SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 Machadka Nabadda Soomaaliyeed oo xusey Maalinta Nabdda Adduunka 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo maanta lagu qabtay Hotel-ka weyn ee Saxafi International ee magaallada Muqdisho oo lagu maamuusayay maalinta nabadda adduunka ee 21-ka September 2005 ayaa waxaa lagu casuumay oo ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada, dadka u ololeeya nabadda, Arday oo markii ugu horreysay halkaasi ka muujiyey shucuurtooda baahida ay u qabaan nabadda, sidookalena waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta labada Gole ee Dowladda Federal-ka KMG ah.

            Aayadihii Qur’aanka Kariimka ah kaddib waxaa halkaasi warbixin kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace Institute) C/llaahi Max’ed Xasan (Black), isagoo xusay in maanta 21-ka September ay tahay maalin ay dunida oo idin isugu raacday in loo aqoonsado maalinta nabadda, hadafka laga leeyahay ee sida gaarka ah loogu asteeyey maalinkanna in ay tahay in la iska wareysto maalinkaasi nabadda iyo waxa caqabadda ah ee hor taagan, isla markaana la raadiyo xalkii lagu daweyn lahaa.



“Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay bulshooyinka adduunka ka jira kuwooda ugu baahida badan dhinaca nabadda, sidaa darteed annagoo ka faa’iideysanayna munaasabaddan maalinta Nabadda Adduunka waxaan ka codsanaynaa mas’uuliyiinta labada Gole ee iyagu illaa iyo hadda xallin la’ khilaafka fikirka ah ee u dhexeeya in ay joojiyaan saan-saanta colaadeed ee soo muuqanaysa, una istaagaan sidii dalkan iyo dadkan loogu raadin lahaa nabad waarta” ayuu yiri C/llaahi Black oo intaa ku daray “Waa ayaan darro in shir loo fadhiyey laba sano iyo bar iyo dowlad dhisneyd hal sano kaddib in maanta ay soo muuqanayso in la isku middiyo soofeysanayo, la iskuna hub urursanayo oo ma adigaa iga wanaagsan ay ku soo ururtay mas’uuliyaddii mas’uuliyiinta labada Gole”. C/llaahi Black oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “Mas’uuliyiinta labada Gole mar kasta oo ay ka hadlayaan khilaafka u dhexeeya waxay sheegaan in loo baahan yahay in la wada hadlo, isla markaana ay Soomaalidu keligeed ay arrintooda xallistaan haddana taasi ma aha mid muuqata, waayo hadal-ku wuxuu u baahan yahay in laga dhabeeyo, mana muuqato in mas’uuliyiinta labada Gole ay doonayaan in iskood inta u wada hadlaan Bulshada nabad u hor seedaan”.



            Guddoomiyaha hay’adda Nabadda Soomaaliyeed wuxuu ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda KMG ah meel kasta oo ay ku sugan yihiin in ay u tanaasulaan shacabkooda Soomaaliyeed, una istaagaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen yididiillada shacabka ee ah nabadda, una gudan lahaayeen mas’uuliyadda ay xambaarsan yihiin oo ay shacabka dartood u soo dhaarteen.

            Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Awreeye oo runtii cod aad u dheer kaga codsadatay mas’uuliyiinta dowladda Federal-ka KMG ah in shacabku uusan u sii adkeysan karin dhibaatada uu hadda ku jiro, loona baahan yahay in la helo wax beddela nolosha imminka lagu sugan yahay ee nabad darrida ah iyo weliba waxa ay wax laga xumaado ku tilmaantay in maanta mas’uuliyiintii xilka dowladnimo loo soo dhiibay ay laba qaybood u qaybsan yihiin hal sano kaddib, haddana ayba soo muuqato in ay arrintu gaartay xaniinyo taabad, lagana cabsi qabo in hubka la isku qaato, waxayna u soo jeedisay in si deg-deg ah ay isugu tanaasulaan.

            Eng. Sudan Cali Axmed oo ah Guddoomiyaha hay’adda Elman ee xuquuqda Aadanaha oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed intan kaddib uma dulqaadan karaan in ay ku sii noolaadaan nolol mugdi ah oo meel ay ku dhammaaneyso aan la aqoon, mas’uuliyiintii hoggaanka dalka loo soo doortayna ay illaa iyo hadda haleeli la’yihiin inta talada dalka oo aan lagu heysan inta ku heshiiyaan shacabka ka saaraan dhibaatada ay ku jiraan, wuxuuna Injineerku codkiisa ku biiriyey bayaanka nabadda oo uu soo saaray Machadka Nabadda Soomaaliyeed, wuxuuna dhiniciisa ka codsaday mas’uuliyiinta dowladda KMG ah in ay ku dadaalaan sidii ay niyad xumida uga saari lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, una soo bandhigi lahaayeen dowlad dhab ah oo u shaqeysa shacabka, si ay nabad iyo nololba u helaan.



Mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay xafladdan oo aad u badnaa waxaa si gaar ah goobta u qurxinayay qaar ka mid ah ardayda Gobolka Banaadir oo markii ugu horreysay lagu casuumay kulammada noocan ah iyagoo halkaasi ka muujinayay shucuurtooda ku aaddan sida ay nabad u doonayaan.

            Gabar yar oo 8-jir ah oo ku hadleysay magaca ardayda ayaa akhrisay baaq yar oo ay ardaydu kaga qayb qaadanayeen munaasabadda maalinta Nabadda Adduunka, wuxuuna baaqaasi u qornaa sidatan:“Annagu waxaan nahay arday, nolosheenna iyo waxbarashadeennuba waxay ku xiran tahay nabadda, waxaan dooneynaa nabad, waxaan dooneynaa dowlad shaqeysa oo soo celisa nabaddii, xasiloonidii, sharcigii iyo kala dambeyntii, waxaan soo dhoweyneynaa tallaabo kasta oo loo qaado sidii loo dhameyn lahaa khilaafka fikir ee u dhexeeya mas’uuliyiinta dowladda.”Gabadhaasi yar oo ka mid ahayd Ardayda wax ka barata Dugsiga Hoyga Xamar ee magaalada Muqdisho ayaa runtii ereyadeeda aad u kiciyay dareenka ka soo qayb galeyaashii xafladdaasi.
            Intii ay xafladdu socotay waxay ka qayb galayaashu saxiixayeen bayaanka nabadda oo uu soo saaray machadka Nabadda Soomaaliyeed, kaas oo ugu baaqayay mas’uuliyiinta labada Gole, maamullada dalka ka jira iyo cid kasta oo hubeysan in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal wax u dhimaya nabadda Soomaalida, wuxuuna bayaanku si gaar ah uga codsanayay mas’uuliyiinta labada gole in ay joojiyaan oo ay ka hor tagaan saan-saanta colaadeed ee soo muuqanaysa.


            Bayaankan oo loo diyaariyey in ay saxiixaan illaa 10,000-qof ayaa Machadka nabadda Soomaaliyeed wuxuu kala geeyay Hotel-da Magaallada Muqdisho, qaar ka mid ah Dugsiyada, Jaamacadaha iyo goobaha dadku isugu yimaadaan, iyadoo tan iyo caawa saqda dhexena la saxiixi doono.
            Sidoo kale isagoo ka faa’iideysanaya munaasabaddan waxaa hambalyo iyo baaq nabadeedba ummadda Soomaaliyeed u soo diray aas-aasaha machadka Nabadda Soomaaliyeed C/risaaq Sh. Aadan oo ku nool dalka Sweden, isagoo codkiisa ku biiriyey bayaanka nabadda, kana codsaday mas’uuliyiinta dowladda in ay ku dadaalaan nabadda, kana hor tagaan wax kasta oo wax u dhimaya. Machadka Nabadda Soomaaliyeed Somali Peace Institute (SPI) waxaa la aas-aasay 24-kii Bishii July 2004, wuxuuna hadafkiisu yahay abuuritaaka jawi nabadeed oo ay Bulshadu ku noolaato, horumarinta nabadda, ka shaqeynta iyo xallinta khilaafaadka jira, waxaana qorshaha dhow iyo kan fog ee machadka ka mid ah in uu billaabo manhaj waxbarasho oo dhinaca nabadda ah oo ay qaadanayaan dhallinyarada iyo dadka waaweyn, iyadoo waxbarashadaasi kuwa ugu yar ay socon doonaan 6-bilood illaa 2-sano.
Machadku illaa iyo hadda waxa uu qabtay dhowr siminaar, isagoo labadii bilba mar soo saara wargeys lagu magacaabo Peace Journal oo lagu soo bandhigo dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee Arrimaha nabadda iyo horumarka ay Bulshadu ka sameyso howlahaas.




            Gabagabadii xafladan waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaanno uu ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo sheegay in ay sax tahay in xubnaha labada gole ee dowladdu ay kala qaybsan yihiin, balse aysan xaq ahayn in qaladka jira lagu wada eedeeyo xubnaha dowladda “annagu sharcigii lagu soo heshiiyay ayaan ilaalintiisa ku taaganahay, saxna ma aha in rag dastuurkii ku tuntay oo hub dalbanaaya isku meel nala dhigo” ayuu yiri Jiini Boqor oo sheegay in uu nabadda dhiniciisa wax ka qaatay uuna ilaalinayo.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaan sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo sheegay marka la helo caddaalad dhab ah la heli karo nabad.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD