SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TAARIIKH

March 4, 2004

Qaybtii 2aad ee:

Islaamka iyo Ilbaxnimada Muslimiinta

Shiikh Abdiraxmaan Maxamed jibriil-
jibriil1950@yahoo.com
Nairobi-Kenya.

1aad | 2aad

Hordhac

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Haddaad akhrisato oo fahamto maqaaladaan,waxaad helaysaa cilmi kaa maqnaa, waxaad ka biskoonaysaa cuduro badan,waxaad fahmaysaa sababta keenta wax kasta, shar ama khayr,waxaad jawaab u ehelaysaa su’aalo badan ee naftaada ku wareegayay.Waxaad xallinaysaa mushkuladdada iyo mushkulaadka dadka kale.Inkasta oo ay le’egtahay iyo nooc kasta oo ay tahay.

Dhamaan duruustaan waxay ku salaysantahay“ Quraanka” kariimka ah iyo “Xadithka” Nabiga NNKtee. Waxay ku salaysantahay “ Aayaadka Alle ee Kownka iyo Nafta”. Shardiga kaliya ee ku xiran waxaas aan kuu ballan qaaday waa inaad fahamto oo u dhabagasho duruustaan.

Mowduuca guud waxaan u bixiyay “Islaamka iyo Ilbaxnimada Muslimiinta”. Waxaan rabaa inaan saleeyo (2)laba shay.

1-In ilbaxnimada iyo aqoonta muslimiintu ay ku salaysantahay oo katimid Islaamka.

2- In fahamka Muslimiitu ka haystaan Islaamka uu yahay mid jirran oo aan dhab ahayn isla markaasna aan keeni karrin faa’iidadii laga rajaynayay. Waxaan marka halkaan ku cadaynayaa in ilbaxnimadda muslimiintu jirrantahay oo loo baahanyahay in la daaweeyo.

Cuduradii ku dhacay Yahuud &Nasaar(Christians)

ALLE Quraanka wuxuu inoogu sheegay cuduro Bulsho (Ijtimaaci) oo ku dhacay umadihii Muslimiinta ka horeeyay, Yahuud & Nasaar.Isla cuduraddaas ayaa ku dhacay Muslimiinta.

Suuradaha Madaniga ah ee Quraanka sida: BAQARA,ALU-CIMRAAN,ANNISAA IYO MAA’IDDA waxaa lagu sheegay qissooyin dhaadheer oo looga hadlayay cudurada ku dhacay umadahaas.Cuduradaas waxaa cuduro bulsho/mujtamac (social deceas) waxayna ku dhicikaraan Bulsho Muslimiin ah sida cudurada jirku ugu dhicikaraan Gaal iyo Muslim.Cuduradaas waxaa ka mid ahaa:

1- Cudurka isla-fiicnaanta iyo isla-qumanaanta.

“Waxay yiraahdeen (aaminsanaayeen) Annaga nalama caddaabayo oo naar nama taabanayso waxaan ka ahayn dhowr maalmood oo tirsan”. Aayadda 80 ee Baqara.

Jawaabta quraanka: “Ma ballan ayaad Alle la dhigateen oo heshiis ayaad sidaas kula gasheen mise waad isaga been abuuranaysaan.Haddaad Alle heshiis sidaas kula gasheen Hadde Alle ballanka kama baxo”.

“Yahuud iyo Nasaaraa waxay yiraahdeen annagu waxaan nahay carruurtii ILAAHay, Waana najecelyahay oo dadkale ula mid manihin”. Aayadda 18 ee Maa’idda

Jawaabta quraanka: “Oo haddaad carruurtii Alle tihiin oo uu ini jecelyahay muxuu idiin caddaabaa? Sidaa ma ahee, waxaad tihiin Bashar kamid ah basharka Alle Abuuray”.

Waxay yiraahdeen “ waxba hakadhagaysanina hana ka rumaysanin qof aan yahuudi ahayan. Hana u malaynina in qofkale la siiyay cilmiga iyo Diinta idinka la idinsiiyay”. Aayadda 73- Alu-cimraan.

Jawaabta quraanka: “Fadliga iyo naxariistu gacanta Alle ayay ku jiraan wuxuuna siiyaa qofkuu doono Allana waa waasac oo ciriir iyo cilmi daro ma hayso wax walbana assaga ayaa og”.

“Waxay yiraahdeen Jannada magalayo qof aan yahuuddi ahayn ama Nasaar” Aayadda- 111, Baqara.

Jawaabta quraanka: “Taasi waa filashadooda iyo waxa ay iska dhaadhiciyeen ee ma aha wax sal leh,usheeg xujjo hakeenaan hadday run sheegayaan”

“Arrintu ma aha sida aad idinku rabtaan (Muslimiin) Mana aha sida Ahlul-kitaabku rabaan ama ay jecelyihiin.Ee arrinta dhabta ah ee waa faqsan qaanuunka Alee, waa in lagu abaal-mariyo qofkasta xumaantii uu sameeyay.Mane heli karo meel uu uga dhuunto qaanuunkaas caamka ah” Aayadda 123- Annisaa.

Taas macnaheedu waxaa weeye,majiro qof ama qol ka fakan karta caddaaladda Alle. Magacay rabaa ha sheegteen,Diintay rabaanna ha aheedeen qaanuunku waa ku fulayaa waana caddaaladda Alle.

CUDURKU WAA CUDUR BULSHO OO CAAM AH.

Maanta fiiri xaaladda muslimiinta. Waxay aaminsanyihiin inaan qofkale lasiin waxa ayaga lasiiyay. Waxay aaminsanyihiin inay umatul-khayr yihiin oo kaligood jannada galayaan.Waxay aaminsanyihiin inaysan u baahnayn inay wax bartaan ama cidkale cilmi ka kororsadaan. Is xijin badan oo Alle la isxijinayo iyo islaqumanaan badan oo dadka kale laga fiicanyahay ayay qabaan muslimiintu.Waana tii ay qabeen Yahuud iyo Nasaaraa.Allana uga digay Muslimiinta.

Nabi Maxamed, Nabad iyo naxariis korkiisa ha’ahaatee ayaa sheegay in muslimiinta uu ku dhacayo cudurkii ku dhacay YAHUUD IYO NASAARAA.

Xaddiith saxiix ah oo la isku waafaqan inuu sax yahay ayuu Nabigu ku sheegay in cudurkaasi ku dhacayo Muslimiinta wuxuuna yiri “Waxaad raaci doontaan waddadii umaddihii idinka horeeyay,taako-taako ayaad u raacidoontaan xattaa haday galan gud Abeeso waad galaysaan”. Bukhaari ayaa wariyay.

Rasuulka agtiisa ayaa arrin lagu sheegay,markaas ayuu yiri “Taasi waxay dhacaysaa marka cilmiga la koryeelo oo cilmi la’aan la noqdo”

Saxaabi la orranjiray Zayaad ibnu lubayd ayaa Nabiga su’aal waydiiyay oo yiri “Sidee cilmiga loo qaadayaa annaga oo quraanka akhrinayna oo caruurtannadana barayna oo ayaguna caruurtooda barayaan,sidee cilmi loo koryeelayaa?” Rasuulku wuxuu ugu jawaabay “Wayxaka” Ina lubaydoow, waxaan kugu tirinayay inaad ugu kasmo roontahay raga Madiina jooga, miyaynan kuwaan ahayn Yahuud iyo Nasaaraa, waxay hastaan Towreed iyo Injiil maxay kaga intifaaceen”

Axaadiithtaas Nabigu sheegay waa daliil cad in cudurku Ijtimaaci yahay oo uu ku dhacayo Umad kasta. Horay wuxuu ugu dhacay Yahuud iyo Nasaar, Nabiguna wuxuu sheegay inuu ku dhicidoono Muslimiinta.oo quraanku noqondoono sidii Tawreed iyo Njiil ahaayeen markii quraanku soo dagayay.

Aayadaha Muslimiinta uga waramay cuduraddii ku dhacay umadihii hore iyo digniinta Rasuulka nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, muslimiintu kuma intifaacin oo waxay uqaateen sikale. Waxay u qaateen sidii Aayadihii shirkiga loogu qaatay inay ka hadlayeen kaliga Carabtii sanamka caabuddaysay. Muslimiintu wakhti dheer ayay u haysteen in aayadaha ka hadlaya shirkiga aysan khusayn muslimiinta, ee kaliya ay ku wajahanyihiim ama ka sheekaynayaan “Mushrikul-carab”

Haddii quraanku inoo sheego umadkale dhib kudhacaday iyo cudur ku dhacay, macnaheedu waa digid uu inooga digayo inaan ku dhacno mushkuladdaas oo kale. Kaliya ma aha iska sheeko hore oo la inoo sheegayo.

Xaalaadda dhabta ah ee muslimiintu ku saganyihiin manta waxay tusinaysaa inay jirranyihiin oo ay qabaan cudur halis ah oo Ijtimaaci ah. Majiro wax kale oo sidaas ka dhigi kara umad.Kaliya umad waxay sidaas noqotaa marka ay qabto cudur kamid ah cuduraddii ku dhacay Umaddihii hore. Hadda waxaan tusaale kooban ka bixiyay cudurka Isla-fiicnaanta iyo Isla-qumanaanta, kaas oo Muslimiintu ka shabahaan Umaddihii hore.

Waxaa laga yaabaa in qofka Soomaaliga ah ee caadiga ah uu is dhaho, maxaa iga quseeya mushkulad guud oo muslimiin oo dhan ay qabaan. Anigu Soomaali ahaan taydii ayaan la liitaan, waxaan u baahanahay xal quseeya Soomaali in la ii sheego ama la ii keeno. Dareenkaas waa jiri karaa, laakiin anigu waxaan aaminsanahay in assalka mushkuladda soomaali ay ka timid xaddaradaas ama Ilbaxnimaddaas jirran ee Muslimiin oo dhan qabaan.Marka daawada Soomaaligu waa daawada Carabka iyo guud ahaan Muslimiinta.Sidaas awgeed inkasta oo luqad soomaali warkaan aan ku sheegayo haddana wuxuu daawo u yahay guud ahaan Muslimiinta.

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah

Maqaalka danbe ayaan ku sheegi doonaa cudurka 2aad. Lasoco Alle idimki.

Abdiraxmaan Maxamed Jibriil

Jibriil1950@yahoo.com

Nairobi,Kenya.

1aad | 2aad

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD