SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Furitaanka Markaska Imaamu Shaafici ee magaalada Burco 15/08/1426H  20/09/05 M

 

Maalintii ay taarikhdu ahayn 20/09/05 Waxaa magaalada Burco ka dhacay xaflad balaadhan, taas oo lagu furay Markas loogu magac daray Imaamu Shaafici oo uu  dhismihiisu yahay 2 fooq oo ka kala kooban:

  •  Qaaco loogu tala galay seminaarada iyo wax kasta oo bulshada nafac u leh.

  • Maktabad isteeriyo oo laga heli karo muxaadarooyin iyo duruus maqal iyo muuqaalba leh.

  • Maktabad lagu daalacan karo kutubta diiniga ah iyo kuwa maadigaba.

  • Xafiisyo maamul oo ka kooban 2 qol.

  • Fasalo waxbaraso oo ka kooban 5 fasal.

  • Qol loogu tala galay qaabilaada martida.

  • Kafeteeriye.

Waxaana qaybta ugu wayn ee dhisitaanka Markaska ka qayb qaatay hay’adda Al-Xikmah ee dalka Danmark, sidoo kale jaaliyadaha Soomaliyeed ee dalalka Skandinavianka iyo dadka reer Burco, mahad oo dhanna Ilaah ayaa leh.

 Dadka kasoo qayb galay furitaanka xafladda:

Furitaanka Markaska waxaa kasoo qayb galay dad aad u fara badan, meeshuna ay qaadi wayday. Waxaana dadkaa ka mida:

  • Gudoomiyaha Burco Cabdi Maxamed Iidle (Cabdi Burco).

  • Suldaan Maxamed Guuleed.

  • Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen.

  • Suldaan Cabdiraxman Qodax.

Sidoo kale waxaa marti sharafka kasoo qayb galay ka mid ahaa culumaa’u diin ay ka mid yihiin:

  • Sh. Cali Warsame Xasan.

  • Sh. Maxamed Idriis.

  • Sh. Cabdinaasir X. Axmed

  • Sh. Cabadulaahi Makaawi.

  • Sh. Cabdulaahi Sh. Nuur.

Iyo akhyaar kale oo ka kala timid wadanka qeybihiisa kala duwan iyo dibadiisa sida Yurub, Hindiya, Pakistan iyo Carabaha. 

Nadwo cilmi ah:

Xafladii furitaanka kadib Markaska waxaa lagu furay oo kale nadwooyin culuum kala gadisan diini iyo maadi iyo dawraad khaas ah oo loogu tala galay:

  • Macalimiinta dugsiyada Qur’aanka iyo kuwa caadiga ahba.

  • Dulaabta cilmiga iyo ardayda dugsiyada.

  • Dumarka magaalada.

  • Dawrooyin ku salaysan Maamulka iyo Computereska.

 Yaa loogu tala galay Markaskan muxuuse qaban doonaa?

Qof kaste oo naga mida oo soo akhriyay qoraalkan qeybihiisa hore, wuxuu si fiican u qiyaasi karaa hawsha loogu tala galay in Markaskan uu fuliyo. Hadaan sii faahfaahino waxaa ka mid ah:

  • Wacyi galinta Umadda.

  • Machad lagu barto culuumta sharciga ah muddo le’eg 2 sano gudohood.

  • Nadwooyinka iyo mu’tamaraadka magaalada lagu qaban karo.

Markasku wuxuu qaadan sanadka ugu horaysa arday cadadkoodu le’eg yahay 150 – 200 haduu Rabbi idmo.

 Mahad celin iyo baraarujin:

Mar labaad mahad oo dhan Allah kaligii ayaa leh. Tan xiga waxaa mahad leh jaaliyada Denmark iyo  hay’addooda Alxikmah,allaah ha barakeeyo, walaalaha Scandiniavinka iyo dadka reer Burco ee sida wacan uga qayb qaatay hawshaan. Waxaaan soomalida oo dhan ku baraarujin lahayn inay mashaaariicda khayrka ah ee umadda waxtarka u ah ka qayb qaataan gacan lixaad lehna ka gaystaan meel kaste oo ay dunida ka joogaan. Middaas oo waxtar u leh Aakhiro iyo aduunba.

 Wixii ku saabsan faahfaahin intaa dheer oo qusaysa Markaska waxaad kala soo xiriiri kartaan magacyada iyo telefonada hoos ku qoran.

 C/laahi Daahir Jaamac (cbaashe)    

 002522435012 ama 002522710253                                         

Email:   cbaashe@hotmail.com                                                                        

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2005


Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay London...
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa...  Guji... Sept 30

Mushkiladaha hor taagan soo celinta nidamkii dowliga ahaa.
Muqdisho: Baaritaan oo soo diyariyey
Guddoomiyaga guddiga markazka Abnu–Mascuud... Guji... Sept 30

Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”.  Guji.. Sept 30

Dagaallo cadowga Itoobiya lagu jabiyay
ka akhri wararka Radio Xorriyo... Guji... Sept 30 

 


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD