SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MUQDISHO
Ciidamada booliiska oo ku hubaysan qoryaha culus oo ku sii qulqulaya Suuqa Dayax

"10,000,000 Sh, So ayaa La Dhacay, Laba Gabdhoodna waa La Qafaashay Suuqa Dayax"

CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA

A. D. | weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

Agoosto 7, 2002  

Ciidamada booliiska ee dawladda KMG ah, oo ku hubaysan gawaarida gaashaaman ee loo yaqaano Tiknikada, ayaa xalay iyo saaka la arkayey iyagoo ku soo qulqulaya suuqa Dayax oo ku yaala degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, ka dib markii shalay galabtii ay niman dablay ahi, oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa shan iyo toban, ay shalay dhac u gaysteen suuqa Dayax, waxaa lagu soo waramayaa inay nimankaas burcadda ahi markii ay soo galeen suuqa dadka weydiisteen lacag garaysa 4,000,000/Sh,So, iyo afar naagood sida ay xaqiijiyeen dadkii halkaas ku ganacsanayay.

Ugu danbayntii ayey dablaydii halkaas ka dhaceen lacag ka badan intii ay dalbadeen markii hore oo dhan 10,000,000 Sh, So, iyo waliba labo gabdhood oo ay horey u sii kaxaysteen.

Dadka ku ganacsada suuqan Dayax oo aad uga argagaxay dhacdadan yaabka leh, ayaa qaylo dhaan u dirsaday ciidamada booliiska ee dawladda KMG ah, taas oo ay ka jawaabeen ciidamada ammaanka ee xukuumadda KMG, oo xalay iyo saakaba halkaa u dirayey ciidamo suga ammaanka suuqa.

suuqa Dayax; waa suuq ay halkaas ka xaarxaartay dawladda KMG ah, ka dib markii dad ganacsata ah oo si sharci darro ah ugu gancsan jiray wadooyinka, ay xukuumaddu ka rartay goobihii hore, ka dib markay u diyaarisay suuqan loo yaqaan Dayax.

Dawlada hoose ayaa durbadiiba bilawday, inay dadka cashuur ka qaado, taas oo ka caraysiisay qaar ka mida hogaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda dawladda KMG ah, sida saaka ay shegeen qaar ka mida saraakiisha booliisku waxay dhacdadii shalay galab ku eedeeyeen inay ka danbeeyaan waxa ay ugu yeereen mucaaradka ku kacsan dawladda KMG ah.

SHAQAALE KATIRSAN U.N. OO LAGU AFDUUBAY XAMAR
Abdulkadir Mohamed Abikar oo u shaqaynayey hay'adda cuntada u qaabilsan qaramada midoobey ee loo yaqaan FAO ayaa maalintii Isniintii (Agoosto 5) lagu afduubay magaalada Muqdisho, sidaas waxaa cadeeyey Afhayeen UN-ka uga hadlayey Nairobi
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
Dhinaca kale dadka reer Muqdisho ayaa shalay ilaa maanta waxay si aada uga sheekaysanayaan dhacdooyinka naxdinta leh ee ku soo kordhay Muqdisho oo ay ugu danbaysay dhacdadii shalay ee loo gaystay gabadhii yarta ahayd, oo inta la fara xumeeyey ka dibna la dilay.

Sidoo kale waxay dadku si aada u hadal hayaan dhacdadii shalay ka dhacday suuqa Dayax oo burcaddu ay ku qafaalatay labo gabdhood iyado taasi aysan ahayn wax looga bartay burcaddu inay falkan oo kale ku kacaan.

“Waa arimo siyaasadeed, rag dagaal oogayaal ah, ayaa doonaya inay ku gaaraan darajo iyo jago siyaasadeed dibindaabyada ay ku hayaan dadka Masaakiinta ah” Sidaana waxaa tiri Ayaan Daahir oo ka mida dadka dan yarta ah ee ku gancsada suuqa Dayax.

Xaaladda Baydhabo Oo Aad U Kacsan Maanta

Magaaladda Baydhabo oo todobaadyadii tagay uu dagaal kululi ku dhex maray ciidamada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Shaati Guduud, iyo ciidamada ka soo horjeeda ee daacada u ah, Md. Shiikh Aadan Madoobe iyo Md. Xaabsade, oo horey u ahaan jiray ku xigeenadii Shaati Guduud ee ururka RRA. [Warkii hore ee Baydhabo]

Md. Shiikh Aadan Madoobe iyo Md. Xaabsade oo looga saaray magalada Baydhabo dagaalkii ay la galeen Ciidamada Shaati Guduud , ayaa hadda lagu soo waramayaa in dadka reer Baydhabo ay beryahan danbe cabsi ku jiraan ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in labadii nin e horery looga saaray magaalada ay imminka mar kale doonayaan inay dib dagaal ugu soo qaadaan magaalada Baydhabo, wararka laga helayo dadka ku sugan deegaanada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya inay jiraan saanad Milatari oo Shiikh Aadan Madoobe iyo Xaabsade ay ka heleen dawladda dalka Itoobiya.

 
BAAQ NABADEED OO KUJEEDA  PUNTLAND
BAAQ AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA

BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.

Duulaanka, Dilka, Dulmi jacaylka, Diin Nacayba, Darajaan ku Doon Doonayaa!!!  
Marxaladdii Puntland Oo Isbadashay
Dhinaca kale Cali Marguus oo horey uga mid ahaa raga dhexdhexaadinta ka waday dhinacyadii Baydhabo isku hayey intii uusan dhicin dagaalkan u danbeeyey ee looga taagta roonaaday kuwii Shiikh Aadan Madoobe iyo Xaabsade, ayaa hadda lagu soo waramayaa inuu Diinsoor ka wado shirar gaar gaar ah oo uu la leyahay beelaha halkaa dega isaga iyo qalinle oo ahaa guddoomiyihii gobolka Bay. Shaati Guduud ayaa ku eedeeyey Cali Marguus inusan markii horeba dhexdhexaad ka ahayn arimaha labada dhinac uuna ahaa nin is magacaabay, halka uu sheegay in Qalinlana uu yahay nin raacay qoladii carartay, “Waxaa anaga noogu danbaysay isagoo guddoomiyihii gobolka Bay ah, ka dibna waxaannu ka war helnay inuu raacay qoladii mucaaradka” hadalkanna waxaa yiri Shaati Guduud oo ku celceliyey, inuu aad uga xunyahay dagaalkan dhexmaraya dadka walaalaha ah oo shalay isgarab taagnaa, halganna u soo galay goboladan Bay iyo Bakool, waa siduu hadalka u dhigaye.

Mogadishu Weekly Reporter A.D.
Mog- Somalia weekly@somalitalk.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

FAAFIN: August 6, 2002 | SomaliTalk


Ciidanka ShaatiGuduud oo si Buuxda ula Wareegey Magaalada Baydhabo
Ciidamada daacadda u ah Col. Maxamed Nuur Shati Guduud ayaa si buxda ula wareegey magaalada..
GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  



 I   I  D  H  E  H 

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD