SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  Salmaan Rushdie oo difaacay Ayaan Xersi Cali

Ayaan waa 32 jir Soomaaliyeed oo dhowaan u gaftey Diinta Islaamka

Nov 27, 2002 

I  I  D  H  E  H

Salmaan Rushdie ayaa inta cid kale ku aamini waayey go'aansaday inuu isaguba codkiisa kor u qaado oo uu difaaco Gabar soomaaliyeed oo la yiraahdo Ayaan Xersi Cali oo la sheegay ineey diinta islaamka u gaftay.

Maqaal dheer uu Mr Rushdie maanta ku soo qoray wargeyska New York Times ee sida aadka ah loo aqristo ayuu ku sheegay in caalamka islaamka eey ku soo badanayaan wuxuu ugu yeeray " Salamaan Rushdiyada " isagoo kale ah.

wuxuu ku andocooday Mr Rushdie in eeysan Ayaan xersi diinta u gafina eey sheegtay in ragga muslimka ahi caburiyaan dumarka muslimiinta ah, taas oo ah mid xaqiiqda ka fog, sida lawada ogsoon yahayna Ayaan wexeey diinta islaamka ku sheegtay mid " danbeysa" oo aan hore u socon.

Mr Rushdie wuxuu sidoo kale sheegay ineey soo badanayaan " Salmaan Rushdiyada caalamka islaamka" wuxuuna Tusaale u soo qaatay Professor-ka reer Iran ee dhawaantan dilka lagu xukmiyey, deedna Wadaadka ugu sareeya Iran Ayatullahi Khumaini uu oggolaaday in xukunkaas maxkamaddu dib u eegto, waa ninka La yiraahdo Prof. Hashem Aghajari oo khudbad uu ka jeedinayey magaalo Iran ku taala ku dhaleeceeyey " in si indha la'aan ah loo taageero wadaadada reer Iran " hadalkaas oo uu Professor-ku diiday inuu ka cudurdaarto, ha yeeshee boqolaal arday ahi eey mudaahaardyo ku asqeeyeen waddooyin Tehran eey ku dalbanayaan inaan Prof. ladilin, Amnesty International & dowladda mareykankuba weey dhaleeceeyaan xukunkaas.

Aghajari
Prof Aghajari
rushdi
Salman Rushdie
Mr Rushdie wuxuu leeyahay " waddanka Iran waxaabad dil ku muteysan kartaa inaad Mullahyada ama wadaadada afkaaga ku taagto, halka meelaha kale laguu sugayo intaad nabiga & diinta ka aflagaadeyneyso" wuxuuna Tusaale wanaagsan u soo qaatay saxafiyadda Reer Nigeria oo toddobaadkii hore qas & bulaan ka abuurtay dhamaan daafaha Nigeria kagadaal markii eey wargeyska (this day) ee magaalada Kaduna ku qortay " in hadii uu nabi muxammad (scw) uu noolaan lahaa uu gabar qurux badan kala dhex bixi lahaa gabdhaha u tartameyey quruxda adduunka ee joogay Nigeria ! arrintan oo sababtay in dhiigeeda la baneeysto, isla markaana eey Mareykanka u soo qaxdo, sida Ayaan-ba meel aan la cayimin ugu qaxday .

si kastaba ha ahaatee tartankii quruxda dunida ee lagu waday inuu Nigeria ka dhoco ayaa isaga oo dhanba loo soo qixiyey Magaalada London ee waddanka Ingiriiska ammaan xumo awgeed, suxufiyadan Christian-ka ah oo la yiraahdo Isioma Daniel ayaa meel adag soo taagtay madaxweynaha eey isku diinta yihiin ee Nigeria Mr Obesanjo. 


Ayaan Xersi Cali 

Dhanka Ayaan Xersi Cali hadii aan u soo laabto, tobaneeyo qof oo soomaali ah ayaa e-mail eey gabadhan ku aflagaadaynayaan ii soo gudbiyey markii eey aqriyeen maqaalkii hore een aan ka soo turjumay isla New York Times, runtii fursad umaanan helin inaan ka wada jaabo dhamaan qoraaladaas, ha yeeshee wexeey aniga ila tahay inaan xushmeyno qofka siduu rabo inuu u noolaado iyo diinta uu rabo inuu qaato, cidna diinta in lagu khasbo anigu waan ka soo horjeedaa, aflagaado Ayaan Xersi loogeystana wanaag sooma ziyaadineyso.
Qurbo Laguma Waaree Nolashaada Dabaqabo ...GABAY loo tiriyey Ayaan 

Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11


 Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida 
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11 [C/raxman Ceynte]


Rev. Jerry Falwell oo ku sheegay inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato).  GUJI 0ct/7 [wardheere]


Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI

»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI

»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI

»»  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI 

Mr Rushdie- ayaa lagu wadaa inuu sii ziyaadiyey dhibaatada eey horey ugu jireen Prof Aghajari, Suxufiyad Isioma Daneil & Ayaan Xersi, maqaalkan uu maanta qoray awgiis.

ugu danbeyntii Mr Rushdie ayeey maqaalkiisaan cusubi ka muuqatay dhowr qodob:

inuu aad ugu faraxsanayahay cadadka shaqsiyaadka soo koroya ee islaamka iyo muslimiinta ku xadgudbaya

Fariin uu u dirayo caalamka islaamka oo oraneysa " wixii aan 14 sano kahor sheegayey ayaa imminka soo ifbaxay

Mr Rushdie ayaa si jeesjees leh ugu soo gunaanaday maqaalkiisa" muslimiinta ku nool galbeedkana weey isaga aamuseen arrimahan, hadii eey ka soo horjeedaanse meey hadlaan..? " wuxuuna ku dhameeyey " hadii aad qeylineysaan, idinma maqlo "

Waxaa isku soo duba riday

C/raxman Ceynte

St.paul. MN

ceyntejournalist@attbi.com 

ISHA: http://www.nytimes.com/2002/11/27/opinion/27RUSH.html 

Nov 27, 2002

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

DOOD.FURAN | CHAT

Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11 

Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida 
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11 

ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD