SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 

Booliska Dalka Ingiriiska oo Raadinaya Laba Wiil oo Walaalo ah oo Soomaali ah oo Looga Shakisan Yahay in ay ka qayb qaateen Dilkii Sarkaal Booliis ah...

Tarjumadii SomaliTalk.com | London, UK | Nov 25, 2005

Saraakiisha baareyska dilkii loo geystey sarkaalka Booliska ah oo magaceeda la oran jirey Sharon Beshenivsky oo ka tirsanayd booliska West Yorkshire ayaa magacaabay saddex nin oo loo raadinayo in su'aalo laga weydiiyo dilkaas.

Mustaf Jaamac, oo 25-jir ah, iyo walaalkiis Yuusuf Jaamac, oo 19-jir ah, oo labaduba ah Soomaali, iyo Muzzaker Imtiaz Shah oo 24-jir ah ayaa loo raadinayaa arrin lagu xiriirinyey dilkii Jimcadii la soo dhaafay ka dhacay magalada Bradford.

Warsaxaafadeed ay galabta oo Sabti ah (Nov 25) qabteen dembi baarayaasha booliska ee West Yorkshire ayey shaaca kaga qaadeen in saddexda nin ay aaminsan yihiin in ay weli joogaan dalka Ingriiska gudihiisa, ayna dhici karto in ay joogaan aagga magaalada London.


Muzzaker Imtiaz Shah, 24.. Eeg Sawirka oo weyn


Yusuf Jama,19 .. Eeg Sawirka oo weyn..


Mustaf Jama, aged 25.. Eeg Sawirka oo weyn

PC Sharon Beshenivsky, 38-jir

Labada walaalaha ah ee Soomaaliyeed waxaa la sheegay in lagu yaqaaney in ay degganaayeen xaafadda North Kensington ee magaalada London,  ninka saddexaad ee la raadinayona waxa uu ku dhasay Burnley, Lancashire, laakiin waxaa loo malaynayaa in afartii sano ee ugu dambeysey uu ku noolaa caasimada.

PC Beshenivsky waxaa la diley, isla mar ahaantaasna la dhaawacay Teresa Milburn, kaddib markii ay labadaas booliska ah tageen meel ay burcad hubaysani boobayen (dhacayeen), meeshaas oo ah shirkad qaabislan socdaalka oo ku taal wadada Morley Street toddobaadkii hore.

Sidoo kale waxaa boolisku raadinayaan akhbarta la xiriirta gaari ah nooca Toyota Rav 4 (oo midabkiisu yahay xareed), oo taarikadiisu tahay WP05 YTT, kaas oo October 25keedii laga kiraystay garoonka diyaaradaha ee London Heathrow airport.

Waxaa la arkay saddexdaas nin oo ku sii ordaya gaarigaas maalintii Jimcada isla markii ay dhacdadaasi dhacday, gaarigu hadda waxa uu ku jiraa gacanta booliska.

Boolisku waxa ay shegeen in ay daalacdeen Video-ga CCTV ee wadooyinka duuba, iyagoo eegaya meelihii uu gaarigasi maray, ama soo maray.

Waxaa la xiray shan nin iyo qof dumar ah maalintii uu dhacay dilku, laakiin hadda dhammaan waa la siidaayey, sida ay sheegeen boolisku. Qofta dumarka ah wax dambe loo raaci maayo, laakiin shanta nin waxaa lagu sii daayey damanad inta uu socdo baaritaanku.

Boolisku waxa ay weydiisteen in qofkii haya akhbaar arrintaas ku saabsan in uu la xiriiro Booliska.

ISHA: www.westyorkshire.police.uk

Tarjumadii: SomaliTalk.com | London, UK

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2005


Wiilal Soomaaliyeed oo Lagu Soo Eedeeyey in Ay Gabar ku Kufsadeen Sweden

Maxey gabdhahan galabsadeen oo laga gudayey?
 
 
W/D: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
 
SWEDEN: Kufsigu waa mid aan laheyn midab, luqad iyo diin marka laga hadlayo dhibaatooyinka sida gaar ahaaneed usoo wajaha dumarka.Diinteena iyo dhamaan dhaqamada kala duwan ee dunida ka jira midna ogolaaanayo in lugu xadgudbo xaquuqda dumarka iyo korkoodaba. Balse ragga falkaasi foosha xun geysta waa kuwo adeegsada awood dheeri ah oo aan mararka qaar sharci iyo ciqaab qabta uusan jirin. Dalkeena oo waqtigan xaadirka ah aan laheyn dowlad iyo nidaam kala dambeyn ayaa maalin walba waxaa dumarka da'da yar iyo haweenkaba lugu dhaqmaa falal fool xun oo kufsigu ugu horeeyo. Hadaba dalkan Sweden  ayaa arrin argagax lehi ka dhacday sanadkan bilowgiisi kadib markii labo gabdhood oo dhalin yarro ahi ay kufsi iyo jir dil u geysteen afar wiil oo afrikaan ah labo kamid ah ay ahaayeen soomaali ah. Labadan gabdhood habeenkii sanadka cusub dhalanayey waxey ku socdeen xaflad ay doonayeen iney farxada sanadka cusub la qeybsadaan asxaabtooda markey maxadada tareenka xaafada Hisingen oo ah meel ay si aad u degen yihiin, soomaalida, carabta,turkiga iyo xoogaa xeyn swedhish ahay kula kulmeen afar wiil oo afrikaan ah kuwaaso u sheegay ineyba laftooda u socdaan xafalada islamarkaasina ay u sheegeen iney tusayaan halka ay ku taal goobta xaflada ka dhaceyso.
Nasiib darrase farxaddii ay saacadaasi dareemayeen labadaasi gabdhood ee saaxiibada ah ayaa isku badashay argagax, dil iyo kufsi ay u geysteen wiilashii Afrikaanta ah.

"Hadaanu qabi laheyn xukun dil ah, ciqaabooda dil bey ahaan laheyd" ayey tiri Linda oo ah gabadha sida weyn dhaawaca u soo gaaray islamarkaasina codsatay in sawirkeed oo dhaawacu ka muuqdo lugu soo qoro wargeysyada si ay u arkaan bulshaddu dhibaatada dumarka si gaar ahaaneed uga soo wajahda ragga intaasina hadalkeeda ku dartay iney weli cabsi iyo hanjabaad dareemeyso iyadoo qiyaastii dhacdadaasi sanad ku dhawaad kasoo wareegtay.

Wiilasha kufsiga iyo jirdilkan geystay ayaa labo kamid ah soomaali yihiin, halka saddexda kale la sheegay iney ka yimaadeen dalka Gambiya. Mid kamid ah wiilashaas ayaa boolisku sheegeen inuu heysto dhalasho Filandees oo aakhirkii booliska dalkaasi soo gubiyeen Sweden. Xaafadda aan deganahay ee Hisingen oo soomaalidu ku yareyn ayaa dadka degen waxaa kasoo haray yaab markey maqleen in falkaasi dadka geystay ay ku jireen dhalinyarro soomaali ah gaar ahaan mid kamid ah ehelada wiilasha Soomaalida ayaa ii sheegay in walaashiis oo daganeyn xaafada ay ka guurtay kadib markii hanjabaado xoog leh uga timid  mid kamid ah walaalaha labadii gabdhood kuwaasoo wacad ku maray iney markoodana cadaabta tusin doonaan ehelada wiilkaas soomaaliga lugu sheegay.Bishan dabayaaqadeeda ayaa lugu wadaa in wiilashaasi lasoo saaro maxkamad ka dhan ah falka bani'aadnimada ka baxsan ee ay kula kaceen Linda iyo Jenny. Linda oo haatan dareemeysa nerfoos xoog leh iyo cabsi markey weji ka weji u aragto nimankaasi maalinta maxkamada la saarayo ayaa sheegay iney ka baqeyso iney suuxdo markey aragto araga wiilasha aan naxariista laheyn ee ay ku tilmaantay kuwo aan bani'aadam aheyn.
"Haddey intey u kufsadaan oo ay iga tagaan ciil ma qabeen ee waxaa iigu darran jir dilka iyo dhaawaca aan kasoo kasbashada laheyn ee uu geysteen" bey tiri Linda oo ka faalooneysay mahadhadii dareenkeedii badalay habeenkii sanadka cusub soo galeysay iyo sidey kula dhaqmeen wiilashii afrikaanta ahaa.
 
Isku soo wada duubo wiilashan Soomaalida ah ee maganta u noqday dhaqan iyo bulsho soo dhaweysay koley iyagoo diif ku taallo kasoo carareen dalkooda maxaa keenay gabdho aan waqtigaas dembi geysay iney kufsadaan oo dhaawacyo u geysteen xubintoodii tartan.? Waalidiinta soomaaliyeed ee qurbaha jooga maxaa la gudboon, sideyse carruurtooda dhacdooyin noocan ah uga badbaadin karaan,wiilasha soomaaliyeed ee dhalinyarada ah sidey ku badbaadin karaan laftooda gabdhaha soomaaliyeed ee walaalahood, Illaahey hortiisa. iyo bulshadase maxey ka filan karaan markey falalkaasi naxariis darrada ah geystaan.
 

W/D: Ikraam Cali-kaar

Gothenburg- Sweden

Sawirka: wargeyska Expressen ee Sweden 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2005


Naas-Nuujinta oo ka yaraysa Hooyada Khatarta Cudurka Macaanka

Naas-Nuujinta oo hore loo ogaa in ilmaha ka yarayso khatarta uu ku asiibo cudurka halista ah ee Macaanka, ayaa hadda baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday in hooyada wax nuujinaysa uu iyana ka yareeyo khatarta uu ku asiibi lahaa cudurkaas aan wali dawada loo helin ee Macaanka.

 
Bishan November 23keeda sanadkan 2005-ta, waxaa lagu soo daabacay Joornaalka loo yaqaan " American Medical Association" natiijo kasoo baxday baaritaan ay sameeyeen Isbitaalka Haweenka ee magaalada Boston, taasoo ay ku ogaadeen in hooyadii noojisa Naaskeeda cunug hal sano ay ka khatar yaraan karayso hooyada aan nuujin boqolkii 15. Haddii ay sanad kale mar walba ku sii dartana ay kasii khatar yaraanayso mar walba 15%. Taasoo ka dhigan hooyadii 3 sano nuujisa cunugeeda inay ka kasii fogaanayso 45% khatarta uu kusoo asiibo cudurka Macaanka amase Sokorowga qof siduu u yaqaan.
 
Hooyadii ilmo badan dhasha oo kulli nuujisaa waxay ka dhigantahay in ay gabaad ka heshay cudurka maanta faro baas ku haya ee Macaanka, taasoo loo aanaynayo barwaaqada iyo cayilka dadka kusoo kordhay, dhaqdhaqaaqii jirkana uu yaraanayo oo dadkii ayna lugaynayn amase jimicsi sameenayn.

Nasiibkaas goonida ah ee hooyada ilaah ku manaystay ee ah in cunugeedii iyo iyadaba uu ka yaraynayo khatarta Macaanka, waxaa la godboon inay ka faaidaystaan fursadaas oo ay Nuujiyaan ilmahooda Naaska oo ay iska iloobaan Masaasadda aan faaiidada lahayn.
 
 
Aden Gaas
Washington, DC.

Rasaas ka dhacday xarunta UNHCR ee Sanca, goobtaas oo ay ku dhaawacmatay gabar Somaliyeed

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD