SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


XUSUUSIN TAARIIKH::: MAQAALKII 2001


Qaybta 2aad. (Qaybtii 1aad ee maqaalkan halkan ka akhri)

DABCI-SIYAASADEEDKA TAARIIKHIGA AH EE XABASHA iyo SAAMAYNTA UU KU YEESHAY XASILLOONIDA GEESKA AFRIKA
Qore: Cali-Nuuri
wamo93@aol.com

June 29, 2001

QAYBTA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad
Waxaa jira dabeecado joogta ah oo asaas u ah habdhaqanka siyaasadeed ee Itoobiya xilli kasta oo la joogo. Saameynta weyn ee ay taariikh ahaan ku yeesheen nabadda G/Afrika awgeed, waxaan u kuur galeynaa waxyaalihii u fiirsadayaashu ka yiraahdeen dabeecadahaas, oo ay ka mid yihiin:

I) MUDNAAN ISA SIIN:

Sida daraasaduhu ku nuuxnuuxsadeen, Xabasha waxay caadaysatay inay isku macnayso koox gaar ah oo leh mudnaan gaar ah. Mudnaantaas oo ay ku saleyso waxa lagu tilmaamay "sheekadii dheereyd". Taasoo ah sheegashada abtiris ama ilbaxnimo ku aroorta: Yahuudo-Nasraaniyad iyo boqortooyadii Aksum. Sheekadu kama dhigeyn oo kaliya xukumayaasha waddankaas kuwa ku abtirsada N/Sulaymaan oo qaraabeysta N/Ciise, sidaa darteedna "xaq samaawi ah" u leh xukunka, waxayse kaloo ka dhigtay dadka Xabasha mid huwan hayb muqaddas ah ( Baxter, Hultin & Triulzi 1996: 83-9; Harbeson 1988: 24-5). Ilbaxnimadani, siday sheegteen, waxay ka dhex ifaysay adduunyo mugdi ah, sidaa darteed nuxurka xiriir kasta oo dhexmaray ayada iyo dariskeedu wuxuu ahaa gacan sarrayn iyo risaalo gudbin, (TH: 89; Lipsky 1962: 13). Sheegashadaas hadda waa la diiday waayo waxay ahayd "dood hal dhinac ah, sheeka la dhisay, iyo wixii tagay oo cid kaliyihi matalayso". Waxay kaloo ahayd "sheegasho qaawan,aan cuntamin, oo Maanawi (manechian) ah", (Hultin & Triulzi TH: 91).

Markii gobannimada Soomaalidu soo dhawaatay 1956, Xayle Selaase waxuu ku dooday: "dawlad Soomaaliyeed oo Itoobiya goonni ka ahi dhaqaala ahaan ma istaagi karto" (Drysdale 1964: 83). Markii maamulka Zenaawi la weydiiyay ballanqaadkiisii xorriyadda qawmiyadaha, wuxuu sheegay inaan la fulin karin waayo isma maamuli karaan. Ermias Xayle Selaase wuxuu dhawaan ka dhaadhacsiinayay urur Maraykan ah oo qaabilsan istaraatiijiyadda caalamiga ah in Itoobiya [Xabasha] wali gar u leedahay inay ilaaliso oo hogaamiso min Suudaan ilaa Soomaaliya, Galbeedkuna ku taageero (Ali Osman fii HOL: 2/2001).

II) MULUBSI iyo KHURAAFO

Arrimo muhim ah oo asaas u ah taariikhda Xabasha laguma salayn xaqiiqooyin sugan. Waxay ku yimaadeen khayaalka (wishfull being) cidda markaas ku sugan awoodda diineed ama siyaasadeed ee Xabasha. Khayaalkaasi inta badan wuxuu abbaaraa laba arrimood oo isburinaya: asalka Xabasha iyo waxay Itoobiyada maantu u taagantahay.

B) Asalka Xabasha: Xabasha waxaa loogu yeeray Sulaymaani, Siyoon iyo Saba, taasoo ah in loogu abtirinayo: N/Sulaymaan, buurta u dhow Qudus iyo boqorad laga wado tii Saba. Sheekada oo uu Q14aad abuuray baadari la oran jiray Yisxaaq, waxaa tiir dhexaad u ah wiil ay macsi iskaga dhaleen labada qof ee kore, oo la yiraahdo Minilik. Hooyadii, boqoraddii Saba, oo aabaheed ahaa cifriid, waxaa la oran jiray Makeda. Minilik Sulaymaan waa booqan jiray. waxaana soo raacay Israa'iiliyiin kale oo soo xaday Taabuutkii reer Israa'iil, kaasoo maanta ku sugan Itoobiya. Sidaa darteed, Xabasha waa Israa'iili, ayaga kaliya ayaana xaq u leh inay wax xukumaan, (Pankhurst 1998: 54-7; Harbeson 1988: 24-5; Gardner 1981: 105; Ali 1996: 12, 49).

Haddii xukumayaashii Q14aad arrintaas ku sheegteen qoraalkii Kibra Negast (sharafta boqorrada), Xayle Selaase wax walwal ah kama qabin inuu sii naaxnaaxiyo Q20aad. Dastuurkii la qoray 1955, 36 ka mid ah 131 kiisii qodob, waxay amba qaadayeen muqaddasnimada boqortooyada. Boqork iyo boqortooyadiisa waxaa lagu sheegay: 'libaaxii dhulfurashada ee qabiilka Yahuuda, kii ilaah doortay' "Fadliga dhiigga boqortooyadiisa awgeed iyo waliba barakeysnaanta uu dhaxlay qofnimada boqorku waa muqaddas awooddiisu waa lagama doodaan' 'Sharafta boqortooyadu hakad la'aan waxay ka soo jeeddaa boqortooyadii Minilik I, wiilkii boqoradda Ityoobiya, boqoradda Saba, iyo boqor Sulaymaankii Qudus", (Greenfield 1965: 41; Lipisky 1962: 172 ).

T) Itoobiyada maanta: Sheekadaa hore ee Sulaymaan ku abtirsigu waxay ka hor imaanaysaa sheeka kale oo la barbaariyay Q20aad. Taasoo ah in Ityoobiyada maantu u taagantahay Kuush ama Ityoobiyadii Giriigga (labada magacba si gaar ah waxay ugu dhacayeen W. Suudaan, guud ahaanse waxaa loogu yeeri jiray ilaa Soomaaliya. Dadyow badan oo Bariga dhexe degenaa ayaa ayagana loogu yeeri jiray).

Sidaa darteed, sida sheekada cusubi qabto, Itoobiya waxay u taagantahay ama mar xukumaysay dhul fidsan min Carabiya ilaa Yugaandha, ama xattaa Madagaskar ( Greenfield 1965: 30-1 ). Dulucda sheekadu waxay u dhacaysaa kooxdii Aksum ayaa mar xukumaysay cid kasta oo lala xiriiriyay magacyadii Kuush iyo Ityoobiya. Sidaa darteed waa inaan doodi ka iman in dadyowga Geeska Afrika, taariikh ahaan la xukumayaal u ahaayeen Xabasha. Sababta ay u qaadatay magaca 'Ityoobiya' 1930dkiina (Jalata 1993: 6), waxay ahayd inay ugu gabato sheegashada Geeska Afrika oo dhan.

Magoogashadii haybta iyo mulubsigii taariikhda, waxaa hadda baddalay mardadabaan ku saabsan dhacdooyinka la isku hayo. Dhinacyada ay is hayaan maamulka Itoobiya waxay ka midaysanyihiin inay ku eedeeyaan inaanay waxba la ahayn Itoobiya inay abuurto war aan jirin amay diido fal ay gacanta kula jirto.

III) MACIINSI SHISHEEYE

Miisaanka nabadeed ee G/Afrika waxaa waligiiba dhibaata ku ahaa xiriirka ka dhexeeya Xabasha iyo quwadaha Yurub. Labada dhinac waxay caadeysteen inay iska caawiyaan ujeedooyinka mid kastaa uu ka leeyahay gobalka iyo hareerihiisa. Ruum iyo Xabasha Q1aad ilaa kii 4aad, waqti labada midkoodna uuna qaadan diinta nasaarada, waxay iska kaashanayeen la dagaallanka dadka Beja, ee xeebta badda cas (Kobishckanov 1979: 38-41). Isla Roomaanka ayaa lahaa ra'yiga iyo qabanqaabada ay Xabasha Q6aad ugu duushay Yaman (Ibn Hishaam mj. I: 32; Mubaarakfowri 1976: 24). Boqorkii Rooma Konstantine 337 MD Wuxuu kula dardaarmay muwaadiniinta dalkiisa: 'Muwaadiniinta Aksum waxay mudanyihiin macaamil la mid ah kan la siiyo muwaadiniinta Rooma' (Greenfield 1965: 23).

Taa ka bacdi waxaa timi aragtidii Yurub iyo Xabasha qarniyadii dhexe ay ku raadinayeen inay isu kaashadaan si walaaltinnimo ah. Yurub waxay ku jirtay dagaalladii 'saliibka'. Xabashana waxay dagaal kula jirtay muslimiinta G/Afrika. Hindisuhu wuxuu ahaa: in Xabasha laga taageero dagaalka G/Afrika; in muslimiinta laga gooyo marinnada badda cas; iyo in wabiga Niil laga leexiyo Masar. Sahaminta iyo hirgalinta xiriirkaas oo bilowday 1400 kii, waxaa hogaanka u qabtay Boortaqiiska.Yisxaaq 1420aadkii wuxuu yurub la kaashanayay sidii loo tirtiri lahaa muslimiinta G/Afrika. Marka 1445 suldaankii Awdal, Axmad Sacduddiin lagu dilay goobtii Caynfaras, KB ee Shawa, aad ayaa arrintaa looga xusay Yurub (Tamrat 1972: 263-2). Boortaqiisku1498, ayaamihii Andalusiya dhacday, ayuu aakhirkii soo gaaray Afrikada bari. Qarnigii ku xigay oo dhanna wuxuu duqeynayay xeebihii muslimka ahaa ee gobalka. Julay 1517, maalmaha garaad Maxfuud lagu dilayo goobtii Dalmiida, KB ee Shawa, Boortaqiisku wuxuu burburiyay Saylac oo ahayd xarunta garaadka. Aakhirkii Boortaqiiska ayaa badbaadiyay Xabasha 1543 markuu jabiyay imaam Axmad iyo ciidankiisii.

Xilligii bilowga isticmaarka, Xabasha malahayn dawlad iyo awood dhexe. Waxayse reer Yurub isugu baaqeen in la soo nooleeyo Xabasha. Ingiriiska iyo Faransiisku 1840dkii ayay bilaabeen inay hub iyo mucaawino kale u diraan Sahle Selaase, duqii Amxaarada W. Shawa. Profify Uspensky oo madax ka ahaa ergo-diineedka Qudus ee Raashiya wuxuu 1850dkii si xamaasad leh ugu sheegay dalkiisa: in Xabashada nasraaniga ahi noqon karto miftaaxooda Afrika (Patman 1990: 26-7). Lord Valentia oo waqtiyadaas Ingiliishka wakiil uga ahaa gobalka ayaa, ka dib markuu xusay xiriirradii ay la yeesheen Carabta, u sheegay dawladdiisa 'Kuwaan Xabasha ayaa, bataatan, ka muhimsan'. Henry Salt oo la shaqeynayay ayaa asaguna ku taliyay 'Ma jirto qayb ka mid ah adduunka oo saameynta Yurub kaga faa'iido badnaan lahayd lug ay ku yeelato Xabasha' (Rubenson 1976: 43).

Xabashida laftigoodu dhankooda ayay ka wadeen siyaasaddoodii hiddaysi ee isa soo oohinta ahayd. Nagaash Tewodros, intaanay isku xumaan ingiriiska oo aanu dhiman 1868, mid ka mid ah hadiyadihii iyo farriimihii badnaa ee uu u diray boqorad Viktoriya wuxuu sii mariyay waaligii ingiriiska ee Cadan, asagoo leh ' Waxaan ka rabaa boqoradda, saaxiibtay, iyo adiga, walaalow, waa saaxiibtinnamadiinna --- Waxaan ahay dameer indha la, sidaa darteed, waxaan jeclaan lahaa inaad indhaha iigu furtaan xikmad' (Asfaw, Appleyard & Ullendorff 1979: 306).

Xabasha way heshay xikmaddaas iyo ka badanba. Yohannes-kii Tigray oo arrintaa qiraya ayaa saaxiibadii , Ingiliish, u sheegay "waxaan ku xoogaystay kanooniyada iyo banaadiiqda dawladiinna sharafta leh, kuna fariistay kursiga" markaa ka bacdi ayaan nasaareeyay cawaankii igu hareeraysnaa'. Marka Ingiriisku ku lahaa gacan siyaasadeed qabsashadii Xabashida ee Harar 1887, Talyaannigu gacan ciidan ayuu ku lahaa. Minilik waraaq isu hambalyeyn ah ayuu u diray wakiilka Ingiliishka ee Cadan, asagoo u sheegay inuu ka adkaaday 'Guray kale', amiirkii Harar Cabdullaah, (FitZGibbon 1982: 13, 22-3). Reer Yurub 1890 waxay isku raaceen in Xabasha laga reebo xeerka hub ka mamnuucidda reer Afrika. Leontev (ruush) oo ka mid ahaa dadkii badnaa ee Xabasha tababarayay ayaa markii danbe matalay danaheeda dibadda.

Sidaa darteed, warqaddii Minilik uu 1891 walaalaha Yurub kaga codsanayay inay ka caawiyaan qabsashada min Kharduum ilaa Inyaaza, ma ahyn midaan sabab lahayn. Ruushka iyo Faransiiska ayaa ka caawinayay goobtii Cadwa ee uu la galay Talyaaniga 1896.

Hubkaas iyo mucaawinooyinkaas waxbarasho iyo farsamo ayaa Xabasha u suurta galiyay inay qabsato ama loo ogolaado 1881-98 iyo 1944-54, 85% dhulka maanta ay ka taliso. Dhulalkii Soomaalida, Oromada, Cafarta, dadyowga koofureed, kuwa galbeed iwm., waxaa ku dhacay xasuuq , dhac, addoonsi, dagal wareejin, nasaareyn iwm. (Hassen 1990: 47-8, 52; Patman 1990: 27-30; FitzGibbon 1982: 27; Lewis 1980:50, 51,57 ). Dhimashadii Makonnen 1906 iyo Minilik oo ahaa qof da' ah oo jirran, Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaannigu waxay ku heshiiyeen inay Xabasha badbaadiyaan (Drysdale 1964: 40). Taas ayaa keentay inay gacan ka geysteen casiliddii Lig Yaasuu, 1913-6, oo dhaxal u yeeshay xukunka. Sababtoo ahayd diintiisa iyo xiriir uu la yeeshay Soomaalida, iyo wakiilladii Turkiga iyo Jarmalka.

Arrintu si kastaba ha ahaatee reer Yurub way ogaayeen in Xabashada ay bakhti afuufayaan aanay kaga duwanayn Afriiqiyiinta kale waxaan ka ahayn dhaqanka 'dilka iyo dhaca'. Carl Rosebery wuxuu Ingland xusuusiyay 1893 inaanay 'cadaalad sheegan karin markay Soomaalida maxmiyaddeeda u diidayso hub yar oo ay iskaga difaacaan weerarrada qawlaysatannimada ah ee Xabashida' (Drysdale 1964: 62). Sir Alfred Pease oo booqday Soomaaliya 1897 wuxuu asaguna sawir ka bixiyay iskaashiga dulmiga ku dhisan ee Xabasha iyo reer Yurub, gaar ahaanna dalkiisa, iyo raadka uu ku yeeshay ummadaha Gobalka 'Haddaan (Ingiliish) nahay waxaan ka hor istaagnay (Soomaalida) helitaanka hub iyo rasaas, markaan ka xarrimnay dhammaan qaababka ay ku difaaci karaan naftoodana waxaan badnay inay beylah u noqdaan weerarrada xabashida kuwaasoo aan lahayn shaqo aan ka ahayn inay weeraraan Gaallada iyo Soomaalida'. DR. Donaldson Smith oo asagu ahaa Maraykan 1894 booqday ilaa Sasabane, K. Dhagaxbuur, wuxuu ku tilmaamay Xabashida 'waxshiyiin hub u helay afriiqiyiinta kale ee tabarta daran ee aan haysan difaaca'. (FitzGibbon 1982: 24).

Waqti loo heysto reer Yurub inay dhabarka u jeediyeen Itoobiya, dagaalkii ayada iyoTalyaanniga 1935, waxay mucaawino ka helaysay Jarmalkii Naaziga ahaa (Westermann fii Marcus 1994, mj. I: 1036-48). Aakhirkii Ingiriiska ayaa hogaamiyay soo celinta boqortooyadii Xabasha 1941. Dhinaca kale, wax ka qoridda Afrika ee reer galbeedku, Masar waxaa labo ku ah Itoobiya, ayadoo waxyaala badan oo laga qoray aanay ka tarjumeyn xaqiiqooyinka taariikheed ee Geeska Afrika.

Dagaalkii 2aad ee adduunka ka bacdi, Maraykanka ayaa hogaanka u qabtay uga hiillinta Itoobiya dadyowga kale ee G. Afrika.Taasi waxay ahayd sababta, ashtakooyin ka bacdi, Soomaalidu (SYL) u weerareen 1948 shirkaddii saliid baarista Maraykanka ee Sinclair, si ay uga ceyriyaan Soomaali Galbeed (Marcus 1983: 71-2). Dawladdii cusbayd ee Soomaaliya reer galbeedku waxay u diideen inay wax hub ah ka iibiyaan. Ha yeeshee mucaawinada Maraykanku Itoobiya siiyo oo ahayd $66 malyan, 50% waxay ahayd mid ciidan. Caro iyo mudaaharaadyo ka dhan ah Maraykanka ayaa 1961 ka taagnaa Soomaaliya, waayo hubkooda ayaa lagu xasuuqay shacab Soomaali galbeed ah Des. 1960 ama Jan. 1961, marka Soomaaliya hubka laga hortaagnaa (Touval 1963: 173). Taasi Soomaaliya waxay ku xirtay Ruushka Nof. 1963.

Dagaalkii 1977-8 reer galbeedku, ka bacdi markay hubiyeen Soomaaliya inay ka soo go'day Ruushka , ayay hubkii ka xayireen. Ruushka iyo bahdiisuna waxay itoobiya u qabteen shaqadii Ingiriisku u qabtay 1941, Boortaqiiskuna u qabtay 1543. Arrinta la yaabka lihi waxay ahayd Maraykanku inuu wali sii waday mucaawinadii ciidan oo uu siinayay Itoobiya. Horay waxay u helaysay nis ka mid ah mucaawinada noocaas ah oo Maraykanku siiyo Afrika oo dhan. Nof. 1977, oo Warso ku soo shubmaysay, wuxuu siiyay $40 malyan oo hub ah, laba senator ayaana booqday ( Selassie 1980: 137, 140). Israa'iilna waxay siisay taageera ciidan oo isugu jirta qalab, khubaro iyo jawaasiis (Sauldie 1987: 168). Maamulayaasha Itoobiya waa dad u qaatay in aayaha dalkoodu ku xiran yahay helitaanka hiil xaq darra ah iyo dhibaato joogta ah oo ka taagnaata Geeska Afrika.

Akhri Qaybta 3aad ee Qoraalkan...

Maqaalkani asal ahaan waxa uu SomaliTalk.com ku soo baxay June 29, 2001 | Updated: Nov 19, 2005


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD