SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE

= XARUNTA STOCKHOLM=

BAAQ KA SOO BAXAY U.H.G.J.HOOSE.

GUUSHA UU GAARAY URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE WAA GUUL AAN LA ILAABI KARIN, WAA GUUL AY GAAREEN DADKA GOBOLKA J/HOOSE.

KU: - DHAMMAAN DADWEYNHA GOBOLKA J/ HOOSE EE YURUB,AFRIKA, AASIYA, AUSTRALIA, KANADA IYO MAREEKANKABA.

Walaalayaal, Saaxiibayaal,

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Waxaan idin la socodsiinaynaa intii uu jiray Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose in uu ku hawlanaa hawlo aad iyo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin sidii loo soo celin lahaa midnimadii, wada noolaanshihii, wax wada qabsigii iyo is-xaqdhowrkii ka dhexeeyay dadweynaha wada dega Gobolka Jubbada Hoose ee la isku diray, loona kala qayb qaybiyay qabiil qabiil iyo koox koox ayadoo ay arrimahaasi ku adeeganaayaa kooxo isbahaystay oo dano gaar ah wata si ay ula wareegaan deegaan aysan lahayn.

Ururka, wuxuu shirar iyo wada hadalo la yeeshay waxgarad, aqoonyahanno iyo odayaal ka tirsan dadka wada dega deegaanka Waamo, waxaana la isku af gartay midaynta siyaasadda dadka dega Gobolka iyo in meel looga soo wada jeesto sidii loo la dagaalami lahaa kooxaha isku diraaya dadka walaalaha ah ee ku wada nool Gobolka Jubbada Hoose.

Ururka, wuxuu awood u yeeshay isagoo kaashanaaya xubnaha ururka ka tirsan in uu dalka Kenya u dirsado Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda ee Ururka ( Khadro Bulxan ) si ay shirar iyo wada hadalo ula yeelato wax garadka, odayaasha, culumaa'udiinta, aqoonyahannada, haweenka iyo dhalinyarada Gobolka Jubbada Hoose ee ku nool dalka Keenya. Shirarkaasi waxay ka soo hoyisay guulo waaweeyn oo ay ka midyihiin sidii loo mideyn lahaa siyaasadda iyo cududda dadka Gobolka u wada dhashay.

Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose, wuxuu awood u yeeshay in uu ergay gaar ah u dirsado shirka Eldoret ee lagu heshiisiinaayo Soomaalida, laguna soo dhisaayo qaran Soomaaliyeed haddii Alle idmo. Ururku wuxuu dirsaday Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda, waxayna marka hore dadka shirka ka soo qayb galay u cadaysay ujeedada Ururka Horumarinta loo dhisay iyo in marka hore inta aan lagu dhaqaaqin dhisme qaran Soomaaliyeed loo baahan yahay in wax loo qabto dadka dulman ama deegaanadooda la boobay isla markaana loo soo celiyo dadka guryahooda laga dhacay ee ku nool xeryaha qoxootiga. Wakiilka ururka ee uga qayb galay shirka Eldoret, waxay doorweyn ka qaadatay soo bandhigidda dhibaatada haysata dadka iyo deegaanka Gobolka Jubbada Hoose, waxay xoogasaartay isu soo ururrrinta, wada hadshiinta, isu soo dhaweynta dadka Gobolka Jubbada Hoose ee ka soo qayb galay shirka Eldoret si ay qadiyadda deegaankooda meel qura uga soo wada jeestaan una yeeshaan siyaasad mideysan iyo in aan marnaba heshiis koox lala yeelan inta xoog lagu haysto deegaanka Waamo iyo in la cambaareeyo cid kasta oo heshiis la gasha kooxaha xoogga ku haysta Gobolka Jubbada Hoose.

Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose iyo dhammaan xubnihiisa ka tirsan waxaa u soo hoyatay guul aan la soo koobi karin intii uu dhisnaa waana guul ay ku faani karaan dadka Gobolka u wada dhashay. Ururka Horumarinta, waa urur kulminaaya dhammaan dadweynaha ku wada nool Gobolka. Barnaamijka uu ku dhisan yahay ururka waaxaa ka mid ah mideynta dadka Gobolka ku nool siyaasadooda, cududooda iyo aaya ka talintoodaba. Ururkani kuma dhisna qaab qabiili ah ama kooxaysi ah ee wuxuu ku dhisan yahay qaab deegaaneed oo cid kasta oo u dhalatay Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid noqon kara sida aad hore ugu aragteen liiska xubnaha Golaha Fulinta Ururka ee lagu soo dhisay dalka Holland 2002.

Ururka, wuxuu idinla socodsiinaayaa sannadka soo socda ee 2003 shirweynihiisa in lagu qaban doono dalka Kanada hadii Alle idmo. Halkaasoo ay nagu soo dhaweyn doonaan xubnaha ururka ee deggan dalka Kanada.

Ururka, wuxuu cambaarayn u soo jeedinaayaa isbahaysiga xoogga ku haysta Gobolka Jubbada Hoose ee duudsiya xaqooda dadka ku dhashay Gobolka. Waxay kaloo cambaaraynaayaa cid kastoo heshiis xaaraan ah la gasha Isbahaysiga boobka, dhaca, kufsiga, dilka iyo barakicinta ku haya dadka Gobolka Jubbada Hoose.

Ururku, wuxuu ku baaqayaa in maamulka siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo horumarinta Gobolka Juubbbada Hoose loo daayo dadka u dhashay.

Ururka, wuxuu ugu baaqayaa dadka Gobolka Jubbada Hoose wada dega in aan loo kala harin wax u qabashada dadka iyo deegaanka Gobolka Jubbada Hoose iyo in la iska ilaaliyo dadka isku diraaya dadka wada dega deegaanka Waamo.

Wa bilaahi towfiiq.

uhgjhoose@hotmail.com  =MAXAMED MUUSE CABDI"Jabros"=

GUDOOMIYAHA URURKA H.G.J/HOOSE

QORAALADII HORE EE H.G.J.HOOSE

I  I  D  H  E  H

  

-dhammaad-

December 30, 2002 

Munaasabadii xil wareejinta kenya siday u dhacday?
Madaxweynaha Cusub Mwai kibaki oo la dhaariyey GUJI... 
»»Isu soo bixii dadweynaha ee Uhuru Park.. GUJI...
»»Taariikh kooban ee Madaxweynaha Cusub GUJI.... 30/12

Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Minnesota
 waxaa Minneapolis lagu qabtay shir ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Ardada Somaliyeed ee Minnesota, kaas oo... GUJI 29/12

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD