SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
GERMANY: SADEX, SADEX, SADEX IYO SADEX DALAAQOOD


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

3/3/3

 
KAAH

Sadexda bisha sadexaad ee labada kun iyo sadexda 03.03.03 ayaa maanta dalka Jarmalka siweyn looga qadariyay.

Qadarinta ayaa lahayd laba waji.

--waa ta horee,iyadoo waji diineed ah,waxaa ay ahayd maalinta loo bixiyay"faschingtag"(rosen montag),waa maalin gobolada qaarkood ka ah maalin qaran oo dhamaan meheradaha iyo shaqooyinka laga fasaxanyahay, iyadoo guud ahaan dalka looga debaaldego,waa maalinta ay yiraahdaan waa maalintii kala guurka ee dabaysha SHAYDAANKA iyo naxariista ILAAHAY,. taasoo micnaheedu yahay waxaa sii baxaaya xiligii barafka, iyadoo ay dadkii hore ee reer yurub oo aan xiligoodii haysanin qalabka guryaha iyo baaburtaba kulayliyaa uu aad u dhibijiray barafku kuna tilmaameen in ay tahay ciqaab dadka uga imanaysa shaydaanka marka uu xiliga kuleeluhu soodhowyahayna ay isu diyaarinjireen arinta ay ugu yeereen "calaamadii naxariista eebe"taasoo ay farxad iyo damaashaad ku qaabilayaan.

waxaa xafladan sanadlaha ah sirasmiya loo bilaabay 26.february 1838.

--Waa tan labaade,oo ah tan igu dhiirigalisay in aan warsaxafadeed kadhigto.

koox kale oo reer jarmal ah ayaa waxaa ay caadaysteen in ay is guursadaan marka ay isku aadaan tirsiga maalmaha, bilaha,iyo sanadka, sida shanta bisha shanaad sandka konton iyo shanta 05.05.1955. ama lixda bisha lixaad sanadka lixdan iyo lixda 06.06.066.

Maaha arin diineed iyo mid dhaqan midnna, balse waxaa ay ku micneeyeen in ay isguursadaan si aysan u iloobin taariikhdii ay (is guursadeen),  iyagoo intabadan sanadguurada kasoowareegta guurkooda ay labadoodu sigaara u xustaan ,siiba islamarkaana aanu ninku u iloobin in uu marwadiisa hadiyad fiican usoogado habeenka sandguurada, waxaa ay xujo cad kunoqonaysaa ninka oo hadii uu is yiraahdo si ay kuugu baaqato lacagtii aad hadiyada ku soo iibinlahayd iskayarehe dafir oo waxaad tiraahdaan "naa maanta ma,ahayne nooyarehe kaadi" oo ay naagtu si sahlan u oronayso war mawaadan sadexdan dalqadood igu xiranin, sadexdii bishii sadexaad labada kun iyo sadexda.

Arooskii iigu horeeyay ee noocaas ah waxaan ka qayb galay SAGAALKII BISHII SAGAALAAD EE SANADKII SAGAASHAN IYO SAGAALKA:

Soomalida lafteeda yurub degen tirsigan isku beegan si ayay ugu badanyihiin, kase duwan sadex dalqadood isku xirasho balse u dhow ilowsha, ha.maaha intabadan dad ku dhashay dhakhtar amaba xasuusta maalintii iyo bishii ay dhasheen ,waase lagayaabaa in ay xasuustaan sanadkii,waxaa ay yimaadeen wadan inta aan magacaagaba laguwaydiin lagugu horaysiinaayo taariikhdii aad dhalatay,maadaama lagaa qoraayo ayay si aysan ugu adkaanin barri kamaalin ay u sheegan nimankan gaalo taariikh u sahlaysa xusuutooda barito.

sarkaal sare oo kamida booliiska magaalada hamburg ee GERMANY oo maalin televionka laga waraysanaayay ayaa yiri soomaalida waxba yaan daalac loogu raacanin taariikhda dhalashadooda, dhamaantoodna waxaa ay wadadhasheen 1.1.70 ama 1.1.1960. ama 1.1.1950.

Waxaa uu yiri nin ayaa ii yimid si aan waraysi "interview" uga qaado waxaan iri goormaad dhalatay wuxuuna yiri waxaan dhashay 1.1.70, waxaanse anigoo waji naxariiseed oo aan ka nixinin ku eegaya ka codsaday in uu taariikh kale ii sheegto maadaamo taariikhdan 1.1.70 uu wiilkiisu ka horsheegtay .

Maanta sadexda bishan sadexaad labada kun iyo sadexda qudhayda si ayay farxad iigu ahayd oo waxaan helay kadib markii uu E-MAIL uu ka helay shabakadda www.somalitalk.com saaxiibkay aad iigu qaali ahaa oo aanu radio halgan/radio kulmis/ ka wada hadlijiray cabdi farax siciid JUXA oo aan sideedii sano ee ugu danbaysay warkiisa raadinaayay, ogaadayna in uu ka hadlo Radiosomalivois dalka maraykanka .

Xagar Yare 

xagar91@hotmail.com  
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany 

<><><>

LIIBIYA WAA MARTI KA CALOOLWEYN ADDIS-ABEBA
Faaladii Xagar Yare ee Shirka AU.. GUJI... feb 5

I  I  D  H  E  H

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD