Kooxaha Soomaalidu maxay ku
diidan yihiin shirka Eldoret?
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Tan iyo markii ay ku dhawaaqday
dowladda Kenya inay gogol dib u heshiisiin ah u fidinayso Soomaalida kala
hayaantay waxaa ka soo baxayey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha dacaayado
ay ku muujinayaan inaysan raalli ka ahayn shirkaas dib u heshiisiinta.
Waxaa meeshaas ka cad in
nimanka doonaya inay Soomaaliya hoggaamiyaan aysan raalli ka ahayn wixii ka soo
horjeeda dantooda, ayna diidayaan danta dadka ay rabaan inay xukumaan. Gees ka
gees, meel kasta oo ay Soomaalidu degto waa laga taageeray shirka Eldoret,
waxaase la yaab leh waxa ay ku diidayaan meesha shacabka intiisa badani u
xusul-duuban yahay.
Hoggaamiyeyaasha kooxaha oo
iyagu muddo 12 sano ah ku horgudbanaa xasiloonida iyo in Soomaaliya ay cagaheeda
isku taagto waxa ay garwaaqsadeen inaysan ka heleynin shirkani waxa ay doonayaan,
waxaana ay dareemeen in dantoodu ay laalan tahay.
Illaa hadda, sida wararku nagu
soo gaarayaan, waxaa shirka qaadacay hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho
qaarkood, sida Cusmaan Xasan Cali (Caato), Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Maxamed
Maxamuud (Cumar Finish), Mowliid Macaani Maxamuud iyo kuwo kale. Muuse Suudi
Yalaxow isagu ma taageerin, mana ka soo horjeesan shirka.
Raggan oo shalay war ka soo
saaray Xamar waxa ay cambaareeyeen xubnaha Soomaalida ah ee lagu daray Guddiga
la-talinta shirka. Si kasta oo warkooda ay u dhigaanba, xaqiiqadu waxa ay tahay
inay fogeynayaan Soomaalida oo beddelkeeda ay jecel yihiin shisheeyaha aan
dhaqan garan karin.
Shir kasta oo la qabto, waxaa
caado u ah hoggaamiyeyaasha kooxuhu inay saxiixaan heshiis-qoraalyo aysan
fahamsanayn waxa dhab ahaan ku qoran. Shir kasta oo la qabtay waxa uu ku soo
dhammaan jiray qado hoggaamiye kooxeed ku cunay hotel 5 Star ah.
Run ahaantii, waa ogyihiin in
qadada uu cunayo uu xaq u leeyahay miskiinka gacanta go’an ee lugta ka
dhaawacan ee feeruhu u qaawan yihiin ee taagan isgoysyada Soomaaliya. Waxaa
nasiib darro ah in shacabka Soomaaliyeed ay kala xir xirteen rag daneystayaal ah
oo eeganaya ganacsigooda.
Ma oggola in doorasho lagu kala
baxo, mana doonayaan in Soomaaliya ay heshiiso. Nin walba waxa uu ku qanacsan
yahay inta kilometer ee uu ka taliyo, waxaana uu qabaa inuu dagaallamo dantiisa.
Abwaan Maxamed Sahal oo ka gabyey xarun raggani joogeen, waxa uu yiri “Hoggaamiye
kooxeedyada xeyraamayow, dhimma xawaareynta, xirfad kale la soo baxa, dagaal waa
xaraar yahaye.”
Mid kasta oo ka mid ah raggan
waxaa ku hareereysan maliishiyo hubeysan oo aad ka naxayso aragtidooda. Waxa ay
leeyihiin wejigii Sylvester Stallone, laakiin ma hurdaan, waxaana ay liqaan
Qaadka. Raggani waxa ay ku taamayaan inay awood ku gaaraan kursiga.
Dabcan, rajo taagan ayay u
ahaan lahayd shacabka Soomaalida haddii hoggaamiye kooxeedyadu ay dhexdooda is
leyn lahaayeen, sida ka dhacday dalka Liberia. Midkood uun baa soo hari lahaa.
Laakiin, bilcaksi, dhammaantood waa heshiis, waxaana ay ka siman yihiin
burburinta iyo cunaqabateynta tiirarka nolosha bulshada.
Ragga noocaas ah ayaa raba inay
Soomaaliya ka noqdaan Madaxweyneyaal, Ra’iisal Wasaareyaal, Wasiirro, Wasiir
Ku-xigeenno, Safiirro, Diblomaasiyiin iwm. “Soomaaliya waa dalka dunida ugu
nasiibka darran,” sidaas waxaa yiri diblomaasi African ah oo Kenya ku sugan.
“Nimanka noocaas ah ayaa u taliya” ayuu sii daba dhigay.
Waxaa hubaal ah inay lug
jiidayaan shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya ee ka dhici doono Kenya.
Nabadda Soomaaliya, waxaa kaloo iyaguna caqabad ku ah Dowladda KMG oo ka sii mid
noqotay kooxihii awalba ummaddu ay xamili kari weyday culeyskooda. Ku-meel-gaarku,
waxa ay si rasmi ah u shaaciyeen inaysan tagaynin shirka Eldoret haddii aan la
casuumin maamulka Waqooyi Galbeed ee Somaliland.
Arrintaas, waa caqabad kale oo
la dhihi karo waa “isbaaro siyaasadeed.” Wax kasta oo ay kaga jeedaan,
qolada Ku-meel-gaarka waxaa u shidan nalka cagaaran. Shuruudda ay ku xireen iyo
mowqifyada is daba yaalla ee ay shirka ka qaateen ayaa astaan u ah inay wadnaha
farta ku hayaan.
Qolaba qolada kale ayay ka
welwelaysaa. Cabsida Ku-meel-gaarku qabaan waxa ay tahay in lagu xaaqo shirka,
lagana dhigo shaarka dowladeed, halka hoggaamiye kooxeedyaduna ka aaminsan
yihiin inuusan shirku dhegeysanayn ra’yigooda ee waraaqo laga saxiixayo.
Labada dhinac waxaad mooddaa in la isaga dhex baxay oo ay yaraatay hoos wax ugu
sheeggii dowladaha deriska ah.
Dowlad ahaan iyadoo loo
aqoonsan yahay Ku-meelgaarku, haddana gef ma aha in nin kasta oo dowladda ka
tirsan lagu soo oogo dacwad haddii uu dambiile yahay ama ay jirto cid u haysata
dacwad, sida hadeerba ka socota dalka Germany. Hoggaamiye kooxeedyaduna waa la
mid.
Sideedaba Soomaalida waxaa ka
maqan waxa la yiraahdo dhab-u-xisaabtanka. Waa in la xisaabiyaa qof kasta oo
dalka dambi ka galay, waxaase lagu muransan yahay xisaabtanka goorta uu
billaabanayo. Ma 1954-kii ayaa laga billaabaa. Ma 1960-kii. Ma 1969-kii. Ma
1991-kii. Mise 2002?
Soomaaliya in la is xisaabiyaa
waa mucjiso marka la eego taariikhda casriga ah, maxaa yeelay si lixaad leh ayaa
wax loo kala dilay, wax loo kala dhaawacay, wax loo kala xaday oo xitaa wax
walba loo kala marooqsaday, hase ahaatee waa marag ma doonto in mar ay noqotaba
la is xisaabin doono.
Saameyntooda waxaa kaloo leh
qolooyinka bulshada rayidka ah (Civil Society Group), kuwaas oo yuhuun badan u
qaba inay shirka ka qayb galaan, fekerkoodana la siiyo mudnaan. Bulshada Rayidku,
waxa ay fashilka la wadaagaan hoggaamiyeyaasha kooxaha, waayo shirkii Carte
iyaga ayaa dowladda KMG soo dhisay.
Su’aasha meesha taalla, waxa
ay tahay “xaggee ayay uga hareen dowladdii ay soo dhiseen, maxaase ku
kallifaya inay shirkan daba yaacaan.” Waa la dhihi karaa waa ku hungoobeen,
waase inay qirtaan fashilkooda. Hadallada faraha badan ee ka soo yeeraya, waxa
ay ka dhigan tahay murtidii Soomaaliyeed ee ahayd “waan socon weynaye, aan
orodno” oo ay u beddeleen “waa na loo yeeri diidaye, aan isu yeerno.”
Hoggaamiyeyaasha kooxuhu, waxa
ay qabaan in Ku-meel-gaarku ay ku tiro badsanayaan bulshada rayidka, waana ka
soo horjeedaan inay shirka ka soo qayb galaan, halka dowladduna ay ku
adkeysanayso inay shirka yimaaddaan bulshada rayidka oo aan meesha laga saarin.
Doorka beesha caalamka ayaa
lagama maarmaan u ah miraha ka soo bixi doona shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliya, inkastoo weli la la’ yahay culeyskii siyaasadeed (political
pressure) ee la rabay inay saaraan cid kasta oo nabadda Soomaaliya ku dhex
mergan.
Maamulka Mareykanku,
mowqifkiisa si toos ah iyo si dadbanba waa u caddeeyey, waxaana ay sheegeen inay
ku jaango’an yihiin shirka Eldoret. Lix bilood gudahood ayaa laba wafdi oo
Mareykan ah ay ku tageen Soomaaliya, kalana soo hadleen kooxaha Soomaalida
arrimaha shirka Kenya.
Wafdiga hore, waxaa
hoggaaminayey Agaasimaha Waaxda Dibadda Mareykanka ee Geeska Africa, Zachary
Teich. Kan dambe oo toddobaadkan ka soo laabtay Soomaaliya, waxaa horkacayey
Glenn Warren oo ah sarkaalka safaaradda Mareykanka ee Kenya u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya.
Midowga Yurub, sidoo kale waxa
ay sheegeen inay taageersan yihiin shirka. Labada quwadoodba si ficil ah ayay u
taageereen nabadeynta Soomaaliya, waxaana ay dhiibeen kharash lagu socodsiiyo
howlaha shirka, ha badnaado ama ha yaraadee.
Guntii iyo gabagabadii, koox
kasta oo ka mid ah Soomaalida waxa ay qodxaha mudacyada dhaadheer ugu dhigayso
shirka Eldoret waa in teeda uun la tixgeliyo, waxaana muuqata in faragelin
qarsoon ay qabsoomidda shirka ku dhex jirto.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Oct 10, 2002
Ka
Qaybgelimeyo Shirka Eldoret
ilaa la saxo khaladaadka... sidaas waxaa yiri ururo warsaxaafadeed kasoo saaray
Muqdosho GUJI...
oct 8
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|