SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ARAGTI
KENYA WAXAY KA GUDUBTAY NIDAAMKII HALKA XISBI WAXAYNA U GUDUBTAY SIYAASADA XISBIYADA BADAN OO KU SALEYSAN DIMOQRADI.

WQ. CANAB MOHOMUD ABDULLE.

kanya waxay ka mid tahay dalalka qaarada afrika, ee uu isticmaarku gumnaysan jiray,waxayna xornimadeeda heshay sadex sano kadib markay somalia xornimada qaadatay oo ah 1963,

waxay heysataa kenya dhul iyo dad somali ah oo doorashada uga qeybgalay iyagoo kenyan ah.kuna jira barlamanka iyo D/hoose.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

dadka kenya waxaa lagu qiyaasaa illaa 30.milyan waana dal faqri ah.

hadaba dalka kenya oo mudo ku dhaw rubuc qarni uu xukumyay xisbiga KANU ayaa haatan u gudbay marxalad cusub oo ah mida xisbiyada badan.

madaxweynihii ka tirsanaa xisbiga KANU ee moi ayaa ogolaaday sanadkii 1991.kii in xisbayda mucaaradku u tartami karaan doorashada dalka.waxayn awood u siisay mucaradku inuu doorashada u soo istaago sanadkii 1992 oo madaxweynenimada u tartamayay ninka hada sida weyn ugu guuleystay ee mwai kibaki balse aan ku guuleysan,sidoo kale tii 1995 kuma guuleysan oo xiligaa waxaa sharaxnaa moi.

balse maanta waxaa mucaaradka la tartamayay wiil uu dhalay aasaasihii xoriyada kenya jomo kenyatta.oo lagu magacaabo uhuru kenyatta.

xiligaa waxii ka dambeeyay mucaaradku waxay wadeen olole balaran oo ay ku kasbanayaan dadweynaha reer kenya iyagoo ka dhaadhicinayay in dalku uu u baahan yahay is badal siyaadaseed sidaas darteena ay lagama maarmaan tahay in la arko bal natiijada uu la yimaado mucaaradku.

illaa in ka badan 13 xisbi mucaarad ayaa ku midoobay dalada NATIONAL RAIBOW COALITION.(NARC)

waxayna isku bahaysteen in ay xukunka la wareegaan waxaana xisbiga kanu ka soo baxay ruug cadaa siyaasadeeyo badan oo la midoobay xisbiga narc.

waxayna wadeen dadaal dheeri oo ah ay uga soo horjedeen xisbigaa kanu inuusan markale talada sii wadin,nasiib wanaagna waa ay u rumoday riyadoodi oo waxaa doorashadan ku soo baxay mwia kibaki oo helay 64% tanina waxay ku tusineysaa bisaylka shacabka kenya ay u qabaan isbadalka siyaasadeed iyo waliba in muwaadin walba xaq u leeyahay codkiisa inuu siin karo cidii doono taasina waa dimoqradiyada oo gaartay meel wacan iyo in siyaasadu aanay ahayn dagaal ee ay tahay in shacabka lagu kasbado si nabad.

Mwia kibaki waxaa maanta lagu dhaariyay uhuru park waxaana iskugu yimid dad weyne aad u tira badnaa watayna sawirada madaxweynahay cusub ee sadexad soona mara kenya isgoo ah mucaarad oo aan kanu ahayn waxaa joogay joobtaa dhaarta madaxweynaha xilka ka dagayay ee moi sidoo waxaa ka soo qeybgalay dhaartasi madx kala socotay wadamada qaarada afrika.waxayna u rajeeyeen madaxweyne kibaki inuu xilkiisa si nabad ah u guto.

Madaxweyne kibaki waa nin dhawac ah wali waayo waxa uu shil galay bishan horaantedi waxaana hada lagu wadaa gaariga dadka xanuunsan ma istaagi karo balse mudo kadib waxa uuku socon doona lugahiisa sida ay sheegeen dhaqtaradiisa gaarka ahi.

ugu dambaytii waxaa amaan mudan shacabka kenya oo u muujiyay taageeradooda iyo cida ay doonayaan si xor ah.

waxaan aad ugu sii jeclaan lahaa inan arko dalka somalia oo ah sidan oo kale waayo somalia waxaa xabsi ku haystay rajiimki (barre) oo aan ogolaan jirin in xisbigiisa ma ahane uu xisbi kale abuurmo iskaba daa xisbi ee waxa uu surka u dhereyn jiray ciduu ka arko inay dhaqdhaqaaq wado,waxyaabihii ka dhashay ayaana maanta na haysta.

ILLAAHAY DHIBKA HAKA SAARO UMMDEENA NABADNA ALLAH HANA SIIYO MEEL WALBA OO AY SOMALI JOOGTO AAMIIN............

CANAB MOHOMUD ABDULLE.

canabmumtaz@hotmail.com

 Qoraaladii hore ee Canab

Dec 30, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

<><><>

I  I  D  H  E  H

 

Munaasabadii xil wareejinta kenya siday u dhacday?
Madaxweynaha Cusub Mwai kibaki oo la dhaariyey GUJI... 
»»Isu soo bixii dadweynaha ee Uhuru Park.. GUJI...
»»Taariikh kooban ee Madaxweynaha Cusub GUJI.... 30/12

 

Codbixinta Nairobi iyo Kaalinta Soomaalida
waxaa soomaalida ku dhaqan xaafadda islii, Nairobi, la  hadlay Mr Uhuru Kenyatta oo ah musharaxa doorashada madaxwaynanimada xisbiga KANU ... GUJI...  24/12

Xiriir Caynkeeyaa u Dhaxayn jiray SSDF & SNM? 
Jawaabta ka akhri qaybtii 1aad ee faaladii XagarYare  GUJI... 24/12 

WARARKA KALE EE DECEMBER -GUJI

 

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
SUUQ WEYNAHA ALKARAMA
Waa suuq Soomaaliyeed oo ku yaal xaafada Cedar ee Magaalada Minneapolis, GUJI...

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD