta oo ka yaraysa Hooyada Khatarta Cudurka Macaanka

Naas-Nuujinta oo hore loo ogaa in ilmaha ka yarayso khatarta uu ku asiibo cudurka halista ah ee Macaanka, ayaa hadda baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday in hooyada wax nuujinaysa uu iyana ka yareeyo khatarta uu ku asiibi lahaa cudurkaas aan wali dawada loo helin ee Macaanka.

 
Bishan November 23keeda sanadkan 2005-ta, waxaa lagu soo daabacay Joornaalka loo yaqaan " American Medical Association" natiijo kasoo baxday baaritaan ay sameeyeen Isbitaalka Haweenka ee magaalada Boston, taasoo ay ku ogaadeen in hooyadii noojisa Naaskeeda cunug hal sano ay ka khatar yaraan karayso hooyada aan nuujin boqolkii 15. Haddii ay sanad kale mar walba ku sii dartana ay kasii khatar yaraanayso mar walba 15%. Taasoo ka dhigan hooyadii 3 sano nuujisa cunugeeda inay ka kasii fogaanayso 45% khatarta uu kusoo asiibo cudurka Macaanka amase Sokorowga qof siduu u yaqaan.
 
Hooyadii ilmo badan dhasha oo kulli nuujisaa waxay ka dhigantahay in ay gabaad ka heshay cudurka maanta faro baas ku haya ee Macaanka, taasoo loo aanaynayo barwaaqada iyo cayilka dadka kusoo kordhay, dhaqdhaqaaqii jirkana uu yaraanayo oo dadkii ayna lugaynayn amase jimicsi sameenayn.

Nasiibkaas goonida ah ee hooyada ilaah ku manaystay ee ah in cunugeedii iyo iyadaba uu ka yaraynayo khatarta Macaanka, waxaa la godboon inay ka faaidaystaan fursadaas oo ay Nuujiyaan ilmahooda Naaska oo ay iska iloobaan Masaasadda aan faaiidada lahayn.
 
 
Aden Gaas
Washington, DC.

  • Madaxweyne Mwai Kibaki oo xilka ka xayuubiyay golahiisa wasiirada maalin kadib aftidi dastuurka

  • Kuala lupur: Ardayda Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub

  • Wiilal Soomaaliyeed oo Lagu Soo Eedeeyey in Ay Gabar ku Kufsadeen Sweden

  • Dowladad Sucuudiga oo laga dalbaday in ay joojiso sannadkan Gudashada Xajka

  • Cali Max’ed Geedi “Muqdisho waxaa lagu burburiyay Dowladii Cabdi Qaasim

  • Dowladda Suudaan oo noqotay Dowladdii ugu horeysey ee ka jawaabta kaaalamadii Soomaaliya

  • Miless Zanawi oo sheegay in ay wada shaqeyn xoog u dhaxayso Dowladiisa iyo Dowlada Federaalka

WARARKA KALE EE MAANTA:: NOV 24, 2005

Madaxweyne Mwai Kibaki oo xilka ka xayuubiyay golahiisa wasiirada maalin kadib aftidi dastuurka. 

W/D.Farxaan-Ceynte.
24/Nov.2005.

 
Mwai Kibaki

Diidmadi dastuurkii cusbaa ee dalka la rabay in laga taaba galiyo ayaa hormuud ka noqotay in xilka laga xayuubiyo 25 wasiir oo isugu jira qeybaha kala duwan ee wasaaradaha. qoraal rasmi ah oo laga soo saaray aqalka (State hous-ka)oo ah saldhiga looga arimiyo dalkaan Kenya uuna ku saxiixnaa madwaxweyne Mwai Kibaki ayaa lagu sheegay in xilkii lagala laabtay dhamaan wasiirada dalkaan Kenya. tani waxa ay suurtagalin kartaa qul-qulatooyin ku yimaada hogaanka sare ee dalkaan. waana arin aad ugu cusub dhagaha shacab weynaha reer Kenya. waxaana shaki ku jirin in ay salka ku heyso arintaan diidmadii lixaadka laheed ee xisbiyada mucaaradka dalkaan ay maalinkii arbacada ku guuleesteen diidmadoodii (Dastuurka cusub.) lakiin majiro ilaa iyo hada masuul xaga dowlada ka socda oo arinkaan ka hadlay, waxaana dadka lafa gura siyaasda dalkaan ay ku tilmaameen arinkaan mid looga fadhiyay madaxweynha in uu qaado talaabo wax ku ool ah, taas uu uga jawaabaayo dharbaaxadii ka soo gaartay axzaabta mucaaradka dalkaan. tani waxaa ay caqabad ku noqondoontaa madaxweynaha laftigiis,sababtoo ah baa la-leeyahy,waxuu u baahanyahy in uu markale isku soo shaandheeyaaa golahii wasiirada,hadana uu ka soo ansaxiyo golaha baraalamanka. koleey waa looga fadhiyaa waxa uu ku soo daro wasiirada iyo inta uu ka soo qaato kuwii uu hada xilka ka xayuubiyay.

Dhanka kale, arinkaan waxa ay ku soo beegantay, mar xisbiyadii guusha raacday kuna mideysnaa astaantii (Liinta) ay diyaar ula yihiin walaalohoodii ay ka badiyeen in ay lashaqeendoonaan, walibana ay diyaar ula yihiin in ay iminka isla soo dhisaan dastuur kale oo labada dhincba kalsooni kubeera. si kastaba arinku ha ahaadee,madaxweyne Mawi Kibaki waxa uu ku jiraa mid kamid ah xiliyadiisii ugu xanuunka badnaa intii uu ku guda jiray jagadiisa madaxweynanimo.waxuuna madaxweyne Kibaki ku soo aadiyay xil kaxayuubintaan xili siyaasada dalkaani ay mareyso meel xasaasi ah. 

W/D.Farxaan-Ceynte
Nairobi-kenya.

caynkayare@yahoo.com

Ardayda Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub

Kuala Lumpur : 736 Arday soomaaliyeed ayaa wax ka barta Jaamacaddaha iyo kuleejooyinka ( collages ) ku yaala Wadanka Malaysia, Ardaydaan ayaa badankood wax ka barta Jaamacaddaha iyo kuleejooyinka ( collages ) ku yaal caasimidaa Malaysia ee Kuala Lumpur .

haddaba Markii eey Tariikhdu ahayd November 21, 2005 ayaa doorasho ka dhacday xarunta Jaamacadda islaamka ee Malaysia ee loo yaqaano (International Islamic University Malaysia “IIUM” ).

Hadafka doorashadaan ayaa ah sidii dib loogu soo noleeyn lahaa Maamulka Ardayda Jaamacadda Malaysia kadib markii muddo sanad ka badan uu hawadda ka maqnaa arrimo la xeriira khilaaf , is faham la’aan iyo wax qabad la’aan daarteed.

Doorashadaas waxaa isu soo sharaxay 3 musharax, waxaana codkooda dhiibtey boqol afartan iyo lix “146” qof oo 118 ka mid ah ay codkooda siiyeen Cismaan Cabdi Xasan, halka labaatan “20” ay u codeeyeen labadii musharax ee kale, sideedna “8” ayaa ka aamustay codeyn taasi, Ayagoo ku dooday in doorashaddaas eeysan waafaqsanayn dastuurka.

Sidoo kale doorashadaan waxaa soo dhaweeyay dhamaan Ardayda Jaamacadda sare ee looyaqaan ( Somali postgraduate Student ) iyo Ardayda wax ka barata goboladda Malaysia sida ardayda wax kabarata Multi Media University ee magaalada Malaka.

hadda markii aan wareysi la yeelanay Qaarka ka mid ah Ardayda soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay sida eey u arkaan Maamulka cusub , ardaydaan ayaa badankood soo dhaweeyay maamulka ee ardayda jaamacadaha hoose ( Undergraduate student ), waxeey kaloo raja weyn ka muujiyeen in dib u habeyn lagu sameeyn doon urur weynaha ardayda soomaaliyeed ee Malaysia, lana sameyn doono dalad weyn eey hoos Tagaan dhamaan ururda kale.

Maamulka Ardayda Soomaaliyeed ee Maleysiya
admin@sssmalaysia.org 


Wiilal Soomaaliyeed oo Lagu Soo Eedeeyey in Ay Gabar ku Kufsadeen Sweden

Maxey gabdhahan galabsadeen oo laga gudayey?
 
 
W/D: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
 
SWEDEN: Kufsigu waa mid aan laheyn midab, luqad iyo diin marka laga hadlayo dhibaatooyinka sida gaar ahaaneed usoo wajaha dumarka.Diinteena iyo dhamaan dhaqamada kala duwan ee dunida ka jira midna ogolaaanayo in lugu xadgudbo xaquuqda dumarka iyo korkoodaba. Balse ragga falkaasi foosha xun geysta waa kuwo adeegsada awood dheeri ah oo aan mararka qaar sharci iyo ciqaab qabta uusan jirin. Dalkeena oo waqtigan xaadirka ah aan laheyn dowlad iyo nidaam kala dambeyn ayaa maalin walba waxaa dumarka da'da yar iyo haweenkaba lugu dhaqmaa falal fool xun oo kufsigu ugu horeeyo. Hadaba dalkan Sweden  ayaa arrin argagax lehi ka dhacday sanadkan bilowgiisi kadib markii labo gabdhood oo dhalin yarro ahi ay kufsi iyo jir dil u geysteen afar wiil oo afrikaan ah labo kamid ah ay ahaayeen soomaali ah. Labadan gabdhood habeenkii sanadka cusub dhalanayey waxey ku socdeen xaflad ay doonayeen iney farxada sanadka cusub la qeybsadaan asxaabtooda markey maxadada tareenka xaafada Hisingen oo ah meel ay si aad u degen yihiin, soomaalida, carabta,turkiga iyo xoogaa xeyn swedhish ahay kula kulmeen afar wiil oo afrikaan ah kuwaaso u sheegay ineyba laftooda u socdaan xafalada islamarkaasina ay u sheegeen iney tusayaan halka ay ku taal goobta xaflada ka dhaceyso.
Nasiib darrase farxaddii ay saacadaasi dareemayeen labadaasi gabdhood ee saaxiibada ah ayaa isku badashay argagax, dil iyo kufsi ay u geysteen wiilashii Afrikaanta ah.

"Hadaanu qabi laheyn xukun dil ah, ciqaabooda dil bey ahaan laheyd" ayey tiri Linda oo ah gabadha sida weyn dhaawaca u soo gaaray islamarkaasina codsatay in sawirkeed oo dhaawacu ka muuqdo lugu soo qoro wargeysyada si ay u arkaan bulshaddu dhibaatada dumarka si gaar ahaaneed uga soo wajahda ragga intaasina hadalkeeda ku dartay iney weli cabsi iyo hanjabaad dareemeyso iyadoo qiyaastii dhacdadaasi sanad ku dhawaad kasoo wareegtay.

Wiilasha kufsiga iyo jirdilkan geystay ayaa labo kamid ah soomaali yihiin, halka saddexda kale la sheegay iney ka yimaadeen dalka Gambiya. Mid kamid ah wiilashaas ayaa boolisku sheegeen inuu heysto dhalasho Filandees oo aakhirkii booliska dalkaasi soo gubiyeen Sweden. Xaafadda aan deganahay ee Hisingen oo soomaalidu ku yareyn ayaa dadka degen waxaa kasoo haray yaab markey maqleen in falkaasi dadka geystay ay ku jireen dhalinyarro soomaali ah gaar ahaan mid kamid ah ehelada wiilasha Soomaalida ayaa ii sheegay in walaashiis oo daganeyn xaafada ay ka guurtay kadib markii hanjabaado xoog leh uga timid  mid kamid ah walaalaha labadii gabdhood kuwaasoo wacad ku maray iney markoodana cadaabta tusin doonaan ehelada wiilkaas soomaaliga lugu sheegay.Bishan dabayaaqadeeda ayaa lugu wadaa in wiilashaasi lasoo saaro maxkamad ka dhan ah falka bani'aadnimada ka baxsan ee ay kula kaceen Linda iyo Jenny. Linda oo haatan dareemeysa nerfoos xoog leh iyo cabsi markey weji ka weji u aragto nimankaasi maalinta maxkamada la saarayo ayaa sheegay iney ka baqeyso iney suuxdo markey aragto araga wiilasha aan naxariista laheyn ee ay ku tilmaantay kuwo aan bani'aadam aheyn.
"Haddey intey u kufsadaan oo ay iga tagaan ciil ma qabeen ee waxaa iigu darran jir dilka iyo dhaawaca aan kasoo kasbashada laheyn ee uu geysteen" bey tiri Linda oo ka faalooneysay mahadhadii dareenkeedii badalay habeenkii sanadka cusub soo galeysay iyo sidey kula dhaqmeen wiilashii afrikaanta ahaa.
 
Isku soo wada duubo wiilashan Soomaalida ah ee maganta u noqday dhaqan iyo bulsho soo dhaweysay koley iyagoo diif ku taallo kasoo carareen dalkooda maxaa keenay gabdho aan waqtigaas dembi geysay iney kufsadaan oo dhaawacyo u geysteen xubintoodii tartan.? Waalidiinta soomaaliyeed ee qurbaha jooga maxaa la gudboon, sideyse carruurtooda dhacdooyin noocan ah uga badbaadin karaan,wiilasha soomaaliyeed ee dhalinyarada ah sidey ku badbaadin karaan laftooda gabdhaha soomaaliyeed ee walaalahood, Illaahey hortiisa. iyo bulshadase maxey ka filan karaan markey falalkaasi naxariis darrada ah geystaan.
 
      Bille Maxamed Xaashi: Qoraa soomaaliyeed oo la gudoonsiiyey bilada dhaqanka
 
Bille Maxamed inkastoo uu ka mid yahay qorayaasha da'da yar hadana waa nin qoraaladiisa ay si weyn u jecleysteen dadka dhaqamada lafa gura. Bille waxaa uu soo saaray buuggag badan oo ku qoran afka Soomaaliga waxaa kamid ah buugagtiisa, Janno, Amran, Maxbuus LR 17, Deynabo iyo Intuu dahabku lacagta dheeryahay dumarka dheertahaye. Toddobaadkan horaantiisa ayaa maamulka Gobolka Gothenburg ee dalkan Sweden gudoonsiiyeen abaalmarin iskugu jirta lacag iyo bilad sharaf ay ku qiimeeyeen qoraaladiisa ka hadlaya dhaqanka Soomaalida. 

Bille Maxamed Xaashi oo bishan horaanteedii muxaadaro ku saabsan dhaqanka soomaalida iyo buugagtiisa ka jeediyey mid kamid ah maktabaha ugu waaweyn ee ku yaal gobolkan Gothenburg ayuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay magaca Soomaali uu wato. "Muxaadarro aan kal hore ka akhriyey maktabad ku taala deegaanka Udvalla ayaa dadkii halkaasi iskugu yimid markey ogaadeen inaan ahay nin soomaali ah ayeywaxaanu sugeynay inuu naga soo horbaxo nin calool weyn oo hadana leh labo xaas iyo ugu yaraan 10 carruur ah qaba, laakinse arrinkaasi waxey beenowday markey akreen wiil dhalin yar aqoon sare leh xaas iyo labuur leh" ayuu yiri Bille oo ka hadlayey sida maanta dadka soomaalida qaarkood looga aaminsan yahay qalad.

Bille haatan waa qoraa mujtamaca Soomaalida iyo dadka uu la noolyahay ku leh sumcad, wuxuu haatan ku howlan yahay inuu tarjumo dhamaan buugagatiisa sheekooyinka ah ee ku soo baxay afka soomaaliga kuwaasoo ay aad u jecleysteen dadka Swedhishka ah markii loo tarjumay. Sidoo kale Bille wuxuu leeyahay bogg rasmi ah oo laga dheehan karro dhamaan dhaq dhaqaaqyadiisa buugeed iyo howlaha uu ku howlan yahay.www.bile.se
 

W/D: Ikraam Cali-kaar

Gothenburg- Sweden

Sawirka: wargeyska Expressen ee Sweden

 


Dowladad Sucuudiga oo laga dalbaday in ay joojiso sannadkan Gudashada Xajka

Shabakada Islamic Online ayaa qortay in wadamad Yurub iyo Mareykanka ay Dowladda Sucuudiga ka dalbadeen in sanadkaan la joojiyo Xajka oo la filayo in ay isugu tagaan in ka badan 3-malyan oo qof oo ka kala imaaneysa daafaha caalamka.

Dalabkaan ayaa waxa uu ku yimid mar ay shir isugu yimaadeen Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga Dowladahauu dhibaatada ku hayo cudurka Hargabka Shimbiraha, waxaana shirkasi lagu sheegay in wadamada Aasiya ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu arkay Hargabka Shimbiraha, kuwaasoo laa filayo in ay tagaan sanadkaan xajka, waxayna Dowladaha Yurub iyo Mareykanka ay sheegeen in cudurkaasi uu keeni karo in dad fara badan ay u dhintaan marka ay isugu yimaadaan Xajka.

Wasiirka Xajka iyo Arimaha Ow-Qaafta  ee Sacuudiga Amiir Xaamid ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Sucuudiga iyadu ay leedahay go’aanka daryeelka dadka xajka u imaanaya dalka Sucuudiga, balse aysan go’aankaasi lahaan karin dad shisheeye ah, waxa kalloo uu sheegay in Dowladda Sucuudiga ay mar hore diyaargarow u gashay ka hortaga cudurkaasi, waxayna ka dalbatay wadamada uu ka jiro hargabka Shimibiraha in ay soo talaalaan Xujeydooda.

Mas’uul ka tirsan Jaamacadda Al-Azar ayaa waxa uu sheegay in arinta ka soo yeertay wadamada Yurub iyo Mareykanka ay tahay mid loogu gafayo diinta Islaamka isla markaana lagu tijaabinayo wadamada Islaamka, isagoo sheegay in arrintu ay ka weyn tahay cudurka ku dhaca shimbiraha,oo ujeedo ku qarsoon tahay  waxaa kalloo uu sheegay in cuduro ka qatarsan cudurkaas ay horey u soo mareen Xajka, balse ay Dowladda Sucuudigu si wanaagsan uga hortagtay.

“Rukniga Xajka waa mid waajib ah, waxa uuna waajib ku yahay cid kasta oo awooda, Dowladda Sucuudigana awood uma lahan in ay dib u dhigto ruknigaasi” ayuu yiri Mas’uulkaas 

Cali Max’ed Geedi “Muqdisho waxaa lagu burburiyay Dowladii Cabdi Qaasim

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa mar uu wareysi siinayay Jariirad lagu magacaabo Al-ra’yul Caam kana soo baxda wadanka Kuweyt ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisu ay ku talaabsaday mudadii ay jirtay horumar la taaban karo, isagoo sheegay in ay dib u uruuriyeen ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay tababar u fureen kooxihii maleeshiyooyinka ahaa ee ka jiray qaybo ka mid ah dalka. Mar wax laga weydiiyay in Dowladdiisu ay ku laabaneyso Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu yiri “Muqdisho waxaa lagu burburiyay ama lagu fashilay Dowladihii soo maray dalka, oo ay ugu dambeysay dowladdii C/qaasim, suurtagalna ma ahan in Magaalo sidaasi ah ku laabano” wuxuu intaas sii raaciyay “Muqdisho waa Qabri, waxaana ku laaban karnaa markii nabad lagu soo dabaalo” waxaa kalloo sheegay in shaqsiyaas Soomaaliyeed iyo Dowlado jecel horumarka Soomaaliya ay ka codsadeen Dowladda Federaalka in aysan ku deg degin tagista Magaalada Muqdisho. Ra’isul Wasaaraha labo jeer ayuu yimid Magaalada Muqdisho, labadiibana khatar ayuu ku galay kaddib markii lagu qarxiyay bambooyin, hase yeeshee Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in ay ka go’an tahay in Dowladda Federaalka ay nabad ku soo celiso Magaalada Muqdisho. Waxaa maalmahan si aad ah isugu soo dhawaanayay xubnaha labada Gole kaddib markii labada garab ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar ay aqbaleen in la wada hadlyo isla markaana la dhameeyo wixii khilaaf ah ee u dhexeeya Xukumadda Federaalka, waxaana arrintaasi si aad ah ugu riyaaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka gaar ahaan wadamadii deeqda ku bixiyay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee socday mudo labo sano iyo ku dhawaad ah.

Dowladda Suudaan oo noqotay Dowladdii ugu horeysey ee ka jawaabta kaaalamadii Soomaaliya

            Dowladda Suudaan oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka jawaabtay codsigii ka soo yeeray shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay wadanka Al-Jeeriya ee lagaga codsanayay wadamada Carabta in dhaqaale ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, kaddib markii Sanduuqa loo furay Soomaaliya ay ku shubtay 50-kun oo Doolar.

            Lacagtaas waxay dowladda Suudaan ugu talagashay dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan adeegyada bulshada iyo dib u soo nooleynta hay’adihii Dowladda.

            Dowladdo fara badan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta haystana dhaqaale aad u badan ayaan weli ka jawaabin codsigii Jaamacadda Carabta ee taakuleynta Soomaalia, hase yeeshee mar la wareystay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu yiri “Carab waxay wax u qaban lahayd Reer Falastiin”.

            Sidoo kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la wareystay ayaa isna sheegay in Dowladaha Jaamacadda Carabta ay ka gaabiyeen dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan gacan siinta Dowladda Federaalka.

Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba?
Intaa nooshahay maalin walba wax aad arkeysaa wax kaa yaabiya, iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan Xaafadda aan deganahay ee AL-Baraka Guri u dhow waxaan arkay dad buuqaya oo la leeyahay Caawa Xaafadda waxaa jooga Dhurwaa, inta yaabay ayaan waxaan dadkii ku iri “oo Dhurwaagu muxuu qabanayaa?”... GUJI...

Miless Zanawi oo sheegay in ay wada shaqeyn xoog u dhaxayso Dowladiisa iyo Dowlada Federaalka

            Ra’siul Wasaaraha wadanka Itoobiya Miless Zanawi oo u waramayay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee Ena aya waxa uu sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay u dhexeyso Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

            Waxa uu sheegay Miless Zanawi waxa uu sheegay in ay si aad ah u daneynayaan in Soomaaliya ay hesho Dowlad si ay shacabku uga baxaan dhibaatada, waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn ugu fadhido wadamada geeska Afrika.

            Mar wax laga weydiiyay waxa ay isla soo qaadeen isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa ama loo sii adkeyn lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna beeniyay in Dowladda Itoobiya ay hub siisay Dowladda Federaalka. “Wadamada IGAD hadafkoodu waa sidiii Soomaaliya hub ka dhigis loogu sameyn lahaa, anagu taa ayaan taageerasan nahay” ayuu yiri Miless Zanawi.

            Dhawaan Magaalada Jowhar waxaa heshiis ku kala sixiixday mas’uuliyiin ka socday Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna heshiis-kaasi dhigayay in la iska kaashado arrimaha dhaqaalaha siyaasadda iyo nabadgelyada.   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

###


Rasaas ka dhacday xarunta UNHCR ee Sanca, goobtaas oo ay ku dhaawacmatay gabar Somaliyeed

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2005

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD