SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xildhibaan Axmed Diiriye “Dadka loo sed-buriyay ayaa laga. rabaa in ay nabad ku soo dabaalaan

  • C/llaahi Yuusuf oo dalbaday in Dowladdiisa.lagu biiriyo ururka la magacbaxay.

  • Xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar oo ku heshiin waayey halaka lagu qabanayo ..

  • Axmed Shuqul “Haddii aan nahay reer sheikh marnaba la xaaajoomeyno Waalid sita Baasuuke..

  • Nin la sheegay in uu ka dambeeyay gowricii laba wiil oo walaalo ah oo la qabtey..

WARARKA MAANTA:: NOV 26, 2006

Xildhibaan Axmed Diiriye “Dadka loo sed-buriyay ayaa laga. rabaa in ay nabad ku soo dabaalaan

            Xildhibaan Axmed Diiriye Max’ed oo ka mid ah xubnaha maamul u sameynta gobalka Banaadir ayaa sheegay in xubnaha golaha deegaanka ee dhiman maanta ay soo gudbin doonaan beelaha, xubnaha golaha deegaanka ee dhiman ayaa xildhibaanku waxa uu ku sheegay tiradoodu 16 xubnood. “Wax kasta xoog iyo orod laguma wadi karo, wixii lagu sameeyana tayadoodu ma fiicnaaneyso, howshuhuna tartartiiba ayaa u wadeynaa, midaas ayeyna wax noogu hagaagayaan, wax mashaakil iyo wax is haysad ahna ma jiraan, mana jiraan beelo ka soo horjeeda gudbinta xubnaha golaha deegaanka, liiska oo dhanna aginaa gacanta haya, beel kasta oo soo gudbisana waxaa lagu qiimeynayay xubnaha ay soo gudbinayaan in ay wax qaban karaan, dadkana ka dhex muuqan karaan, howshaana waan ku guuleysan doonaan” ayuu yiri xildhibaanku oo intaa kud daray “haddii magaalo ay ku nooshahay 3-Milyan oo ruux oo wax nidaam ahna uusan ka dhex jirin, iyagoo ay dhex yaalaan hubka noocyadiisa kala duwan, waa la iska garan karaa waxa dhici kara, waxaana Illaah ka rajeynaynaa in dilalka ka dhex dhaca Magaalada Muqdisho uu maamulkaasi kala hagi doono, intii horey loogu dilayna Allaha u naxariisto”, waxa uuna uga digay kuwa ku kacaya falalka dilalka ah in ay ka waantoobaan ayna dhibaatada ka daayaan dadka. “Maamulada ka jira Gobalka Banaadir waxay ka mid noqon doonaan maamulkaan haatan ku howlanahay, maamul kale oo banaanka ka jiri doona ma jiro, howshana Soomaali baa goysay oo miis baa la isugu tagay waxaana la isla gartay culeyska meesha uu ka jiro in loo cad buriyo, mana sii ahaan doonto culeyska ayaa lagu qaadi doonaa, maalinta culeyskaa la qaadana Soomaaliy baa isku imaan doonta, iyadoo fiiro gaar ah la siin doono dadka deegaanka, dadka loo sed buriyay ayaa laga rabaa in xamar ay wax ka qabtaaan” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Diiriye Max’ed.

C/llaahi Yuusuf oo dalbaday in Dowladdiisa.lagu biiriyo ururka la magacbaxay.

            Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf ayaa warqad qoraal ah u diray wadamada wadaaga ururka la magac baxay is kaashiga SANCA, wuxuuna qoraalkiisa wadamadaasi kaga dalbaday in Dowladdiisa ay ku biirto golahaasi oo ay ku mideysan yihiin wadamada Yemen, Itoobiya iyo Suudaan.

            “Dowladeeda muhiimad weyn ayay ugu fadhidaa in ay ka mid noqoto golahaasi” ayuu ku yiri qoraalkiisa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in ay ku biirida golahaasi ay keeni karto in Soomaaliya ay wax badan kala shaqeyso wadamada ku mideysan golahaasi.

            27-dii bishii December ayay markii Dowladda Federaalka ay ka qaybgashay kulan ka dhacay dalka Suudaan waxayna markaa Soomaaliya uga qaybgashay kor joogto, waxaana kulanka kale uu dhacayaa bishaan fooda nagu soo haysta, waxaana lagu wadaa in uu ka qaybgalo Madaxwey-naha Dowaldda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la filayaa in waqtigaasi ay Soomaaliya saxiixto heshiiska golahaasi.   

Xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar oo ku heshiin waayey halaka lagu qabanayo ..

            Kulan ay Magaalada ay Magaalada Jowhar ka yeesheen xubnaha Dowladda ee ku sugan halkaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay go’aankii ay dhawaan soo saareen xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, oo ahaa in ay diyaar u yihiin in wada hadal la galaan xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar.

            Kulankaani oo waqti dheer qaatay ayaa dood dheer kaddib waxaa la isku afgaran waayay halka lagu qabanayo kulanka dib u heshiisiinta xubnaha labada Gole, qaarkood waxay soo jeediyay in kulankaasi uu ka dhacayo Magaalada Jowhar, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in kulankaasi lagu qabto Magaalada Kismaayo, kuwo aan sidaasi u badneyn ayaa iyana soo jeediyay in kulankaasi lagu qabto Magaalada Baladweyne.

            Is afgaran-waagaas dhex maray xubnaha labada Gole ee Jowhar ayaa waxa uu keenay in la soo jeediyo in mar kale xubnaha labada Gole ka wada hadlaaan si loo helo goob la isku wada raacsan yahay

Axmed Shuqul “Haddii aan nahay reer sheikh marnaba la xaaajoomeyno Waalid sita Baasuuke..

            Waxaa mudooyinkaan dambe muran iyo is qabqabsi ka jiray xerada Shiikh Aadan Dheere ee Degamada Wardhiigley, wuxuuna aarkii is qabqabsigaasi isku bedelay gacan ka hadal dhex maray labo dhinac oo isku haysata deegaankaasi.

            Iyadoo taasi ay jirto ayaa maalintii khamiista ahayd waxaa shir jaraa’id ku qabtay xerada Shiikh Aadan Dheere Axmed Shiikh Aadan Dheere oo ku magac dheer Axmed Shuqul, intii uusan shirkaasi Jaraa’id Bailaabin  ayuu qaybaha warbaahinta waxa uu u soo bandhigay Dukumenti caddeynaya lahaanashaha dhulkaasi.

            Axmed Shuqul waxa uu sheegay in arrinta xerada Shiikh Aadan Dheere ay mudo ku jireen Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira Gobalka Banaadir, hase yeeshee waxa uu sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah ay meel dhexe ay arrintaasi uga hareen, kaddibna waxa uu sheegay in ay la wareegeen dadka deeganka, waxa uuna sheegay in ay ogaadeen in dhulkaasi ama xeradaasi ay leeyihiin reer Shiikh Aadan Dheere.

            “Inkastoo aan nahay dad waalid isku ah, haddana ma ahan waalidka in uu gacan la soo aado carruurtiisa” ayuu yiri Axmed Shuqul oo intaa raaciyay “waxaan wada hadal karnaa marka waalidkey uu iska soo dhigo Baasuukaha  isla markaana waxaan diyaar u nahay in cid kastaa ay arrintaasi dhex gasho”.

            Axmed Shuqul oo ay ka muuqatay caro aad u xoogan ayaa waxa uu si kulul u beeniyay war ay sii daayeen Saxaafadda oo ahaa in Reer Shiikh Aadan Dheere aysan wax Dukumenti ah u haysan lahaansha xeradaasi, wuxuuna saxaafadda uga digay in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah, wuxuuna waqtigaas uu hadlayay gacanta ku hayay Dukumentiga lahaanshaha dhulka.

            Axmed Shuqul oo ay hareerihiisa fadhiyeen dad ay yihiin qaraabo iyo qaar ka tirsan xerta Shiikh Aadan Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu wakiil ka yahay in ka badan 140 xubnood oo uu dhalay Shiikh Aadan Dheere, wuxuuna sheegay in mar kasta uu yahay qof difaac ku jira oo uusan weerar ahayn.

            “Wixii waalidnimo ah waa soo dhaweynayaa, laakiin waalidkey waxaan u sheegayaa in deegaanka ay leeyihiin Reer Shiikh Aadan Dheere, iyaga ayaana xaq u leh” ayuu yiri Axmed Shuqul.     

 Nin la sheegay in uu ka dambeeyay gowricii laba wiil oo walaalo ah oo la qabtey..

            Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa gacanta ku soo dhigay nin la sheegay inuu ka dambeeyay gowricii loo gaystay labo nin walaalo ahaa, ninkaas oo lagu magacaabo Max’ed Shiikh C/qaadir (Dheere).

            Ninkaan ayaa Maxkamadaha Islaamiga ah ka soo qabteen deegaanka Darmooley, kaddib markii ay gacan ka gaysteen dadka deegaanka ah oo la socday falka foosha xun leh oo uu gaystay ninkaasi.

            Shariif Shiik Axmed oo ah Guddoomiyaha midowa Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxa uu sheegay in qabashada ninkaasi ay u dhacday si fudud, dhawaanna Maxkamad la soo taagi doono.

            Labada Wiil ee gowraca loo gaystay ayaa waxa ay kala ahaayeen magacyadooda Xaaji Saalax Ibraahim Xaaji Cali iyo Abuukar Xaaji Xasan Xaaji Cali, waxaana iyagoo gowracan maydkooda la soo dhigay 21-kii bishan jidka Warshadaha gaar ahaan Warshadda kabka agagaarka Jaamacaddii Gaheyr, wuxuuna deegaankoodu ahaa deegaanka Boondheere.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2005

Xaflad sagootin ah oo loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya
ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 26-ka bishan ka furmaya Magaalada Kigali,  Rwanda... Guji...

Bannaanbax lagu ayidayo fikirka dib u heshisiineed ee Barre hiraale oo ka dhacay Jilib
iyo degmada dhoobleey oo aan fikrkaas barre laga soo dhaweyn... Guji...

Dawladda Sucuudiga oo laga dalbaday in ay Joojiyso Xajka sannadkan
»Mwai Kibaki oo xilka ka xayuubiyay golahiisa wasiirada
»Sweden: Soomaali Lagu soo Eedeeyey kufsi
»Ardayda Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub
»Geedi “Muqdisho waxaa lagu burburiyay Dowladii C/Qaasim
»Zanawi: wada shaqayn ayaa noo dhexaysa anaga iyo DFKMG
»Suudaan oo  ka jawaabtay kaalamadii Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 24

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD