SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
LIIBIYA AYAA UGA YEEDHATAY SAFIIRKEEDII SAUDI ARABIA !!!


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

3/3/3

 
KAAH

Sida uu Qirayo war rasmi ah oo soobaxay maalinimadii isniinta 03.03.2003 Dawlada liibiya ayaa safiirkeedii dib ugu yeedhay ka fadhiyay RIYAAD si ay wada tashi ula yeelato, kadib markii Sabtidii ay shirkii ay wadamada carabtu lahaayeen siweyn isugu dheceen hogaamiyaha jamhuuriyadda liibiya Mucamar al-qaddaafi iyo ninka iskaleh dhaxalka taajka boqortooyada dalka sacuudi caraabiya Amiir Cabdullah bin CAbdul Caziiz.

sida uu warku sheegayo waxaa go,aankan qaatay baarlamaanka liibiya ee "GPC"(General peoples Congress),taasoo ay ku macneeyeen sida uu baarlamanku u saluugay waxa ay ugu yeereen"duqaynta qaawan"ee amiir cabdala-loona gaystay qadaafi.

waxaa kaloo uu warkani intaas raacinayaa in baarlamaanku ka arinsan doono oo kale mustaqbalka xidhiidhka Tripoli iyo Riyaad,iyo waliba kamid ahaanshaha liibiya ee Ururrka Jaamacadda Carabta.

Dhamaan idaacadaha layska arko"Televion"ee dunida carabta ayaa sadexdii maalmoodee ugu danbaysay si soo noqnoqonaysa laysaga tusaayay Farriinta Amiir Cabdullah oo si cadho leh ugu ruxanaysa dhankaas iyo Qadaafi iyagoo isku horfadhiya shirkii magaala xeebeedda Sharm El-sheikh.

"Waryaaa dhab ahaantii kursiga Xukunka Kugu dulfadhiisiyay?"ayuu amiir Cabdullah isagoo farta ku fiiqaya isla markaana aad u lulaya ku lahaa hogaamiyaha liibiya Qaddaafi,

Waxaa la malaynayaa in ninka iskaleh dhaxalka taajka boqortooyada dalka saudi-arabia uu kursigaas ula jeedo in afganbigii 1969kii uu qadaafi ku sameeyay boqortooyadii ay badhitaarijireen ingiriiska uu maraykanku u fududeeyay.

"waxaa tahay beenaale,taasnna qabrigaagaa kugu sugaaya"ayuu amiirku hogamiyaha intaas u raaciyay.

Liibiya waxaa ay boqortooyada shirka kaga dhex eedaysay in ay maraykanka u sahlayso in ciraaq wixii dooni laga yeelo.

Dawladda liibiya waxaa ay 24kii oktoobar ku dhowaaqday in ay kabaxayso ururka jaamacadda carabta, taasoo ay sabab uga dhigtay in ay carabtu ku guul daraysatay in ay joojiso falalka naxdinta leh ee baytiri ay israaiil dharaar walba ku hayso maatada falastiin iyo ka hortaga waxa ay ugu yeedhay Gardarada qaawan ee maraykanku ku hayo ciraaq.

Waxaa liibiya ku tirtirsiyay in ay bal u yarehe kaadiso kabixidan ay ku hanjabtay Xoghayaha guud ee jaamacada carabta Caamer Muusa, balse bishii December 2002ka ayay warbaahinta codka dawladu farta ku fiiqday in ay liibiya go,aankeedaasi ku adkaysandoonto tan iyo inta ay carabi ku guul daraysanayso dar-dar galinta xeerka jaamacada ee dhowraaya xaqa ruuxa carabka ahi ku leeyahay in nabad galyadiisa iyo noloshiisa la daryeelo, isla markaasna uusan jirin damaanad qaad shucuubta carbeed ka horjoogsanaaya khatarta ay kulaalayaan.

Xagar Yare 

xagar91@hotmail.com  
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany 

<><><>

USA OO WEERARKA CIRAAQ U ISTICMAALI DOONA SUNTA GAASKA AH EE DOWLIYAN MAMNUUCA KA AH 
Sidaas waxaa ku warantay jariidada Independent, UK.... GUJI..
 

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

<><><>

LIIBIYA WAA MARTI KA CALOOLWEYN ADDIS-ABEBA
Faaladii Xagar Yare ee Shirka AU.. GUJI... feb 5

I  I  D  H  E  H

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD