SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Talooyinka ka soo baxay shirweynaha 1aad ee Xallinta  dhibaatada soomaaliya
iyo xalka islaamiga ah  
         

Shirweynihii Golaha midnimada badbaadada..

            Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed lagu soo geba-gabeeyay Shirweynhii   Golaha midnimada oo ay ka qaybgaleen in ku dhow 250 ergo oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dabadiisa.

            Waxaa shalay xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Cumar Iimaan oo isagu si aad ah ugu dheeraaday Islaamka iyo Dadweynaha wuxuuna yiri “inagoo mareyna sanadkii 1426 ma ahan in aan maanta ka hadlayo waxaan isku xukumeynaa Diinta Islaamka ee mar hore ayay ahayd in aan qaadano ku dhaqanka shareecadda Islaamka Diinta”.

            Waxaa kalloo ka hadlay Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo isagu ku hadlaayay magaca Odyaasha dhaqanka wuxuuna u hambalyeeyay Golaha midnimada oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan waxa ay doonayaan oo ah ku  dhaqanka Shareecadd.

            Sidoo kale waxaa Gabay iyo Shiribyo Guubaabo ah halkaasi ka soo jeediyay Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) wuxuuna yiri “Ama Ameerika Raac  , ama Islaamka  raac           ”.

            Gebagabadiina waxaa ka hadlay guddooomiyaha Golaha midnimada Shiikh Xasan Dheere oo yiri  “Waxaan haysanaa maalkii, maskaxdii iyo Diintii waxaan keliya oo naga dhiman waa in aan isku abaabulno bulshada”.

Shirweynaha 1aad ee dhibaatada soomaaliga iyo xalka islaamiga ah ee uu soo abaabulay Golaha midnimada iyo badbaadinta Soomaaliyeed  ee socday mudadii u dhaxeysay 23-26/08/1426H oo waafaqsan 27-30/09/2005.

Shirkaas oo ay ka lagu qabtay Xarunta Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayna ka soo qeybgaleen 250 ergay oo ka kala yimid gobolada dalka iyo jaaliyadaha dibadda isuguna jira qeybaha bulshada ee kala ah : siyaasiyiin, aqoonyahan, culumaa,udiin, ganacsato, odayaaldhaqameed iyo dhalinyaraba, waxaa looga dooday mawaadiic muhiim ah oo taabanaysa marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo sida looga samata bixi lahaa, mawaadiicdaas waxaa ka mid ahaa:

  • Waa maxay sababihii gundhigga u ahaa burburkii nidaamkii dowladeed ee dalka.
  • Maxayse yihiin caqabadaha hortaagan dib u soo celinta nidaamkaa dowladeed.
  • Waa maxay qaab dhismeedka dowladeed ee dalka u habboon marxaladdan.
  • Maxey tahay argagaxiso yaase argagaxiso ah?.
  • Sidee buu Islaamku xal ugu noqon karaa dhibaatada Soomaaliya.

Kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ay ka qeybgalayaashii Shirweynuhu ka yeesheen arimahaa waxay soo saareen talooyinka soo socda :  

1.      Shirweynuhu wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay Allahood u soo laabtaan, is cafiyaan, walaaltoobaan, gacmahana is qabsadaan, meelna uga soo wada jeestaan cadowgooda, joojiyaanna dhammaan dagaalada iyo dhiigga xaaraanta ah ee dhexdooda ka qubanaya iyagoo garwaaqsanaya inuusan dagaalku xal ahayn oo aysan cidina cid kale xoog ku muquunin karin

2.      Shirweynuhu wuxuu si buuxda isugu raacay in waxyaabaha gundhigga u ah burburkii nidaamkii Dawladeed ee Soomaaliya ay u weyntahay ku dhaqan la'aanta Shareecada Islaamka, taasoo ummadda dhaxalsiisay caddaalad darri, eex, qabyaalad, musuqmaasuq iyo kalitalisnimo, sidaas daraadeed wuxuu shirweynunu arkaa in ay waajib sharci ahi tahay in nidaamka xukun ee dalka lagu saleeyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, lana ogaado in xal aan kaa ahayn uusan marnaba jiri karin.

3.      Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in uu u diyaargaroobo qabashada shirweyne dib u heshiin buuxda lagu dhex dhigayo umadda laguna qabto dalka gudahiisa, ayadoo maanka lagu hayo guul darrooyinkii ka yimid shirarkii dibadda lagu qabtay, lagana tusaale qaadanayo xasiloonida iyo dib u heshiisiinta ay horseedeen shirarkii gudaha ka dhacay sida: kuwii lagu kala qabtay Boorama, Garoowe IWM.

4.      Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee waxtarka ah, kuna kala nool dalka dibaddiisa iyo gudahiisa inaysan ka niyad jabin xal u raadinta dhibaatada Soomaaliya, goobtana u bannayn cadawga iyo inta ka shaqaynaysa baaba'a ummadda, taageeraanna dadaallada Golaha Midnimada & Badbaadada Soomaaliyeed ee ku aaddan baadi goobka xal dhab ah oo lagu samata bixin karo ummadda Soomaaliyeed.

5.      Shirweynuhu wuxuu dareen adag ka muujinayaa adeegsiga erayga “Argagixiso”, kaasoo noqday mid loo adeegsado in lagu dhaleeceeyo Islaamka, wuxuuna u arkaa in ay Argagixiso tahay ciddii dad kale gardarro ugu duusha iyadoon waxba galabsan, ee aysan Argagixiso ahayn dadka dulman ee xaqooda u diriraya.

6.      Wuxuu Shirweynuhu aad uga xun yahay dadka tahriibayaalka Soomaaliyeed ee sida ula kaca ah badda loogu qubayo, looguna laynayo, wuxuuna maamullada iyo dawladaha ka taliya xeebaha ay dadkaasi ka dhoofayaan ama ka degayaanba ugu baaqayaa inay tallaabo degdeg ah oo wax ku ool ah ka qaadaan joojinta falal dambiyeedkaas   aad ka u xun.

7.      Shirweynuhu wuxuu cambaaraynayaa maraakiibta sida sharci darrada ah u xaalufinaya khayraadka dalka iyo kuwa ku shubaya sunta haraadiga Kiimikada iyo Nukliyeerka, ayagoo ka faa'iidaysanaya baylahda uu dalka ku sugan yahay waqtigan, waxaanan caalamka ugu baaqaynaa in gacan laga geysto joojinta arrimahaas halista ku ah jiritaanka dadka, dalka iyo khayraadka Soomaaliyeedba.

8.      Shirweynunu wuxuu ammaan u soo jeedinayaa dadaalada ay Maxkamadaha Islaamiga ahi ugu jiraan dib u soo celinta xasiloonidii iyo nabadgalyadii dalka, sidaa daraadeedna waxaa shacabka laga codsanayaa in taageero hiil iyo hooba leh lala garab istaago Maxkamadaha Islaamiga ah.

9.      Shirweynunu wuxuu canbaareynayaa una soo jeedinayaa dadka caadeystay xaalufinta deegaanka iyo baaba’inta wixii ka haray hantidii guud in ay joojiyaan falalkaa xun-xun ee dhaawacaya danaha guud ee ummadda.

10.  Shirweynunu waxuu amaan iyo mahadcelinba u soo jeedinayaa dhamaan mu,asasaadka gacanta ka geystay wax u qabadka shacabka soomaaliyeed ee dhinacyada waxbarashada , caafimaadka iyo isgaarsiinya , waxuuna dhiiragalinayaa isku tashadka umadda.

11.  Shirweynunu wuxuu diidan yahay kana digayaa in ciidamo shisheeye dalka la keeno ayna soo faragaliyaan, si aysan dhibaatadii ummadda dhextiilay mid kale ugu biirin.

12.  Shirweynuhu wuxuu ka codsanayaa Golaha Ammaanka in uu sii adkeeyo go’aankii cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, tallaabana laga qaado dalalaka sida is dabajoogga ah u jebinaya cunaqabateyntaas.

13.  Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dawladaha Caalamka inay gacan ka geystaan wax ka qabadka dhibaatada gaamurtay ee Soomaaliya, lana joojiyo fara gelinta qaawan ee ay dawladaha qaar ka mid ahi ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya kuwaasoo ka shaqaynaya inaysan Soomaaliya dib dambe cagaheeda isugu taagin.

14.  Shirweynuhu wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa dowladaha Carabta iyo Islaamkaba inay garwaaqsadaan mas'uuliyadda dhabta ah ee ka saaran ummadda Soomaaliyeed ee walaalahood ah, wuxuuna xasuusinayaa inuu Shacabka Soomaaliyeed ka sugayo dadaallo la mid ah kuwii ay ku nabadeeyeen, dibna ugu dhiseen dalka Lubnaan kolkii ay dagaalladu aafeeyeen.       Allaahu Akbar Walilaahil Xamdu.

Ka qeybgalayaasha Shirwaynaha

Muqdisho                   26/08/1426H waafaqsan 30/09/2005M

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Wararkii shirka hoos ka akhri:::


Maalintii saddexaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee Islaamiga ah

Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in ay sameystaan hubka Nuclear-ka”

Faafin: Sept 30, 2005


Sh. Xasan Daahir Aweys oo khudbaynaya

Sh. Xuseen Geedi

Waxaa maalintii saddexaad galay shirweynihii koowaad ee Golaha Midnimada iyo badbaadada Soomaaliyeed oo ay ka qaybgalayaan ilaa iyo 270 ergo oo ka kala yimid dalka gudihiisa  iyo dibadiisa. Waxaana maalintii shalay ahayd looga dooday wax la yiraahdo ereyga argagixisada, waxaana halkaasi warbixin dheer ka soo jeediyay Gen. Jaamac Max’ed Qaalib oo isagu fasiray ereyga argagixiso waxa uuna yiri “Ereyga run ahaantiisa waa dad ku gardarooday dad kale oo u gaystay dil iyo wixii la mid ah” wuxuuna sheegay in Dunida ay ka socdaan dagaalo waxayna si gaar ah uga socdaan wadamo Islaam ah oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Falastiin, Kashmiir, Afgaanistaan iyo dalal kale oo uu Islaamku ku badan yahay oo ay ka mid yihiin Fillipiin, Jejniya iyo wixii la mid ah, wuxuuna sheegay Jaamac Max’ed Qaalib in dalalkaasi ay ka gilgilanayaan gumeysi si ay u soo ceshtaan gobonimadoodii.

          Gen. Jaamac Max’ed Qaalib, wuxuu kalloo sheegay in dadyowga dulman halgankooda ay reer galbeedku ku tilmaamaan falal argagixiso ah, Sidoo kale waxa uu sheegay in dalka Ciraaq oo ahaa dal iska degan dadkiisunu nabad kuwada noolaa, deriskoodana kula noolaa deris wadaag is kaashi baa lagu duulay lana burburiyay oo xoog lagu qabsaday dadkoodiina la laayay, waxaana xadgudubyadaasi ka dhashay kacdoon iska caabin shisheeyaha dalkooda gardarada ku qabsaday, kuwa dalkooda haystaana waxa ay falalka kacdoonada ku tilmaamaan argagixiso, waxaa is weydiin mudan waxa Ciraaq loogu gardarooday?, Runtu waa Israa’iil oo ku qasabtay dowladda Mareykanka in Ciraaq la burburiyo, wuxuuna intaa sii raaciyay “Falal argagixiso wiligood waa dhici jireen haddii aysan jirina magacaasuba ma baxeen, dadka falalkaa ku kacaana cid kastey noqon karaan hase yeeshee reer galbeedku waxa ay argagixisada u ekeysiiyeen ama ku tilmaamaan wax islaamka  ehel u yahay oo ka ag dhow, waxay aad u isticmaalaan kalmada la yiraahdo ISLAMIST” wuxuuna intaa ku daray dhaqanka Islaamku waa mid nabadeed, Muslimiinta waxa ay isku salaamaan iskuna jawaabaan nabad korkiina ha ahaato, waxayna ku kala tagaan ereyga nabadgelyo.

          Ugaas Axmed Bile oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ereyga argagixisada (Cabsida) uu Qur’aanka Kariimka ah kaga  soo arooray Sideed meelood waana kalimad Islaami ah, wuxuu sheegay in haddii aan Gaalada kaa cabsan wax aad tahay aysan jirin

          Waxaa hadalkii qaatay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo isagu ka hadlay Barnaamij uu ugu magac daray Israatiijiyadda oo ah in aad tiiksato meel, waxa uuna si aad ugu dheeraaday sidii Bini’aadamku Ilaahay u karaameeyay iyo siduu ugu saqiray adduunka waxa yaala, waxaana wanaagasan wax Rabbigeen soo dejiyay in la raaco taas oo uu sheegay in lagu gaaraya liibaan adduun iyo mid aakhiro, mar uu ka hadlaayay kalimada Jihaadka waxa uu yiri “cid kasta oo caabudda wax Illaahay ka soo haray dagaalku markaa  waxa uu kugu noqonayaa waajib” wuxuuna sii raaciyay “in lagaa baqo waxaa ka wanaagsan in laguu naxariisto” waxaa kalloo is barbardhigay labada erey ee kala ah is dhiibid iyo jabin, wuxuuna yiri  “Haddii aad is dhiibto wax walba ayaa lagaa sameysanayaa, laakiin haddii lagu jabiyo dibaad u soo kabaneysaa”

Shiikh Xasan Daahir Aweys mar uu ka hadlayay dhinac hubka waxa uu yiri “Jabbaan iyo Mareykan ayaa dagaal dhex maray waxaana Mareykanka la gaarsiiyay jab aad u xoogan taasi waxay keentay in Mareykanku sameysto Nuclear oo uu ku dhiftay Magaalooyinka Horishiima iyo Nagasaaka, taas oo uu sheegay in  Jabaanku maanta  uu gun ku yahay, sidaa darteed maxaa naga rabeeya in aan sameysano hubka Nuclear-ka, Shiikh Xasan Daahir Aweys mar uu ka hadlayay dadka soomaaliyeed waxa uu sheegay in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad geesiyaal ah oo diintooda aad ugu dagaalama wuxuuna tusaale u soo qaatay “Nin Korneel ah oo Keenyaati ah baa berri  meel fagaaro ka hadlay, wuxuu yiri “haddii ay Kenya naga dhaafi weydo dhibaatada  hubka ayaan qaadaneynaa, waana og tihiin in ay deris nala yihiin walaalahayaga soomaaliyeed oo gacan na siinaya”.

          Sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatay dadka Soomaalida ee tagay dalka K/Afrika wuxuuna yiri “Dowladda dalkaas waa ay diiday in dadka soomaaliyeed loo raro Yurub iyo Mareykanka sidoo kalena waa ay diiday in dalkooda lagu celiyo, markaas ayaa la weydiiyay maxay tahay sababtu wuxuuna ku jawaabey “waxaan dooneynaa in dadkeena noo ilbixiyaan, maadaama ay yihiin soomaalida  dad firfricoon” .

          Xuseen Siyaad Qoor Gaab oo ah xoghayaha guud ee Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in maalinta berito ah la soo gebagabeyn doono kulanka Midnimada iyo badbaadada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in laga  soo saari doono qodobo muhiim ah iyo baaqyo ku aadan xaaladda Soomaaliya.  

          Xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ayaa waxay Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed u soo jeediyeen  in hadafkiisa uu ka dhabeeyo maadamaa waxa ay soomaaliya ugu yaboohayaan ay tahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

          Dhinaca kale Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur oo nagala soo xiriiray Magaalada Nairobi ayaa u hambalyeeyay shirweynaha koowaad ee Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed isagoo sheegay in uu yahay golihii badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

          ‘Waa in aad iska ilaalisaan in qof walba uu iska arko Muraayadda, waa in aad wax ku xushaan sida loo kala cilmi badan yahay” ayuu yiri Ugaas Max’ed Wali.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com   


MAALINTII 2aad::

Maalintii labaad oo uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed ee Islaamiga ah..

W/D amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sept 29, 2005

Waxaa maalintii shalay ahayd galay maalintii labada shirweynihii Golaha Midnimada iyo Badaabadada Soomaaliyeed ee Islaamiga ah oo ay ka qaybgalayaan ilaa iyo 250 ergo oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo isugu jira Culuma-u-diin, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiinta, Oday dhaqameedyo iyo dhalinyaro waxaan shalay laga dooday, Waa maxay asbaabaha keenay burburka ee nidaamkii dowladnimo ee Soomaaliya?, maxaa sabab u ah in dalku uu heli waayo wax nidaam ah?.

Inta aan  dooda la galin ayaa ergooyinka loo qaybiyay waraaqo ay ku soo sheegayaan ilaa iyo 17qodob, qodobka la dhihi karo isaga ayaa Aabe u ah dhibaatada Soomaaliya. waxaaana ka mid ahaa qodobadaas

Cadaalad xumo, Qabyaalad, kaletalisnimo, Hab raaca qaab xukumeedka gumeysiga (Qaybi iyo xukun), Musuqmaasuq dhaqaale oo baahsan, shuruucda dalka oo aan la raaceyn iyo kala dambeyn la’aan, Hoggaan xumo iyo wax qabad la’aan, ku tumashada shareeca iyo ka fuuqaqa culumada hoggaanka siyaasiga, wadaniyad la’aan iyo daneysi, maamulka oo aan ku dhisneyn mabaadii’ aan shacabku aaminsanayn, cadaadis dibadda ah (Gumeysi), ummadda oo aan lahayn bisleyn dowladnimo xitaa kuwa hoggaaminaya, dhaqaalo xumo guud oo dalka ka jira iy shaqo la’aan, goloyaasha dowladda oo aan shacabku soo dooran oo aan ku kalsooneyn Madaxweyne. Ra’isul Wasaare Xildhibaan iyo wixii la mid ah, Hab raaca maamulka Gumeysigu nooga tagay oo aan la saanqaadi Karin dhaqanka iyo Diinta ummaddeena Soomaaliyeed, maqnaashaha maamul kulansaday (Sharci ku dheganaan, cadaalad qaybaha bulshada iyo wax qabad dhan kasta ah ee qarannimo) Ma qayb bay ku leeyihiin asbaabaha burburiya nidaamka dowliga ah qabiilooyinka waa weyn ee Soomaaliya sida Hawiye Daarood iyo wixii la mid ah. Xubnihii shalay halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/llaahi Max’ed Jimcaale waxa uu sheegay in sababaha keenay burburka Soomaaliya ay ugu wacan tahay maamul xumo iyo dano gaar ahaaneed iyo Culumadii oo ogolaatay in dad kale ay hoggaamiyaan.




C/Daahir Diiriye oo ka socday Gobalka Galguduud ayaa waxa uu sababaha burburka ku tilmaamay jaahilnimo isagoo sheegay in dad aan aqoon lahayn ay qabteen taladii dalka, waxa kalloo ku daray in Muqaadaraadka u uu sabab u yahay burburka waayo waxaan ogolaannay in ay na xukumaan wasiir Khamri cabaya iyo xildhibaan Qaad cunaya.

Gen. Jaamac Max’ed Qaalib ayaa isna si aad ah ugu dheeraaday Taariikhdii Aay soo martey soomaaliya wuxuuna sheegay in ay weligood ku dagaalamayeen sidii  Diintu ay kor u ahaan lahayd waxa uuna tusaale u soo qaaday Imaam Axmed Gurey.

 C/salaan Xirsi Cali ayaa  isagu burburka dusha uga tuuray Qabyaaladda oo uu sheegay in wax walba iyadu saldhig u tahay. Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay C/wahaab Khaliif Cali oo isna sheegay in burburka Soomaaliya ay ugu wacan tahay cadaalad daro iyo Jahli is biirsaday.   Shiikh Saalax Shiikh Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in Qabyaaladdu aysan wax dhibaato ah lahayn balse midda Soomaaliya ka jirta ay tahay mid la siyaasadeeyay haddii siyaasadda laga bixiyana wax walba ayaa hagaagaya.

Xasan Cosoble ayaa isna waxa uu sheegay in Culumada looga baahan yahay in dadka ay ku baraarujiyaan Diinta Islaamka, waxaadna ogaataan in C/llaahi Yuusuf uusan idinka yeeleyn in dalka uu ku dhaqo Diinta islaamka waadna garaneysaan halka uu diinta ka joogo.

 

Daabaco Boggan | Print

Cali Shido

Guddoomiyha ururka

Sh. Xasan Daahir Aweys


Sh.Nuur Baaruud

Abroone



Gen.Qaalib

Col. Sh. Cismaan

Maxamuud Macallin Nuur oo ka socday Gobalka Gedo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed cid xukumi kartaa aysan jirin waayo ayuu yiri dadka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin dhaqan-celin aad u xoogan, waxaa burburay aadaabtii Islaannimo, wuxuu kalloo sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan kala garaneyn caddowgooda iyo xabiibkooda.

Codadkii laga qaaday ergooyinkii ka qaybgalay kulankii shalay ku saabsanaa mawduuca Asbaabaha Keenay Bur-urkii Nidaamkii dowladnimo ee Soomaaliya  ayaa waxay sheegeen iskuna raacee in ku tumashada Shareecadda Islaamka iyo ka fuquuqidda Culumada Hogaanka ay 70%, sidoo kale qodabka Labaad waxa uu noqday cadaalad xumo 64%, sidoo kale qodobaka Saddexaad waxaa galay Qabyaaladda oo qaadatey 53%.

Gebagabadii ayaa waxaa halkaasi qoraal ka hadlaya Mushkiladda hor taagan soo celinta nidaamkii Dowliga ahaa ka akhriyay Shiikh Cusmaan Max’ed Maxamuud (Abuu Maryama), maanta ayaa laga doodayaa Ergeyga Argagixisa.

MAALINTII 1aad::


Shirweynihii 1-aad ee Golaha Midnimada iyo Bad-baadada Soomaaliyeed ee Islaamiga oo ka furmay Magaallada Muqdisho

            Waxaa shalay Magaallada Muqdisho ka furmay shirweynihii 1-aad ee Golaha Midnimada iyo Bad-baadada Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay 250-Ergo oo ka kala yimid Gobollada dalka iyo dibaddiisa oo isugu jiray culimaa’udiin, siyaasiyiin, aqoonyaha-nno, Odayaal Dhaqameed iyo dhallinyaro, waxaana shirweynaha furay Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre oo sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro iyadoo la qaato Kitaabka ALLE, waxaa kale oo uu sheegay in shirkii lagu qabtay magaallada Nairobi uu ahaa mid aysan shacabka Soomaaliyeed ku heshiin, taasoo uu sheegay in ay dadku ka garan karaan xaaladda haatan ka dhex taagan xubnaha Labada Gole, waxaa kale oo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Dalladda FPENS Axmed C/llaahi Sh. Max’ed oo isna sheegay in loo baahan yahay in laga hadlo wixii bur-buray, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Diinta Islaamka ay saldhig u noqon karto wax kasta oo xal u ah arrimaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa Makarafoonka qaatay Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimada Soomaaliyeed Sh. Nuur Baaruud oo sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay Aabe u tahay Qabyaaladda, taasoo uu sheegay in ay wax badan naga baabi’isay, illaa laga tanaasulo qabyaaladdana waxa uu sheegay in uusan Qaran Soomaaliyeed jireyn. Waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhaq-dhaqaaqa Bulshada Rayidka Max’ed Nuur Gacal oo isna sheegay in Golaha looga fadhiyo in uu xal u keeno wixii naga lumay laga soo billaabo lixdankii illaa maanta, isagoo sheegay in dowladihii dalka soo maray dhammaantood bur-buriyeen qabyaaladda, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sh. Yuusuf Max’ed Siyaad Indho-cadde oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in xilligan xagga diinta marka la fiiriyo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah ugu dheggan yihiin, balse ay jirto dhibaato kale, kaddib markii shacabku ay sameeyeen waxyaabo ka soo horjeeda dhaqanka Islaamiga ah, waxaa kale oo uu sheegay Sh. Yuusuf in shacabka Soomaaliyeed aysan Cibaadadu dhab ka ahayn, balse afka baarkii ay ka tahay “Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdaan lixdankii ayaan xoriyadda qaadannay, aniguse waxaan aaminsanahay in waqtigaasi aanan qaadan wax xoriyad ah ee aan qaadannay caddaalad darro iyo waxyaabihii uu ka tagay gumeysiga” ayuu yiri Sh. Yuusuf oo intaa sii raaciyey “Gumeysiga caddanka ahaa waxay noogu beddeleen mid madoow”.

Sh. Yuusuf waxa uu ku nuux-nuuxsaday in shirkii Nairobi ay isugu tageen hoggaamiyeyaal iyo kooxo gaandheriyaal ah, wuxuuna sheegay in hoggaamiye-yaashii ay noqdeen Wasiirro, Gaandheri-yaashiina ay noqdeen xildhibaanno.  “Inaan Ameerika raacno ama inaan Kitaabka ALLE qaadanno shacabka Soomaaliyeed waa inay kala doortaan” ayuu yiri Sh. Yuusuf oo intaa raaciyey “Xukunku waa afkaar iyo muuq, waxaana wadannaa afkaartii Miless Zenawi” ayuu yiri Sh. Yuusuf indho-cadde oo sidoo kale xusay in Xamar wixii laga fulin karo iyana laga fulin karo Jowhar. Waxaa kale oo Shirkani ka hadlay Gen. Jaamac Max’ed Qaalib oo sheegay in caqabadaha hor taagan in shacabku uu helo dowlad caddaalad ku dhisan tahay ay ugu wacan tahay iyadoo dowladdii ugu dambeysay ee Kenya lagu soo dhisay ay ahayd Booli “Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho”.

Sh. Abuukar Sh. Yuusuf (Huwa) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya looga bixi karo in la qaado Dastuurkii uu ILAAHAY jideeyey oo ah Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Nebiga (N.N.K.H), waxaana uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan, waayo waxay haystaan Diinta islaamka oo ah midda lagu gaari karo nabad iyo horumar.

            Xubnihii kale ee ka hadlay kulankan waxaa ka mid ah Halgamaa Cali Shide Cabdi oo sheegay in dowladihii dalka soo maray raggii madaxda u noqday ay ahaayeen kuwo aysan daacad ka ahayn xilkii ay shacabka ugu dhaarteen, waxay kaloo ahaayeen rag aysan ku dheereyn waddaniyadda.

            “Cali iyo Ceydiid waxa ay ku kala boodeen gurigaan shirka ha lagu qabto iyo maya gurigaas kale shirka ha lagu qabto, Jowhar iyo Muqdishana waa sidaas, maxaa macno ah, meeshii doono ayaa la wada tagi karaa, lagu xallin karaa wax walba oo khilaaf ah”, waxaana uu Cali Shidde soo qaatay maah-maahdii ahayd “Kud ka guur qanje u guur”.

            Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo sheegay in Golahani Midnimada Badbaada iyo Ummadda Soomaaliyeed uu ka duwan yahay xisbiyadii iyo ururradii dalka soo maray, waayo hadafkiisu waa sidii shacabka ugu dhaqmi lahaa Shareecada Islaamka. waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay wixii qaladaad ah oo horey u dhacay oo ay ka mid ahaayeen in shacabku ay wax ku qaybsadaan Qabiil.

            Axmed Abaroone Amiin oo isna ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Baarlamanka Carta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka Golaha Midnimada Bad-baadada Soomaaliyeed iyo kii Carta ay meelo badan isaga mid yihiin , waxaana uu sheegay in Golahani looga baahan yahay in hadafkiisu uu ka dhammeeyo.    C/kariim Muumin Axmed oo ku hadlayay magaca Gobollada ayaa waxa uu sheegay in wixii shirweynahan ka soo baxa ay gaarsiin doonaan Gobollada, isla markaana ay xoojin doonaan Diinta Islaamka. Shirkan oo ay shir guddoominayeen Xubnaha kala ah Sh. Xasan Max’uud (Sh. Xasan Dheere), Xuseen Siyaad Qoor-gaab iyo Ugaas Axmed Bile Xasan ayaa mar uu saxaafadda  la hadlayay Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxa uu sheegay in saddexda maalmood ee soo socota Goluhu ka doodi doono qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabihii sababay Bur-burkii SOomaaliya iyo waxa loo gaari la’yahay illaa iyo haddan dowlad caddaalad ku dhisan oo shacabka bad-baadisa iyo ereyga waayadan dambe shaac baxay ee “Argagixisada”,

 sidoo kale Max’ed Ibraahim Bilaal oo ah xoghayaha arrimaha Goboladda ayaa waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka soo qeyb galka kulankan Goboladda Dalka, waxaana  goobtii uu shirku ka dhacayay lagu soo bandhigay Barnaamijkiisa siyaasadeed oo ka koobkaa ilaa 7-bog, waxaana kulankan uu socon doonaa Muddo 4 maalmood ah.

 


Xoghaye

Boqore

Xoghayaha arrimaha goboleedka ee ururka

 

W/D amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2005

Puntland oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya... Guji

Fartuun Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD