SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
XAFIISYADA XAWAALADA DALSAN
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida
GUJI
Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI

Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
CARRUURTA IYO WAALIDKA
Mataqaan macnaha ay u taaganyihiin xarfaha muujinaya nooca filimka ah (ha noqdo nooca uu doono). Eeg sharaxadan hoose, carruurtana uga taxadar wixii aan ku haboonayn daawashada:

G — General audiences. All ages admitted.

PG — Parental guidance suggested. Some material may not be suitable for children.

PG-13 — Special parental guidance strongly suggested for children under 13. Some material may be inappropriate for young children.

R — Restricted. Under 17 requires accompanying parent or adult guardian.

NC-17 — No one under 17 admitted.

SOURCE: Motion Picture Association of America rating definitions:

Eeg sidoo kale Film Advisory Board

Waa Maxay Screen Resolution
800x600 waa kan ugu badan oo la adeegsado, macneheed? si aad u ogaatid GUJI

MAQAAL: 4tii Maxamed

 

TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Agoosto 23, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Warkii Radio Xoriyo
23, August 2002

1-Waraaqo xasaasi ah oo xafiiska Zenawi laga xaday

2-Xukuumada Itoobiya oo ka walwalsan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha

3-Madax ka tirsan maamul ku-sheegga qowmiyadaha koonfureed oo la xidhxidhay iyo dad Tigree   lagu laayay

4-Ciidanka booliska ee magaalada Jimma oo shaqo joojin sameeyay

5-Eriteriea iyo Masar oo ka midaysan shirka dib u-heshiisiinta Soomaaliya

13 bishan August ayaa waraaqo qarsoodi ah lagala baxay xafiiska gaarka ah ee Melez Zenaawi, lamana oga ciddiila baxday waraaqahaas, oo lagu tilmaamay inay ahayeen kuwo aad xasaasi uu ah.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa markii hore ogaaday in waraaqahaasi ay maqnayeen la taliyaha gaarka ee Melez Zenaawi kala taliya dhinaca dhaqaalaha Neway Gebre ab, kaasoo markiiba gaadhsiiyay sarkaal lagu magacaabo Alemu oo madax u ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Melez Zenaawi.

Waraaqahan waxaa la waayay mar Melez Zenaawi iyo shaqaalaha xafiiskiisa loo rarayay xafiis kale, waxaana loo xidhay labo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Mleze Zenawi, warar xog-ogaal ahna waxay sheegayaan in Meleze Zenawi uu ka cabsi qabo in waraqahaas xasaasiga ahi ay gacanta u galaan saraakiisha mucaaradka.

2- Xukuumada Itoobiya oo ka walwalsan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumada Melez Zenaawi ay aad uga walwalsan tahay ururada shaqaalaha oo awoodoodu sii ballaaranayso.

Sida wararku sheegayaan waxaa soo batay shaqo joojin iyo mudaharaadyo ay qabanqaabiyaan ururada shaqaalaha Itoobiya, iyada oo ay ugu dambeeysay mudaharaad ka dhacay warshada Koka Koolada ee Addis Ababa todobaadkii la soo dhaafay.

Masuul ka tirsan ururka shaqaalaha ka dambeeyay mudaharaadkaasi Mekonnen Gebreyes ayaa sheegay in ururkiisu aanuu ka gaabsan doonin inuu mudaharaado, si uu uga hortago waxuu uu ku tilmaamay tallabooyin xadgudub ku ah xuquuqda shaqaalaha.

Dowladda Zenaawi ayaa ka baqaysa in ururada shaqaaluhu ay qabanqaabiyaan mudaaharaadyo siyaasi ah oo la mid ah kuwii ay sameeyeen ardayda jamacadda Addis Ababa sanadkii hore hadii aan hadda laga hortagin.

3- Madax ka tirsan maamul ku-sheegga qowmiyadaha koonfureed oo la xidhxidhay iyo dad Tigree   lagu laayay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sidaamaha ayaa sheegayo in 17 bishan August la xiray tobaneeyo ka tirsan xisbiga been-abuurka ee SPDO oo gacan saar la leh EPRDF.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Taye Beliso, oo ahaa afhayeenka baarlamaan ku-sheegga kililka qowmiyadaha koonfureed iyo ku xigeenkiisii oo lagu magacaabo Debuna Dunakbotu.

Waxaa kaloo la xiray Girma Chuluki, oo ahaa Gudoomiyaha qeybta Sidaamaha ee wax ay ugu yeedhaan kililka  isu-tagga qowmiyadaha koonfureed, waxaa kaloo ka mid masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay Legese Yawel, oo ahaa wasiir ka tirsan kilil ku-sheega isu taga qowmiyadaha koonfureed.

Raggan la xidhay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo si wayn daacad ugu ah maamulka dhiig-miiradka ah ee ka taliya magaalada Addisababa.

Taliska Itoobiya ka taliya, oo beesha caalamku ay si wayn ugu canbaaraysay xasuuqii ba’naa ee shacabka Sidaamaha uu ugu gaystay magaalada Awassa 24kii bishi May, ayaa hadda loo arkaa inuu denbigaas kaga

maydhanayo xidhxidhidda masiiliyiin ku-sheegga isaga taabacsanaa ee qowmiyadda Sidaamaha u dhashay.

Dadka rayadka ah ee qowmiyadda Sidaamo u dhashay ee haatan xabsiyada gumaysiga Itoobiya ku sugan ayaa lagu qiyaasay 1300 oo qof.

Dhinaca kale wararka naga soo gaarayo gobolka Tigree ayaa iyaguna sheegaya in dad badan oo rayid ah oo lagu tuhmay inay taageersan yihin jabhadda Tigreega ee Melese Zenawi ka soo horjeedda ayay ciidammada dowladu dileen.

Meelaha uu dilkaas waxshinimada ahi ka dhacay waxay kala yihiin magaalooyinka:

- Shire, oo lagu dilay 8 qof.
- Agagaarka Mekkele, oolagu dilay 10 qof.
- Degmooyin ku yaalla galbeedka gobolka Tigree, oo iyagana lagu dilay 9 qof.
- Degmooyin ku yaalla koonfurta gobolka Tigree, waxaa iyagana lagu dilay 1 qof.

Waxaa meelo kala duwan oo gobolka Tigree ka mid ah iyagana lagu dhaawacay 18 qof, waxaa kaloo hatidoodii lagala wareegay 11 qof oo Shacab ah.

Dilkan iyo xadgudubyada kale ee gobolka Tigree ee baryahan denbe cidammada xukuumaddu ka samaynayaan ayaa lala xidhiidhinayaa isku dhacyada ka dhex-oogan ciidammada xukuumadda iyo shacbiga Tigree, oo si wayn uga soo horjeedda siyaasadda Melese Zenawi.

4- Ciidanka booliska ee magaalada Jimma oo shaqo joojin sameeyay

Ciidanka booliska ee magaalada Jimma, oo ka tirsan gobolka Oromiya, ayaa todobaadkan shaqo joojin sameeyay, isla markaasna billaabay bannaanbaxyo is-daba-joog ah oo uu kaga soo horjeedo olole ay waddo xukumada Itoobiya oo booliski kilil ku-sheegga Oromiya ay ku baddalayso dad uu dhashay qowmiyadda Tigreega.

Ma aha markii ugu horeysay ee uu khilaaf soo dhex-galo ciidanka booliska iyo askarta Tigreega ee ku sugan dhulka Oromiya.

Sagaalkii bishan August waxaa qaar ka mid ah booliska Oromiya ay rasaas oodda kaga qaadeen askar tigree ah, oo ku sugnaa Arada Hotel, oo ku yaalla magaalada Jimma, waxayna halkaas ku dileen laba ka mid ah askartaas Tigreega ah, mid kalena way dhaawaceen.

5- Eriteriea iyo Masar oo ka midaysan shirka dib u-heshiisiinta Soomaaliya

Eritrea iyo Masar way ku mideysanyihiin aragtidooda dhinaca ku wajahan shirka dib uu heshisiinta Soomaaliya, sidaasna waxaa yidhi wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Masar uu qaabilsan arrimaha Afrika Sami Yasin Abd-al-Shahid,kaa soo 18 bishan agoosto xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Eritrea Ali Sayyid Abdallah.

Kulankaas, oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii ay dalalka Masar iyo Eritrea isugu diyaarin lahayeen shirka dib uu heshisiinta Soomaaliya oo la filayo inuu  ka dhaco dalka Kenya 16-ka bisha Septembar, waxaa kaloo lagaga hadlay xaaladda Suudaan, gaar ahaan heshiiska ay dhowaan wada galeen dowladda Suudaan iyo Jabhadda SPLA ee ka halganta koonfurta Sudaan.

Masar iyo Eritrea waxay wada hadalkan uga gol-lahaayeen inay ku mideeyaan arigtidooda siyaasadeed ee ku aaddan xal u-helida khilaafaadka ka oogan gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibbeda ee Eritrea waxuu kaloo la kulmay Xogayaha Guud ee Jamacaada Carabta Dr. Camri Muusa.

Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo 

radioxoriyo@aol.com      
 radioxoriyo@ogaden.com 

 
Dhegeyso warkan oo Cod ah

Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo ee Geeska Afrika.


WARARKA OGADEENYA:
August.23.2002August.16.2002 August.13.2002August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD