SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WAR BIXINTA MAANTA EE SHIRKA ELDORET

 

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 8, 2002

 
RAMADAAN KARIIM

Sawirada: Maxamed Cismaan Manye

"Anagoo Banaadir ahaan, Beledkay in loo bururaan, Berigaan u soo baxayee, Bus armay ka buubtaayeey. Waxa lay tibloohaayoo, taladayda loo diidaa, in laygu tuntay ku tashteen, oo teenka lay saaroo. Waxaan dhaar u soo marayeey, dhuugeey u soo kacayey, Anigoo dhulkay fadhiyaa, Dhagax laygu soo tuuree". Ereyadaas iyo kuwo kale ayeey reer banaadiriga Eldoret ku sugani ka dhex jiibinayeen shir jaraa’id oo uu gudoomiyaha SANU Maxamed Cismaan Manye ku qabtay xarunta uu shirka dib-u-heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ka socdo, shiirkaas oo gudoomiyuhu ku sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin ayna jecel yihiin inay ummadda soomaaliyeed ka bogsooto waxyeeladdii ay muddada dheer ku soo jirtey, balse uu xusay inay si xishood iyo ixtiraam leh walaalohooda soomaaliyeed ugu sheeganayaan inay weli xuquuqdii reer Banaadir wax ka maqan yihiin ayna u baahan yihiin in si degan wax loo saxo.

Mar aan Mr. Manye wax ka weeydiiyey waxa uusan caddayn ee ay tabanayaan ayuu ii sheegay maadaama ay yihiin qoowmiyad soomaaliyeed oo jirta inay soomaalida kale u sheegayaan haddii la rabo inay wax waliba wanaag ku dhamaadaan ay haboon tahay inuu qof kastaaba qofka kale ee walaalkiisa xuquuqdiisa uu u qiro, Mr. Maxamed Cismaan Manye oo xuquuqda ka maqan faahfaahinayana waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “Halkan waxaanu nimid anagoo ururo badan oo Banaadiriya ah, waxaanuna ku midownay magaca qowmiyadda Banaadiriga, taasina uma dhiganto waxa nala siiyey, haddii aanu khaldanahayna waxaan diyaar u nahay inay walaaleheen na saxaan”, wuxuu kaloo gudoomiye Manye ii sheegay inuu xuquuqda ka maqan si wanaag ah ku raadsanayo oo aysan xumaan u marayn.

Dadkii kale ee shirkaa jaraa’id ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka SANU Mr. Muridi Golf, Aw Munye Suufi Shujaac, Gudoomiyaha haweenka Marka Khadiijo Nuunow, Col. Abuukar Baaf, Shariif Cabdiraxmaan Dhega weyne, Dr. Raajis iyo dad kale oo isugu jira culumaa’u diin, aqoon yahano iyo siyaasiyiin.

Dhinaca kale iyadoo uu murankii ka dhex aloosnaa hogaamiyayaasha soomaalida ee wax qaybintii Igad’na kaga daray uu weli halkan ka oogan yahay ayeey haween khilaafkaas ka xumaaday banaanbax arintaas ku saabsan ku soo ban dhigeen xarunta uu shirka dibu heshiisiintu ka socdo, haweenkaas oo halku dhigoodu ahaa DIB U LAABAN MAYNO, DAWLAD BAAN DOONAYNAA ayaa ku xoomay Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii shalay shirka jaraa’id ku diidey hab qaybta ay Igad samaysay, wuxuuna Mr.Qanyare haweenkii banaan baxayey u sheegay inaysan diidanayn dawladnimo soomaaliyeed ee ay diidan yihiin Itoobiya oo qas ka dhex wadda shirka, isagoo haweenkii u sharaxay inay Itoobiya la dagaalantay soomaaliya 1964 iyo 1977kii haddana ay doonayso inay ka aar goosato, wuxuu sheegay inay yihiin dad masuuliyiin ah oo aysan doonayn inay dalkooda cawaaqib xumo u horseedaan.

I  I  D  H  E  H

Ragii kale ee ay haweenku ku xoomeen waxaa ka mid ahaa Cabdillaahi Yuusuf oo u sheegay inuusan isagu waxba diidanayn ee ay rag shirka qasayaan isla markaan uusan doonayn inuu dalkiisa dhibaato hor leh u horseedo, Col. Cabdillahi Yuusuf oo ay haweenku guriga uu degan yahay ugu tageen ayaa dumarkii faray in haddii ay yihiin haween nabad doon ah loo baahan yahay inay la hadlaan raga danaystayaasha ah ee doonaya inuu shirku fashilmo isaguna uu haweenka nabadda u darban gacan weyn siin dooono wax kastana uu ka hormarin doono nabad iyo heshiis ka dhaca Soomaaliya.

Waxay kaloo haweenkii mudaharaadayey la kulmeen Col. Bare Hiiraale oo isna dumarka faray inay isu keenaan hogaamiyayaasha dabadeedna midkii dantooda ka hor yimaadda ay caalamka tusaan…haweenka soomaaliyeed ee ku sugan madasha shirka oo aan iyagana wax ka weeydiiyey natiijada ay ka gaadheen baanaan baxan ayaa ii sheegay inay rejo weyn ka qabaan inay isu soo dumaan aragtiyaha kala tagan iyo figradaha is diiddan ee ay madaxda kooxuhu kala qabaan, waxayna ii sheegaan inay dadaalkooda sii wadayaan ayna dhammaan madaxdii ay la kulmeen rejo wanaagsan u muujiyeen oo ay qaylo dhaantoodii u soo rujuuceen.

Maxamed Qanyare Afrax oo aan weeydiiyey in diidmadoodii shalay wax laga qabtay iyo in kale ayaa sheegay inay qoraal u gudbiyeen gudiga farsamada Igad ayna berri subax la balansan yihiin…Sidoo kale Mawliid Macaani oo aan isna wax ka weeydiiyey bal inuu saaxiibadiisii go’aankii Igad shalay ka hor yimid weli la jaal yahay maadaama ay horay xulufo u ahaayeen ayaa iiga sheekeeyey sheeko uu ku soo khatimay ereygan: “berigii aan iligga la’aayaa?”.

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Rajo Qaranimo oo Shirka Eldoret ka Dhex Hilaacaysa -Faalo
»»
Ibraahim Maxameddeeq  

Is-Maan-Dhaaf ka Dhacay Shirkii Eldoret
 
Middi-middi ku taag iyo is mariwaa laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray madaxda kooxaha siyaasadda..Guji... 04/11  

Sheekh Aadan Madoobe, Waraysi
 weriyaha somalitalk ee shirka Eldoret Ibraahim Maxameddeeq ayaa waraysi dhinacyo badan leh la yeeshay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)  »» Waraysigii oo dhan 04/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]