SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Baarlamaanka KMG ah oo uu Shalay u furmay kalfadhigii 5-aad , min $1000 Doolar oo loo qaybiyay xildhibaan walba.

Warbixin: SomaliTalk Mogadishu Weekly | April 29, 2003
KAAH

Kalfadhigii 5-aad ee golaha Baarlimaanka KMG ah, ayaa shalay ka furmay xarunta Baarlimaanka ee magaalada Muqdisho, xildhibaanada shalay soo xaadiray madasha, ayaa waxay gaarayeen ilaa 165 xildhibaan taas oo ansaxinaysa inuu qabsoomi karo kalfadhiga goluhu, marka loo eego Axdiga KMG ah, waxaana kalfadhigan 5-aad furay sidii caadadu ahaydba madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, oo halkaas hadal ka jeediyay.

Xildhibaanda ayaa shalay loo qaybiyay lacag dhan 1000 Doolar midkiiba, oo loo siiyay inay isaga bixiyaan daymankii ay galeen xildhibaandu mudadii ay ka maqnayd gunnooyinkii ay horey u qaaan jireen, wajiyada xildhibaanda waxaa shalay ka muuqday farxad iyo rayn rayn iyadoo C/qaasim lagu soo dhoweeyey sacab.

C/qaasim waxa uu xildhibaanada ka codsaday in ay guda galaan hawshooda, si ay caddaalad iyo hufnaani ku dhisan tahay, wuxuuna ka hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay maamul u samaynta gobolka Benaadir iyo shirka Mpegathi, isagoo sheegay in shirka Mpegathi haatan ka socdo uu qaatay muddo dheer isla markaana uusan u muuqan mid mira dhal ah, isagoo sheegay inuu ergay gaar ah u diri doono Mr. Kipligath oo dawladda KMG ahi ay codsan doonto in shirka loo hakiyo asbuuc, si TNG-du u yeelato wada tashi ayuu yiri C/qaasim, mar uu soo hadal qaaday arimaha gobolka Benaadir, wuxuu sheegay in gobolka loo samayn doono maamul ka madax bannaan dawladda KMG ah.

Tacsi: Marxuum Nabaddoon C/hi Soofe Maxamuud-Gaani

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Waxaan halkan tacsi uga diraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Nabaddoon Cabdullaahi Soofe Maxamuud-Gaani oo xalay oo bishu ahayd 29/04/03 ku geeriyooday Magaalada Gaalkacyo, Gobolka Mudug, Soomaaliya. Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu in geeyo Jannada Fordowsa, ehelkii iyo qaraabadii uga dhintayna samir iyo Iimaan ka siiyo. Amiin aamiin aamiin.

Qore: cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha Baarlimaanka dawladda KMG ah ayaa shalay isna ka hadlay kalfadhiga 5-aad ee u furmay golaha Baarlimaanka KMG ah, waxa uuna sheegay inuu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, lana doonayo in isaga xilka looga qaado, wuxuu kaloo Deeroow xusay, inuusan wax war ah ka hayn xildhibaanda loo dhaariyay inay bedelaan kuwii xilka laga qaaday.

In dhowaalaba waxaa jiray khilaaf kobocsan oo soo kala dhex galay mas'uuliyiinta ugu sarraysa dawladda Carta, kaas oo isu bedelay haatan in mid walba uu xilka ka qaado golayaasha TNG-da, iyadoo uu horey Xasan Abshir Ra'iisul wassaaraha dawladda KMG ahi, uu xilka uga qaaday wasiirka maaliyadda Xuseen Maxamed Shiikh Xuseen, taas oo C/qaasimna diiday, sidoo kale C/qaasim ayaa isna eryay xubno ka tirsan golaha wassiirada, waxayna u muuqataa in Ku Meel Gaarku ay gabagabada waqtigooga oo haatanba gabaabsi ah uga faa'iidaysanayaan kordhinta ismaandhaafka ka dhexeeya. 


 I   I  D  H  E  H Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu

SomaliTalk Mogadishu Weekly 

SOMALITALK.COM | April 29, 2003

Dhoobley oo lagu diley Saddex Walaalo ah
7 qof ayaa ku dhintay falal dil ah oo si gaar-gaar ah uga kala dhacay Dhoobley, Muqdisha iyo degmada Lafoole... GUJI..  28/4

Shaqadii Gudiyada Shirka Soomaalida oo 5 kamid ah oo loosoo gudbiyay Kiplagat
Marka laga reebo gudiga axdiga ee arimaha dastuurka inta kale waa ay gudbiyeen qoraaladoodii oo haatan loo xilsaaray gudiga Iswaafajinta. GUJI.  2/4/2003
axdi

KIPLAGAT OO HOGAAMIYAYAASHA SOOMAALIYEED UGU BAAQAY SHIR DEGDEG AH OO LAQABANAYO 18ka MAARSO
Shirkaas qododbada looga hadli doono waxaa kamid ah: Qaab shismeedka dawladda Soomaaliyeed iyo sida loo fulinayoI.. GUJI. 15/3

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI  

I  I  D  H  E  H

Gen. Maxamed Abshir Muuse oo Laga Yaabo in uu Sii Joogo Maraykanka 
Gen. Abshir ayaa markii uu tegey xafiiska INS si loogu cusboonaysiiyo sharciga kumeel gaarka ah ee uu ku joogey USA ayaa waxaa loo sheegay in uu INS-ta tuso Visa, Baasaboor iyo tigidhkii uu Maraykanka kaga bixi lahaa, laakiin.. GUJI... 8/3

DKG oo Dugsi Hoose/Dhexe Kadhigeysa Goob Ganacsi 
Waxaa Dugsigii Xamar Jadiid laga dhigayaa goob ganacsi sida ku cad wareegto kasoo baxday DKG, arintaas oo.. GUJI 7/3

WAR-BIXIN KU SAABSAN SHIRKA NAIROBI
Qaar ka mid ah ergada DKG ayaa si toos ah ugu soo xerooday madasha loogu talo galay inuu shirka Soomaalidu ka socdo... warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 6/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD