SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News 
 MID EAST:
Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai News 
VIDEO: ITV | Reuters TV  | ABU-DHABI.TV.LIVE  | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV
MAP: Khariidada Ciraaq |
TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 7aad | 6aad   | 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad

DAAWO LIVE: ABU-DHABI.TV 

ABU.DHABI.TV: VIDEO.1 | VIDEO.2VEDIO.3 

wiil iyo canug yar oo ciraaqi ah oo rakuub ahaan u saaray rati oo maraya meel u dhow magaalada Karbala. Sawirka REUTERS

DAGAALKA CIRAAQ:  MARCH 27, 2003

  • Dagaal ka Dhacay Zubayr oo 20km u Jirta Kuwait
  • Ciidanka Ciraaq oo Duulaan usii Ah Koonfurta Ciraaq
  • 650 Ciraaqiyiin ah oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Najaf 
  • Dagaalka Cimilada Ciraaq
  • Baqdaad oo Xalay Markale la duqeeyey
  • Xisbiga Liberal-ka Canada oo kawada hadaly sidii ay ka yeeli lahaayeen Hadalkii Safiirka USA
  • Al-Jazeera oo Maraykanka ugu Baaqday in uu Xaqiijiyo Dhawrida xornimada saxaafada
  • 24 ayaa ka dhintay Maraykanka, 28 waa ka dhaawacmeen. 10 kalena waa la'layahay.
  • Dagaalka Ganacsiga ee Lagasoo Horjeedo waxyaabaha uu soo saaro Maraykanka.
  • Ciraaq oo Maraykanka ku eedaysay in ay Weerarayaan Shacabka

 

Dagaal ka Dhacay Zubayr oo 20km u Jirta Kuwait

Hay'adda reuters waxa ay wersiey in maanta oo khamiis ah uu dagaal ka dhacay magaalada Zubayr oo xadka Kuwait u jirta 20 km oo keliya, 370 u jirta Baqdaad. Waxaa warku ku tilomaamay magaalada Ciraaq ku taal ee ugu dhow Kuwait. [ISHA].

Dagaalka Ganacsiga ee Lagasoo Horjeedo waxyaabaha uu soo saaro Maraykanka.

Sida ay werisey shabakada TV-ga Canada ee CBC, waxaa daafaha dunida ka bilaabay dagaal lagaga soo horjeedo waxyaabaha gadahsda waxyaabaha uu soo saro Maraykanka. Waxaa warku intaas ku daay in maqaayadaha dalka Jarmaka ay sheegay in aysan hayn ama gadayn Coca-Cola arimaha siyaasadeed ee hadda socda awgeed. Waxaa warku intaas ku daray in laba website ay dadka wax gata ugu baaqeen in aan la gadan waxyaabo websiteyadaas ku cad. Kuwaas oo kala ah mid [ISHA CBC] qoray 27 shirkadood oo maraykan ah in aan wax laga gadan iyo  midkale [ISHA CBC], oo ku baaqay in waxyaabaha ku suntan America in aan la gadan. [ISHA CBC].

Ciraaq oo Maraykanka ku eedaysay in ay Weerarayaan Shacabka

Omeed Medhat Mubarak

Wasiirka Caafimaadka Ciraaq, Omeed Medhat Mubarak, oo Maanta oo Khamiis ah la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in weerarka Maraykanka ee maalin ka hor ay Baqdaad ku dileen 36 shacab ah ayna ku dhaawacmeen 215.

Wasiirku waxa uu yiri tirada dadka ah ee ilaa hadda ku wax ku dhaawacmay dagaalka uu Maraykanku hogaaminayo waa 4,000, oo ay ku jiraan 350 dhintay.

Ciidanka Maraykanku waa beeniyeen in ay weerarayaan shacabka, waxayna sheegeen in ay aad uga taxadareen in aysan wax yeelin shacabka. [ISHA]. 

Dhanka kale Ciraaq waxa ay aad u cambaaraysay xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Kofi Annan.

Daawo Kofi Annan oo ka hadlaya Golaha Ammaanka  [Daawo Halkan

Daawo danjiraha Iraq Mohammed al-Douri oo jawaab bixinaya hadalkii Kofi Annan ka dib. [Daawo Halkan]

Wararka kale oo ka imanaya Baqdaad waxa ay sheegayaan in TV-ga ciraaq uu weli hadlayey maanta. 

Baqdaad oo Xalay Markale la duqeeyey

Wararka saakay kasoo baxaya Baqdaad waxa ay sheegayaan in xalay magaalada laga maqlayey qaraxyo waaweyn. Ilaa 30 qarax ayaa laga maqlay bartamaha magaalada, waxaa kale oo la maqlayey gantaalada kasoo dhaca lidka diyaaradahada. [ISHA

VIDEO: Daawo Khudbadii Bush uu Arbacadii u jeediyey ciidanak Maraykanka

Ciidanka Ciraaq oo Duulaan usii Ah Koonfurta Ciraaq

Wararka ka imanaya Ciraaq ayaa sheegay in kolonyo ciidanka Ciraaq ah ay ka baxeen caasimada Ciraaq ee Baqdaad ayagoo usii jeeda dhanka koonfureed si ay toos ugaga hortagaan Ciidanka Maraykanka ee kusoo foolka leh Baqdaad. Ciidankaan duulanka sii ah, sida wararku sheegeen, waa ciidanka loo yaqaan ilaalada qaranka ama "Republican Guard", waana kuwa leh tababarka ugu sareeya ee Ciidanka Ciraaq.

War ay werisey hay'adda AP, ayaa sheegay in Ciidankaas ka baxay Baqdaad lagu qiyaasay in ay wataan 1,000 gaari, waxayna qaadeen wadada loo yaqaan Highway 7 ee isku xirta koonfurta Baqdaad iyo magaalada al-Kut. [Eeg Khariidada Ciraaq]. Waxaa wararku sheegeen in Ciidanka Ciraaq ay ka faa'iideysanayaan hawada dalkaas oo ay haraysay duufaan ciid ah taas oo ka dhigtay mid aan suurta gal ahayn in meel in yar kaa durugsan wax laga arki karo.

Dhanka kale warar uu weriyey ITV ayaa sheegay dagaal aad u daran oo ka dhacay magaalada Nasiriyah. Daawo Dagaalka Nasiriyah.

Dagaalka Cimilada Ciraaq [duufaan]

David Bloom, oo ka tirsan TV-ga Maraykanka ee loo yaqaan NBC oo la socda ciidanka Maraykanka ee kusii jeeda Baqdaad ayaa sheegay in ciidanka US ay la kulmeen duufaan ciid ah oo aad u daran iyo dagaalka habka gorilaha loo yaqaan oo kaga imanaya ciidanka Ciraaq.  Daawo halkan.

 Xisbiga Liberal-ka Canada oo kawada hadaly sidii ay ka yeeli lahaayeen Hadalkii Safiirka USA

Warar uu TV-ga CBC kasoo weriyey magaalada Ottawa ee caasimada Canada ayaa sheegay in qayb kamid ah xisbiga liberalka oo ah xisbiga hadda haya talada dalka Canada ay ka wada hadleen sidii ay ka yeelilahaayeen hadalkii safiirka Maraykanka u fadhiya dalkaas uu dhowaan yiri ee kusaab sanaa in aan canada taageerin dagaalka uu maraykanku ku qaaday Ciraaq, waxaana Tv-gu ku waramay in qayb ka mid ah xisbigaas ay ku taliyeen in safiirka laga cayriyo canada. warkaan ka Daawo Halkan.

Dhanka kale  Tv-ga Canada ayaa sooweriyey in ilaa 10,000 qof oo ka shaqayn jirey diyaaradaha maraykanka [U.S. airlines] ay shaqadoodii waayeen ilaa markii  uu dagaalka Ciraaq bilowday. Daawo halkan.

Al-Jazeera oo Maraykanka ugu Baaqday in uu Xaqiijiyo Dhawrida xornimada saxaafada
Ra'iisul wasraahada Australia, John Howard, oo sharaxaya gaaankiisii uu ciidanka Australia ugudiray dagaalka Ciraaq  (RealVideo).. DAAWO Australia ABC March 20, 2003 

OHogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka, Simon Crean, oo u jawaabaya Hadalkii Ra'iisul wasaaraha Australia  uu ciidanka ugu diray Ciraaq. (RealVideo)... DAAWO Australia ABC March 21, 2003

Al-Jazeera oo laga mamnuucay sayladda Ganacsiga New York (NYSE), isla mar ahaantaana website-koodii laga masaxay Internetka, ayaa Arbacadii difaacey qaabka ay usoo daayaan barnaamijyadooda, waxana ay maraykanka weydiisteen in uu difaaco xoriyada saxaafadda.

Sida ay werisey hay'adda wararka ee Reuters, Al-Jazeera waxa ay Maraykanka ka caraysiisay kaddib markii TV-gaas laga soo daayey meydkii Askar Maraykan ah oo lagu laayey Ciraaq iyo kuwo la qafaashay. Al-Jazeera waxay walaac ka muujisay mamnuucii laba weriyayaasheeda ka mid ah laga  mamnuucay sayladda NYSE. Afhayeen u hadlayey Al-Jazeera oo lagu magcaabo Jihad Ballout ayaa yiri waa in uu jiraa hab qarameed lagu difaacayo saxaafada xorta ah.

Al-Jazeera qaybta Ingiriiska ee ay Isniintii bilowday iyo qaybtii horay u jirtey ee Carabiga ahayd waxaa laga masaxay Internetka maalintii Talaada ahayd, waxayna Internetka ka maqnayd talaadadii iyo arbacadii, waxaana wararku ku tilmaameen in ay sidaas u masaxeen waxa loogu yeero  "hacker"  (kuwa internetka khariba).

Al-Jazeera waxaa la bilaabay sannadkii 1996, waxaana hadda lagu qiyaasay in ay daawadaan  35 million oo qof. Waxaana wararku intaas ku dareen in Al-jazeera ay sheegtay in 4 million oo macaamiil toos ugu xiran ay ku leedahay Yurub, dalka Maraykankana ay ku leedahay 100,000 oo macaamiil ah. ISHA 

650 Ciraaqiyiin ah oo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen Najaf

Sida ay werisey warbaahinta Australia, waxaa laga yaabaa in dagaalkii aagga Najaf ay ku dhinteen ilaa 650 qqof, tan oo aad uga badan tiradii hore wararku usoo weriyeen. [ISHA]. Dhanka kale shabakada IOL waxay dhimashada magaalada Baqdaad ee duqayntii Arbacada ka dhigtay 29 qof. [ISHA]. 

Tirada Maraykanka ilaa Hadda kaga dhintay Dagaalka Ciraaq

Sida ay werisey hay'adda reaters, ilaa hadda waxaa maraykanka kaga dhintay dagaalka ciraaq 24, waxaana ku dhaawamay 28, waxaana la la'yahay ama maqan 10. Dhanka kale waxaa hay'addu werisey in Ingiriiska ay ka dhinteen ama ka maqan 22. ISHA .

Ka Daawo Sawirda CBC DAAWO: Reuters.TV  | Sawirda JAPAN.News | Sawirada CHINA.News | NewsWeek  

WIXII KUSOO KORDHA DAGAALKA KA AKHRI: 
IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 
CIRAAQ MAALINTII: 5aad | 4aad3aad | 2aad & 1aad

<><><>TAARIIKHDA CIRAAQ... GUJI<><><> 

WARARKII CIRAAQ EE MARCH 26
Askarta Maraykanka oo La dagaalamaya Askarta Ciraaq iyo Duufaanta Saxaraha.
 »»Sucuudiga oo Qorshe u soo jeediyey Ciraaq iyo USA, iyo  
WARARKII MAANTA 26/3

CIRAA: WARARKII MARCH 25
»» Duufaan Ciid ah oo Haraysay Ciraaq
»» Kofi Annan oo Gargaar Degdeg ah ugu Baaqay Basra
»» Putin iyo Bush oo Telefoon kuwada hadlay
»» Dagaalka Basra iyo Umm Qasr
»» 5 qof oo Shacab ah oo Kudhintay Baqdaad
»» $75 billion oo ku baxaya dagaalka Ciraq Bisha koowaad
»» Wasiirada Arimaha Dibada Carabta  iyo dagaalka ciraaq
»» Al Jazeera oo Laga Mamnuucay suuqa Ganacsiga New York
Dhammaan ka akhri halkan 25/3

CIRAAQ: WARARKII MARCH 24 
»» Saddam  Xuseen oo Maanta ka Hadlay dagaalka
»» Diyaarad laga soo ridey Maraykanka
»» Baqdaad oo la duqeeyey Habeenkii shanaad
»» BUSH: Dagaalku hadda ayuu Bilowday
»» TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Maxaabiis Askar Maraykan ah
»» TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Maxaabiis Askar Maraykan ah
»» Muwaadin Ruush ah oo Lagu diley duleedka Basra 
Dhammaan ka akhri halkan 24/3 

WARARKII CIRAAQ EE MARCH 23 
»»Dagaalka oo kasocda meel Baqdaad u jirta 150km 
»»Gantaal habaw ah oo Kudhacay Dhulka Iran 
»»14 Maraykan ah oo lagu dhaawacay Kuwait 
»»Mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq 

»»
TV-ga Ciraaq oo Muujiyey Saddam oo la shiraya Madax Katirsan Dawladiisa

Dhammaan ka akhri halkan 23/3

Wararkii Ciraaq ee March 22
»» Ruushka oo hawada u diray  diyaaradihiisa dagaalka, kaddib...
»» Afar Askari oo ku dhintay dagaalkii Sabtida
»» Shacab ku dhintay Magaalada Basra
»» Caawa oo Baqdaad laga maqlayey Qarax
»»
Baqdaad iyo Qaraxyadii Jimcada
»» Turkiga oo Ciidamo u Diray Woqooyiga Ciraaq:
»» Saddam Xuseen oo Ballan Qaaday Abaalmarin
»» Laba Diyaaradood oo UK leedahay oo Isku Dhacay
 Dhammaan ka akhri halkan 22/3

QARAXYADII BAQDAAQ - VIDEO: CBC.TV | ABU-DHABI.TV   |  AL-JAZEERA.TV

Wararkii Dagaalka Ciraaq: March 21
»» Dagaalkii Dhulka oo Bilowday 
»» Xaaladda Saddam Xuseen... 
»»
Ciidamada uu hoggaaminayo Maraykanku uu gudaha u gala Koonfurta Ciraaq... 
»» 12 Maraykan iyo Briton ah oo ku dhintay diyaarad militari oo ku qaraxday Kuwait. 
GUJI...
21/3

Dagaalka Ciraaq
»»VIDEO: Ciraaq oo Gantaalo Ku Gantay Kuwait
»»VIDEO: Bush oo  bixiyey amarkii weerarka ciraaq 
»»VIDEO: Jawaabtii Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <> 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD