SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Koox dabley ah oo goor dhoweyd ku dhaawacay Muqdisho ganacsade weyn oo caan ah

ingiriisMaxamed Xaaji (Ingiriis)

Nairobi, Kenya

E-mail: Ingiriis@yahoo.com 

 

War-Deg-Deg ah

Rag ku hubeysan qoryo ayaa saacado ka hor ku dhaawacay meel u dhow fagaarihii hore ee 21-ka October (Tarabuunka) ganacsade Nuur Cali Buubaal oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee Soomaalida. Ganacsadaha waxa ay rasaasi ka qabsatay labada lugood, mana uusan jabin.

Nuur Buubaal oo deggan hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, markii uu ka soo baxay hoteelka waxaa soo daba galay rag hubeysan, dabadeedna mar uu marayo Tarabuunka ayay tacshiirad ku fureen, waxaana taasi ay keentay in baabuurku hakado.

Dableyda hubeysan oo isku dayaya inay ganacsadaha sii toogtaan ayaa waxaa ka soo baxay waddada ka timaadda Wadnaha gaari dabley ah oo hubeysan oo noociisu yahay Zuu, waxaana uu ag istaagay meeshii uu yaallay gaarigii uu saarnaa ganacsadaha.

Taas waxa ay keentay in dableydu ay kala firxato. Lama garanayo meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Hase ahaatee, wararka Muqdisho ka imaanaya ayaa sheegaya in falkani ahaa isku day dil.

I  I  D  H  E  H

Dhaawaca Nuur Cali waxaa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. Warar ku dhow dhow xubno ka tirsan qoyskiisa oo jooga magaalada Nairobi ayaa ii sheegay in xaaladdiisa caafimaad aysan xumeyn. "Kama warqabno cidda doonaysay inay disho" ayay yiraahdeen.

Ganacsaduhu, waxa uu muddo dheer joogay dalalka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Kenya. Bishii May ee sannadkii tagay ayuu dib ugu laabtay Muqdisho, illaa waqtigaasna waxa uu ku sugnaa caasimadda Soomaaliya. Nuur Cali Buubaal, waxa uu haystaa dhalashada dalka Ingiriiska.

Muddo sannad ka hor ayay ahayd markii la isku dayey in la dilo rag ay ganacsadaha isku asxaab ahaayeen, kuwaas oo lagu weeraray isgoyska N0. 4. Raggaas oo ahaa laba nin waa la dhaawacay labadoodaba. Mid ka mid ah, waxa uu ahaa Xasan Siyaad Togane oo u shaqeyn jiray television-ka caanka ah ee Cable News Network (CNN), kan kalena Siid Cumar Maxamed oo ah ganacsade deggan Virgina, laakiin ganacsi xooggan ku leh Muqdisho.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Nairobi, Kenya

E-mail: Ingiriis@yahoo.com 

Oct 7, 2002

 

WARARKII OCT 6, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:

»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 

OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD