SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
IS-MARI-WAAGII SHIRKA ELDORET OO WELI TAAGAN

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 6, 2002

 
RAMADAAN KARIIM

 is mari waagii soo soo food saaray madaxda kooxaha ee Eldoret shirku uga socdo ayaan weli wax xal ah loo helin, maalintii shalay ahaydna waxaa la isku deyey in khilaafkaas qaybta ergooyinka ku saabsan la soo af jaro kaddib markii madaxda kooxaha la isugu geeyey hotel magaalada Eldoret 100km u jira oo ay safiirka Maraykanka u qaabilsan soomaaliya iyo Mr. Mwangale ugu sheegeen in loo baahan yahay in laga gudbo iska hor imaadkan maadaama ay maalintii shirka ku baxdo 50,000 oo doolar oo ay badankeeda bixiyaan Midaowga Yurub.

I  I  D  H  E  H

Mr. Mwangale ayaa ugu horaynba weerar ku qaaday xubnihii ka socday bulshada rayidka ah oo uu beryahanba is qab qabsi ka dhexeeyey oo uu sheegay in hadda laga bilaabo uu baabi'iyey ayna beeluhu hadda wixii ka dambeeya soo dooran doonaan xubnaha bulshada rayidka ah oo 100 xubnood ah, wuxuu kaloo soomaalida faray inay tashadaan oo markaas ergooyinkii 350ka ahaa qaybsadaan, Madaxda kooxaha markii 100 km la geeyey waxa soo wajahday cabsi, Xasan Abshir Faarax ayaana Mwangale ka codsaday in dhamaantood la xiro oo aan loo ogolaan inay dib u noqdaan maadaama ay heshiin waayeen.

Si kastaba ha ahaatee markii shalay loo kala tegey madaxda kooxuhu waxay ka codsadeen Mwangle inuu ergooyinka ugu daro 50 ergey, markuu ka yeelayna waxay sheegeen inay u qaybinayaan kooxaha qaybtii Igad ka cabanaya, waxaana loo saaray guddi ka kooban madaxda kooxaha oo ergooyinka qaybisa.

Maantana qaar ka mid ah gudigii ayaa soo jeediyey in 25 xubnood loo qaybiyo kooxaha cabanayey ee ay ka midka yihiin Qanyare, Dooxada Jubba, SRRC/Nakuru iwm, 25ka kalena loo qaybiyo kooxaha kale taasna waxaa ka dhashay muran hor leh oo cirka isku shareeray, kaas oo sababay in berri dib loo balamo.

Shirka Eldoret waa mid wajiyo badan oo is bedel badan oo is mari waa badan ilaa iyo haddase wixii khilaafa ee ka hor yimid xal baa loo helay kana waxaa laga yaabaa isna sidii kuwaas oo kale la meeleeyo.

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
Ibraahim Maxameddeeq  

Is-Maan-Dhaaf ka Dhacay Shirkii Eldoret
 
Middi-middi ku taag iyo is mariwaa laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray madaxda kooxaha siyaasadda..Guji... 04/11  

Sheekh Aadan Madoobe, Waraysi
 weriyaha somalitalk ee shirka Eldoret Ibraahim Maxameddeeq ayaa waraysi dhinacyo badan leh la yeeshay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)  Waraysigii oo dhan 04/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]