SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  DHAMBAAL

Bal Garwaaqso, Warankaad Gantiyo Gadaha Aad Joogto!


Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen

Qof hadduu gaaro darajo sare oo heer qaran ah , xil ayaa ka saaran dalka iyo dadkaba , cisada iyo karaamada uu bulshada ka mudan yahay kama agab sokeeyso , karaamada iyo xushmadda isimada (duubabka ) ay naga mudan yihiin , haddaba aqoonsigaas waxaa habboon in loo adeegsado wax ku toosin , wacyi galin iyo xaajo qaadis. 

Halaaggii iyo Musiibooyinkii taxanaha ahaa ee ku dhacay umdadda Soomaaliyeed laga bilaabo kacaankii Siyaad iyo aafaduu reebay , kadibna na dhaxalsiiyay , caaqibo xumada ay leedahay dawlad la'aanta. Kuwa dusha saartay masuuliyadda badbaadinta hambadii soo hartay. Mudane C/risaaq hadal iyo haddaad la daba-gashay qalin-daar; aan kuu fasaxnee su'aalahan nooga soo jawaab: 

Mudane, maxaa ku aamusiyey Kow iyo labaatankii sana ee Siyaad Barre dalka ka talinayay, ugana soontay siyaasadda Soomaaliya, haatanna ugu hammuun-yootay adigoo da' gaaray?

Mudane, maxaa ku aamusiyey goortuu kacaanku dilay culimadii ka dhiidhiday in meel looga dhoco caqiidada islaamka? 

Mudane, maxaa ku aamusiyey goortuu kacaanku gumaaday warmaqabayaashii guryahooda lagala baxay ee lala tagay xeebta Jasiira (Xeebta Geerida). 

Mudane Maxaa ku aamusiyey goortuu kacaanku xasuuqay bulshadii Hargaysa ku noolayd ayadoo loo adeegsaday dayuurado ka kacaya isla Hargaysa?

Xilliga burburka iyo soo hambaaburi-taan kaagii siyaadda Soomaaliya.

Baaqii lagaa maqlay oo ku jiheysnaa hogaamiye­yaashii geriyooday. 

Labadii hogaamiye ee dalka soo maamulay oo kala ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Maxamed Siyaad Barre maxaad u kala soocday, oo kii 27 bilood oo qura maamulkiisu jiray qabriga ugu dhacday, iyadoo aan la laabin gogoshii tacsidiisii EEBBE jannada haka waraabiyee, adoo ku cambaareyay jeebkiisa iyo hantida dawladda ineyan u kala soocneyn. Ugana sarriigtay kii 242 bilood dalka soo maamulay oo raadkiisuna qoyan yahay, aafaduu nooga tagayna ay weli nag a muuqato.

Baaqii kugu baaqday ee ku toosnaa labadii hogaanka ku heshiin weyday 

Labadii ku soo baxday dawladdii lagu soo yagleelay Carta in ay qabtaan hogaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya waajibkooduna ahaa ummadda iney heshiisiiyaan, kuwaas oo kala ahaa C/qaasim Salaad Xassan iyo Cali Khaliif Galleyr, bal waxay heshiisiiyaan ha joogtee, qof kala qabta makii la waayay, soo halkaa baaq nabadeyn ah iyo rnurtidii lagugu tuhmayey kuguma baaqan? 

Baaqii lagaa maqlay ee ku jiheysnaa labada haatan hogaanka haya ee loo han weyn yahay

Labada hogaamiye ee haatan ku hawlan dhismaha qaranka oo kala ah Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Ra'iisulwasaare Cali Maxamed Geeddi oo sida wacan isula saanqaaday oo u muuqaal ekaaday, lama simine  Abubakar Alsadiiq iyo Cumar Bin Khadaab EEBBE raali haka noqdee, oo aan la kala garan jirin kooda hogaanka haya Mudane: Cabdirisaaq , waa meesha aan u bukay una socdaye, maxaad qaraxa u dhex dhigtay, tuuryo mooyee, toosin iyo talo san lagaaga waayey?

Inta aanan u gudbin barnaamijka Federaalka ee lagu tagi lahaa Xamar, ii ogolow Mudane in aan ka faaloodo su/aalaha kor ku qoran iyo malaha aan is iri, sawirna ka baxsho Soomaalida maanta.

Waxaan is iri malaha MD C/risaaq halbeegga uu sito ayaa saxarka aan la arag, sar weyn uga dhiga, sarta weyn oo muuqatana saxar uga dhiga. Mudane, waa hubaal inaad ogtahay in boqortooyada Ingiriisku mar hore ku faantay: 

"CALANKA INGIRIISKA QORAXDU KAMA DHACDO
soo wax fool xun ma aha, oo laga dhiidhiye in ay ku sugan yihiin:
"QAXOOTIGA SOOMAALIDA QORAXDU KAMA DHACDO
hawl iyo waxqabad mooyee ma gudboon tahay oo hadal ma bannaan yahay?

qalin daarse ma ogolaan karnaa? 

"MD GURGUR LAMA SHIRAYSTIYO HASHII GEELLA KA IRMAAN" 

Caasimadda Xamar iyo Sidii lagu tagi lahaa Mudane C/risaaq waxaad sheegtay in madaxweyne  Cabdullaahi iyo Ra'iisulwasaare Geeddi looga fadhiyo barnaamijkii caasimadda Xamar lagu tagi lahaa.

Bisha Ramadaan markay dhalato dadka qaar aan arkin oo loo sheego ayaa jira, labada hogaamiye iyo inta caafimaadka qabta oo sida hagar la'aanta ah ula shaqeysa, oo uu hormuud ka yahay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo bud­ dhigaha u ah qaranka iftiinkiisu noo muuqdo, waxay ummadda u muujiyeen inaan Soomaali talo loo waayine balse tubteedii aan la marin.

Mudane Haddaan warbixin kooban ka baxsho sida ay hawshu ku socoto waxaa lagu hor maray xallinta dhibaatooyinka fudud, federaalku kuma degdegin oo dib ayuu u dhigtay arrimaha adag oo ismari-waaga keeni kara kuna ridi kara guuldarro aan laga soo kaban.

Waa hubaal xallinta arrimaha iyo meelaha fudud inay noqon doonaan fure sahla ka gun-gaarka arrimaha iyo islaaxa goobihii adkaa.

La soco qaybta labaad....


WQ: Duuliye Sare: M. X. Cilmi
(Xaaji Dhagax)
captainelmi1@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2005

Afeef: Afkaarta qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



Jawaab Ku Socota mudane C/risaaq Xaaji
....Waxaa wax lala yaabo ahaa markuu yiri mudane C/risaaq, madaxweynuhu wuxuu shanta kula jiraa shaqo uusan lahayn markaas micnuhu sow la ma oran karo mudane C/risaaq wuxuu taas ula jeedaa in Shariifkuna shaqada uu faraha kula jiro inay shaqadiisii tahay oo hawlihii dawlada inuu shariifku dhex boodo ay waajib tahay sow uma dhacayso mar hadii mudane C/risaaq uu ka meermeeray inuu si buuxda uga jawaabo eedaynta dawlada ee gudoomiyaha baarlamaanka... Guji...


Sawirada: Yahoo/Google Images

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD