SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 January 2006
 
Dad badan oo macaluuli ku hayso Bariga Afrika.
 
Britan oo kaalmadii ka joojisay xukuumadda Itoobiya.
 
OLF oo sheegay in Itoobiya iyo SPLA isu kaashadeen.
 
Madaxwaynaha Yeman oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay.
 
 
======================   
 
In ka badan 30 qof ayaa la sheegay inay macluul darted ugu dhinteen gobolka soomaalidu degto ee dalka Kenya, oo ka mid ah meelaha ay abaaraha ba’ani ka jiraan ee Bariga Afrika. In ka badan labo milyan oo qof ayaa ku tabaalaysan guud ahaan dalka Kenya, halka la sheegay in gobollo Ogaadeenya ka mid ah ay macaluul ba’ani ku hayso in ka badan hal milyan oo qof.
 
Waxay sidoo kale macaluushani ka jirtaa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo xoolo badani ay biyo iyo baad la’aan u dhammaadeen.
 
Dalka Soomaliya waxaa dhimasho qarka u saran dad ay tiradoodu gaadhsyso 1,4 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Dadkan ayay dhibaatadani al soo gudboonaatay, ka dib markii la waayay roobabkii la sugayay sannadkii 2005.
 
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO ayaa toddobaadkii hore daboolka ka qaaday in gobolka Geeska Afrika ay ku gaajaysan yihiin dad 11 milyan oo qof gaadhaya. Hay’adda FAO waxay sheegtay in macaluushani ay ka dhalatay roob la’aan gobolkaas ka jirta, taasoo keentay inay dad u dhinteen macaluushii roob la’aanta ka dhalatay.
 
Hay’adda FAO waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dadka ku tabaalaysan gobolka Geeska Afrika ay u kala firidhsan yihiin dalalka Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya, waxayna tilmaantay in dadkaasi ay gargaar degdeg ah u baahan yihiin.
 
Labo toddobaad ka yar ayaa laga joogaa markii ay hay’ado caalami ahi ka digeen in gobollo Ogaadeenya ka mid ah ay macaluul ba’ani ku hayso in ka badan hal milyan oo qof, oo xoolo-dhaqato u badan.
 
Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP ayaa isaguna sheegay in tan iyo bisha Juun ee sannadkan loo baahan yahay 64,000 oo tan oo cunto ah, si loogu quudiyo dadka gobolka ku tabaalaysan, hase yeeshee waxaa gacanta lagu hayaabaa buu yidhi 16,700 oo tan oo kaliya.
 
Britan oo kaalmadii ka joojisay xukuumadda Itoobiya.
 
Dalka Britan ayaa gabi ahaanba joojiyay kaalmooyinkii tooska ahaa ee uu xukuumadda Itoobiya siin jiray, isagoo xeerinaya waajibka ka saran arrimaha xuquuqul insaanka.
 
Kaalmooyinka oo dhan waxaa hadda loo gaar yeeli doonaa mashaariic gaar ah, sidaas waxaa yidhi wasiirka horumarinta ee dalka Britan oo booqashu ku tagay Itoobiya. Keligii taliye Meles Zenawi, oo xilliyada qaarkood ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Britan ku leedahay Afrika, ayaa hadda dalal badan oo reer galbeed ahi si fiican u gar-waaqsadeen siyaasadiisa keli talisnimada ah.
 
Wasiirka horumarinta ee dalka Britan ma aanuu sheegin kaalmada xukuumadda Itoobiya laga goynayo inta ay dhan tahay, hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay in gaadhayso 88 milyan oo dollar.
 
Dawlada Britan wali faahfaahin kama ayna bixinin qaabka cusub ee kaalmada loo gaadhsiin doono dalka Itoobiya, iyadoo laga ilaalinayo gacanta xukuumadda Itoobiya.
 
Dawlada Britan ayaa sheegtay inay si wayn uga walwalsan tahay siyaasada ay ku dhaqmayso xukuumadda Zenawi ee ah iyadoo mucaaradka, suxufiyiinta iyo bulshada rayadka ah si wayn u xidhxidhaysa, isla makaana denbiyo waawayn oo khatar ah ku soo oogaysa.
 
OLF oo sheegay in Itoobiya iyo SPLA isu kaashadeen.
 
Garabka millatariga ee ururka Oromoada ee OLF ayaa sheegay in xarumo uu leeyahay ay soo weerareen ciidammo isku dhaf ah oo ka socda gumaysiga Itoobiya iyo kuwo ka socda ururkii mucaaradka ku ahaan jirya dawlada Suudaan ee SPLA. Ururka OLF wuxuu sheegay in weerarkan wadajirka ah lagu soo qaaday bishan Janwari 9-dii, uuna ka dhacay galbeedka Oromiya, dhinaca xadka Suudaan.
 
Garabka millatariga ee ururka OLF ayaa sheegay inuu dal ballaadhan dib uga qabsaday ciidammadaas huwanka ah ee soo weeraray, isla markaana uu ka qabsaday qalab millatari oo badan, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay ururka OLF.
 
Wuxuu kaloo intaas ku daray inuu dagaalkaas ku dilay 30 askari oo Itoobiyaan ah iyo 5 ka mid ah malleeshiyada SPLA ee Suudaan ka soo weerar tagtay. Wuxuu kaloo sheegay inuu 45 ka dhaacay ciidammada cadowga ee weerarka soo qaaday.
 
Waxaa kaloo bayaankan lagu sheegay in gumaysiga Itoobiya ay ciidammo badani ka joogaan nawaaxiga Kigile oo koonfurta Suudaan ku taalla, halkaasoo ay ku yaallaan saldhigyo ay si wadajir ah uga hawlgalaan ciidammada Itoobiya oo kaashanaya kuwa SPLA, si ay weerarro ugu soo qaadaan dagaalyahamiinta Oromiya ee ururka OLF.
 
Ciidammadaas isku dhafka ah ee koonfurta Suudaan ka soo weerartamay waxay adeegsanayeen seddex diyaaradood oo helikobtar ah oo ah noocyada millatarigu dagaallada u adeegsado, hase yeeshee waxaa sutida u dhigay oo ka guulaystay ciidammada Oromiya, sidaas waxaa lagu sheegay bayaanka OLF.
 
Madaxwaynaha Yeman oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay.
 
Madaxwaynaha dalka Yemen Cali Cabadalla Saalax ayaa Jaamacadda Carabta kala hadlay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna wadhadal arrintaas la xidhiidha la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Camari Muusa.

Cali Cabdalla Saalax wuxuu maalmihii ugu dambeeyay ku hawlanaa siduu Jaamacadda Carabta ugu wargelin lahaa heshiiskii magaalada Cadan ku kala saxiixdeen madaxwaynaha dwladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan.

Cali Cabdalla Saalax wuxuu xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta u sheegay in heshiiskaasi ahaa mid wax-ku-ool ah, isla markaana xubnaha Jaamacadda Carabta looga fadhiyo inay ka soo baxaan ballanqaadkii ay Soomaaliya u fidiyeen markii loo fadhiyay shirkii Jaamacadda Carabtu ku yeelatay magaalada Aljers ee waddanka Aljeeriya.

Cali Cabdalla Saalax wuxuu Camari Muusa ku adkeeyay inuu ka shaqeeyo sidii Jaamacadda Carabtu uga qayb qaadan lahayd nabadaynta dalka Soomaaliya.
 
Radio Xoriyo
 20 January 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Barnaamijkii Xog-Warran(Abaaraha Bariga iyo Geeska Afrika).

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2006

Madaxweynaha DFKMG oo Transit Ku Maray magaalada Boosaaso
»Muqdisho: Xaflad Dhiirigelin ah ee ardeyda Indhoolyaasha
»Kismaayo: shahaadooyin la gudoosiyay 40 arday...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 20