SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Kulan London ku dhexmaray Saxafiyiin iyo Xubno ka socday Jaaliyadaha. 

Ridwaan Xaaji Cabdiwali, London.

20.1.2006. 

Waxaa Shalay lagu qabtay shir magalaada London ee xarunta dalka Britain , shirkaasi ayaa waxaa kasoo qeybgalay qaar kamid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain iyo xubno iyaguna ka socday madaxda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee London. 

Shirkaasi oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Suxufiyiintaasi iyo madaxda Jaaliyada ayaa waxaa looga dooday qodobo muhiim ah oo khuseynayay kaalinta Saaxafada iyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska  waxayna labada dhinac hootsa ka xariiqeen baahida saaxafadeed ee ay qabto bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan London iyo guud ahaan dalka Britain. iyo sidoo kale muhiimadda in Saxaafadda dalkan ay xiriir saxafiyiintu kala sameeyaan arimaha khuseeya Soomaalida. 

Sidoo kale waxaa ay labada dhinac iswaydaarsadeen fikrado la xiriiran sidii loo heli lahaa adeeg warbaahineed oo kubaxa afka Soomaaliga iyadoo lala kaashanayo dadka xirfadda u leh howlahaasi si  bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London iyo magaalooyinka kale ee Britain looga wacyi galiyo guud ahaan arrimaha quseeya nolasha iyo sharciyadda dalka ay ku nool-yihiiin. 

Sidoo kale waxaa ay labada dhinac is dhaafsadeen warbixno la xiriira saameynta ay Bulshada Soomaaliyeed ku yeesheen dalkan iyo sida  iyadoo in badan oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkan la qiray inaysan si fiican aqoon ugu laheyn sharciyada iyo xuquuqda aas-aasiga ah  ee ay leeyihiin. 

waxaa laga hadlay in Soomaali badan oo haysata dhalashada dalkan ay ka gaabiyeen inay ka qeybqaataan doorashooyinka iyo arrimaha siyaasada ee dalkan si ay cod la maqli karo ugu yeeshaan dalka ay ku dhaqanyihiin. 

Dhanka kale shirka waxaa looga wada hadlay in qaar ka mid ah saaxafadda Britain ay muuqaal aan wanaagsanayn ka bixiso sumacada mujtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan sida wixii ka danbeeyay Qaraxyadii London ee 7 July iyo 27 july 2005 kadib markii qaar kamid ah dadka lagu eedeeyay qaraxyadaasi oo Soomaali lagu sheegay ay Jaaliyaduhu ka gaabiyeen in ay ka hadlaan waxyaabaha jira.. 

Haddaba si arrimahaas iyo kuwo kale oo badan loola tacaalo ayaa waxaa shirkan shalay la isku afgartay baahida loo qabo in laga miradhaliyo fikiradahaasi iyadoo ammaan gaar ahna loo jeediyey xubnihiii soo qabqaabiyey Shirka oo mar kale dhici doona bartamaha bisha February ee sanadkan.


Sawirka Wariyayaasha ku sugnaa shirkii Shalay , Dhanka Midig: Ridwaan Xaaji Cabdiwali, Chris Haydon,Cabdisalaam Guuleed,Cabdixakiin Axmed Guuleed,Cabdishakuur  Cali Mire,Haaruun Macruuf, ilyaas Cumar Axmed, Cabdirisaaq Cilmi Socoto iyo Cabdiqaadir Guutaale.( Waxaa Cudur daar ku maqnaa Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Cawil Daahir salaad). 



Sawirkan waxaa ku wada jira Wariyayaashii shirka joogay iyo Xubno ka socday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalkan Britain. 

Wixii afkaartiin ah ku hagaajiya Emailka Wariyaha Ridwaan Haji.
ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2006

Britain oo Mamnuucaysa Qaadka: Akhri Qaadka iyo London