|
ISBARASHO WACAN !
Amuurta Soomaaliya ayaa iminka maraysa meel
aad u yaab leh, qof kasta oo si qotodheer ugu fiirsada argagax iyo la yaab
galinaysa. Soomaali land iyo Punt land waxaa ka dhacay in dad Soomaaliyeed
shisheeye loo dhiibo wixii ka danbeeyay bilowgii dagaalkii argagixisada
kolkii Amerika ku dhawaaqday. Ayagoo labada maamulba ay doonayaan in ay ka
mid noqdaan isbahaysiga la dagaalanka arga gixisada ujeedo kastaba ha ka
lahaadeene, mid dhaqaale, aqoonsi ama kasbasho nooc taageero.
Taas waxaad moodaa in dadka qaarna u
riyaaqeen qolana fajac iyo filan waa ay ku noqotay. Halkaa waxaa si
markhaati madoontaa uga cadaatay in dagaalkii loo galay tuuridii xukunkii
caskariga ahaa ninba meel uwaday oon hal ujeedo laga lahayn, qofkii awal
Soomaaliga aahaana noqday qabiil iyo abtirkii. ma waxaan mooganahay in
dadka loo dhoofinayo xabsiyada Adis-ababa ay ahaayeen kuwii shalay ku
jahaysnaa furashada dhul weynaha Waqooyi Galbeed? mise cid dagaaladii
geeska Afrika ka dhacayay moogbaa jirta? isbadal wixii lagu dagaalamay
xaliyaa miyaa dhacay?
Mafilayo qofka Soomaaliga ahi in uu ka guul
gaaray, inaba ha yaraatee wax aayaa ama qurux ah ooy nolosha geeska Afrika
leedahay, balse waa mid sii duloobaya maalinba tay ka danbayso. Qanaacada
aan dhabta ahayn ee ay reer Waqooyi iyo maamulka Garawe jilayaana masii
cimri dheera, ee miyaysan ku habonayn in arrinta la qunyar socodsiiyo oo jidbada
qabiilka bal waxladhimo, markay dhabta tagto lama kala maarmee. Waa mid
baahi weyn looqabo in la ilaaliyo xaqa qofka Soomaaligaahi leeyahay bar
kasta oo uu kaga sugan yahay dhulka Soomaaliyeed.
Intaa kolkaan ergo Maamulada Waqooyi, Garawe
iyo Qab-qablayaasha koonfurta ku sugan ee ficilada noocan ah ku kacay.
Waxaan jeclaan lahaa in aan halkale ergo
ummada Soomaaliyeed anoo u noqonaya ciwaankii qormadan "ISBARASHO WACAN"
oo ahaa Eray xigmadeed uu yiri Alle ha u naxariistee Jaale Siyaad, kadib
burburkii qaran. Waa siduu sheegaye runtii waa lays bartay xaq iyo baadil
waa kala cadaaday, ninkii dan ummadeed waday iyo tiisa qunsade la kala
barey, tuug iyo wadani kala bexe, qaran iyo qabiil is qaadan waaye, dhagar
qabe iyo dhuuni la arag, maan gaab iyo mudane warkood helnay. shalayto iyo
macangagnimo waxbatari mayaan ee dib ha loogu noqdo barashada bal waxay
ummadani wadaagtro iyo halka masiirkeedu yahay.
ISBARASHO WACAN.
Ahmed H. Adan
adangurey@hotmail.com
Afeef: Argtida qoraalka waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003
sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|