SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GABAY: DUMAR

Daabacaad: Oct 4, 2002

I  I  D  H  E  H

 Dumarka waxay u roonyiin 

10/03/02 Tiriye: Maxamuud Axmed Cabdalle Gabaygan waxan tiriyey malintan kor ku xusan. Waxa igu kallifay tirintiisa waa iyadoo bulshada soomaaliyeed ay had iyo goor dhaqankeennu siduu ahaan jirey ka doodaan. Haddaba gabaygani waa mid tusaale ah, ugamana jeedo inaan dumarka qaar hoos u dhigayo. Gabaygu xaqiiqada kama fogaado si kastaa oo aad u dhuudhuubtid  waa haaddaad gabyaa tahay.


Qaybo kale oo raga, fardaha, geela, adhiga ah ayuu gabaygani leeyehee la soco
Gabaygu sidan ayuu u dhacayaa. Waxii faallo ah: mohamoud@ameritech.net  ku soo hagaajiya. 

Wuxu yiri:


Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane
Waa inaanay da'weynayn middaad guur u dayataaye
Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye
Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye
Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne
Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe
Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane
Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine
Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye
Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone
Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye

Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye
Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye
Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye
Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye
Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne
Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye
Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe'
Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye
Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye!

DIGNIIN:

Virsuka Halista ah ee Goldfish
Virus cusub oo cinwaano badan wata
Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan 

 GABAYADII HORE EE GABAYAAGA:

GABAYGII A. K ee Ikraam 

BOGGA GABAYA - BAAR HALKAN


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Dadka Soomaalida Ma yihiin Wadaniyiin?
Waa doo ay ka qeyb galeen dhageystayaasha Soomaaliyeed ee isugu jira rag iyo dumar kuna nool Atlanta. Waxaa doodaas qaban qaabiyey Radio Sagal. Waxaana soo jeedinaya werriye C/lahi Nur Kolombo oo ka tirsan bahda Radio Sagal Riix Halkan
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM 8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]