SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: June 25, 2004



 

MAXAAD KA TAQAAN DAAFICII UGU WANAAGSANAA EE SOO MARA XULKA QARANKA INGIRIISKA QARNIGII 20-AAD

Qaybtii 8-aad:

Waxa uu ku dhashay waddanka Ingiriiska 12-kii Bishii April 1941-kii, magiciisu waa Bobby Moore waxa uu ahaa daaficii ugu wanaagsanaa xulka Qaranka Ingiriiska qarnigii 20-aad, iyadoo kooxdii ugu horreysay ee ka dhisan waddanka Ingiriiska ee uu u ciyaarana ay ahayd kooxda Kubadda Cagta Westham United, xilligaas oo uu ahaa 17-sano jir, isagoo isla xilligaana ka qayb galay Koobkii Adduunka ee 1962-kii lagu qabtay waddanka Chile ee xulka Brazil uu 3-1 uga qaaday xulka Czechoslovakia, isagoo isla waqtigaana xulkiisa England soo gaarsiiyey Quarter-final-kii Koobkaasi. Bobby Moore waxa uu xulkiisa u qaadan jirey funaanadda Lambarka (6) in ka badan 10-sanadood oo uu u ciyaarayay, waxaana uu ahaa nin Gentelman ah oo si fudud u fikiri jirey marka ay la soo gudboonaadaan weeraryahannadii xilligaa ugu cad-caddaa, isagoo awoodna u lahaa ka hortago weeraryahannada, si fududna uga fara-marooqsado Kubadda.

Moore waxa uu ahaa Kabtankii xulka Qaranka Ingiriiska, markii xulkiisa England uu ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 1966-kii lagu qabtay waddankooda England, kaddib markii ciyaartii Final-ka ahayd 4-2 ay dhegta dhiigga ugu dareen xulkii West Germany, sidoo kale Moore waxa uu fure gooni ah u ahaa hanashadii Koobkaasi ee xulkiisa, inkastoo xilligaasi uu galay Moore qalad keeni karay in xulka England oo martigelinayay ciyaarahaasi uu si fudud uga haro Koobkii Adduunka, kaddib markii uu lugaha isugu dhuftay weeraryahankii xulka Qaranka Portugal Eusebio, inkastoo qaladkaasi rigooradii laga dhigay uu bad-baadiyey goolhayihii xulka England.

Moore oo ku faanaya kabtannimada xulkiisa ayaa waxa uu ka guddoomay Koobkii Adduunka ee xulka Qaranka Ingiriisku ku guuleystay 1966-kii Boqorkii Great Britain, waxaana isagoo faraxsan uu yiri “Hore ayaa loo saadaaliyey in aan ku guuleysanayno Koobkan, maxaa yeelay waxaa suurtogal ahayn in Koobka aan martigelino haddana aan ku guuleysan wayno”.  Bobby waxaa sanadkii 1964-kii oo ahayd ka hor Koobkii Adduunka uu ku guuleystay ciyaaryahankii sanadka ee waddanka Ingiriiska, isagoo noqday daaficii ugu horreeyey ee nasiib u yeesha abaalmarintaasi. Moore waxaa kooxdiisii Westham United uu kula guuleystay Koobkii FA-ga waddankaasi iyo Horyaalka waddanka Ingiriiska (Premier-ship-ka), iyadoo taasina mas’uuliyiinta kooxda Westham ay abaalmarin khaas ah ku guddoonsiiyeen.

          Bobby Moore waxaa xulkiisii England uu kala qayb galay saddex Koob Adduun oo kala ahaa Koobkii Adduunka ee 1962-kii, 1966-kii iyo 1967-kii, isagoo xulkiisa England u saftay 14-kulan oo Koob Adduun ah, hase yeeshee nasiib uma yeelan in uu gool u dhaliyo xulkiisa intii ay socdeen Koobabkaasi, waxaana mar wax laga weydiiyey Captain Moore sababta uu gool u dhalin waayay Koobabkaasi Adduun waxa uu ku jawaabay “Shaqadeydu ma aha in aan gool u dhaliyo xulkeyga, maxaa yeelay xul walbaa waxa uu leeyahay weeraryahanno, balse anigu waxaan ahay Daafac, shaqadeydana si wanaagsan ayaan u gudanayaa”.

          Kabtankii Xulka Ingiriiska Bobby Moore waxa uu xulkiisa England ka fariistay isagoo sumcad ku dhex leh guud ahaan waddanka Ingiriiska, sanadkii 1973-kii, ka hor bilowgii Koobkii Adduunka ee 1974-kii ka dhacayay waddanka West Germany, hase yeeshee nasiib darro ayaa ku habsatay Bobby Moore, taas oo ahayd markii 1991-kii uu ku dhacay cudurka Cancer-ka.

          Dhaqaatiir fara badan ayaa isku dayay in ay wax ka qabtaan daweynta halyeygaasi oo isugu jirey illaa dhowr waddan, nasiib darro waa ay guul-darreysteen in xitaa ay ka khafiifiyaan jeermiska cudurkaasi, waxaana laba sanadood kaddib oo ku beegnayd 1993-kii uu Moore u geeriyooday cudurka Cancer-ka, isaoo da’diisuna xilligaasi caga-cageyneysay 51-sano jir.

Akhri waayihii isboorti ee weeraryahankii ugu goolasha badnaa xulalka Adduunka qarnigii 20-aad.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue).
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com |June 25, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD