SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - KENYA
Waraysi Jaamac Cali Jaamac

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | editor@somalitalk.com | Dec 10, 2002

fahd.jpg (58328 bytes)Intii aan booqashada halka maalin ah ku joogay Eldoret waxaa ii suura gashay inaan waraysto Jaamac Cali Jaamac oo aan sii codsaday intii aanan ka tagi Neyrobi anigoo usii marayey C/Shakuur Cali Mire "Galeri".

Waraysigan oo ah mid taabanaya arimo ay ka mid yihiin aragtidiisa shirka Eldoret, intii uu joogay Puntlaind, xiriirka uu la leeyahay ururka Al-itaxaad, waxa uu ka qabo in Soomaaliya ay joogaan ururo argagixiso ah, xiriirka u dhaxeeya isaga iyo dowlada Itoobiya, iyo arimo kale oo muhim ah.

Waraysigiina wuxuu u dhacay sidatan.

 
Hoos Akhri

   
Somalitalk.com: sideed u aragtaa shirka dib uheshiisiinta Soomaalida ee hadda ka socda Eldoret?.

Jamac Cali Jamac: Bismilaahi Raxmaan Raxiim, shirku waa fursad umadda Soomaaliyeed soo martay, kana mid ah fursadaha ugu dahabsan, waxaanna rajeynayaa in himillada umadda Soomaaliyeed oo ah iney helaan dawlad dhibaatooyinkii 12.kii Sano haysatay ilaahay uga dulqaado.

Somalitalk.com: ma isleedahay waa najaxayaa shirkan oo dowlad Soomaaliyeed baa ka dhalan doonta halkan?.

"IGAD waxay u muuqdaan in aysan dhexddhexaad  ahan, shirkuna (Eldoret) wuxuu u muuqdaa mid sii liicaya" ......

.... "aan waliba afka ku balaarshee dowlada Itoobiya oo rabta in shirku burburo...." Jamac Cali jaamac

Jamac C.Jamac: saansaanta uu hadda ku socdo aad iyo aad baan uga shakisanahay, sababta ugu weynna waxaa weeye dadka shirka gacanta ku haya ee gudiga farsadama IGAD, ayaan u muuqan gudi dhexdhexaad ah, ilaa hadda dhibaatooyin tira badan ayaa dadka la soo gudboonaaday, waxaana loo laqayey in lagu gudbo si loo gaaro himilooyin ladoonaayey, walow ayaamahakan danbe aad iigu dhalanayey awalna warsaxaafadeed an sii daayey 18-10-02. kuna cadeeyey in gudiga farsamada aanay dhexdhexaad ka ahayn shirka, marka shirku wuxuu u muuqdaa mid siiliicaya.

Somalitalk.com: cidda aad ka shaki qabto ee aad leedahay wey leecinayaan shirka waa qolama?.

Jamac C.Jamac: hogaanka shirka waxaa gacanta ku haya dowladaha la yiraahdo safka hore, ee Jabuuti, Kenya, iyo Itoobiya,dowladahaas iyo xoghaynta IGAD ayaa shirka wada, horayna waan u qoray in shirka laga wareejiyo maamulka shirka IGAD oo lagu wareejiyo U.N.ka, aragtidaana waxaan qoray 28-10-02. oo aan ku qoray Joornaalka Standard ee Neyrobi ka soo baxa, fikaradii aan sheegay si caddaan ah ayey u soo baxaysaa, waxay doonayaan aan waliba afka ku balaarshee dowlada Itoobiya oo rabta in shirku burburo ama waxay rabto inuu ka soo baxo, labada dowladood ee kale intii tabartooda ah iney dhexdhexad noqdaan ayey doonayaan, waxaadse moodaa arintu iney farahooda ka baxayday.

Somalitalk.com: waxaad sheegtay in Itoobiya marka laga reebo ay labada kale dhexdhaxaad ka yihiin shirka, waxanna la soconnaa in ciidanka kenya ay inta kuu yimaadeen damceen inay shirka kaa saaraan, marka iyadoo ay saas dhacday miyaad leedahay waa dhexdhexaad.

Jamac C.Jamac: inkastoo ay sidaa tahay oo ciidanka nabad-sugida Kenya aan anigu caalamad gaara u leeyahay, hadana waxaan qabaa in dowladda Kenya ay tahay dhexdhexaad, shakhsiyaadka shirka gacanta ku haya waa rin kale.

Somalitalk.com: hadaan u soo noqonno arimaha Puntiland oo khilaafka adiga iyo C/Laahi idiin dhexeeya saameyn ku yeeshay shirkan, hadaba seed u aragtaa dadka leh Jamac C.Jamac milatari ahaan waa looga adkaaday Puntlaind, hadana siyaasad ahaan waa loo adkaaday?.

Jamac C.Jamac. dadku xaq bey u leeyihiin fikirkooda waxay rabaanna waa qabi karaan, waxaase jira inaan wali hawl wadno, Soomaaliduna waxay tiraahdaa "Nin ciil qaba lagama adkaan" mid ciidan marnaba iskuma dayin hadana isku taxalujin maayo, mid siyaasadeedna waxaan qabaa C/Laahi qorshihiisu wuxuu ahaa in looga sacbiyo halakan oo Madaxweyne Soomaaliyeed laga dhigo, waxaan kuu sheegayaa annagoo rag badan la kaashanay taas inaan kala tuurnay, hadda C/Laahi Yuusuf maanta uu Adibababa ku sugan yahay siduu u heli lahaa taageero, colaad ciidan oo kaga furan dalka gudihiisa awgeed,

Somalitalk.com: colaadda ciidan ee kaga furan dalka gudihiisa ma adigaa wada?

Jamac C.Jamac: dadka R/Puntlaind iyagaa garanaaya wixii dantooda ah, dad badan oo caburin lagu hayo ayaa jira, umaduna markay taasoo kale timaado waxaa iska dhaca kacdoon wax la yiraahdo oo dadbaa xaq darro loo xirxiray, qaarbaa hantidoodii la dhacay, oo dadbaa laga kansalay shatiyadoodii oo lagu yiri dadkale u hoos fariista ganacsigiinna. Taasoo kalana astaan bey u noqoneysaa in dadku ka gilgisho.

Somalitalk.com: waxay dad badi qabaan in xilligii aad fadhiday Boosaaso wax badan oo loo baahnaa inaad qabato aadan qaban, taasoo keentay in laguugu xanto nin jiljilicsan, xantaas adigu ma iska rumeysan tahay?.

Jamac C.Jamac: qaabkan jileeca ah waa laba nooc, dadku hadduu maamul hayo inuu dadkiisa u jilicsanaado waa wax xaq ah, waxna nidaam bey ku socdaan, waxna nidaam darro bey ku socdaan, haddii eeddu tahay nidaam darradii maxaa loo wadi waayey dee mawadi karin oo anigu waxaan aaminsanahay qaab iyo nidaam in wax lagu wado, meeshan annagu waxaan ka wadnay maamul Dimuqraadi oo leh xisaabtan cad, mudadii aan joonayna waa yarayd, ninkastoo aadamiyana nin dhan majiro, dhaliillna wuu yeelan karaa, in la idhaaliilana waxba kama qabo.

Somalitalk.com: shirka hada qaab qabiil baa wax lagu qaybsanayaa, waliba fikradaas adinka G.8.ah ayaa lahaa, ma ku qanacsan tahay adigu?.

Jamac C.Jamac. mabda’iyan waan ku qanacsanahay waana midka qura ee aan isleeyahay dadka badankiisa si garsoor ah ayey ku gaari karaan, waxaase nasiib darro ah saan horayba kuugu sheegay dadkii kamid ahaa gudiga farsamada ayaan marnaba ogolayn in umada Soomaaliyeed ay marnaba u madaxbanaa-naadaan arimahooda oo wixii ay qabsan karaan ay qabsadaan, laakiin waa mid aan loo ogolayn hadana liisas badan oo kala duwan ayaa loo geeyey, oo kuwii iyagu sida gaarka ah ulahaayeen ayey kala baxayaan oo ah kuwa gacansaarka laleh, dadka kalana liiskooda waa la tuurayaa.

Somalitalk.com: waxaad tahay ruug-caddaa siyaasi ah, dowlada Itoobiyana colaad shakhsi ah ayey kuu haysaa, marka ma fakartay in aad la heshiiso oo aad saaxiib u noqoto Itoobiya?.

Jamac C.Jamac: siyaasadu malahan saaxiib joogto ah ee dan joogta ah ayey leedahay, mana qabo in dowlada Itoobiya iney aniga colaad gaara ii hayso, waa shakhsiyaad si gaara loo maamushay, iyadana waxaan isleeyahay wakhtigoodii waa iska soo dhamaanayaa.

Somalitalk.com: Col. C/Laahi Yuusuf waxa uu inbadan ku celceliyaa in Puntlaind ay joogaan ururo argagixiso ah sida Al-itaxaad ama xitaa Al-qaacida, adigu intaad joogtay amaba hadda aad ka warhayso maku ogtahay ururo argagixiso ah dhulalkaas?.

Jamac C.Jamac: Soomaaliya qaacida ma joogto ururuka Itaxaad la yiraahdo waa ka jiri jireen dhulkaas, maanta raggii Itaxaadka ahaa ee C/Laahi ay isku jifada yihiin usagay la safan yihiin, haddii kuwaas lasafan ay yihiin kuwa argagixisada ah dee argagixisada qura ee annagu aan ku naqaan Puntlaind waa C/Laahi Yuusuf.

Somalitalk.com: oo waxaaba la leeyahay Jamac isagaa Itaxaadka ka tirsan oo xitaa waagii aad u tartameysay doorasha Madaxtinimada Puntlaind iney Itaxaadku weyba ka qayb qaateen Kanbeynkii aad waday?.

Waraysigii Maxamad Abshir Walde ee VOA

22 Nov 2001 Dhegeyso.Waraysiga | Read.English.Version | Af.Soomaali 

Jamac C.Jamac: haddaan soo qaato waraysigii uu Maxamed Abshir Weldo ka sii daayey Idacada Codka Maraykanka, waxaas ayuu ka sheegay hase yeeshee cid allaala ciddii Soomaali ah oo wanaag doon ah gacansaar ban la yeelanayaa, hadduu ninku Itaxaad yahay oo wadani dalkiisa wanaagiisa doonayo yahay waan la yeelanayaa mucaamil waana ku faraxsanahay, hadda maba heline haddii aan heli lahaana maqsuud baan ku ahaan lahaa.

Somalitalk.com: miyaadan markaa ka baqayn dawladaha u aqoonsan Itaxaadka iney argagiso yihiin sida Maraykaka oo kale?.

Jamac C.Jamac: wax allaala waxa aduunka ka dhacaya horta ilaahbaa sababteeda leh, cid aan anigu uga baqaayana majirto mabda’ayga, aragtideyda iyo waxa saxda ila ah, hebal baa itaxaada oo Maraykanka ayaa kugu jeclaanayee dhaleecee mabda’ayga ma’ahan, qof aadamiya oo aan xaqdarro ku maagaayaana majirto, qofku hadduu wanaag kugula muuqdo oo uu Soomaali yahayna waan la dhaqmayaa waana la shaqaynayaa, ciddii igu jeclaaneysa diyaar baan ula’ahay kuwii igu necbeysanayana diyaar baan ula’ahay.

Somalitalk.com: hadaan su’aal guud ku weydiiyo Soomaali Laba iyo toban (12) sano ayey dowlad la’aan tahay, hadana shirbaad u fadhidaan, marka sideed u aragtaa in dawlad lagu heli karo.

Jamac C.Jamac: Soomaali dhibaato weyn baa mudadaas 12ka sano ah soo martay mana’ahan wax ay iyagu jecelyihiin inay sidaa noqoto ee dowlado badan baa ku hawlan iney Soomaali ayan dowlad ka dhalan, dowladaha qaarna waxay ku hawlan yihiin iney Soomaali saan ahaato, Soomaliduna waa iney iska aragto sidii ay uga gudbi lahaayeen arintan, waana in la isugu tagaa aragti siyaasadeed oo aan qabiil ku dhisneyn oo ku dhisan mabda’ Soomaalinimo, waana in dadka aragtidaa qaba ay is raadsadaan, shirka halakan ka socdana arimo nuucaasoo kala ah waan ka bilownay meel wanaagsanna wa marayaan, sida kooxda G.8. halkan bey ku dhalatay dad Soomaaliyeed oo isu yimid weeye, waxayna ka dhiidhiyeen dadka shirkan jooga ee ka wakiilka ah danaha Itoobiya sidii ay uga hor tagi lahaayeen, oo sidaan horay usheegay leh shirkan sidaan dooneyno ha usocdo ama ha burburo,

Somalitalk.com: dadka Soomaaliyeed ee akhrisan doona waraysigaagan maxaa fariin ah oo aad u tabin lahayd?.

Jamac C.Jamac: Soomaalida meel kasta hajoogtee waxaan akhristayaasha u tabin lahaa iney dareemaan in halis weyni ay Soomaalida soo food saartay iyo iney dareekooda ku jiheeyaan sidii Soomaali la isugu keeni lahaa, waana in la sameeyo urur siyaasadeed oo ku dhisan mabda’ si looga gudbo ururada qabiilka. Tan kale wax garadka dibadaha ku maqan iney ku soo noqdaan dalkooda si ay walaalahood gacan u siiyaan, si dhibaatooyinka jira looga gudbi lahaa.

I  I  D  H  E  H

W/waraystay:

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com 

. Waraysigii Fahad ee Caydiid... 

. Waraysigii Fahad ee Qanyare...

. Waraysigii Fahad ee C/Qaasim...

 

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

 "C/Qaasim wuxuu ku fiicnaan lahaa inuu Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo xilli ay Dawlad horay u jirtay ee ma’ahan Ninkii hadda" Fahad yaasiin.. Guji

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD