WAFDIGII DKMG OO LA KULMAY JAALIYADDA
SOOMALIYEED EE LONDON.

Magaalada London ee dalka Britain
waxaa lagu qabtey shir ujeedadiisu ahayd wacyi gelinta
dadweynaha Soomaaliyeed iyo qiimaha qarannimo oo uu soo
qaban qaabiyey ururka Somali Information Service (SIS).
Waxaa shirkaas lagu martiqaadey Wasiirro iyo wasiirro
ku-xigeenno ka tirsan dawladda Federaalka Somaliyeed,
xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamaanka Somaliya,
waxgarad Soomaaliyeed iyo jaaliyadda Somaaliyeed ee ku
dhaqan magalada London.
Ugu horreyn waxaa shirka ka hadley Md
Axmed Sheel oo ahaa shir guddoonka shirka oo sharraxaad
ka bixiyey ujeedadii shirka loo qabtey. Waxa uu Md.
Sheel sheegey inuusan shirkani ahayn mid koox gaar ah
lagu taageerayo ama koox kale looga soo horjeedo ee ay
ujeedadiisu tahay ku wacyigelinta bulshada dhismaha
qarannimo iyo dhiirrigelinta isu soo dhoweynta umadda
iyo dib u heshiisiinta. Waxa sidoo kale ka hadley shirka
Sureer Abshir Muuse iyo C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)
oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee ka shaqeeya arrimaha
jaaliyadda Somaliyeed ee dalkan oo labaduba muujiyey in
la helo isku xirnaan iyo wada shaqeyn dhexmarta
jaaliyadda iyo in dawladda lagala shaqeeyo hawlaha
dadaalka ah ee ay waddo.
Intii Shirku socdey waxaa
shirka la soo xiriirey oo khadka telefoonka soo galey
Madaxweynaha Somaliya Md. C/hi Yuusuf Axmed oo salaamay
una hambalyeeyey dhamaan ka qayb galayaashii shirka,
waxaa uu faahfaahiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla
dawladiisa iyo dadaalka ay ugu jirto soo celinta nabadda
iyo dib u heshiisiinta, waxaa uu ka codsadey jaaliyadaha
dibedda ku nool inay dawladda taageero u fidiyaan isna
garab taagaan, waxa uu sheegey in loo baahan yahay inay
jaaliyaduhu samaystaan gudi iyaga ka wakiil ah oo
dawladda la shaqeeyaa isla markaana u soo gudbiyaan
wixii fikrado iyo talo ah ee ay ujeedinayaan.
Waxaa Goobta ka hadlay Wasiirka
Horumarinta Reer Miyiga iyo Dhirta iyo Daaqa Md. Maxamed
Shiikh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) oo ka warbixiyey
safarkii wafdigii Madaxweynaha ee uu isagu ka mid ahaa
ku tageen magaalada New York ee ay kaga qayb galeen
shirkii QM. iyo safarradii kale ee ay isaga iyo wasiirro
kale ku tageen gobollo ka tirsan dalka Mareykanka iyo
Canada, waxa uu sheegey inuusan jirin kala jab ama
qaybsanaan u dhexeeya xukuumadda ee ay jiraan arrimo
xagga fikirka ah oo lagu kala gedisan yahay iyo
shaqsiyaad dano shaqsi ah darteed wax ku diidan. Waxa uu
sheegey in aad loo faafiyey hadallo xaqiiqda ka fog sida
in waxa la isku hayo yihiin ‘koox doonaysa in dalka la
keeno ciidammo Itoobiyaan ah iyo koox diidan iyo koox
doonaysa in caasimaddu tahay xamar iyo koox diidan’.
Waxa uu sheegey in 2-daas qodobba ayan sal lahayn oo
hore uu jirey fikir ahaa in ciidammo Afrikaan ah oo aan
cid gooni looga saarayaa jirin la keeno, balse
dhexdhexaadintii beesha caalamka iyo dalka Yemen
samaysay kadib ay dawladdu ka tanaasushey in ciidammo ka
socda dawladaha safka hore la keeno dalka. Arrinta
magaalada Xamar, inay tahay caasimaddii dalka cid diidan
ma jirto, waxayna labada dhinacba isla ogol yihiin inaan
sida ay hadda tahay aan lagu tegi karin. Waxa kale oo uu
sheegey in loo baahan yahay in dadku ay dan guud,
qarannimo iyo soo celintii dawladnimo ay xoogga saaraan
ee aan la oran hebel muxuu sidaas u yahay, ama waxas u
heley, ‘Diyaarad baa nala dhici karta, ama siyaasigu
berribuu tegeyaa waxase haraya waa dawladnimadda’.
Waxa sidoo kale shirka ka
hadley wasiiru dawlaha dib u dhiska Ibraahim Nuur Xabeeb
oo sheegey in loo baahan yahay in caddaalad la falo si
dib u heshiisiin dhab ah loo gaaro oo la iska dhaafo
‘anaa kuu taliya’.
Xubnihii dawladda iyo
baarlamaanka ee shirka ka qayb galey waxay kala ahaayeen:
-
1. Wasiirka Horumarinta
Reer Miyiga dhirta iyo daaqa, (Maxamed Shiikh Maxamuud ‘Gacma-Dhere’).
-
2.Wasiirka Deeegaanka iyo
ka hortagga nabaadguurka (Maxamed Cusmaan maye)
-
3. Wasiiru dawlaha dib u
dhiska (Ibraahim Nuur xabeeb),
-
4. W/ku xigeenka haweenka
iyo daryeelka qoyska (Sahro c/qaadir C/raxmaan)
-
5. Jeneraal C/hi Cali
Cismaan (Xildhibaan)
-
6.Aamino Maxamed Mursal (xildhibaan).
-
7. Cali Maxemed Faqi. (Xildhibaan)

Waxaa ka qayb galayaashii
shirka loo ogolaadey inay fikradahooda iyo su’aaloba
weydiiyaan xubnihii dawlada iyo
baarlamaanka ee shirka ka qayb galey. Dadkii su’aalaha
weydiiyey waxa ka mid ahaa Cumar Suleymaan oo weydiiyey,
sidee lagu aamini karaa dadkii 15 sano dalka isku
dilayey oo iyagii madax noqdey? Gacmadheere oo su’aash
ka jawaabay ayaa sheegey in aan loo baahnayn in cidna la
aamino balse ay tahay in la isku aamino dastuurkii la
soo wada dhigtey iyo sharciga. “dalkan aan hadda joogno
cid ku waardiyeysa ma jirto, sharciga ayaa ku
waardiyeeya, xamarse wiil qori leh iyo tekniko ayaa wax
waardiyeysa, haddiise la helo dawlad sharciga ayaa dadka
waardiyeynaya, waxaa qaar ka qayb galayaashii shirka
kamid ahi soo jeediyeen in la isu geeyo labada qaybood
ee xubnaha baarlamaanka ee dalkan jooga, taasi oo ay
aqbaleen diyaarna u yihiin inay la kulmaan meelna isku
wada yimaadaan. Xildhibaanada Saxra C/qaadir oo wasiir
ku xigeenna ah ayaa tiri “Guddoomiyaha dadkii doortey
ayaan ka mid ahay, inta u tegey ayaan ku iri gacantii
aan kugu doortey ayaan kugu baryayaa ee tanaasul samee”
Gacmadheere ayaa isna ku darey in la isu tagi karo, la
islana hadli karo mar kasta, waxaase muhiimka ahi waxa
weeyaan in ay soo baxaan wax la isugu imaankaro oo laga
wada hadli karo, ‘Guddoomiyaha waa hogaamiyahayagii
annaga oo dhan waan ka daba maraynaa ee adinku inta u
tagtaan ka keena wax cad oo uu diidan yahay ama wax cad
oo uu doonayo” ayuu yiri. Nin ka mid ahaa ka qayb
galayaashii shirka ayaa markaa yiri “annaga ayaa u
tagney guddoomiyaha wuxuuna noo sheegey inuu isagu
sharciga ku taagan yahay oo uu ilaalinayo”, Gacmadheere
oo taas ka jawaabayey ayaa yiri ‘Ma idiin sheegey qodob
hebel oo dastuurka ku jira oo la jebiyey?, tan kale
Gudoomiyaha haddii sharci la jebiyey ma ahan inuu adiga
iyo rag kale u warramee waxay ahayd inuu dhex yimaado
275-ta xildhibaan ee uu madaxa u yahay, oo uu horkeeno”.
Sidoo kale C/hi Faarax
Qaarey oo ka qayb galayaashii shirka ka mid ahaa ayaa
yiri Ciidamada aad soo waddaan naga daaya, Gacmadheere-se
muxuu Xamar u tegi waayey, wuu tegi karaaye? Waxaa u
jawaabtey Wasiir ku-xigeenka daryeelka Qoyska oo tiri
“waxaad sheegatey inaad tahay sharciyaqaan, waxaadna
leedahay ciidamadda naga daaya, ma waxaad rabtaa in
isbaarada, dilka iyo kufsiga haweenku iska
sii jiro?, waxa isna ku sii darey Wasiirka deegaanka oo
yiri ‘dawladu waxay diidan tahay waa in Gacmadheere oo
10 tekniko ah heli kara uu tegi karo, aniga oo wasiir
ahna aanan tegi karin iyadoo aan la i waardiyeyneyn”.
Shirka ayaa ahaa mid guud
ahaan dadweynihii ka qayb galey ay ku cabirayeen
fikradahooda kala duwan waxaana qof walba oo codsadey la
siiyo waqti uu ku hadlo ama su’aallo ku weydiiyo,
waxaana si aad ah loogu mahadceliyey ururka SOMALI
INFORMATION SERVICE (SIS) oo suurto geliyey qabashada
shirkan, iyo sidii laga maqsuudey ee ay u soo
diyaariyeen shirka shaqsiyaadka kala ah C/qaadir C/lle ‘Xoorshow’,
Cumar C/qaadir, C/wali Sheekh Maxamed iyo C/qaadir C.
Guutaale.
Waxa diyaariyey
C/qaadir Fadli
guutaale99@hotmail.com