SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
WEERARKA CIRAAQ: MAXAY KA YIRAAHDEEN SIYAASIYIINTA ADUUNKU?


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

3/18/3

 
KAAH

BONBAANO lala dhoco Baqdaad irida ayay u saarantahay.

Xalay waa soodhowaadkii dhinaca bartamaha yurub abaare 2dii ayuu madaxweynaha maraykanka GEORGE W. BUSH isaga oo aan waraaq ka akhrinaynin kaameerada wariyuhu u hayayna indha ku eegaya ugu yedhay Saddam Xuseen iyo labadiisa wiil in ay 48 saacadood kaga qaxaan dalka ciraaq.

Hadaba "Maxay Ka Yiraahdeen siyaasiyiinta Caalamku".?

Germany

Chanselorka Dalka Jarmalka Gerhard Schroeder oo ka hadlaya TVga una hadlaya si dhiiranaani kujirto ayaa waxaa uu yiri "Dagaalkan haatan lagu yaboohay Mid Ku haboon MAAHA in lagu talaabsado,aniga xagayga dilka Caruur, Waayeel, Haween iyo Rag aan intuba waxba galabsanin Kolkii horana Diiday, Haatanna Diiday" Waan ku kalsoonahay in dhamaan shacbigayga iyo caalamka intiisa kaleba ay arintaas ila qabaan,waxaan ka makhraati kacayaa in Ciraaq Ogolaatay Dhamaan Shuruudihii uu Caalamku isagoo u maraya Qaramada midoobay ku xiray,iyadoo si buuxda UN ulashaqaynaysay.

Australia

Xoghayaha xisbiga mucaaradka Mr Crean oo Barlamaanka dalkiisa ka hadlaayay ayaa yiri "Dagaal aan muhiim u ahayn shacbigeenna oo aan ku taageerro Maraykanka waxaa kali ah oo ay soo kordhinaysaa Fal Argagixiso oo laga fuliyo Gudaha AUSTRALIA. Maalin madaw ayaa australia u soo hoyatay, waana gabal madaw oo u dhacay dhamaan xiriirka caalamiga ah,maanta diblomaasiyadii waa la aasay australiana waxbay ka aastay."

Indonesia waxaa uu ugu muuqdaa sharci darro.

Dalka indonesia oo ah Dalka dad ahaan ugu tirada badan muslimiinta aduunka ayaa maanta oo talaada ah 18/3/03 sheegay in dagaal lagu qaado oo aysan ansaxinin qaramada midooba uu yahay mid aan sinaba u waafaqsanayn sharciga, "waxaan u aragnaa in la aasay xaqii dibloomaasiyadda,lana furay wado kale oo qarda jeexa, waxaanan la aasay oo aan hada kadib micno samaynaynin dibloomaasiyadii caalamka taasna waxaan u aragnaa in uu bilaabay Maraykanku" sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo u hadlay wasaarada arimaha dibadda oo layiraa Marty Natalegawa.

Sharcigu xaqii uu mudnaa waa la aasay!

MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ ?? TAARIIKHDA CIRAAQ
Waa faallo ku saabsan Ciraaq oo uu qoray C/Raxmaan Darbane

CIRAAQ & DAGAALKA MAREYKANKU LA DAMACSAN YAHAY
Faallo iyo warbixin dheer oo uu qoray Shariif Macallin Maxamed

MAXAA CIRAAQ LOO QABSANAYAA? ... FAALLO 1aad
waxaa isku soo dubaridey Axmed Dowlo...

VIDEO: BUSH OO SADDAM U QABTAY 48 SAACADOOD
Kudhbaddii uu Bush xalay u jeediyey dadka Maraykanka ayuu ku sheegay in Saddam iyo wiilashiisu ay Ciraaq kaga baxaan 48 saacadood hadii kale la weerarayo... Daawo Khudbadii Bush March 18, 2003

ururka jaamacadda carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira ayaa Si qeexan u diiday wakhtiga kama danbaysta ah ee loo qabtay Reer Saddam Xuseen.

Waxaa ay diidmadaas qayaxan ku yiraahdeen "Washington waxaa ay ku dhaqantay talaabo dibadda ka ah xeerka caalamiga ah" ururka Jaamacada carabtu waa uu ka cadhooday, sinabana uma aqbalaayo kama danbaystaas loo qabtay Saddam iyo caruurtiisa" ayuu yiri afhayeen magaalada qaahira uga hadlay ururkaasi oo magiciisa layiraa Xishaam Yussef,

"axdiga lambarkiisu yahay 1441 ee qaramada midoobay ka dajisay Ciraaq uma xadidaayo wakhti sinaba, wuxuuna caalamku isaga makhraati kacay in ay ciraaq u dhaga nuglaatay Baaqyadii loo soo jeediyay oo dhan" ayuu yiri.

CANADA:

Daawo hadalkii uu Ra'iisul wasaaraha Canada, Jean Chrétien.

BAARIIS.

Madaxweynaha faransiiska oo la sheegay in uu xalay oo dhan soo jeeday isagoo sugaaya qudbada BUSH ayaa isla saaka yiri "go,aankaas dagaal qadashada ahi waa mid ku kali ah reer maraykan, anakase nooma muuqato wax soo dedejiya weerar."

Maraykanka ciidamada ka jooga bariga dhexe iyo khaliijka ayaa sidan loo tira koobay.

  • -Bariga Badda Medetreanianka ee ku aadan khaliijka 48.000
  • -Saudi-arabia=8.000
  • -Baxarayn =5.000
  • -Qadar =8.000
  • -Cumaan =3.000
  • -Kuwait = 130.000

 

Xagar Yare 

xagar91@hotmail.com  
___________________________

XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk Germany

<><><>

HORUMARKA AAGA SOOMALIDA AYAA XAWLI KUBILAWDAY 2003
Geyiga arimihiisa hoose u xorta ah ee ismaamulka soomaalida ETHIOPIA ayaa sanadkan 2003 ugu bilowday sansaan fiican oo.... 
FAALADII XAGARYARE 2/3

USA OO WEERARKA CIRAAQ U ISTICMAALI DOONA SUNTA GAASKA AH EE DOWLIYAN MAMNUUCA KA AH 
Sidaas waxaa ku warantay jariidada Independent, UK.... GUJI.. 

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

<><><>

LIIBIYA WAA MARTI KA CALOOLWEYN ADDIS-ABEBA
Faaladii Xagar Yare ee Shirka AU.. GUJI... feb 5

I  I  D  H  E  H

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 

afeef: aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD