SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDDI


XUSUUSIN TAARIIKH::: MAQAALKII 2001


Qaybta 3aad. (Qaybtii 1aad ee maqaalkan halkan ka akhri)

IV) MASABID iyo MACNA TIRID

Qore: Cali-Nuuri
wamo93@aol.com

June 29, 2001

QAYBTA: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad
:::HISTORY:::
THE OGADEN::: A MICROCOSM OF GLOBAL CONFLICT by: Ezekiel Rediker... READ (pdf)

Siyaasadda Xabasha waxaa dhaqan u ah in ciddii aanay jeclayn ay u raadiso arrin dacaayadeed oo lagu magacdilayo. Bartamihii Q13aad, Amxaaradu markay ololaha ugu jireen inay xukunka ka qaadaan Agaw-ga waxay ku eedeeyeen inaanay israa'iiliyiin ahayn. Ayagoo sheegtay Kibra Nagast waxaa ku qornaa: 'Kuwa xukunka qabta oo aan Israa'iiliga ahayn, sharciga ayay ku xadgudbeen' ( Tamrat 1972: 64 ). Isla ujeedadaas ayay u shuhubeeyeen, si masabid ah, qaabkii uu ku dhashay Imaam Axmad.

Islaamka oo aad loo nicibyahay waxaa loo sawiray 'khatar joogta ah, boqortooyo shareed oo aan dhammaad lahayn, lana dhalan rogi karin'. Gaalla ayagu waa dad aan dhaqan lahayn, waxshi ah oo Q16aad Itoobiya kaga soo duulay meelaan la garanayn. Culaab ayay ku yihiin Itoobiya. Ayaga iyo waxshiyiinta kale ayaana hortaagan horumarkeeda (Baxter, Hultin & Triulzi: 83-8). Muslimiinta Xabashiyoobay (Jabarti), inkastoo ay degmooyin fara badan ku lahaayeen W. Itoobiya min bilowgii Islaamka, waxaa lagu nabay addoonnimo, xaqna uma lahayn inay dhul yeeshaan (Trimingham 1965: 153).

Soomaalida waxaa lagu soo soocaa Islaamka, markaa waa quwad sharlow ah oo Q16aad baabi'isay xadaaradda Itoobiya. Waqtiyadii danbe laba qaab ayay Ityoobiya u martay macna tiridda Soomaalida:

1) Inkiridda iyo dhalan rogidda taariikhda Soomaalida: Ingiriiska iyo Yurubta kale waxay 1873 ka garaysan waayeen Yohannes-kii Tigray in Masar dhul ka qabsatay. Ka bacdina Yohannes oo khadiifkii Masar ku tilmaamaya beenlow, meelaha uu sheegtay in laga qabsaday waxaa ka mid ahaa Soomaali (Rubenson 1976 303 & 305), asagoo dabcan u jeeday Harar iyo Saylac. Ilaa qaybo Soomaali ahi ay xoroobeen 1960, Itoobiya waxay adduunka ka dhaadhacsiinaysay inaanu jirin qaran Soomaaliyeed. Taddasse Tamrat oo loo xilsaaray qaybta Geeska Afrika ee 'Cambridge History of Africa', wuxuu qaybtaas cinwaan uga dhigay "Ethiopia and the Horn"!

2) Soomaalidu waa reer guuraa aan xuduud aqoon: Arrintaas oo ay ka bowsatay Ingiriiska, Itoobiya waxay uga jeedday inay ku shuhubayso xuduudda ama muwaadinnimada Soomaalida. Xabashi ayaa asagoo ka hadlaya Soomaali Galbeed u sheegay Yurubi "fallaagadani ma aha Xabashi, waxaanna ku farxi lahayn inaan ka takhallusno", (Farago 1935: 273). Mid ka mid ah taariikh qorayaasha Itoobiya ee maanta, Soomaalida dalkiisu xukumo erayadaan kooban ayuu ka soo qaaday 'xoola dhaqato aan aqoonsanayn wax xuduud ah' (Zewde 1991: 20). Xayle Selaase laftigiisu 1956 wuxuu sheegtay: 'Itoobiya ixsaan ayay u samaysay Soomaalida, markay u ogolaatay inay xoolahooda daaqsadaan dhulkeeda' . Ma garan karno xuduuda Ingiriiska iyo Xabashidu u jeedeen, mar haddaan cidina ka filayn Soomaalida inay aqbalaan waxay ka hadlayaan. Xabashidu way ogyihiin soomaalidu dhaqan ahaan inay ka hab nololeed sarreeyaan. Horey ayaa kuwa lagu tilmaamay kuwa ugu ilbaxsan madaxdoodu, u muujiyeen walaaca ay ka qabaan Soomaalida oo ka hab nololeed sarreeya, marka la fiirinayo arrimaha isu dhigma, (Drysdale 1964: 44). Laakiin ka hadlidda hab nololeedka Soomaalidu wuxuu ahaa xeelad siyaasadeed.

Maamulka Itoobiya ee maanta, wuu ogsoonyahay falalka kaliya ee argagaxisnimo ee ka dhaca G/Afrika in laga soo abaabulo Addis Ababa. Ayagoo ku dhaca Soomaalida, Oromada iwm. Ka hadlidda waxyaalaha ay ka mid yihiin: asalraaca, xagjiridda, argagixisada iwm., waa xeelad ay canbaareyn ugu raadinayaan cid aanay doonayn soo bixitaankeeda. Sidii Seerbiyiintu u sheegteen inay ka hortagayaan asal raac, markay gumaadayeen Boosniyiinta, ayaa Itoobiya soo amaahatay xeelad-dacaaayadeedka caalamiga ah ee khatarta asal raaca khayaaliga ah.

Waa arrin u baahan in jawaab loo helo: marka Itoobiya ay xaq u yeelatay inay Soomaalida u sheegto qaabka ay Ilaah u caabudayaan, qaabka ay u dhisayaan dawladdooda iyo kuwa ay madax u dooranayaan!

V) MIKYAAFELLINNIMO (Michiavellism)

Habdhaqanka siyaasadeed ee Xabasha waxaa lagu tilmaamay si walba u yaal. FitzGibbon wuxuu qaabkaas ku tilmaamay isa soo oohin, ama is hoos dhigidda cidda markaas ay wax uga baahantahay. Marka laguu baahanyahay waxaa tahay wax kasta; ha yeeshee markaan laguu baahnayn ma mudnid wax naxariis ah. Haddii aanay waxba ku jabneyn in asaasihii qaranku ku dhashay macsi, soona xaday Taabuutkii, mabda' ahaan ma jiraan wax ka xaaraansan qaranka. Sharci ahaan, mandiq ahaan iyo damiir ahaan ma jiraan wax xadidaya qaabka ujeedada lagu gaarayo. Markii EPRDF-tu 1991 soo fidayeen, dadka Soomaali galbeed waxay u sheegeen: Jabarti ayaan isla nahay. Si ay u qaldaan halganka Oromada xabashi badan ayaa waayahaan bilaabay inay sheegtaan Oromo. Waa arrin iska caadi ah markay joogaan dal muslim ah inay sheegtaan diinta iyo magacyada Islaamka. Mesfin Wald Maryam oo ka mid ah buuniyaasha jaamicadda Addis Ababa, 1948 wuxuu qoray " Soomaalidu dhimasho ayay ka xigaan soo noqoshada isticmaarkii Talyaaniga, taasoo ay ku muujiyeen goobtii 11 Jan. 1948". Ha yeeshee 1977, asagoo kaashanaya Sven Rubenson, waxba kamuu qabin inuu isburiyo. Marakan waxay qoreen: 'Soomaalida xornimada waa loogu deeqay, oo wax cudur daar taariikheed ah uma laha xornimadooda --- Si arinnimo ah ayay u aqbaleen xukunkii Talyaaniga 1950-60 kii. Muxuu yahay halganka xornimo ee Soomaalidu waligood sameeyeen? Waa arrin shaki leh hadduu jiro wadan kale oo Afrika ka mid ah oo xorriyaddiisa ku helay sahalka ay Soomaaliya ku heshay oo kale. Halganka kaliya ee dadka Soomaalidu yaqaannaa waa midka u dhexeeya qabaa'ilka kala duwan. Dan kama lahayn oo aad ayay u rabeen inay shirkad u dhiibaan naftooda iyo dalkooda' (A. Hussein fii Adam & Geshekter 1982: 610).

Halkan la yaabku ma aha inuuna Soomaalida dib u dhac fara badan ka soo gaarin isu muuqashadooda aan macnaha ku fadhiyin. La yaabkuse wuxuu yahay sida sahalka ah oo loo munaasabadeyn karo fakarka Xabasha, iyo sida sahalka ah oo ay isu diidsiin karto taariikhda Soomaalida oo leh halgan ka mid ah kuwa adduunka ugu dhiig daadashada badan uguna dheer. Mesfin iyo saaxibkii kaliya waxay ahaayeen wax soo saarka falsafad siyaasadeed oo si walba u taal ah. Marka 4-tii dal ee waaweynaa 1949 ay go'aaminayeen in Soomaaliya dib loogu cesho Talyaaniga, Xayle Selaase wuxuu ku eedeeyay 'inay ku tumanayaan mabaadi'da aaya ka tashiga ummadaha, taasoo si cad Soomaalidu u muujiyeen', (Sauldie 1987: 16).

Aaya ka tashiga ay ka hadlayeen oo macnihiisu ahaa in Soomaalida oo dhammi hoos timaaddo xukunka Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa olole Itoobiya ku madal hufinaysay xorriyadda iyo midawga Soomaaliya.

Madan Sauldie oo dareensan dhaqankaasi wuxuu qoray 'Arrinta la yaabka lihi waxay tahay su'aasha aaya ka tashiga Soomaalida, cidaan boqor Xayle Selaase ahayni ma soo qaadin asagoo sida muuqata uga jeeday in Soomaalidu ku biiraan Itoobiya. Waxaan ka la yaab yareyn, bariga Itoobiya ee Soomaalidu degto magaalada Jigjiga markay SYL ayagoo muujinaya xarakadoodii wadaniyadeed, diideen inay dejiyaan calankooda booliiska Xayle Selaase xabbad ayay ku fureen ayagoo dilay 25 qof, ka bacdina SYL waa la mamnuucay'. Sauldie wuu sii waday tusaalayaashiisa asagoo xusay isku deygii Itoobiya ee 1950dkii iyo 1970dkii inay hor istaagto xornimada Soomaaliya iyo Jabuuti (TH: 71).

Taas waxaa la mid ah, waxa loogu yeeray shirarkii dib u heshiinta ee 1990dka lagu qabanayay Itoobiya, waxay ahaayeen xeelad lagu marin habaabinayo fursadaha nabadda iyo dib u heshiinta Soomaalida. Sheekada ah Soomaaliya gobollo ha isu dhisto waa waji kale oo shirqoolka lagaga shaqaysiinayo. Haddii Meles iyo Sayuum arrintaa si dadban u qirteen, Ermias ayaa u qirtay si qeexan. Wuxuu u sheegay ururka aan soo xusnay in Soomaaliya loo qaybiyo gobollo yaryar oo Itoobiya dusha ka maamusho.

VI) MILID iyo DUUFSI

Si dadyowga kale u aqbalaan qabsashadeeda, xoogga ka sokow, Xabasha afar qaab ayay adeegsataa: Nasaareyn, guur, xayaysiinta xabashinnimada iyo cambaareynta isirrada kale; iyo samaynta madax daba dhilif ah oo aan sharci ahayn. Tan waxaa loo yaqaan "xeeladdeeda hiddaysiga ah ee qeybi oo xukun". Waxaan soo xusnay sida Soomaalida/muslimiinta dibu dhac weyni uga soo gaaray rag xukunka boobabaya oo Xabashidu tasarruf ku yeelatay 1270aadkii, 1299, iyo 1332-62, ilaa wadaniyiintu xukunka ku guuleysteen 1363. Tigray waqtigaas way ka soo horjeeday taliskii cusbaa ee Amxaarada. Markaa waxay hoos timi Amxaarada markay ayagu madax u sameeyeen.

Boqorradii Xabasha oo waqtiyadaas naaga badan guursan jiray waxay ku dadaaleen inay guursadaan gabdhaha boqorradii ama ugaasyadii muslimiinta, si ay u soo xera galiyaan. Arrin aad loo yaqaan waxay tahay Zara Yacquub, 1434-68, oo si uu u xalaalaysto qabsashadii Hadiya, guursaday gabar uu dhalay garaad moxammedkii Hadiya. Arrintaa waxaa ka horyimi garaad Maxiiko oo gabadha walaalkeed ahaa. Wuxuu isku dayay inuu Awdal taageero u raadsado. Waxaase dagaal ku qabtay oo dilay taageerayaasha aabihi iyo adeerki garaad Baamo. Ba'ada Maryam, 1468-78, asna wuxuu guursaday laba dumar ah oo muslim ah oo mid uu dhalay garaadka Dawaro. Gabadhaas oo gaalooday waxay noqotay boqoradda ugu taariikhda weyn xabasha, talooyinkii ay ku biirisay awgood, waxayna dhashay Iskandar, 1478-94. Fasiladas, 1632-67, asna waxaa la sheegay ayeeyadii inay muslim ahayd.

Gobalka Wallo, Oramada waqooyi, Moxammed Cali 1890dkii wuxuu isku dayay inuu diido isfidinta Xabasha. Ha yeeshee Minilik ayaa u guuriyay gabadhiisii Zawidu, ee uu kaligeed carruur ka lahaa aadna u jeclaa. Moxammed wuxuu aqbalay markaa inuu noqdo raas Makaa'iilka gobalkaas. Gobana Daaju wuxuu ahaa hogaamiye kale oo Oromo ah, oo waqtiyadaas khayaanay dadkiisa ka bacdi markii Minilik duufsaday.

Waxaan soo xusnay cawaaqibka madaw ee ay dhaxalsiiyeen Soomaali galbeed koox odayaal wax ma garada ah oo Xayle Sellaase duufsaday 1940dkii. Xayle Selaase oo u sahan ah isku daygiisii madal hufinta xornimada Soomaaliya ayaa 1956 booqday ilaa Qabri daharre. Wuxuuse ku naxay in Soomaalida halkaasi wali quursanayaan Itoobiya iyo dhaqankeeda, una baahan yihiin in looga tarjumo. Wuxuu soo jeediyay in Amxaarada iyo Soomaalidu isguursadaan (Touval 1963: 144). Mar kale wuxuu ku amray wakiilladiisa: u sheega xaasaskiinna shaqa la'aanta ah inay baraan dumarka Soomaalida sida loo sameeyo cuntada Itoobiya. Addis Ababa waxaa maanta ka furan machad lagu tababaro dhallinyaro la doonayo inay kula noqdaan qawmiyadahooda afkaar xabashi-raac ah.

Ka bacdi markay suurta gashay in Soomaaliya lagu burburiyo kooxo damiir laawayaal soomaali ah oo ku dhacay gacanta Itoobiya, dadyowga G/Afrika badankoodu waxay la heystayaal u noqdeen shirqoolkeeda. Samaynta khaa'iniin sharci darra ku dhisani, xilliga jaah wareerka, waa xeelad u helloon ujeedooyinka Itoobiya ee "qaybi oo xukun".

Akhri Qaybta 4aad ee Qoraalkan...

Maqaalkani asal ahaan waxa uu SomaliTalk.com ku soo baxay June 29, 2001 | Updated: Nov 19, 2005


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD