SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - K/AFRIKA

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika

Axmed Dowlo | Johannesburg, KA | SomaliTalk.com | Dec 13, 2002

Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed ayaa xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaala jidka Sydenham Street xaafada Fodsburg ee magaalada Johannesburg.

Hoos Akhri

alkaramaGuriga marxuunka waxaa markay saacada KA ahayd 9 saac oo habeenimo (waqtiga suxuurta) soo weeraray ugu yaraan laba nin oo dablay ah. Dilkan hubaysan ayaa sida ilaa hadda muuqata ah mid budh-cadnimo ah. Nimanankan tuugada ahi waxay soo jabiyeen shan ganjeel oo uu lahaa guriga oo ah nooca loo yaqaano "flat", waxayna isku dayeen inay galaan qolka jiifka ee Diiriye. Waxaa lays daba marsaday rasaas ilaa 4 xabo ah. Diiriye oo laftiisuu ku hubaysnaa bastoolad ayaa sida muuqata dhaawacay nin ka mid ah nimankan soo weeraray oo markii danbe ay dad Soomaali ah oo aagaas ka dhawaa ku raad qaadeen dhiigii ka daatay.

Ninka ay booliisku u xil saareen inuu baadho falkan dilka ah oo la yidhaahdo Ins. B Malofe ayaa ii sheegay inay booliisku fureen oobi ayna isku dayayaan inta karaankooda ah inay danbiilayaasha keenaan maxkamamd si loogu qaado cadaalada.

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Wadanka K/A wuxuu ka mid yahay wadamada aduunka ugu danbiyada badan waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay kuwa ugu dilka iyo dhaca badan marka laga reebo wadamada "ku jira xaaladaha dagaal"ee ay Soomaaliya ka mid tahay. Waxaa kale oo K/Afrika ay beryahan danbe caan ku soo noqonaysay danbiyada ajnabi nacaybka la xidhiidha.

Marka laga reebo dilkan Diiriye waxaa u diiwaan gashan ururka jaaliyada Soomaalida ee la yidhaahdo Somali Association of South Africa (SASA) 18 ruux oo kale oo Soomaali ah oo loo dilay arimo budh-cadnimo iyo ajnabi nacayb la xidhiidha ilaa sanadkii 1994 tii markii ay Soomaalidu bilowday inay ku soo qaxdo wadankan KA

Diiriye oo 26 jir ah wuxuu ku dhashay degmadda Badhaadhe ee gobolka Jubadda Hoose ee dalka Soomaaliya. Wuxuu ka tagay xaas la yidhaahdo Faadumo C/laahi Buraale iyo wiil jira ilaa 2 sanandood oo la yidhaahdo C/Raxmaan oo labaduba la jiifay guriga markuu shilku dhacayay.

Axmed Dowlo

dawlo@hotmail.com 

SomaliTalk | Johannesburg, KA

Dec 13, 2002

Nin Soomaaliyeed oo Lagu Diley Atlanta, USA 
Ninkaas Soomaaliyeed oo markii uu soo tukadey salaadii taraawiixda kasii aadey shaqo ayaa .... GUJI  8/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika 

Mayor Reer NewZealand ah oo lagu tilmaamay Qabqable dagaal Soomaaliyeed
Arin ku bilaabatay muran u dhexeeya dad Soomaaliyeed oo ku nool NewZealand ayaa isu bedeshey.... GUJI  13/12 

<><><>

Dab Qabsaday Xarun Soomaaliyeed oo kutaal Minnesota, USA

Subaxnimadii khamiista ayaa dab qabsaday xarun ay leeyihiin  jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada St. Cloud, xaruntaas oo ah mid cusub oo ah goob dhaqameed "Somali Cultural Center".

Waxaa waraku sheegeen in khasaaraha uu dabkaasi geystey ay dhantahay $8,000. waxaa hadda socda baarintaan la xiriirta wixii sababay dabkaas, waxaase saxaafada Minnesota ku tilmaameen mid shaki kujiro sidii uu dabkaasi ku bilaabmay.

<><><>

Luqada Soomaaliga oo lagu daray luqadaha mishiinada tigidhada mid kamida Tareenada Minneapolis

Wararka kale ee Minnesota waxaa kamid ah in dood muddo socotey oo la xiriirta luqada lagu darayo luqadaha tigidhada tareen maraya halka lagu magcaabo HIAWATHA oo ka tirsan Minneapolis ayaa kusoo gabagaboobey in luqada Soomaaliga.

Waxaa mishiinadaas lagu darayaa cod iyo qoraal afSoomaali ah.

 http://www.twincities.com/mld/twincities/news/local/4719383.htm 

Maxaa warkaan hadda kusoo kordhay....Guji

Wararka Soomaalida oo Ingiriisi ah... Guji 

Warbixinadii hore ee Soomaalida NewZealand: ka akhri halkan http://somalitalk.com/newzealand/ 

Qaali dowladda dhexe ee mareykanka ah oo diiday in soomaalida la tarxiilo: war lagu farxo ayeey shalay ka dhawaajisay qareen dowlada dhexe (federal) ka socota oo ah inaan la tarxiili karin GUJI  12/12 

I  I  D  H  E  H

 

Gudiyada Dib u Heshiisiinta oo Shaqa Joojin Sameeyey
Ilaa iyo shalay ayaan xarumihii ay gudiyada dib u heshiisiinta shirka Eldoret ka shaqaynayeen cidi soo xaadirin kaddib markii ay dhamaan. Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 12/12

"Dowlada Itoobiya oo Rabta Inay Shika Eldoret Burburiso"
Sidaas waxaa yiri Jaamac Cali Jaamac oo SomaliTalk u waramayey isagoo jooga magaalada Eldoret, Kenya.. Waraysigii oo dhan  [Fahad] 11/12

Bayaan ka soo baxay Qowmiyadda Banaadiriga
Eldoret 11/12/02: Qowmiyada Banaadiriga asagoo u diyaar ah wax ka qabashada dhibatada haysata Gobolkooda Banaadir sidii xal loogu heli laha loona  GUJI  11/12

Liiska Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah
»» Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 09/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD