SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Ugaas Maxamed Wali oo howlo biyo dhaamin ah ka wada Gobalka Gedo

  • Muslimiinta Gobalka W/bari ee Dalka Kenya oo gacan ka gaystay Gurmadka Abaaraha taagan Gobalka Gedo. 

Deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa ka bilowday howlo biyo dhaamin ah oo loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaruha ka taagan gobolka Gedo, ka dib markii la kireeyay gawaari badan oo loogu talagalay in  biyo lagu gaarsiiyo dadka iyo xoolaha ku dhibaataysan deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen, iyadoo howshaasi uu hormuud ka yahay Max’ed Wali Sheekh Axmed oo ka mid ah hogaamiyeyaasha dhaqanka ee Gobolka Gedo. 

Ugaas Max’ed Wali oo dhowaaan soo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta kulan uu la qaaday qaar ka mid ah odoyaasha iyo waxgaradka degmada Baardheere wuxuu kaga warbixiyya ujeedada socdaalkiisa oo uu ku tilmaamay inuu la xariiro ka qaybqaadashada sidii loogu gurman lahaa dadka kunool Gobalka Gedo oo ay haysato dhibaato abaareed kuwaas oo uu sheegay in wax gargaar ah aysan helin in mudo ahba. 

Maxamed wali ayaa intaasi ku daray inuu soo maray deegaanadu ay dhibku ka jiraan oo ay ka mid yihiin Ceelwaaq, Samarole, Buusaar, Garsaal, Faafxadhuun, Dhamase iyo kuwo kale, isagoo sheegay deegaanadaasi abaarta jirta awgeed in Oon iyo Macluul ay u dhinteen dad ka badan 15 qof, halka boqolaal xoolo ah ay u la’deen biyo iyo baad la’aan ka jirta deegaanadaasi. 

Ugaas Maxamed Sheekh Axmed Nuur oo sheegay inuu yahay mid ka mid ah Ugaasyada Beesha Sade ee Gobalka Gedo islamarkaana uu ka danqanayo dhibka haysta dadkiisa ayaa carabaabay dhaqaalaha uu howshan biyo dhaaminta ah uu ku wado inuu ka helay dad muslimiin ah oo degan Gobalka W/bari ee dalka Kenya kadib markii ay ogaadeen dhibaatooyinka abaareed ee ka taagan Gobalka Gedo iyo Gurmad la’aanta taasoo ugu dambayntiina sababtay inay bixiyaan kharash lagu kireeyo Booyado biyo dadka loogu dhaamiyo. 

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha Golaha Odoyaasha Degmada Baardheere Xuseen Cali Biixi ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay howlaha gurmadka ee uu wado Ugaas Maxamed wali Sheekh oo ay ku tilmaameen mid wax ka tari doonta dhibaatada iminka taagan.  

Xasan Cabdi Keynaan
Baardheere.

keynaan270@hotmail.com

Barnaamijkii Xog-Warran(Abaaraha Bariga iyo Geeska Afrika).

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2006

Madaxweynaha DFKMG oo Transit Ku Maray magaalada Boosaaso
»Muqdisho: Xaflad Dhiirigelin ah ee ardeyda Indhoolyaasha
»Kismaayo: shahaadooyin la gudoosiyay 40 arday...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Jan 20