SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNESOTA
22 JIR SOMALI AH OO ISU SOO SHARAXAY MINISHIIBIYADA MAGAALO KA TIRSAN MINNESOTA!

Murshid Baaruud oo ah 22 jir soomaali ah ayaa isu soo sharaxay jagada xubin guddiga Minishiibiyada Magaalada Eden Prairie ee ku taalla daafaha magaalada Minneapolis ee gobolkan Minnesota.


Murshid Barud

Murshid baaruud wuxuu noqonayaa qofkii labaad ee soomaali ah ee si rasmi ah xafiis dowladeed isugu soo sharaxa gobolkan minnesota, ka gadaal Maxamuud Wardheere oo kal hore isu soo sharaxay jagada Duqa magaalada minneapolis ruuxeeda, inkastoo uu ku fashilmay in la doorto, haddana tallaabadan waxeey wax weyn ka badashay sawirka laga heystay guud ahaan qoxootiga goblkan, gaar ahaan soomalida oo lagu tilmaamayo ineey firfircooni dheeraad ah la yimaadeen, tusaale ahaan Jaaliyada (Hmong) ee ka soo jeeda wadanka ( Laos) oo ah jaaliyadda ugu badan tira ahaan qoxootiga gobolkan, soo gaarayna gobolkan intooda badan intii u dhexeeysay sanadihii 1978 - 1983 markaas oo dagaala ba'ani ka socdeen wadankooda, ayaa markii ugu horeysay xafiis dowladeed qabteen sanadkan 2002 markii gabar (Hmong) ah eey ku guuleysatay ineey xubin ka noqoto aqalka odayaasha gobolkan Minnesota.

Murshid barud laba sano ka hor ayuu ku dhawaaqay inuu rajjo ka leeyahay inuu xafiis dowladeed isu soo sharoxo, waxaana ilaa & hadda isu soo sharaxay laba qof oo kaliyah jagadiisa, wuxuuna ka kooban yahay guddiga munishiibiyada Magaaladaas laba qof oo kaliyah, taas macneheedu wuxuu yahay hadii eeysan dadkale isa soo sharixin, fursada guuleysashada murshid aad ayeey u badan tahay !

" waa inaan fikrado cusub ku soo biirinaa magaalada " " fikradaha cusubina dhalinyarada ayaa laga dhex helaa" ayuu yiri murshid oo sheegay inuu jaaliyada soomalida la shaqeeynayey 3-4 sano ee ugu danbeeyey, sidaas daraadeedna " aan ku fikiray inaan hal tallaabo hore u koco oo aan jago doorasho lagu yimaado oo ka waasacsan midda aan hayo u gudbo" ayuu yiri murshid oo sidoo kale tibaaxay inuu ku fikirayo inuu aasaaso xafiis uu ugu shaqeeyo jaaliyada soomaalida.

wuxuu kaloo kuraygan soomaaliyeed u sheegay saxaafadda inuu ka walwalsan yahay in shirkadda weyn ee Best Buy ee ka gacansata qalabka Electronic-ga ama korontada ku shaqeeya eey ka guureyso magaaladiisa oo hadda xarun u ah, shirkadan oo ka mid ah saddexda shirkadood ee ugu waaweyn ee gobolkani minnesota xarunta u yahay, caalamka oo dhana ganacsi weyn ku leh ayaa dhowaan xarunteeda caalamiga ah u rareysa magaalada eey dariska yihiin ee Richfeild, isla gobolkan, ha yeeshee murshid wuxuu carabaabay " inuu ku dadaali doono inuu shirkado kale ku soo jiito magaaladiisa, si shaqooyin badan loo abuuro" !

Murshid wuxuu mareykanka joogaa 7 1/2 todobo sano & bar, oo sadexdii sano ee ugu danbeeyey u ka degenaa magaalada Eden Prairie, waana xaas-le hal caruur ahna leh, waxaana markii hore la oran jiray ( Cali Mux'ud) oo uu iska beddelay ku dhawaad laba sano ka hor, wuxuuna sabab uga dhigay " inuu ku laabanayo magicii hooyadiis ula baxday" ! waana markii ugu horeysay oo uu qof soomaali ah qirto inuusan laheyn magaca uu ku yimid wadankan, waliba si facshar ah !

Mr Barud wuxuu sheegay in guddiga hadda talada magaalada haya uu u baahan yahay inuu codad ka duwan ku soo biiriyo magaalada, wuxuuna intaas raaciyey inuu aad ugu dadaalayo ka hortagida " fikradda dad badani aaminsan yihiin ee ah in dadka qaxootiga ah eeyan awood u laheyn ineey xafiis dawladeed maamulaan" ayuu yir " waxaana u adeegi doonaa dhamaan dadka magaalada, " Midab keey rabaan ha lahaadaane" .

Murshid oo sharaxaya qorshihiisa hadii loo doorto xafiiskan ayaa yiri " waxaan muhimmada koobaad siinayaa nabad galyada, waxaan doonayaa in caruurta magaalada dagani ku badbaadaan wadooyinka, goobaha waxbarashada, baararka & goobaha lagu ciyaaro" murshid wuxuu sheegay inuu dhimi doono xawaaraha gawaarida kumaraan waddooyinka Eden Prairie oo hadda u dhexeeya 50-55 mile saacadiiba, " waxaan dhimi doonaa 10 ilaa & 5 mile saacadiiba " ayuu yiri Murshid Barud oo sheegay inuu isu arko inuu yahay qofkii ugu wanaagsanaa ee loo doorto jagadaas si uu dhaba galiyo qorshayaashiisa.

Murshid wuxuu ku soo gaba-gabeeyey " aad baan u jeclahay Eden Prairie, waa magaalo aad u daggan oo xasiloon, hadii aan ka guurana, macneheedu wuxuu yahay waddanka oo dhan inaan ka guurayo, waxaana diyaar u ahay inaan caawiyo magaaladan" .

Magaalada uu iska sharaxayo murshid ayaa lagu tiriyaa ineey ka mid tahay magaalooyinka ugu hodansan dhaqaale ahaan gobolkan minnesota, wexeeyna hadda safka hore kaga jirtaa magaalooyinka ugu kirada qaalisan guud ahaan gobolkan minnesota.

Murshid Barud hadii la doortana wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horeeyey ee xafiis dowladeed oo heerkaas ah haya oo soomaali ah inta laga warqabo.

C/raxman Ceynte

MPLS, MN

Ceynteyare@hotmail.com 

 

FAAFIN: August 8, 2002 | SomaliTalk


Casharadii Saxaabada oo Dib u Bilowday
Casharadii hab nololeedkii saxaabada rasuulka (scw) ee laba-toddobaadlaha ahaa ayaa markale dib u bilowday, saxaabiga toddobaadkana waa ABUU DAR AL QHIFAARI Agosto 8
INTEE KATAQAAN SAXAABADA: Su'aalaha Toddobaaka 

»» Puntland warns the Swiss Authorities and banking institutions 


BAAQ NABADEED OO KUJEEDA  PUNTLAND
Anagoo ah wax garadka dhalinyarada iyo aqoonyahanada kasoo jeeda Jaaliyadda Puntland ee ku nool wadanka dibadiisa gaar ahaan wadamada Africka , waxaan u tacsiyeyneynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka dhinteen dhamaan dadkii ku geeri yooday dagaalkii ka dhacay agagaarka Qardho.
GUJI... Agoosto 6
BAAQ AY SOO SAAREEN URURKA DHALIN YARADA SOMALI GALBEED EE NORTH AMERICA
waxaa aad iyo aad tiiraanyo naxdin leh u ah in guud ahaan dadka somalida ahi gaar ahaan SOMALIDA GALBEED ay ku jiraan marxalad aad u qalafsan habka kali ah ee lagaga bixi karaana tahay isfaaham, midnimo iyo,is ku duubni isku tashi ummadda somali galbeed GUJI...
  Agoosto 6

BAYAAN KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA 2aad EE DADKA GOBOLKA JUBBADA HOOSE.
Waxaa bishan Ogoosto 2-4dii 2002, lagu qabtay magaalada Dan Haag ee dalka Holland shirweynihii 2aad ee dadka Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socday Nord Amerika iyo Yurub iyo dadweyne lagu martiqaaday shirka ee deggan dalka Holland. Shirweynaha waxaa marti geliyay oo si aad iyo aad ah u soo dhaweeyey ergooyinka Jaalliyadda Reer-Waamo ee ku nool dalka Holland.
  GUJI... Agoosto 6

Duulaanka, Dilka, Dulmi jacaylka, Diin Nacayba, Darajaan ku Doon Doonayaa!!!  
Duulaanka, Dilka, Dulmi Jacaylka, Dal La'aanta,Diin Nacaybka iyo Dibin Daabyeynta Sokeeye oo Korneyl Abdullaahi Darajo iyo Dadnimo ku Doon Doonayo Waxay Ku Danbayn Daah nagama saarnoo waa Duli iyo Dadnimo xumo tii ugu darajo liitay. Waxaan facilada iyo faah-faahinta dhaqankiisa inooga filan Qoraalada Saaxiibkay C/waaxid C/laahi Khalaf oo... GUJI... Agoosto 6

Marxaladdii Puntland Oo Isbadashay
Galabnimadii Axadda ayuu Madaxwayne C/laahi Yusuf Axmed soo Booqday Isbitalka wayn ee Magaalada Bosaso, Booqashada C/laahi aya waxay laxarirtay sida ay u socdan Howlaha cafimad ee daryelka dhawaca Ciidamad Labada dhinac oo si wada jir ahi lookeenay Isbitalka BOSASO.
GUJI... Agoosto 6

Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI...
Agoosto 6

Baaqii somaali galbeed ooy qoreen dad aan xilkas ahiiyn.
waxaan dhamaan dad waynaha somaaliyeed ushee yeeynaan inuusan dadkii isku sheegay ineey yihiin somaali galbeed baaquna siwada jir ah loosaa saaray ineeyna waxba kajirin waayo dadka qoraalkan qoraaya waa masuuliintii somaali gabeed waxna kama ogin baaqaana waa baaq aan waxba kajirin GUJI...
Agoosto 6


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

Help The Fight Against Spam!

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD